Home » Faallo »

Soomaalida iyo is dhaxalsiinta colaadda | Axmed C/samad

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Soomaali kuma gaar ahee aadanuhu way colloobaan, waxayse ku kala duwanyihiin nooca colaadda (inay xaq tahay iyo inay baadil tahay), cidda lala dirirayo oo noqon karta cid mudan colaad ama aan mudnayn, siday u koobaan colaadda baaxaddeeda ama u baahiyaan iyo siday u xalliyaan ama u joogteeyaan. Waxay kaloo ku kala duwanyihiin siday u ilaaliyaan akhlaaqda dagaalka. Dadka qaarkood hadday dagaal galaan waxba kama xaaraansana, waxayna u dhaqmaan sidii aysan aakhiro jirin, adduunkuna intaan ku dhammaaday, halka dad kale aakhiro wax u reebtaan, adduunkana ceebta iyo mahadhada iska ilaaliyaan. Sidoo kale dad baa markii mushkiladdu dhammaato ama xal laga gaaro intaa ku joojiya, halka qaar kale ay ku reebto cuqdad iyo uur ku taallo aakhiro seejisa, adduunakana asaaggood ka reebta.

Samaynta colaadda

Waxaa jira dad baasa-abuur ah oo lagu aafeeyay unkidda iyo kicinta colaadaha. Dadkaas waxaan sagaaro ka cabbin bay colaad ka abuuraan, sidoodana haddaan balaayo aloosnayn ma joogi karaan. Waxaa dhici karta inaysan wax dan ah ka lahayn ee ay ku xambaarayso khayr-darro ku duugan iyo shar ay ku ababeen. Waxaa kaloo colaadaha sameeya dad dano gaar ahaaneed ka leh iska horkeenka iyo is-nacsiinta bulshada, ha ahaadeen kuwo cadaw soo adeegsaday ama ha ahaadeen kuwo jagadii ama qaadkii ka galay daadinta dhiigga ehelkooda. Si kastaba ha ahaatee colaadaha dhexmara qabaa’ilka, kooxaha iyo deegaanada inta badan waxaa kacsha dad dano leh ama aan shar la’aan hoyan Karin, ceebteenuna ma aha jiritaanka danaystayaasha iyo baasa-abuurayaasha ee waa inay bulshadu u dhaga-nuglaato kuwaas doonistooda.

Ka badbadinta iyo soo noolaynta colaadda

Sida la yiri carrab iyo ilkaa isugu dhaw, wayna is qaniinaan; sidaa darteed dad wada degan, ayna dano ka dhexeeyaan lagama waayo is af-garan-waa iyo is qabad. Haddii labo ama ka badan wax dhexmaraan xalku waa in mushkiladda aan inteeda la dhaafin, sidii loo dhammayn lahaana loo hawlgalo. Haddii xal laga gaarana waa inaan dib dambe loo soo celin. Haddaba waxaa jira dad ka badbadiya waxa jira oo wixii dhacay wax ku dara ama siday wax u dheceen ka weecsha ama waxaan jirin been-abuura; si meesha colaad weyn looga abuuro. Waxaa kaloo qaar dib u soo qufaan dhacdooyin hore oo laga biskooday; si ay ugu xoojiyaan dhacdada cusub, ka dibna dadku ugu arkaan wax lagu dagaal-gali karo. Waxyaabihii la soo dhaafay ama laga heshiiyey inta badan lama tirtiro ee waxay noqdaan boogo dusha ka daboolan oo hadba ninkii dan leh ama shar doon ah dadka ka danqiyo; si ay ula dagaal-galaan. Si kastaba ha ahaatee waa inaysan bulshadu ku go’aan-qaadan dhagarta dadka naara-afuufka ah maleegeen, ayna u hawlgalaan sidii kuwaas loo hanuunin lahaa ama ugu yaraan sharkooda la isaga xakamayn lahaa.

