Home » Warar »

Beelaha Banaadiriga iyo Jareer Weyne oo ka soo horjeestey Saami Qaybsiga 4.5

Kulamo maalmahaan u socday Beelaha Banaadiriga iyo Jareer Weyne ayaa waxay ka soo saareen Bayaan ka kooban dhowr qodob oo khuseeya arrimo fara badan sida xaaladda dalka uu marayo xilligan iyo go’aano kale.

Munaasabad ka dhacday Xarunta Qowmiyadda beelaha Banaadiriga ayna ka soo qeyb galeen, waxgaradka, culumaa’udiinka, shaqsiyaad caan ah, siyaasiyiinta beelaha banaadiriga iyo Jareer weyne ayaa waxaa ka hadlay Dheere Xaaji Dheere oo ka mid ah odayaasha beelaha Banaadiriga, waxa uuna sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay ka baxeen saami qeybsiga balka ama 4.5-ka loo siiyay awood qeybsiga dalka.

“Anaga ayaa Soomaalinimada ku harnay, ninkii yiri waxaa la idiin soo helay nus, adiga ku darso nuska aad na siisay” ayuu yiri Dheere Xaaji Dheere oo dhinaca kale sheegay in beelaha Banaadiriga ay yihiin beelo taariikh fac weyn ku leh Soomaalida dhexdeeda.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay Cumar Shariif oo ah Afhayeenka beelaha Banaadiriga, waxa uuna si weyn u dhaliilay dowladda KMG ah, isagoo sheegay inaan maanta lagu faani Karin jago wasiirnimo iyo mid Baarlamaan, waayo buu yiri marka hore waxaa loo baahan yahay in iskaa wax u qabso loogu shaqeeyo dadka iyo dalka.

Dhinaca kale waxa uu sheegay afhayeenka beelaha Banaadiriga Soomaaliyeed inay iska diideen nidaamka saami qeybsiga ee barka loogu siiyay Dowladda KMG ah, wuxuuna sheegay in beelaha Banaadiriga iyo Jareer Weyne ay ka baxeen isla markaana aysan ka mid ahyn xukuumadda KMG ah, isagoona sheegay inay sugayaan ilaa iyo inta ay cadaaladda ka imaaneyso oo uu sheegay in Kitaabka Alle aanu lahayn kala sarreyn iyo awood qabiil midna, markaasoo uu tilmaamay inay helayaan cadaaladda iyo sinnaanta dadka oo dhan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

———

Beelaha Jareerweyne Iyo Banaadiriga Oo Ka soo horjeestey Waxa Loogu yeero Afar Iyo Bar 4.5

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen beelaha banaadiriga iyo beesha jareer weyne ayay ku sheegeen inay si weyn uga soo hor jeedaan waxa loogu yeero afar iyo bar (4.5) ee Soomaalidu waayadan dambe xukunka ku qaybsato (sida baarlamaanka KMG), islamarkaana tilmaamay in soomaalidu tahay lix (6) beelood .

Halkan ka daawo sawirada kulanka

Kulankan oo ay kasoo qayb galeen waxgaradka ,nabadoonada iyo aqoonyahanada beelaha banaadiriga iyo jareer weyne ayaa waxaa hadalo lagu diidan yahay wax qaybsiga afar iyo bar ka sheegay goobta kulanka suldaan nuur maxamed oo ku hadlayey nabadoonada beesha banaadiriga islamrkaana tilmaamay in waxa loo yaqaano afar iyo bar ay yihiin wax qaybsi dulmi ku dhisan iyadoo uu tilmaamay in soomaalidu tahay lix beelood oo waaweyn taasoo uu ku macneeyey in afartii hore ay weheliyaan beesha banaadiriga iyo beesha jareerweyne .

“Waxaan kasoo horjeednaa hadaanu nahay beelweynta banaadiriga waxa loogu yeero afar iyo bar, ma jiro qof uu ALLE ka dhigay haaf, mana ogolaan doono waxii maanta ka dambeeya in la yiraahdo waa beelaha laga tirada badan yahay ama barka ah waayo soomaalidu waa lix beelood oo kala ah Daarood ,Hawiye Dir ,Digil iyo Mirifle ,Qowmiyada banaadiriga Iyo jareerweyne,” ayuu yiri suldaan nuur maxamed .

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay Ugaas Xaaji xuseen maxamed macalin oo ku hadlayey afka beesha jareerweyne islamarkaana tibaaxay inay dulmi tahay islamarkaana uusan ALLE raali ka ahayn in dad jira oo soomaaliyed loogu yeero Haaf ama bar ,taasoo uu tilmaamay isagoo cadho xoogani ka muuqato inaysan aqbali doonin waxii maanta ka dambeeya.”

