Home » Faallo »

Qalinkii Cabdiboqor iyo Qormadiisii Malaysia (Qaybtii: 3aad)

Hordhac/Gogoldhig

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Waxaan warbixino tixane ahaa oo in mudo ah socdey  horey uga qorey wadanka Pakistan-Oo Bachelor-keeygii iyo Masters-kiiba aan kusoo dhameystey iyo dhowr sano oo shaqo ah, mudo 8-sano ku dhawaad ahna aan ku noolaa-Waxbarashadiisa iyo sida Soomaalida uga faa’ideysan karto. Waxaa ku faa’iidey ummad aad u farabadan oo Pakistan kusoo yaacdey, waxna ka baratey, haba ugu sii badnaadeen waqtigii Maxaakimta iyo soo galitaankii Ethiopia oo waalidkasta ilmihiisa meel uun ula baxsanayey. 2-bilood gudahood ayaa dhowr boqol oo Soomaali ahi, kusoo galeen wadanka Pakistan, waloow viisooyin “Bug/sharci aan aheyn”  oo la heleyna sii kabeen. Waa xaqiiq in wadankii aadan wax war ah ka heysan, uu aduunka intiisa kale kaaga dhex qarsoomnaanayo, xitaa hadii aad si gaar ah u daneyneyso. Soomalida ayaa tiraahda “War helaa, Talo hel” Reer Galbeedkuna waxeey yiraahdaan “Information is Power”. Waxaan rajeeynayaa warbixintan tixanaha ah Qeybteedan 3-aad iyo kuwo xigaba ee aan diyaarindoono, sidii hore iyo si ka wanaagsanba in Allaah ummadeena Soomaaliyeed ugu anfaco. anigan diyaariyey iyo Bahda website-kan ummada usoo daabacdeyna Allaah ajir iyo xasanaad aan lasoo koobi karin uu inaga wada siiyo. Aamiin!

Isbuucan waxaan warbixintan qeybteeda 3-aad uga hadli doonaa:  Qeybaha kala duwan eey u qeybsamaan Soomaalida wadankan Malaysia soogasha. Soomaalida wadankan Malaysia usoo hayaantaahi, qaarba ula jeedo gaar ah ayey u yimaadaan, waxeeyna u qeybsamaan illaa Sideed (8) qeybood, waxeeyna u kala badan yihiin sida eey u kala horeeyaan (respectively): 1- Tacliin Doon. 2-Deegaan Doon. 3-Dalxiis Doon.  4-Caafimaad Doon. 5-Dibad Doon (Buufis).  6-Guur Doon/Calaf Doon. 7-Ganacsi Doon.8-Iyo Shaqo Doon. Waxaan qeybtii 2-aad uga soo hadalney Tacliin Doon-ka, waxaana qeybtan 3-aad  uga hadli doonaa qeybaha harsan oo idil, haduu Eebe Idmo.

2-Deegaan Doon: Soomaalida Deegaan Doonka ah ee wadankan Malaysia soo gashaahi, waxeey kala yihiin illaa sadex nuuc.: A-qeyb Ilmahooda/dhallaankooda wadamadaa Reer Galbeedka kala soo carartey, dhallaankoodana u raba in eey wax ku bartaan deegaan “Islaami ah”, nabad ah, lehna Kaaabayaashii horumareed oo dhan. B-qeybta kale waa kuwo ka yimi wadamadaa Carbeed oo eey adagtahay in aad ka hesho waxbarasho Tayo lehhadana waalidka awoodo in uu iska bixiyo dhaqaalihii jaamacadeed ee Ubadkooda ( affordable quality education),  waalidka qeybtan, ayaa sidoo kale raadinaya in Ilmahooda wax ugu bartaan Luqada English-ka oo xaqiiqdii ah luqada caalamku ku wada hadlo manta (Global language). C-qeybta sadexaad waa qeyb ka soo qaxdey wadankeenii hooyo ee Masiibadu ku dhacdey! Halkanna u yimaadeen si eey u helaan deegan u sahla in eey nabad ku noolaadaan, Ilmahoodana eey u helaan Waxbarasho si Beri eey Asaagood/Facood tacliin wax kula qeybsadaan, intii eey Qoryo qaadi lahaayeen, Lugo iyo Gacmo go’naan lahaayeen ama Fuusto kor u fiirin lahaayeen/Dhiman lahaayeen/laga dili lahaa iyagoo aan si dhab ah u fahmi karin waxa eey u dagaalamayaan, waxa dhabta ah ee la isku heysto iyo waxa iyaga la gudboon intaba, Ileyn: Aqoon la’aani, waa Iftiin la’aane.

