Home » Warar »

Soomaaliya waa iib (Q.6aad)

Deeq Bixiyeyaal Mise Qaameeye yaal:

Qormadaan waxaan ooga hadlayaa waxa loo yaqaan deeq bixiyaasha Soomaaliya, waxaan ka jawaabi doonaa su’aalaha ah, yaa lagu magacaabaa deeq-bixiyeyaal?, yaa lasoo mariyahaa deeqdaa?, hay’adaha ka shaqeeya Soomaaliya waa meeqa?, siiba kuwa hoos yimaada UN-ka, Walad Cabdalla malagu tilmaami karaa Paul Bremer kii Soomaaliya? Miisaaniyadda UN-ku u dalbatay Soomaaliya waa meeqa?, lacagtaasi ma deyn baa mise deeq? Yaase lagu leeyahay?, xagee ku baxaday?, TFG maxaa loo gaajaysiinayaa?, National Democratic Institute(NDI) Mataqaanaa? Iyo arrimo kale oo badan. WARBIXINTA OO DHAN AKHRI HALKAN/RIIX

Qoraalka oo dhamaystiran ka akhri HALKAN

Warbixinta oo dhamaystiran ka akhri HALKAN…..

………………………………

Qoraaga warbixintan waxa uu muddo ku dhawaad ah sanad ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) ee xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya. Qoraagga ujeedadiisu ma aha in qof si khaas ah u falan qeeyo, laakiin marka la fiiriyo xaalada dalka uu marayo iyo asagoo mararka qaar is dhaha Wax yaalaha qaar hadaad ka aamustid armaad danbi ka gashaa ummadda Soomaaliyeed awgeed ayuu u qoray qoraaladan xiriirka ah oo ku saabsan Somalia for sale (Soomaaliya waa iib) safaaradaha iyo badda iyo dhulka. Qoraagu waxa uu aaminsan yahay in waxa Soomaaliya ka socda ay yihiin boob qarameed oo meel walba ah, oo ay waajib tahay in la galo dagaal lagu bad-baadinayo hantida guurta ah iyo midda maguurtaba ahba. SII AKHRI…

WARBIXINTA OO DHAMAYSTIRAN AKHRI…..

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Soomaaliya waa iib (Q.6aad) "

  1. Qoraagu aad iyo aad ayuu ugu mahadsan yahay qoraaladiisa taxanaha ah ee sida qotoda dheer ugu hadlay arinta somalia ka taagan maanta.
    runtii dadku dhagta ayay wada taagayaan oo sida wax u socdaan waa la fahmi la’yahay hadanase waa la wada ogsoon yahay in wax khaldan yihiin.
    laakinse su’aashu meesha taala waxaa ay tahay goorma ayaa xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan sida wax u socdaan lawada fahmi doona?
    Sida aan la socono wadanka somaliya marxalada kala duwan ayuu soo maray oo hadba mawjada meel ayaa loo badalayay waqtigi gumaysida iyo kala goytii somali weyn, dawladihi la soo doortay, kaligi talisnimadi, abuuristii jabahadihii qabaa’ilka ku salaysnaa, burburkii, hogaamiye kooxeedyadii dagaalada, maxaakimtii iyadoo mar walba dawlado dibada lagu soo dhisay ay bar bar socdeen marxaladahaas ilaa maanta wadaadadii loo baxsan jiray oo diinta iyo cilmiga loo raadsan jiray ay xukunki isku haystaan.

    waxaas oo dhan waa qorshe horay looga baaraandagay oo ujeedooyinkooda qarsoon wada malayn karno taas oo ah in wadanka nalagala wareego aakhritaanka ee somaliyeeey goorma ayaana wax garan doona?!!!

    Mahadsanidiin.

  2. siciid oday says:

    asc
    waxaan mahad iska leh,allaha xaqa iyo baaddilka kala saraay….waxaan kaloo halkaan uga hambalyeynayaa qoraaga waqtigiisa galiyey inuu u ifiyo umada soomaaliyeed sida dhulkoodii loo boobay.
    walaalayaal soomaaliyey dhulkii sidaas baa loo galay,dhulkaan dadka u dhashayna waa anaga ee maxaa noo xal ah.sidee ku badbaadinaa, ma iskuuladaan aadnaa oo buug iyo qalinbaan qaadanaa mise qoryaan guranaa oo xoog baan wax ku raadinaa,hadaan qalin iyo buug qaadano maxaan soo baranaa,hadaan dagaal qaadna yaan weerenaa?. ma cadowga dibada ee qalinka iyo buuga soomaaliya ku daba gadinayaan ka ilaalinaa mise kan gudaha ee wadan ka u dhashay oo aan waxba aqoon oo maalin walba warqada laga saxiixanayo. dhulka iyo cirka gadanaya, deyn maalinkasta wadanka galinaya, waxaaba taas kaaga sii daran magaca soomaliya maalinkasta malaayiin doolar baa lugu cunaa, hadana meel ay martey ma taqaanid.
    ciil iyo calool xumaan habeen kasta la seexdaa, maxaan qaban karaa, soomaali baan ka dhashay,aqoon fiican oomaanta wadankii ku difaaco malihi,dad isku duuban oo qiiranayo waa yar yihiin. soo inaan qoraal uun iskaga cataabo maahan.walaayaal qof walboo waxaad qaban karto qabo. kheyr beyna ku danbeen iinsha alaah.