Home » Warar »

Alshabaab oo saxafiyiin geysay goobo ay lawaregeen gacan ku heyntooda

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo Shir jaraa’id ku qabtay Gurigii nabad Sugida Somaliyeed ka dib markii ay kala wareegeen ciidamada dowlada FKMG oo taageero dhankasta ah ka halayey Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Halkan ka daawo sawirada

Sheekh Cali dheere oo uu hareertiisa fadhiyey Afhayeenkii Hore ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa sheegay in dowlada DFKMG iminka Dhulka ay joogto sii yaraanayaan isaga oo intaa sii raaciyey in ay dhawaan soo Afjari doonaan halganka ay kala soo horjeedaan ciidamda Midowga Africa ee AMISOM oo gacansinaya cidamada DFKMG.

“mujahidiinta waxaan leeyahay waa in ay ku sii siqaan goobaha yar oo iminka ku jira gacanta cadawga”ayuu yiri sheekh Cali dheere oo dhabta ku heysta qori Ak 47 ah.

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Sheekh Cali maxamuud Raage oo dhawaan ka yimid safar uu ugu maqnaa gobolada Korfurta qaarkood ayaa intii aanu shirkiisa Jaraa’id qabinin Wuxuu saxafiyiintii lasocotay ku casuumay in ay soo indha indheeyaan xarada gaadiidka Boliska oo ay gacan ku heynteeda la wareegeen iyo sidoo kale KM 0 ilaa hotelka global oo dhamaantood ay joogaan  Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab .

“KM0-ga ay sheegaan iminka ayay mujaahidiintu ku sugan yihiim kumana ekaan doonaan”ayuu yiri sheekh Cali dheere.

Maalin kahor ayey ehyed markii ay dagaal xoogan gadaashii ay lawareegeen goobo ay ka mid yihiin Xarunta gaadiidka boliska waxaana halkaa dagaal culus kula galay ciidamada dowlada FKMG oo garab ka helayey kuwa Midowga Africa ee AMISOM iyada oo lagala wareegay goobo dhowr ah oo ay horay ugu sugnaayeen.

Afhayeenkii hore ee Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu-mansuur mar la weydiiyey xaaladiisa caafimaadna wuxuu ku jawaabay sadar muuqdo Su’aal ka dhan, wuxuuna saxafiyiintii la lugeynayey Masaafo dhan nus Kiiloomitir.

Intii ay saxafiyiintu dhax socdeen xaafadaha shibis -Biixaani ilaa Sanco ma arki reero dagan , ari carbeed , bisado , eeyo wax naflay ah ayaa isaga huleelay marka laga reebo ciidamada dagaalada Isaga soo horjeedo waxayna ahaayeen guryihi kuwo ay kawada Muuqato duqeymo ku dhacay halka qaarkoodna ay hortooda Dhufeysyo ka qodnaayeen.

Halkan ka daawo sawirada

somalisan39@hotmail.com
Muuse Maxamuud Jiisow
00252-50-920510
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Alshabaab oo saxafiyiin geysay goobo ay lawaregeen gacan ku heyntooda "

  1. warya says:

    salaan ka dib waxaan ku su alayya al shabaab gorma dagalka joojineysiin warya ilmahaan yaryar oo xabadda haysto gorma lajoojinaya ilmaha inaa wax fiican labaro mawaydeen warya marka alaahi ka kabaqqa dad ladilayo ala joojiyo su’ aashaan iga jawaab

  2. saciid axmed says:

    salaan ka dib waxaan leeyahay al-shabaab waa nasri ilaahay u soo diray somalida lakin dhaliilo ay leeyihiin way jiraan waxaan leeyahay al-shabaab dhaliilahooda ha saxaan oo ha iska ilaaliyaan wax naceeb iyo karahsasho keeni kara maadaama ay dar alle u shaqeynayaan . wabilaahi towfiiq