3-Dalxiis Doon: qeybtan waa qeybta wadamada Reer Galbeedka ka yimaada, heysatana passports-yada Reer Galbeedka kuwaasoo eey soo jiidatey xayeysiinta wadankan Malaysia ee uu dhaqaalaha faraha badan ku bixiyo ee Hal-ku-dhigeedu/Shicaarkeedu yahay “Malaysia Truly Asia’. Waxeey wax la wadaagaan malaayiinka Cadaan iyo Madoowba isugu jirta ee is dhex jiiraya/yaacaya magaalooyinka iyo gobollada wadankan Malaysia, iyagoo kaga faa’ideysanaya dhaqaalaha eey u uruursadeen fasaxyada eey helaan (All kinds of Vacations). Si eey mudo uga soo nastaan Buuqa iyo Mashaakilaadka nololeed oo eey ku jiraan sanadka intiisa kale. Kooxdan hadii eey mudada ku yaraato, waxaa loogu daraa badanaa inta eey codsadaan ee macquulka ah, maxaa yeeley waa qolo dhaqaalaheeda wadata, wadankana dhinacyo farabadan uu uga faa’iidaysanayo.

4-Caafimaad Doon: Kooxdan iyaga ah waa kooxda inta badan ka timaada Soomaaliya iyo Asia-yada kale, dhaqaale roona heli karta oo eey ku yimaadaan wadankan Malaysia, iskuna daaweeyaan. Adeega caafimaad ee wadankan Malaysia xaqiiqdii ma xuma, waxeeyse ceebtiisu tahay in uu xoogaa qaali yahay, horeyna qalliin kaala soo boodayaan sida in fara badan eey sheegeen. Kooxdan hadii xitaa visaha ka dhoco waa loo kordhiyaa oo tixgalintooda ayaa la siiyaa inta badan,waase hadii wado wanaagsan loo maro, dad Karti lehna howsha faraha la galaan.Hadiise howsha eey noqorto “Nin Bukoow, Boqoli Kuu talisey’ wax hagaagi maayaan.

5-Dibad Doon (Buufis):Wadankan maadaama Soomaalida eeysan u baahneyn in eey Viso usoo qaadato waxaa ka socon jirey howlo aad u xowli badnaa oo dhinaca dhoofka /Buufis-ka ah, Soomaalida badanaa waxeey uga sii gudbi jirtey wadanka Thailand oo UN-ka joogtaahi aad u firfircooneyd (Qaxootiga daldali jireen), Daadka Soomaalida ah ee kusii qulqulayey wadanka Thailand ayaa wuxuu dhaliyey in Thialand eey joojiso Viso la’aantii la iska gali jirey, sidaana Albaabkeeda kusoo xiratey. Howlahaas wali gabi ahaanba ma eeysan istaagin oo dad ayaa si farsameeysan hadaba ku gala. Waxaa sidoo kale jirey dad passports-yo Bug ah sameeyn jirey, dadkana ka gadijirey, sidaasna ku dhoofin jirey dadka, kii ku guuleeysta iyo kii eey ku qaraxdaba. Sidaa si la mid ah ayaa dad wax meelo kale looga soo dhameynayo halkan kusii sugaan, si eey mar uun u galaan wadamadaa Reer Galbeedka. Farsamooyinka uu keeno Cudurka Buufiska malaha xad, waxeeyna leeyihiin Waallidooda, waxkasta ayeey keenan Culimada Buufiska, Soomaalidana waxkasta ayeey la diyaar yihiin, haba ku jirtee in eey isku daraan Dhaqaalahooda/Hantidoon, Ehelkooda, iyo naftooda, waliba si wada jir ah hal mar Qatar muuqada lawada galinayo-Subxaanallaah!. Waxaa ugu dambeeyey Markab yaab lahaa oo hada fashilmey ummad fara badanna,  qofkastana $2000/ looga qaatey-Ogoow dadkaas waxaa ku jirey ardey jaamacado iska dhiganayey oo la laab-kiciyey, lacagtii waalidka waxbarashada usoo direyna nin faraha ugu wada shubeen! Waloow eey ka buuxeen qaar waalidka ugu sheekeeya in eey waxbartaan hadana sanado lacagta waalidka ama walaalahaba usoo dhidideen meeshan isaga dhuuqa iyaga oo aan ka faa’ideysan waqtiga ku socda, waalidkase uusan ka warheynin. Waxaa dadkan loo sheegey in Australia la geeynayo, Africa-se lasii marsiinayo-Cajiib!-. Waloow Mukhallasiin damceen in eey Dowlada Malaysia u  sheegaan in dadkan wadankoodii lagu celinayo. Nasiib darro! Ummadii intooda badan waxeey ku dambeeyaan Xabsi!, waxyar oo kasoo fakadey maahane. Jaaliyada Soomaaliyeed arinta dhibka eey ummada u keeni karto horey ayey uga digtey. Nasiib darrada jirta ayaa ah in Soomaalida halkan eeysan ku laheyn Safaarad, dadkaa nafsadooda iyo maalkoodaba halista galiyey wax usoo dacwoooda oo Xabsiyadaa kasoo saara/daayana eeysan laheyn. Calool xumada jirta ayaa waxeey tahay, dadkaa waxaa ka buuxa oo eey u badnaayeenba Marras: Haween iyo Caruure awalab la dhacay, lasoo silciyey, hadana ugu dambeyn Saxariir kale iyo Xabsi!

