Home » Warar »

Muqdisho: Mudaharadaad lagaga soo horjeedo Ciidamada AMISOM iyo DFKMG

Dibadbaxyo Lagu Taageerayo Dagaalada Ka Dhanka ah Ciidamada AMISOM iyo Weliba Dowlada FKMG Oo Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya:

Banaanbaxyo waaweyn oo lagu taageerayo xarakada mujaahidiinta alshabaab dagaalada ay kula jiraan ciidamada dowlada FKMG iyo weliba kuwa AMISOM ayaa ka dhacay qaybaha ay gacanta ku hayaan xoogaga alshabaab ee magaalada caasimada ah ee muqdisho .

Dibadbaxyadan oo ay hadalo ka jeediyeen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xarakada alshabaab ,culima udiin iyo weliba odayaal dhaqameed ayaa lagu taageeray dagaalada ka dhanka ah ciidamada AMISOM iyo weliba kuwa dowlada KMG ah kuwaasoo la sheegay in lasii xoojin doono dagaaladii hore ee lagula jiray ,islamrkaana loogu baaqay dadka shacabka ah ee muslimka ah inay ka qayb qaataan dagaaladaasi .

Sh ,Muqtaar Rooboow cali (Abu-mansuur) oo goob fagaare ah kula hadlayey kumanaan Dibad baxayaal ah ayaa sheegay inay cadowgii ALLE jabiyeen islamrkaana loo baahan yahay goobaha fara ku tiriska ah ee ay ka haystaan muqdisho in lasoo afmeero .

Abu-mansuur ayaa tilmaamay in ciidamada AMISOM ay ka gubeen taangigii ay ku faani jireen islamarkaana uu ALLE muslimka u balan qaaday inay gacanta muslimka ku halaagsami doonaan cadowga ALLE ee gaalada iyo waxii la jira .

Dibadbaxyadan oo aad u waaweynaa ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay culimo udiin iyo weliba Odayaal dhaqameed oo dhamaantood isku raacay in la taageero xarbiga ay kula jiraan alshabaab Ciidamada AMISOM iyo dowlada KMG ah ,islamrkaana ugu baaqay bulshada iyo weliba waxagaradkaba inay ka qayb qaataan dagaalada .

Si kastaba ha ahaatee Dibadbaxyadan ay soo qaban qaabiyeen xarakada mujaahidiinta alshabaab ayaa kusoo beegmaya xili ay dagaalo aan kala go, lahayn ay ayaamahan si joogta ah uga socdeen waqooyiga magaalada muqdisho kuwaasoo u dhexeeya xoogaga islaamiyiinyta alshabaab iyo ciidamada dowlada FKMG oo kaashanaya kuwa AMISOM kuwaasoo geystay khasaare xoog leh oo isugu jira naf iyo maalba .

Yaasiin faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Muqdisho: Mudaharadaad lagaga soo horjeedo Ciidamada AMISOM iyo DFKMG "

  1. waa sax umada muslimka ah in ay dareenkooda muujiyaan amisomna waa cadawca kaliya ee hada ay soo maaliya leedahay marka ethopai laga reebo

  2. Bashir Yusuf says:

    Good Work ka mudaaharaada Amison iyo DKMG xataa midku adeeganayo diinta sida AL Shabaab iyo Ahlu suna. Ku dadaala Somalinimo iyo danaha somali in aad u dadaashaan