Home » Warar »

Maxaa ka jira in Sheekh Shariif lagu martiqaaday xafladda Caleema saarka Axmed Siilaanyo

Xubno si aad ah ugu dhow Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegaya in madaxweynaha Dowladda Federaalka lagu martiqaaday xafladda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland oo dhawaan doorashadii halkaa ka dhacday uu ku guuleysatay Axmed Max’ed Siilaanyo kadib markii uu helay codadkii loo baahna.

Xafladda Caleema Saarka oo lagu wado in ay dhacdo todobaadkaan gudihiisa Magaalada Hargeysa ayaa wararku waxay sheegayaan in lagu martiqaaday madax fara badan oo ka tirsan caalamka gaar ahaan wadamada deriska la ah Soomaaliya ee lagu isku yiraahdo IGAD, hase yeeshee warar ayaa intaa ku daraya in Sheekh Shariif ay soo gaartay casuumaaddaasi, maadaama uu ka mid ahaa madaxdii u hambalyeysay doorashadii ka dhacday Somaliland taas oo uu ku tilmaamay mid u dhacday si Dimuqaraadiyad ah, hase yeeshee xubno ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka, siyaasiyiin iyo aqoonyahano ayaa hadalka hambalyadda ah ee ka soo yeeray Sheekh Shariif ku tilmaamay mid wax u dhimeysa siyaasaddiisa arrimaha Soomaaliya iyo kuwa ka soo horjeeda in somaaliya kala go’do waxayna xubnahaasi sheegeen in Sheekh Shariif looga baahnaa in uu ugu hambalyeeyo oo keliya nabadgelyada ka jirta maamulka Somaliland, balse aysan meesha ku jirin in dal aan la aqoosan hambalyo noocaas ah loo diro.

Maamulka Somaliland oo sanadkii 1991kii ayaa waxaa ka jirta nabadgelyo aad u wanaagsan taas oo ka dambeysay markii siyaasiyiinta, waxgaradka , Guurtida iyo culima’udiinka ay dadaal u galeen sidii ay nabad uga dhici lahayd Maamulkaas waana midda maanta keentay in doorasho si heer sare ah loo soo agaasimay ay ka dhacdo maamulkaasi, isla markaana maamulkii hore uu taageeray madaxtinimada uu ku guuleystay xisbiga Kulmiye ee uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo.

Axmed Siilaanyo oo la sheego in uu yahay nin ka furfuran Dahir Riyaale Kaahin ayaa sheegay in uu daneynayo in uu xiriir dhow la yeesho dadka reer koonfureedka ah oo iyagu mudo 20 sano ah rabshado ku jiray, waxa uuna Axmed Siinlaayo dhowr jeer ku celceliyey in maamulkiisa diyaar u yahay in ay wax ka qabtaan arrimaha murugsan ee ka jira dalka Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya oo xiriir la leh Maamulka Soomaaliland ayaa laga yaabaa in Caleemo saarka Axmed siilaanyo ayaa warar sheegeen inuu ka soo qaybgalo Raiisul Wasaaraha Itoobiyaha Meles Sanawi balse warar kale ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya ay Caleemo saarkaas u soo dirto wafdi heerkiisu hooseeyo.

Sheekh Shariif ayaa ah madaxweynihii ugu horeeyey oo hambalyo u dira maamulka aan weli la aqoonsan ee Somaliland, waxaana hambalyadaasi soo dhaweeyey Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi Axmed Siilaanyo oo doonaya in uu wax ka bedelo siyaasaddii hore ee uu ku shaqeyn jiray Dahir Riyaale, hase yeeshee Sheekh Shariif haddii uu tago xafladda caleema saarka Riyaale waxaa halkaas ka imaan karta isu soo dhawaansho labada dhinac ah, waxaana xusid mudan in uu markii uu geeriyooday Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaala ay aaskiisa ka qaybgaleen xubno mas’uuliyiin ah ee ka socday koonfurta Soomaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyey Maagalada Hargeysa.

W/D Amii Yuusuf khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Casho sharaf aad loo soo agaasimay oo lagu soo dhawaynayay Mudane Xildhibaanad Caasha Axmed Abdalle ayaa lagu qabtay East Vilage Grill oo ku taal magaaladan Minneapolis Minnesota….

halkaan kala bax sawirada http://www.flickr.com/photos/samatv/show/

Casho sharaf aad loo soo agaasimay ayaa habeenimadii 07/02/2010 lagu qabtay makhaayadda way nee la yiraahdo (East Village Grill) makhaayadaas oo ku taala magaaladan Minneapolis ee Minnesota.

Casho sharaftaan waxaa soo qabanqaabiyey Caabi faarax ashure, Cali axmed Faarax, Ibraahim Huruuse, Mohamed Abdi Qaac, Osman Dualeh Jibriil, Axmed saalax dhoode, Luul Cali kaariye.