6-Guur Doon/Calaf Doon: Calaf doonka aduunka dacalladiisa isaga gooshaya oo badanaa Internet-yada(Facebook/baltalk/hichatter/hi5……) iska bartey iyo habkastoo waayadan la isku bartaba, waqtiyadan dambe aad ayey u badnaayeen,  Africa iyo Aisia-yana la isugu imaanayo ama la iska soo doonanayo.Wadankan Malaysia wuxuu wadamadaas kale uga duwan yahay, wiilka ama “Gabadha” ka imaaneeysa wadamadaa reer galbeedka uma baahna Viso, kii halkan joogeyna ama Africa kasoo galayeyna sidoo kale, waana wadan xaqiiqdii aad u quruxbadan aadna u “Cimmilo macaan!” oo Roobabkiisuna kala go’in oo waatan Soomaalida tiraahda xilliyada roobka “Amma LAG haay ama…..haay”!

Nasiib darrada jirta ayaase ah. Inta howlahan Xowligeeda wado ayaa ah, dad horey usoo Guursadey, horeyna usoo Ilmo dhalay oo labada Jinsiba ah, haba u badnaadeene “Garoob iyo Single-Mothers” passports wata oo ku qaraabanaya iyo wiilal yar yaroo iska jooga, qaarkoodna wax uun bartey laakiin diyaar u ah in eey nuuckasta u guursadaan si eey mar uun u tagaan wadamadaa reer Galbeed-ka, “Kabacdi sida howli ku dambeeysaba!”.Weey jiraan dad yaryar/da’yar oo Ugubna ah oo isku qancey oo sida Afrika iyo Asia-yada kaleba ka dhacda isu imaanaya, waxeeyse intooda badan yihiin dad horey isu garanayey ama isla soo korey oo meel ku wada noolaa, ama waalidkood iyo walaalahood is yaqaaneen/Is garanayeen ama sida eeyba u badanyihiin Qaraabo ama Xigto iyo Xigaalo ah.

7-Ganacsi Doon:qeybtan Ganacsi doonka ah waa qeybaha ugu yar yar. Ganacsiga kaliya ee muuqda ee Soomalidu leedahay waa Shirkadaha Xawaaladaha oo intooda badanba wadankan ka ganacsada (diris iyo bixin lacageed), iyagana waa “Aashuun ku Adin” iyo Soomaalida kale oo iyana leh Maqaayado ka furan badanaa jaamacadaha.Waxaa sidoo kale jira hal Hoteel iyo meelo kaloo fara ku tiris ah kuna yaalla Caasimada (Kuala Lumpur). Waxaa sidoo kale jira ganacsato yaryar oo si qarsoon wax yaryar u dirsada. Xafiisyo ganacsi oo waaweyn oo Soomaalida leedahay ma jiraan ama “Ma maqlin” –Waa hadii aan  si taxadar leh u iraahdee-.Waan maqley dad wax dira oo shirkado gaar ah wax u dira, waase wax iska kooban.

