Home » Maqaallo »

1da Luulyo & Maamul Goboleedyada Maanta jira | Daadurey

Hordhaca taariikhda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka muuqanaya qaybsigii gumeystayaasha reer Yurub ay ku qaybsadeen Shirkii Baarliin sanadkii 1884kii qaarka mid ah Waddamada Afrika gaar ahaan Soomaaliya , gumaystuhu wuxuu awoodda saaray in Soomaaliya sida ka muuqata taariikhda maguuraanka ah ee ay suxufiyiintu ka qoreen qaybsigii Afrika ee reer Yurub loo kala qaybshay Shan qaybood taasi oo aad ka dareemi kartaan ujeeddada gumeystayaashu inaysan ahayn mid sahlan balse ay tahay mid ujeedadeedu ay fog tahay oo Shantii qaybood ee hore loo kala qaybshay markii laga fursan waayey khiyaamooyinka gumeystaha in ay maanta u kala qaybsheen Shan iyo Toban Maamul oo kala gedisan oo aan wax shaqo ahi isku lahayn, taasi oo macnaheedu yahay Magaca oo keliya inuu yahay Soomaaliya laakiin Maamul Goboleedku uu yahay nooc cusub oo Dalka lagu gumaysto.

Haddaba, waxaannu ognahay in xonimada maanta loo dabaaldegayo ee 1da Luulyo dad fara badani oo geesiyaal ahi ay naftoodii u waayeen si ay gumeystayaashii reer Yusub ay dalka uga saaraan, taasina waxay keentay in labadii gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta ay midoobaan 1dii Luulyo Sanadkii 1960-kii , markii ay gumeystayaashu u adkeysan waayeen weerarka kaga imaanayey geesiyada iyo haleyeyada Soomaaliyeed, xornimada kaddib waxayna dhisteen Dowlad midnimo Qaran oo loo dhan yahay iyo Baarlamaan Shacabku ay si xaq ahi u soo doorteen, maantay waannu aragnaa in lagu looltamayo in Dalka dib gumaysi loogu soo celiyo ama ay dhacdayba oo la xusuusan yahay inay Itoobiya Dalka qabsatay ilaa iyo haddana ay ku gaaf wareegayso iyadoo ka mid ahayd Xulufadii gumeystayaasha reer Yurub ee ka qayb galay shirkii lagu qaybsaday Afrika ayna ahayd Dowladii keliya ee Afrikaan ah ee ka qayb gashay Shirkii Baarliin Sanadkii 1884-kii .

Waxaa is weydiin mudan Maamul goboleedyadanu maxay yihiin? Soomaaliya malaga yaabaa inay sideedii hore ku soo noqoto? runtii su’aalahani waa kuwa maskaxda ka weyn laakiin qofkii caaqil ahi ujeedeeda waa uu garanayaa , alle raxmaan wuxuu qur’aankiisa kariimka ahi ku yiri “Xarriga alle dhammaantiin wada qabsada hana kala tegina” gobolaysigu waa mid diidaya inay Shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed midoobaan wuxuuna horseeday gobolaysigu in Dalka si sahlan ay Itoobiya u qabsato iyadoo ay ogayd in Soomaaliya oo midaysani inaysan awoodin inay u soo weerar tago, Soomaaliya sideedii hore waxay ugu soo laaban kartaa in Dowladdan la taageero si buuxdana loo taageero iyadoo kooxaha Diinta ku dagaalamayana ay gartaan inay dhiig ay daadiyaan ama kooda ha ahaado ama mid kale aysan horumar ku gaarayn, sababtuna waxay tahay Midowgii Maxaakiimta Islaamka horumarkii ay gaareen waxaa u sabab ahaa way midaysnaayeen haddana waa Kaaf iyo kala dheeri Ummadda laynina idinkana ha is laynina ee Nabadda qaata alle ayaa idinka raali noqonaya.

