Home » Sports »

Tartanka Xiddigaha K/Koleyga oo ka Furmay Muqdisho

Muqdisho : Garoonka Dugsiga sare Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa Xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Koleyga ka furay tartantii xiddigaha Wiilasha Kubadd Koleyga oo ay ka qeybqaadanayaan 14- kooxood oo ciyaaryahanada laga soo xulay horyaalkii 25 ee Kubadda Koleyga.

Halkan ka daawo Sawirdo Dheeraad ah

Xafladda furitaanka oo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin kala duwan oo ka socday dhinaca GOS iyo XSKK iyo CBS ayaa waxaa halkaasi qudbad ka soo jeediyey Guddoomiyaha X.S.K.K Ibraahim Xuseen Cali (ROOMBO) wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in dadaal badan xiriirkiisu u galay taaba gelinta howlaha loo idmaday iyo sidii loo horumarin lahaa horyaala XSKK , wuxuuna ka warbixiyay in ciyaaryahanada ka qeybqaadanaya tartanka xiddigaha laga xulan doono xiddigo matela xulka qaranka K/Koleyga . Dhanka kale Guddoomiye Roombo ayaa u mahadceliyay maaxda Kooxaha K/Koleyga, ciyaartoyda , qurba joogta K/Koleyga ee u hiiliyay horusocodka XSKK,Taliska Ciidanka Booliska iyo inta gacanta ka gaysatay taabagelinta qabashada tartankan xiddigaha 2010.

G/Sare Garaad Nuur Cabdulle oo ah Taliyaha Dugsiga sare ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed [Scuala Polizia] ayaa ku soo dhaweeyay bahda isboortiga garoonka isagoo sheegay inay si hufan ula shaqeyn doonaan GOS iyo XSKK garoonkuna uu yahay mid u furan bahda isboortiga iyo xiriirada waxqabadka leh.

Sidoo kale waxaa hadalka qaatay Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] isagoo si farxad leh ugu dhawaaqay in tani ay qeyb ka taahy baaqa GOS ee ah inay si hufnaan ah ay u socdaan howlaha Xiriirada hoos yimaada GOS isagoo faraxsan wuxuu ku dhawaaqay inay furan tahay tartanka Xiddigaha Wiilasha K/Koleyga. wuxuuna Kooxaha ka qeybgalaya ku booriyay inay la yimaadaan asluub wanaag iyo xirfad ciyaareed aad u sareysa wuxuuna ugu danbayn u ku celceliyay in ay la sinaan doonin xiriirada sahqeeya iyo kuwa aan shaqeynin.

Ciyaartii ugu horeysay ayaa waxaa isku haleelay kooxaha Somali Diapora Sports and Culture [SDSC] iyo The Village Restourant waxayna ku kala baxeen waqtigii loogu talagalay 79-68 oo ay guusha ku raacday Somali Diapora Sports and Culture oo ay maalgeliyeen qurbo joogta kubadda koleyga eek u sugan qurbaha.

Daawashada ciyaartan Furitaanka oo ay ka soo qeybgaleen Sarakiil sare ciidanka booliska Soomaaliyed oo uu ka mid yahay Cornel Cali Shiino mas`uuliyiin GOS sida Xasan Axmed [Xasan Elman] Guddoomiyaha XSKL Prof. Caddow, Guddoomiyaha XSF Xaaji Coloow.Kusimaha XSCF Khadiijo Daahir iyo madaxda xiriirada kala duwan ee GOS marti sharaf iyo taageerayaasha ciyaarta Kubadda Koleyga.

Ma`aha Markii ugu horeysay oo Xiriirka K/Koleyga tartan ciyaareed xarigga uu ka jaro ama uu qabto , waxaana lagu tilmaamaa xiriirada ugu cadcad ee si habsami leh u qabta dhaqdhaqaaq isboorti oo waxaa waxqabadkan in lagu amaano mudan Guddoomiyaha XSKK Md. Roombo oo dadaalka badan ka muujiyeen howlaha horumarinta xiriirka.

Isboorti Chief Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2525-0-982912
+2526-2-272145
Email:buuna@isboorti.com

…………..

Eng.Baana Cali oo casho sharaf u sameeyay Bahda Kubadda Koleyga London

Halkan ka daawo sawirada

London 22/06/2010.Waxaa lagu qabtey waqooyiga magaalada London maqaayada Ramada casho sharaf sare oo ay ka soo qayb galeen bahda kubadda koleyga Soomaalida ku nool magaalada London,kuwasoo isugu jirey ciyaartooydii hore Qaranka, kuwii dambe, macalimiintii iyo maamulayaashii isboortiga, xafladatan quruxda badan waxaa soo qabanqaabiyay Eng Baana Ali oo ah xoghayaha (XSKK).

Eng Baana Ali ayaa ugu horeyntii ka hadlay casho sharafta kagana mahadceliyay imaanshahooda ka soo qayb galayaasha kadibna sheegay inuu dalbanaayo in bahda kubadda koleyga ee meesha fadhiya inay iska cafiyaan waxyaabihii ku kale dhaxjirey bahda kubadda koleyga ee khilaafka ahaa,waxaan doonayaa saaxiibayaal wixii caawa ka dambeeyo soo celiyo walaalnimadeenii iyo saaxiibtinimadii isboortiga ayuu yiri xoghayaha XSKK.
Dhamaan dadkii meesha fadhiyay ayaa aad ugu riyaaqay hadalka wanaagsan ee ka soo yeeray Baana Cali, waxaana markaas kadib hadalo wanaagsan oo u badan istusaaleyn iyo qaabka loo wada shaqayn karo iyadoo la istixgalinaayo ka Hadley mudanayaasha isboortiga ee kale ah:

Danjire Mohamed Ahmed Caalin , ADAMO,Ahmed Muse, Macalin John , C/qaadir Garwayne,Ahmed Bile,Abdiweli,Osman Shiis,Bashiir Gurey,Abdalle Dheere,Abukar Yusuf,Guleed Farah,Liibaan Dahir,Abukar Abdi,Abdirahman Hussein,Mohamed Abdiweli,Abdirahman Abdi Weli,Abdulahi Abshir,Guled Farah,Liiban Hasan iyo Abdulsabour.

Casho sharafta ayaa ku soo dhamaadey jawi wanaagsan iyo farxad, waxaa xusid mudan in bahda isboortiga kubadda koleyga ee ku nool dalka Ingiriiska magaalooyinkiisa kale duwan intooda badan khilaafkii ku soo kale dhexjirey mudo badan ay go’aansadeen inay dhinac iska dhigeen, isku meelna ka soo wada jeestaan,runtii arimahaan oo kale waa tilaabo wanaagsan oo u baahan in qurbo joogta isboortiga meel kasto ay joogaan kaga day’daan tilaabada ay qaadeen bahda kubadda koleyga UK, kuwasoo markoodii hore isku khilaafay in laga mid noqdo iyo in aan laga mid noqonin iyadoo aanan lala xisaabtamin qaabka ay ku shaqeeyaan kooxda(GOS)ee afduubka ku haysata maamulka isboortiga dalka ee dibad wareega ah
W/D:Yusuf Yusuf
Sports editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.