Home » Warar »

Soomaaliya waxay rabtaa Taageero

Cumar C/rashiid Cali Sharmaakre, June 21, 2010

Bilihii dhawaa, in badan oo ku sugan Mareykanka ayaa u ekaa in ay ka quusteen Soomaaliya, Bishii April dhexdeedii, tusaale ahaan, Guddiga Xiriiradda Dibada ayaa soo saaray Warbixin Gaar ah oo ku baaqaysa “siyaasad cusub” oo ah “ Iska Dhaafida Waxtarka leh” oo wadankeena ah- hadii dhanka kale loo dhigana ah in lagala noqdo Taageerada Caalamiga ah ee la siiyo Dowladda Soomaaliya, Fikradaasi waxay si shaki la’aan ah u duufsanaysaa in badan oo ku sugan Washington, sidoo kale kuwo ku sugan London iyo Caasimadaha kale ee Reer Galbeedka, taasoo sii adkeynaaya dhibaatooyinka aanu wajahayno, maadaama ay Dowladdu ka shaqaynayso sidii ay u soo celin lahayd Nidaamkii ka jiray Dhul ay Cadaawadi ka jirto, laakiin sida muuqata Habkan cusub wuxuu ku noqon doonaa Musiibo maanta sida uu horay ugu noqday Soomaalida iyo Beesha Caalamkaba.

Xaqiiqdii, “Iska Dhaafida Waxtarka leh” ayaa ah asluubayn wanaagsan oo la mid ah tii hore iyo Siyaasadihii gebi ahaanba guuldaraystay, taasoo Wadamada Reer Galbeedka ay isticmaalayeen mudo sanado ah Muranka qaldan ee ah in Dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira loo daayo Soomaalida, tani waxay ahayd Aragtida caadiga ah ee ay qabtay Beesha Caalamka inta badan 20kii sano ee la soo dhaafay- ilaa ay soo baxdo Burcad baddeed baahday, taasoo sababtay in Ciidamada Badda ee Aduunka ay u soo ruqaansadaan Biyaha Soomaaliya, joogitaanka ay joogaan Cutubyo Maraakiib dagaal oo ka socda Ciidamada Badda in ka badan 24 dal ayaa sharaxaad cad u ah sida dhibaatooyinka ka jira gudaha dalkeena ay u cadaadinayaan arrimaha Caalamka.

Aragtida Aduunka ee dhibaatada Soomaaliya ayaa ah sidoo kale mid muuqata oo dhulka taala, halkaasoo ay ku soo qulqulayaan dagaal yahaniin Shisheeye oo sii kordhinaya Heerka ay marayaan Mintidiinta Mucaaradka ah, kuwaasoo si furan ula xulufoobay Ururka Al-qaacida. Boqolaal Mintidiin Ajaaniib ah ayaa hada ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo muuqaalkooda kore uu yahay sidii ay ula dagaalami lahaayeen Dowladda Soomaaliya iyagoo ka dhinac dagaalamaya Kooxaha Shabaab iyo Xisbul Islaamoo ah Kooxo Argagaixiso ah, kuwaasoo ay soo jiiteen dhiirigelinta ka imaanaysa Qaaar ka mid ah Kooxaha Argagixisada Islaamiyiinta Asal raaca ah ee Aduunka, Dhabtii, Waxbixintii dhawaan ay Hay’adda Human Rights Watch ay ku eegaysay dadka Soomaalida ah ee ku nool deegaanada ay gacanta ku hayaan Shabaab ayaa u eg Midii ay horay Hay’addu uga soo saartay Ururka Daalibaan ee Afgaanistaan ka dagaalama xiligii uu talada hayay, Argagixisadu waxay karaamadii ka qaadeen Qabuurtii Soomaalida iyagoo u arka in aysan Islaamka ku jirin marka loo eego Tarjumaadooda qaloocan ee ay ka bixinayaan Islaamka. Masuuliyiinta Al shabaab ayaa si joogto ah u soo saara Amaro xun xun oo ay ku mabnuucayaan Waxkasta laga soo bilaabo Calankii Soomaaliya ee ka babanayay dhulkeena ilaa Daawashada Ciyaaraha Koobka Aduunka, Laga soo bilaabo Ganbaleelkii Iskuulka ilaa Cagafcagafyadii Beeraha lagu falanaayay. Xoog Amar ku Fuliyayaasha Shabaab ayaa karbaasha Haweenka hadii ay xiran waayaan Marooyin daboola min Madaxa ilaa Suulka jirkooda inkastoo aysan Qoysaska intooda badan awoodi Karin in ay sidaa sameeyaan. Argagixisadan waxay qarxiyeen Arday Caafimaadka dhamaysatay iyo Barafasooro ku sugnaa Xafladdii Jalanjebinta sanadkii la soo dhaafay, waxayna si aan shaki ku jirin masuul uga yihiin Shan mayd oo Madaxa laga gooyay oo laga helay Bishii April Muqdisho, Dhibanayaashaas ayaa ka shaaynaayay dayactir cusub oo lagu sameynaayay Dhismihii Baarlamaanka Soomaaliya.