8-Shaqo Doon: Sida aan horeyba ugu soo arkey wadamadii Eeshiya (Asia) ee aan soo maray, Shaqada ma aha mid helitaankeeda sahlan yahay. loomana ogola Ajaanibta gaar ahaan ardeyda. Dadka shaqeeystaahi waxeey uun ku shaqeystaan qaab dhuumaaleeysi, qasab, sharci darro iyo nasiib ah. Qofkii nasiib kiisa Allaah u wanaajiyo waxaa macquul ah in uu isagoo visahiisa ardeynimo iska heysta, hadana qaab aamusnaan ah isaga shaqeysto,oo biilkiisa lasoo baxo ama Allaah u sahlo shirkad visahiisa ardeynimo (Study visa) ugu bedesha oo uga dhigta mid Shaqo (Work visa) taasoo ah sida ugu wanaasgan. Waxaa wax lagu farxo ah waxaa jira Macallimiin (Dakaatirro) waaweyn oo Soomaali ah oo jaamacadaha wadankan wax ka dhiga oo waliba tiro roon ah, waxaa sidoo kale jira dhalinyaro xoogaa ah oo iyagoo waxbaranaya hadana ka shaqeysta wadankan, waloow eeysan sidaa u sii badneyn.Nuxurku waa in qofkii dadaala ee aan marna niyad jabin, Allaahna tala saarta uusan shaqo weyneynin wixii eey ku qaadataba.

Afeef

Qormadan waa wanaag-doonis iyo dadaal oo kaliya ee fadlan badi war ururinta iyo tashiga oo Faaladan oo kaliya go’aan ha ku qaadan/gaarin. Wixii khalad ah ee qoraalka uu leeyahay nuuckasta ha ahaadeene, waxaa mas’uuliyadeeda iska leh aniga oo kaliya, cidkalena looma saarin karo. Waxaana soo dhaweynayaa si Kal iyo Laab ah waxkasta oo su’aalo, sixid, talo iyo tusaaleynba ah. Fadlan adoo mahadsan iigu soo dir E-mailkeeyga hoos ku xusan.

Mahadnaq

Waxaan mahad gaar ah u naqayaa/celinayaa raga kala ah: Eng.Cali Maxamed Cismaan (Cali Nuur) Cali barre, Maxamed Amiin Cabdi Cismaan (Amiin yare), khaalid Cabdullahi, C/kamaal Maxamed, liibaan Maxamed, Qaasin Sh. Axmad, C/fataax Muuse iyo Cabdi Nuur.

Wabillaahi Towfiiq

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor

PhD-Candidate

MBA (Marketing)

BBA (Marketing and Finance)

abdulkadirphd@hotmail.com

Kuala Lumpur-Malaysia

Lasoco qeyta (Qeybtii: 4-aad) Isbuuca soo socda, Haduu Allaah Idmo.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Qalinkii Cabdiboqor iyo Qormadiisii Malaysia (Qaybtii: 3aad) "

  1. Aad iyo aad baad u mahad santahay wll sida wanaagsan ee aad warbixinta noo sii say , markaa wll halkaagaa ka sii wad dadaalka

  2. muslimah says:

    As Salaam aleykum warahmatullaahi wbarakaatuh
    Walaal waad ku mahadsantahay qoraalkaa aad noogu warantey dadka Soomaliyeed iyo wadankaa Malasiya ku nool, Waxaase ila haboon in aad halkaan ku soo qortid taariikhda wadankaas.
    Balse waxaad moodaa in aad war kasta ama sir kasta aad halkaan ku soo qortey ee ku saabsan habkaa ay Soomaalida ku soo galaan wadankaas, waxaase ila haboo in aad wax la hartid oo sir ah (Sidaa ay wadankaas ku soo galeen ama ay ku noolyihiin ) ileyn intaas oo oodhan waa dadaalka ay ku dadaalayaan noloshaa aduunkaan, dhibaatadaan oo dhan waxaa dhaliyee dagaaladaa Soomaliya iyo qabiilka iyo neceebka ay dadkaa soomalida qaarkood isu qabaan.
    Markaa waxaa haboo in la is ceeb qariyo, oo midba mid kale si walaaltiomo oo sidaa diinta na farey isu kaalmeeno, oo la isku duceeyo.

    wa billaahi tawfiiq
    wasalaam caleykum waraxamtullaahi wabarakaatuh.

  3. Xusni says:

    Aad ayaad ugu mahadsan tahay qoraalkaaga qiimaha leh, inkastoo aad weli arday tahay, haddana waxaa kaa muuqda maseyr aad u qabto Malaysia, aadna mar uun jeclaan laheyd inaad aragto wadankeena oo jidkaa ku taagan. Anigana sidoo kale.