Oo dhamaantood ka kala socday Jaaliyadaa soomaaliya ee ku nool labadan magaalo ee mataanaha ah jaaliyadaasoo ka kooban dhamaan aqoonyahan,Haween, Odayaayaal, siyaasiyiin culumaa udiin,dhalinyaro oo dhamaantood aad ka dheehan kartay sida ay ula dhacsanaayeen inay xildhibaanada soo dhaweeyaan.

Mudane xildhibaanad Caasho Axmed Abdale oo dhamaan shacabka soomaaliyeed ay ku xusuustaan sidii ay ugu doodi jirtay shacabka soomaaliyeed xiligii ay ethiopiaanku dalku soo galeen iyo waliba hadda oo uu madaxwayne shariif dalku u taliyo iyadoo sida uu sharcigu dhigayo idaacadaha caalamka ugu baahin jirtay qaladaadka ay galaysay Dowladdii shariifka iyo qaar ka mid ah xildhibaanada iyadoo xildhibaanadu tiigsanaysa axdigii federaalka ee la dajiyay.

Mudane xildhibaanad Caasho axmed iyadoohadal kooban goobtaa ka jeedisay ayay waxay aad ugu mahadnaqday dhamaan dadkii soo dhaweeyay iyo intii soo qaban qaabisayba waxay u sheegtay inay howlo shaqo ah u timid dalkan Maraykanka ka dib markii bay tidhi aanu aniga iyo xildhibaano Dowladda fedraalka ka mid ah ay dowlada maraykanka ay martiqaad inoo fidisay .

Xildhibaanad caasho oo hadalkeeda sii wadata waxay dhamaan dadkii meeshaa isugu yimid iyo qurbojoogta soomaaliyeed ku guubaabisay inay ka shaqeeyaan Qaranimadii soomaaliyeed waxayna uga digtay inayan abuurin fidno waayo sida aanu la soconno soomaaliya waxaa inta badan laga huriyaa waa dibadda. Anigu dalkiibaan hadda ka imid gaar ahaan magaalo madaxda waana aan la socdaa xaaladda dhabta ah ee uu dalku hadda marayo marka walaayaal soomaali maanta waxay u baahantahay ina laga shaqeeyo sidii uu Qarankii burburay dib loogu soo celin lahaa ogaadana kama marna soomaaliya manta gacan shisheeye haba ugu darnaatee dowladda Ethiopia ayay tidhi xildhibaanada Casho Axmed iyadoo hadalkeeda sii wadata.

Waxay hadalkeeda ku soo gunaanaday aniga iyo intii ila fikir ahba marnaba joojin mayno ka shaqaynta Qarankii soomaaliyeed ee lumay soo celintiisa .

Waxaa soo diyaarshay qoraalkan
Mohamed Hussein Osman
Somali American Media Association (SAMA TV)
Mxuseen840@gmail.com


Ururka Garsoorka Kubadda Cagta oo yeeshay Xaquuq Cod-Bixineed

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in ururka garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliyeed uu yeelanayo xuquuq cod-bixineed doorashooyinka mustaqbalka ee xiriirka.

Guddoomiyaha xiriirika Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxda xiriirka iyo ururka garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliyeed.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan idin sheego in maanta wixii ka dambeeya uu ururka garsooreyaashu xubin buuxda ka yahay xiriirka,s diaa marka an leeyahay waxaan ulajeedaa wuxuu leeyahay xuquuq cod-bixineed, taas oo aan horay uga jirin dalka soomaaliya”ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed Siciid Mugabe oo kulankaa hadal ka jeediyay.

Kubada cagta soomaaliya waxaa ay jirtay muddo dheer laakin xiliyadii hore ururka garsooreyaashu cod kuma lahaan jirin doorashooyinka xiriirka, waxaana tani ay kusoo beegmeysaa iyadoo dhawaan lagu wado in doorashada xiriirka Soomaaliyeed ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.-

Guddoomiye Siciid oo kulankaasi ay ku wehlinayeen guddoomiye ku xigeenka 1-aad cali siciid Guuleed iyo masuuliyiin kale ayaa ku booriyay garsooreyaasha Soomaaliyeed in ay wax badan isku howlaan sidii ay aqoontooda iyo awoodooda jireed sare ugu qaadi lahaayeen si ay ula baratamaan garsooreyaasha dhigooda ah ee caalamka.

“Xiriirku intii uu awoodo wuu idin qabanayaa si la idin horumariyo, waxaadna la socotaan in bishii maarso ee sanadkan 26 garsoore tababar heer caalami ah ay kusoo qaateen dalka dibadiisa taas oo ahayd markii ugu horeysay ee tiro intaa la eg ay koorso dibada kusoo qaataan”ayuu guddoomiyuhu u sheegay garsooreyaasha kulanka ka qeyb galay.