Aduunku horay ayuu u soo arkay Waxuushnimada noocan oo kala ah kadib markii ay Daalibaaniyiintu burburiyeen Dowladdii hore ee Budhistaha ee ka jirta dalka Afgaanistaan. Sidoo kale markii Mintidiin Al-qaacida ku xiran ay si habaysan u bambeeyeen Goobo barakaysan oo ku yaala dalka Ciraaq. Sida ay muujinayso Taariikhdii Tobankii sano ee la soo dhaafay, Argagixisada ku sugan Soomaaliya ayaa waxay si aan shaki ku jirin u bilaabayaan in ay Rabshado ka abuuraan guud ahaan Gobolaka iyo Aduunkaba, hadii aan ka hortagi weyno, dhabtii Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa si tartiib tartiib ah gacan uga geysanaya sidii Muqdisho sharciga iyo kala danbaynta loogu soo celin lahaa iyo goobaha kale ee Soomaaliya, dagaalka adag ee dhulka kuwa ku guulaysanaya waa Anaga, laakiin waxaanu u baahanahay Taageero Caalami ah oo ka timaadda Meelo fogfog si aanu awood ugu yeelano maadaama aanu aminsanahay in aanu guulaysanayno.

Waxba laguma guulaysan karo hadaysan jirin Illo dhaqaale, Nasiibdaro, dhamaan Ilihii Daqliga ee Dowladdeenu isticmaali jirtay ayaa burburay ama la burburay, Soomaaliya waxay aad ooga baahan tahay hada dalalka sida Britain iyo Mareykanka waa Taageero maaliyadeed ma ahan Ciidamo ama Nabad ilaaliyayaal, Dowladdeenu waxay si hoose u eegaysaa Dhacdooyinka daaha ka rogan ee ka socda Afgaanistaan, halkaasoo ay Askarta Mareykanka iyo kuwa Britain aysi geesinimo leh uga qeybqaadanayaan dagaalka, waxaanu doorbidaynaa in aanu ka soo baxno teena. Soomaalidu waxay aad ugu kulul yihiin in ay dhankooda qeyb ka qaataan dib u riixidas Qatarta Argagixisada Islaamiyiinta, laakiin ma haystaan Tasiilaadkii ay ku fulin lahaayeen arrintaas, Taageerada ka timaada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa naga caawinaysa in aan dhisano Ciidamo habaysan, laakiin naguma filno, waxaanu u baahanahay in aan u helno Taageero Ciidamadeena Qalabka-Sida maadaama aanu rajeynayno in aan ku guulaysanayno Goobaha dagaalka ee Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya Bilaha soo socda.

Soomaaliya sidoo kale waxay u baahan tahay Taageero badan oo ka timaada Beesha Caalamka si ay duulaanka uga bilowdo Goobaha Dagaalka, waxaanu u baahanahay Taageero si aanu u soo ceshano Dhaqdhaqaayadii Gaacsi ee xalaasha ahaa si aan wax badan uga faa’iideysano Kaluunka tiradda badan ee aanu qaniga ku nahay, Shidaalka ama Saliida, Gaaska iyo Macdanta oo aan maalin uun noqono dowlad wax badan qabsata horumarna gaarta marka hada loo eego, waxaanu u baahanahay Dhaqaale degdeg ah oo lagu bilaabo, taasoo lagu soo noolaynayo Adeegyadii Bulshada sida: Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo Nadaafada aas-aasiga ah oo laga hirgeliyo Goobaha ay Dowladdu ka taliso.waanu kaga aqoon badanahay Qofkasta waxa ay u arkaan Ciidamada Caalamiga ah wax adag, wadada looga guulaysan karo Argagixisada iyo Burcad baddeeda waa in la buuxiyo meelaha banaan ee ay ka faa’iideysanayaan oo ah hadii aan magacaabo Masuuliyadii Qaranka oo meesha ka maqan iyo Dowlad Wanaaga.

Dowladdeena Federaalka KMG ah waxaa la aas-aasay 2004-tii sida ku cad Magaca, waanu ku dadaali doonaa in aan maamulno ilaa aan ka gaarsiino dadka Soomaaliyeed xili ay six or ah ku dooran karaan Madaxdooda Dhul Nabad ah oo Nabadgelyo ka jirto iyo Rajo mustaqbalka ah oo ka soo horjeeda waxa ay aaminsan yihiin qaar, maalintaas waa la gaari doonaa anagoo og shaqada dowladdeenu qabatay iyadoo kaashaanaysa beesha caalamka laakiin maalintaas ma imaanayso hadii soomaaliya mar labaad meel cidla ah looga tagayo.