Kaydinta colaadda:

Marka laga gudbo waxa lagu diriray iyo cidda lala colloobay ceebaha bulshadeenu caanka ku noqotay waxaa ka mida kaydsiga colaadda oo aanu qofka ama qoysku marna ka biskoon wixii soo maray. Dadka qaarkood iyaga oo 70 jira ayay weli la bukaan canaantii aayadood (oo hadda uunka aakhiro ah) ay 60 sano ka hor u gaysatay!. Tan kale hadduu ciil iyo cuqdado kala duwan qabo ma kala hilmaamayo ee wuxuu ku kala kaydsanayaa khaanadaha colaadeed oo uu calooshiisa ka dhex samaystay, mar kastana tuu doono ayuu soo furayaa.
Sheeko tusaale ah: nin oday ah baan beri rafiiqnay. Maalinkii dambe ayay nin kale murmeen, markaasuu ku yiri: dadka reer hebel (qolada ninkay murmeen ka dhashay) baan ugu nibcahay!. Muddo ka dib bay isku xanaaqeen nin kale, markaasuu ku yiri: dadka Ilaahay tolkaa baan u nibcahay!. Garo labada nin ee uu isku hadalka ku yiri isku qabiil ma ahayn ee ninkaan waxaa u kaydsanaa faylal kala duwan oo cuqdadeed, mar walbana kii baahidiisu timaado ayuu active-garaynayaa( ka shaqeysiinayaa); si uu u akhristo ama xigtadiisa ugu akhriyo.

Dhaqankaan wuxuu wax u dhimayaa qofka aakhiradiisa oo inta uu muslimiinta qalbiga xumaan ugu hayo dambi ayaa uga socda. Wuxuu waxyeelayaa qofka caafimaadkiisa oo xasadka iyo xiqdiga ka dhasha colaadda ayaa nafsi ahaan wax u yeelaya. Wuxuu kharribayaa miskaxdiisa; waayo dhacdo kasta wuxuu u fasiranayaa cuqdada ku jirta si waafaqsan. Nin baa nin uusan khayr ka filanayn caano u soo dhiibay, markaasuu yiri: hebel caano iima keeni jirine abbooyoow ma diqsi baa uga dhacay?!. Tan kale waxay colaaddaas ka mashquulinaysaa danihiisa aakhiro iyo adduunyaba.

Waxay kaloo hilmaansiinaysaa cadaw dhab ah oo khatar ku ah diintiisa iyo adduunyadiisaba, dadka qaarkoodna wayba soo dhawaystaan cadawgooda; si ay sokeeyaha ay u ciilqabaan ugu kaashadaan. Haddaba qofka muslimka ah waxaa ku habboon in uusan qalbigiisa iyo miskaxdiisa ka dhigin bakhaar lagu kaydiyo cuqdadda, xasadka, xiqdiga, carada ama uusan ka dhigin shaybaar (laboratory) ay waxaasi dhexdiisa ku wada falgalaan ee waa inuu tirtiro (delete) borogaraamyada iyo faylasha xambaarsan fayruuska (virus), iyo kuwa aan waxtarka lahayn ee ka buuxinaya miskaxda (memory) haddii kale waxay ka kharribayaan faylasha muhiimka ah iyo xataa kumbuyuutraka laftiisa.

Baahinta colaadda

Caado ayay noqotay ninkii ay nin kale is xumaansadaan inuu colaadda ballaariyo oo sheekada markiiba loo badalo reer hebel iyo reer hebel ama koox hebla iyo koox hebla xataa haddii labada nin ku dirireen wax labada reer ama labada kooxoodba dhibaya, cadawgoodana u danaynaya. Si colaaddaas loogu qanciyo dadka aysan khusayn waa in la soo faago taariikho hore (oo waxa ka runa Alle kaliya ogyahay), laguna xiro dhacdada hadda taagan, isla markaasna la buunbuuniyo sheekooyin inta badan kutiri-kuteen ah oo loo tiiranayo qoyska ama kooxda ninkaas ku abtirsado. Taas oo ugu dambaynta keenaysa in laba caqli-gaab oo bakhti[1] isku ilaaqay sabab u noqdaan colaad ballaaran oo rag waaweyn oo hebelo ah horseed ka yihiin!.

Baahinta colaaddu kuma koobna labada qoys ama kooxood ee ay labada dhabcaal ku abtirsadaan ee nin walba ama qolo kasta waxay u sii tillaabinaysaa intay ogog leeyihiin ama ay isir wadaagaan. Maxay kaa dhimi lahayd hadday u gudbiyaan wax xaqiiqo ah?. Waxay ka siinayaan dadka wax kala gaareen iyo wixii dhacayba xog iyo tafsiir aan sal lahayn. Taas waxay keenaysaa in dadyowga warkaas rogan la gaarsiiyey ka qaataan qayb walaalohood ka mida iyo dhacdooyin taariikhi ahba faham qalloocan oo mustaqbalka saamaynaya xiriirkooda.