Waxaa uu sheegay in xiriirku uu FIFA weydiistay in tababar kale oo caalami ah loo qabto garsooreyaasha Soomaaliyeed oo taana laga qabalay.-

“Imtixaan caalami ah ayaa bisha September ee inasoo aadan la idinkaga qaadi doonaa dalka Jabuuti ,sidaa daraadeed waxaa la idinka doonayaa diyaar garow adag sababtoo ah ma dooneyno in aad caalamka ku hor kuftaan”ayuu yiri guddoomiyaha oo hadalkiisa ku wajahayay garsooreyaasha uu la kulmay.-

“Si weyn ula socda cayaartaha aduunka ee hada socda si aad fikrado uga kororsataan waxyaabaha dhacaya”ayuu guddomiyuhu usheegay garsooreyaasha Soomaaliyeed ee kubada cagta.
Waxaa uu kula dardaarmay garsooreyaasha in ay sameeyaan tababar joogto ah isagoo yiri “waxaan aragnaa sadex garsoore oo keliya in ay tababarka si joogto ah u sameeyaan intiina kalana aad iska fadhisaan guryaha taasi waa mid aan la qaadan Karin”.

Garsoorka ayaa waxaa uu ka mid yahay tiirarka ugu waaweyn ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu ku taagan yahay, taasina waa sababta keentay in kulamada joogtada ah ay madaxda xiriirku la yeeshaan garsooreyaasha isla markaana la badiyo tababarada caalamiga ah ee la siinayo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Maxaa ka jira in Sheekh Shariif lagu martiqaaday xafladda Caleema saarka Axmed Siilaanyo "

  1. in shariifka lagu martiqaday caleemo saarka silaanyo anuu waxaan mulaynayaa in aan waxba ka jirin maxaa yeelay raag aan somaliland oglayn gooni isku taageeda u malayn maayo in aay caleemo saarkeeda dawlada cusub in ay ka qayb gali doonan ,loomana ogaalaan doono in ay soo caga dhigtaan dalka somaliland .

  2. Abdisataar says:

    Sheikh Shariif wuxuu madaxweyne u yahay raascasayr ilaa raaskambooni, sidaa daraadeed wixii wanaag ah ama xumaan ah oo ka dhaca intaas dhexdooda way saamaynaysaa wuxuu tagikaraa Somaliland, Puntland, Jubbaland iyo meelkastoo dhulweynaha somaliya ka mid ah.
    marka wax farqi ah oo weyn ma laha inuu Siilaanyo u hambalyeeyo, Hambalyadu kuma socoto madaxnimada Siilaanyo ee waxay ku socotaa Shacabaka Gobolada Waqooyi sida ay nabada iyo maamulka u samaysteen.

  3. A/C

    WAAR SH SHARIIF MA AHAA NIN U AQLMA MADAXWAYNE
    WAXANA KA LUNSAAN PROTOCOLE KA HADALKA IYO MISAANKA MANSABKA U HAAYYO..SOMAALIDU WAXAY KU MAHMAHDA NIN AAN TAALIN JIRIN MAALINTU TALIYO NIN AAN TEEGI JIRIN BAA TAGGA.WAXABA LAGA YABBA IN PUNTLAND NA KA GO,O DO SOMALIA MARKA HABDHAQANKA MADAXDDA TFG DA LA EEGO.

  4. Magabade says:

    TO KHALID BADOW
    inaad badow stupid tahay macalim dugsi yaa ka qiimo badan daanyeeryahoow, taas caay kuma noqoneyso somaliland waa dad xor ah somalinimadana ay dhab ka tahay waa dadkii calankii keenay koonfur iyada oo aan wax shuruudn ku xirin oo ay ka ahayd dad jacel axmaq yahoow, aan alifka loo dhigin

  5. Waa arin layaab leh arinta sheikh Shariif ku kacay, ma aqoon xumaa, ma aqoon dara,mase howshuu hayo iyo madashu fadhiyo magarn miyaa,Mudane Madaxwenye Adiga xukuma Puntland iyo Somalilaand waxay hoos yimadan Dowlada aad hor joogah aad utahy ee ogsoonow magaca baye,si sudfa ah yeneey arintu ka hoos dusin adigo oagayn ,ka firsoo hadalada, ficilkaga, iyo xulashada waa arimo culus oo aad gacanta haysoo oo si sahal ah ku buri kara,
    War yaan lagu sirin ee iska jir arimahaas Dalka iyo dadka adigaa uu sareeyee is kajir .

  6. ahmed jaamac says:

    Sheekh Shariif hambalyadiisu waa mid saxan, waana mid ku waajib ah inuu
    sidaas yidhaahdo qofkasta oo soomali ah meelkasta ama dalkasta ha ka tirsanaadee. waxaana qabaa soomalind wanaageedu haba go’dee inta kale inuu wax weyn u yahay soomaalida kale, weliba marka haday madax ka noqdaam raga siyaasiinta ruug cadaaga ah sida Siilaanyo, inay wax badan ka tari karaan khilaafka ka taagan soomaliya.

    Masuuliyada sheekh shariif waxaa wax u dhimaya kuwa la dagaalamaye ee maahan tahniyada uu siiyeey Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliland

  7. Caleema Saarka Seylaanyo iyo Hambalyada Shariifka-
    Hambalayada Sheriifku u diray Seylaanyo waxey marag u tahay aqoon xumidiisa nidaamka dowlagia iyo hadal cawaaqibkiisa. Waxey ila tahay Sheriifku inuu ku noqdod macallin dugsigiisi.