….

Qoraalkii Hay’adda Xuquuqul Insaanka oo la soo koobay ..Af Somali

….

Now is no time for the world to go wobbly on Somalia.

BY OMAR ABDIRASHID ALI SHARMARKE | JUNE 21, 2010

In recent months, many in the United States seem to have given up on Somalia. In March, for example, the Council on Foreign Relations issued a special report calling for a “new” policy of “constructive disengagement” from our country — in other words, the withdrawal of international support for the Somali government. That idea is undoubtedly tempting to many in Washington, as well as in London and other Western capitals, given the difficulty of the problems we face as a government working to restore order across a hostile land. But this supposedly new approach would be as disastrous today as it has been in the past, both for Somalia and the international community.

In fact, “constructive disengagement” is a nice euphemism for the same very old and thoroughly failed policies that Western countries have used for years to wrongly argue that Somalia’s problems can remain in Somalia. This was the prevailing attitude of much of the international community during most of the past two decades — until rampant piracy drew navies from around the world toward Somali waters. The presence offshore of a flotilla of warships from the navies of more than two dozen countries illustrates vividly how our country’s internal problems are a pressing international issue.

The global nature of Somalia’s troubles is also visible on the ground, where an influx of foreign fighters is swelling the ranks of militant oppositionists who are openly aligned with al Qaeda. Hundreds of foreign militants are currently in Somalia, ostensibly to fight the Somali government alongside al-Shabab and Hizbul Islam, extremist groups that draw inspiration from some of the world’s most radical Islamist groups. Indeed, a recent Human Rights Watch report looking at life for Somalis in Shabab territory reads as if it could have come from the organization’s old file on Afghanistan’s Taliban. Extremists desecrate the graves of Somalis seen as somehow un-Islamic under their warped interpretation of Islam. Shabab authorities regularly issue edicts banning everything from flying our Somali flag to watching the World Cup, from ringing school bells to using tractors for farming. Shabab enforcers flog women for failing to wear head-to-toe garments, even though many families simply cannot afford them. These same extremists blew up medical students and professors at a graduation ceremony last year, and they are undoubtedly responsible for the five headless corpses found in April in Mogadishu. The victims had been working to construct a new Somali parliament building.

The world has seen this kind of savagery before, when the Taliban destroyed ancient Buddhist statues in Afghanistan and when al Qaeda-linked militants systematically bombed holy sites throughout Iraq. As the history of the past decade shows, the extremists in Somalia will also undoubtedly begin exporting violence throughout the region and around the world if we do not confront them. And indeed, Africans are taking the lead in this fight. The Somali government, backed by African Union peacekeeping forces, is gradually extending the rule of law in Mogadishu and elsewhere in Somalia. The hard fight on the ground is ours to win, but we need international support from afar to remain strong if we hope to succeed.

Yet nothing can be achieved without financial resources. And unfortunately, all sources of revenue that our government could have used have either collapsed or been destroyed. What Somalia needs most now from countries like Britain and the United States is financial support, not troops or peacekeepers. Our government is closely watching the events unfolding in Afghanistan, where U.S. and British soldiers are fighting bravely in a war we consider a distant front of our own. Somalis are eager to do their part in pushing back against the menace of Islamist extremism, but they lack the resources to do so. Support from the African Union and the United Nations is helping us stand up a proper army, but it is not enough. We need more support for our armed forces if we hope to win on battlefields in Mogadishu and across Somalia in the coming months.

Somalia also needs more international support for initiatives off the battlefield. We seek greater help in restoring legitimate commercial activity so that we can make the most of our vast potential wealth in fish, oil, gas, and minerals and someday fund long-term governance and development on our own. For now, we urgently need resources to establish and maintain public services, such as health care, education, water, and basic sanitation, in areas under government control. We know better than anyone what international navies are now learning the hard way: The best way to overcome terrorism and piracy is ultimately to fill the vacuum in which they thrive, namely the absence of state authority and good governance.

Our Transitional Federal Government was established in 2004. As the name makes clear, we will try our best to govern only until the people of Somalia can choose their leaders in an environment of peace, security, and hopefulness about the future. Contrary to what some believe, such a day is within reach, owing to the work our government has done already with help from the international community. But that day may never arrive if Somalia is again left standing alone.

http://www.foreignpolicy.com/articles/2010/06/21/Help_Wanted?print=yes&hidecomments=yes&page=full

Xigasho: http://www.foreignpolicy.com/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Soomaaliya waxay rabtaa Taageero "

  1. Sahal cali says:

    Fadlan halaga daayo islamiyinta loogu yeerayo koox waayo ninka isticmalayo eraygas asaga muslim ah taa waa araktidayda dunidu waa muslin iyo gaalo gaaladu way isticmali karan lakin muslimku maya