Beerista colaadda

Baahinta colaaddu kuma koobna dadka samankaas nool ee qolo walba waxay ku sii beertaa jiilasheeda dambe, iyadoo waliba la sii kobciyey, lagana dhigay nooc caqiido[2] ah oo ubadka lagu aanqariyo, laguna barbaariyo. Odaygu inankiisa ayuu barayaa dadka shisheeyaha ah oo cadaawaddu ka dhaxayso, wuxuuna kula dardaarmayaa inuu ka digtoonaado iyo inuu ka aarguto. Sheekha ama hoggaamiyuhuna xertiisa ama kooxdiisa ayuu u meerinayaa sheikh hebel ama koox hebla waxa dhexyaal iyo inta masalo ama mawqif ee ay isku hayaan.

Waxaa kaloo intaa dheer in loo wariyo ubadka iyo wax-magaratada xumaanta reer hebel, liidnimadooda, sharkooda, dhibaatooyinka ay jifada u gaysteen iyo shirqoolada ay har iyo habeenba u maleegayaan. Intaas waxaa u dheer inaysan waligood maqal wanaag ama khayr reerkaas laga sheegayo iyo dad wanaagsan oo ka dhashay midna[3]. Dhinaca kale waxaa lagu cabbaynayaa wanaagga, gobanimada, raganimada iyo cajaa’ibka jifadoodu leedahay, iyo inaysan iyagu waligood dhibgaysan ee laga gardarnaa. Cuqdadda iyo colaadda waxaa la isugu gudbiyaa si qarsoodi ah oo aysan cid reerka ka baxsan ka soo qaybgalayn, taasina waxay keenaysaa in aan cidna ka hor imaan ama beenin ee sidii miraha bardaha duuduub loo liqo, ka dibna ay noqoto xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah oo aan wax dood ah aqbali karin. Haddii sheekooyinkaas ahaan lahaayeen kuwo qoran ama meelo caam ah dadka loogu wada sheego waxaa la ogaan lahaa inaan waxa jifadu sheegayso wada run ahayn ama ugu yaraan aan la isku waafaqsanayn.
Khatarta dhaqankaas leeyahay waxaa ka mida in ubadkii iyagoo curdan ah lagu tallaalo cuqdado ay adagtahay say uga baxaan; waayo xogtaan waxaa u wariyey waalidkood iyo eheladoodii oo aysan marna ka filanayn inay marin habaabinayaan ama waxaan jirin ka dhaadhicinayaan. Tan kale ilmihii lagu ababiyey colaadda sokeeye, waligiisna aan colaad shisheeye maqal ma sahlana inay indhihiisu mar dambe kor eegaan, ee waligi meelo hoose iyo jaafaa-jiriq buusan ka dhammaanayn.

Loolanka beelaha iyo beerista colaadda

Loolanka u dhexeeyay qabaa’ilka Soomaaliyeed inta badan wuxuu salka ku hayaa cuqdado iyo colaado lagu baahiyey dad aan badankoodu markii hore qayb ka ahayn iyo jiilal dambe oo iyagana dib loogu beeray, loona dhaxalsiiyey. Tusaale ahaan: loolanka dhexyaal Daarood iyo Hawiye oo ah kan ugu caansan, uguna saamaynta badan waxaa sababay xinif dhexmartay jiil hore oo ku kala abtirsanayey beelo labadaas reer ka mid ah, isla markaasna wada degganaa dhulkii gobolka Mudug la isku oran jirey intaan kacaanku kala qaybin. Ka dib qolo kasta waxay colaaddaas iyo dicaayad lagu darayba u sii gudbisey dadka ay isu xigaan deegaan ahaan ama dhalasho ahaan (Daarood ama Hawiye) oo aan iyagu colaaddaas ku lug lahayn, dadka lala dirirayana aan aqoonba u lahayn. Ka dibna arrintu waxay isu badashay sheeko-xariir waayeelku u wariyaan ubadka yaryar oo si aan la dareemayn ugu beeraysa faham qaldan oo ay ka qaataan walaalohood iyo cuqdad ay la koraan, saamaynna ku yeelata hab fakarkooda iyo hab dhaqankoodaba.