Siyaasadda Soomaaliya ee ku aadan Maamul goboleedyada ayaa ah mid aan wanaagsanayn sida aad ka aragtaan gulufaha colaadeed ee ka dhex taagan, taasina waa mid lagu waxyeelaynayo xornimada Dalka Soomaaliya ee qaaliga ah , imisa Madaxweyne ayaa ka dhex muuqda maamul goboleedyadan waxay heli karaan inay Dowladda la shaqeeyaan iskuna magacaabaan maamulka Dowladda ee Jamhuuriyada Soomaaliyeed ee Gobolka ay ka tirsan yihiin Dalkana amnigiisa la ilaaliyo hal Madaxweynena uu Dalka yeesho midnimadii iyo kala dambayntiina la soo celiyo iyadoon wax qabiil ahi loo adeegayn ee lagu badbaadinayo Qarankan qarka ka lusha oo gobol waliba ay koox danteedii u gaarka ahayd ula guurtay .

Dowladda KMG ee Soomaaliya maxaa la gudboon? inay marka hore ka run sheegto u adeegidda Shacabka Soomaaliyeed iyo u horseedida geedi socodka nabadda, Xabbadi Xal ma dhaliso waxay heli kartaa wax ka gedisan Dagaalka oo ay nabad ku keeni karto, laakiin waa inay wadadeedii u martaa , kooxaha ay la dagaallamayso dhulka kama aysan soo bixin cirkana kama aysan imaan waa Dad Soomaaliyeed oo ay isku af ay ku hadlayaan isku Diin yihiin isku dhaqab yihiin qaar ka mid ahina ay Baarlamaanka ku jiraan walaalahood ama eheladood laakiin Dowladdu way gabtay waajibkii laga doonayey inay kala tashato Baarlamaanka geedi socodka nabadda.

Gabagabadii iyo Faalladani ku saabsanayd 1da Luulyo iyo Maamul Goboleedyada maanta jira ayaa waxaannu ku soo koobayaa , Soomaaliya 50-guuradani waa u guul darro Dalkii oo u kala qaysan,Maamul goboleedka Puntland, Maamul goboleedka Soomaaliland, Maamul Goboleedka Gal-Mudug, Maamul Goboleedka Ximin iyo Xeeb, Maamul goboleedka Jubbaland,Maamul goboleedka Maakhirland, iyo kuwa kale oo soo socda iyo kuwii hore ee ay gumaystayaashu u kala qaybiyeen Dalka ee ahaa , Soomalida Koonfur, Waqooyi, Jabuuti, NFD-Kenya, iyo Soomaali Galbeed(Ogaadeeniya), burburka iyo barakaca ummadda Soomaaliyeed ku dhacay iyo kala qaybsanaanta ayaa ah dhibaatooyin ay ka shaqeeyeen gumeysatayaashii reer Yurub ee Dalka gumaysan jiray haddana weli u adeegsanaya Dowladda Maxaysatada ah ee Itoobiya ee Xadka la leh Dalkeenna Hooyo, Soomaaliyeey dantiina garta oo Midooba Midnimo ayaa horumar lagu gaaraa. oo aan Dalkeena Dib uga xorayno gumeystayaasha ina kala Dilaya.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " 1da Luulyo & Maamul Goboleedyada Maanta jira | Daadurey "

  1. ASALAAMU CALAYKUM;faalle qoruhu runtuu kumuusooday kana hadalay, ee meeye dadkii kadhuuxi lahaa,ra’yigan wanaagsan.somaliya dhibka haystaa waxaa qayb ka ah maamul goboleedyada ,hase ahaatee xalku waa dhaw yahay,haddii daacad lahelo iyo hogaan wanaagsan oo uu hamigiisu sarreeyo,qalbigana ay kaga beeran tahay soomaalinimo,aaminsanna in uu wadanka bedeli karo,soomaalida jecel.maamul goboleedyada oo shir isugu yimaaddaa kawada hadlaa danta dalka waxay faaiido utahay ummadda soomaaliyeed,waayo,waa nabad ,inta kalena way nabdoobaysaa haddii goboleedyadu mesha kabaxaan.gooni udaaqana lagu soo bedelo, wadaagid iyo wax isa siin…