“Anaka oo jareer weyne ah iyo weliba beelaha banaadirigaba waxaan nahay dadkii dalka usoo halgamey oo weliba u badnaa 13-kii SYL maxaa keenay in maanta la dhaho waa bar waa dulmi mana yeelayno gobolka banadirna waa gobolkeena,” ayuu yiri Ugaas xaaji xuseen

Kulankan oo ay si isku mid ah u dhaliileen wax qaybsiga afarta iyo barka ayaa waxaa ka hadlay waxgarad iyo aqoonyahano isugu jira Rag iyo Haween dhamaantood kasoo jeeda labada beelood ayaa waxaa kamid ahaa marwo Biibi Maxamed xaaji ,marwo faadumo miino Abkoow iyo Dheere Sheekhey Dheere oo dhamaantood si weyn uga soo horjeestay waxa loogu yeero afar iyo bar ee badanaaba wax qaybsiga baarlamaanka KMG ahi ku dhisan yahay.


Afhayeenka cusub: cumar shariif jeeg

Gabagabadii kulankaasi ayaa waxaa lagu magacaabay afhayeen ay wada yeesheen beelaha banaadiriga iyo weliba jareerweyne kaasoo lagu magacaabay Cumar shariif jeeg isagoo uga mahad celiyey xilkaasi culus ee ay u magacaabeen waxgaradka labada beelood ee ku dhaqan magaalada caasimada ah ee muqdisho .

Si kastaba ha ahaatee hadalkan kasoo yeeray waxgaradka beelaha banaadiriga iyo jareerweyne ee kulanka ku yeeshay magaalada muqdisho ayaa waxuu kusoo beegmaya xili ay dhowaan sheegeen qaar ka tirsaan baarlamaanka KMG ah ee soomaaliya inay kasoo horjeedaan waxa loogu yeero afar iyo bar beelood islamarkaana ay tilmaameen inay soomaalidu tahay shan (5) beelood.

faytin yaasiin
Email: yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Beelaha Banaadiriga iyo Jareer Weyne oo ka soo horjeestey Saami Qaybsiga 4.5 "

  1. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib. waxaan la yaabanahay kuwa la baxay Jareer Weyn oo qaar ayaga ka mid ah iyo ayaga is soo uruursaday sheeganaya magaca Banaadiri, isla markaana ka hadlaya waqtigan arrin ku saabsan 4.5, waa nasiib xumo in shaqsiyaad ayaga sheegta Jareer weyne ay ku or kacsadaan magaca Banaadiriga ama Looma ooyaanka ka dib markii ay dannahooda ka soo waayeen Xukuumada KMG.
    Haddaba, annigoo ah Guddoomiyaha Qowmiyadda Banaadiriga ee dalka HOLLANDA, waxaan idin caddeynayaa in aanan Dhag jalaq loo siin Shirarka noocan oo kale ee looga soo horjeeddo Siyaasadda wanaagsan ee ay hadda wax ku wado Dowladda Sheekh Shariif (XAFIDUHU AL-LAAN), dadka ayaga moodaya in wax lagu naqanayo hab dhaqanka noocaan oo kale waa in ay ka waantoobaan oo ay dadkooda dhinac ka raacaan. Haddii aan nahay dadka Reer Banaadir, gaar ahaan kuwa Gibil Cadka waxaan ku kalsoonnahay Labada Shariif wax allaalle wixii ay soo go’aamiyaan, ayadoo aan aaminsanahay in yihiin Labadaa qof kuwa masala Qowmiyada ku abtirsata Reer Banaadir, kuwa ayaga had iyo jeer sheegan jiray Jareer weyn waxaan idin leeyahay waa laga gudbay arrimahaas, sidaa darteed, waxaad ka tirsan tihiin Digil iyo Mirifle iyo Banaadir ee meeshaad doontaan kala raaca labadaa meel, wax la yiraahdo 4.5 wuu dhamaaday, Reer Banaadirna waxay ka mid yihiin Qowmiyada dega dhulka Hawiyuhu Deggo, ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Abgaalka waxaan u sheegayaa in ay ayaduna dhammaatay wixii la oran jiray MUDOLOOD, ka soo bilaw Jowhar ilaa iyo Baraawe waxaa leysku yiraahdaa Qowmiyadaha degga Reer Banaadir, sidaa waa in loo xisaabtamaa maanta wixii ka dambeeya, dadka ayaga muddulood kula bahooway magacaa ee gobollada kale ka yimid waa in ay Gobolladay ka yimaadeen ku daba feylaan, khalaas waa dhamaatay waqtigii Boobka iyo sharci la’aanta waa in sharciga loo hoggaansamaa.
    Soomaali ha Noolaato.

    ALLAA MAHAD LEH