Danqinta boogaha

Colaadaha iyo cuqdaduhu qofka xusuustiisa waxay ku sameeyaan nabarro iyo boogo ay dhici karto haddaanu iska daweyn inuu godka la galo. Haddii colaaddaas laga daalo ama laga gaaro xal aan dhammaystirnayn waxaa boogahaas qariya qolfo ciddii doonta ka fujiso ama ay danqiso[4]. Dowladaha, hay’adaha iyo kooxaha doonaya inay Soomaalida hawlo gurracan ka dhex fushadaan sirtaas bay wada fahmeen; sidaa darteed boogahaas uun bay ul juq uga wada siinayaan, ka dibna qolo walba dhinicii lala rabey bay u afar-qaadlaynaysaa ama wixii laga rabey bay ku qamaamaysaa, iyaguna markaasay jeego-jeego u seexanayaan, Soomaalidana Bravo[5] iyo durunow[6] bay ku abaalmarinayaan!. Marar badanna waxay Soomaalidu mashaariicda gurracan ee cadawga u fulisaa inaan reer hebelka kale uga hormarin durunowda-da iyo bravo-da.

Gabagabadii waxaynu wax ka tilmaanay in aadanaha ay colaado dhexmaraan laakiin ay ku kala duwanyihiin arrimo badan oo colaaddaas ka dhiga mid saxan ama mid qaldan. Waxaan kaloo wax ka sheegnay samaynta colaadaha iyo kicintooda, sida looga badbadiyo ama loo buunbuuniyo, kaydinta cuqdadaha, sida colaadda loogu baahiyo dad aan wax lug ah ku lahayn iyo sida ubadka iyo jiilasha dambe loo dhaxalsiiyo cuqdadaha iyo colaadaha. Waxaan kaloo wax ka taabanay loolanka beelaha iyo kaalintiisa beerista colaadda, iyo sida cadawgu uga faa’iidaysto cuqdadaha shacabkeena dhexyaal isagoo u maraya danqinta boogohooda. Qaybta labaad ee qormadana waxaynu ku eegi doonnaa xal u helidda is dhaxalsiinta colaadda iyo cuqdada, haddii Alle idmo.

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

[1] ) Bakhtiga waxaynu uga jeednaa maandooriyeyaasha ama waxyaabaha kaloo xaaraanta ah.
[2] ) Inay cuqdadaha la beeray caqiido noqdeen waxaa caddaynaya: 30kii sanoo ugu dambaysey Somalida waxaa ka dhexdhacay dagaalo waaweyn oo lagu hoobtay, dadkana waxaa uga cuqdad badan waxyeelooyin ka sahlan oo qarni ka hor dhacay!.
[3]) Nin ay saaxiibadi ka sheekaysteen mashaqooyinkii Soomaaliya ka dhacay baa isagoo raggii dhaliilaya igu yiri: ninyohow raggii wadaadada ahaa caqligii qabiilooyinkooday ku hadlayaan !. Waxaan ugu jawaabay: arrintu xumaan iyo diin la’aan maaha ee nin walba meesha uu ku koray iyo dadka uu la noolaaday buu xogta iyo afkaartaba ka qaataa, dadka wax laga sheegayana shar mooyee khayra ay leeyihiin waligi ma maqal, isaguna wanaaggooda indhihiisa kuma arag, dhagihiisana kuma maqal. Tan kale dadka uu la noolaa waxay ahaayeen dad uu ku kalsoonyahay oo uusan ka filaneyn inay marin habaabiyaan.
[4] ) Nimanka dameeraha biyaha ku dhaamiya meel bay ka dhaawacaan, markuu socon waayana way ka danqiyaan; si uu u socdo!.
[5] ) Waa erey Talyaani ah oo macnihiisu yahay: fiican

[6] ) Waa erey Af Amxaari ah oo macnihiisu yahay: fiican.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Soomaalida iyo is dhaxalsiinta colaadda | Axmed C/samad "

  1. Mohamed says:

    waa xaqiiq jirta arrinta uu wadaadku ka hadlay, horay waxaa u jiri jirtay in waayeelku carruurta si sahal ah ugu barbaariyo colaadda reer kale, balse hadda waxaa soo baxay qoraayaal wixii lagu sheekayn jiray buugaag u sameeyey, sida qoraaga buugaagta kala ah: Tiirka colaadda, Sooyaalka soomaalida iyo taangiga tigreega. buugaagtani dhammaantood waxay weerar ku yihiin hal qabiil oo qoraagu u arko inay yihiin tiirka colaadda, taasoo aan dhihi karno waa sidii isaga lagu ababiyey.
    haddaba waxaa habboon in qoraa walbaa qalinkiisa iyo afkiisaba samaha kaga qayb qaato ee uusan u adeegsan marin-habaabin iyo colaad abuurid.
    horay ayaa culimada muslimiintu u oran jireen: “Cilmi walba oo aan wax tarin jahliga ayaa dhaama”.