Home » Faallo »

Qalinkii Cabdiboqor iyo Qormadiisii Malaysia (Qeybtii: 2-aad)

Hordhac/Gogoldhig

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, Nabadgalyo iyo Naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Waxaan warbixino tixane ahaa oo in mudo ah socdey, aan horey uga qorey wadanka Pakistan-Oo Bachelor-keeygii iyo Masters-kiiba aan kusoo dhameystey iyo dhowr sano oo shaqo ah, mudo 8-sano ku dhawaad ahna aan ku noolaa-Waxbarashadiisa iyo sida Soomaalida eey uga faa’ideysan karto. Waxaa ku faa’iidey ummad aad u farabadan oo Pakistan kusoo yaacdey, waxna ka baratey, haba ugu sii badnaadeen waqtigii Maxaakimta iyo soo galitaankii Ethiopia oo Waalidkasta ilmihiisa meel uun ula baxsanayey. 2-Bilood gudahood ayaa dhowr Boqol oo Soomaali ahi, kusoo galeen wadanka Pakistan, waloow Viisooyin “Bug/sharci aan aheyn” oo la heleyna sii kabeen. Waa xaqiiq in wadankii aadan wax war ah ka heysan, uu aduunka intiisa kale kaaga dhex qarsoomnaanayo, xitaa hadii aad si gaar ah u daneyneyso. Soomalida ayaa tiraahda “War helaa Talo hel” Reer Galbeedkuna waxeey yiraahdaan “Information is Power”. Waxaan rajeeynayaa warbixintan Qeybteedan 3-aad iyo kuwo xigaba ee aan diyaarindoono, sidii hore iyo si ka wanaagsanba in Allaah Ummadeena Soomaaliyeed ugu anfaco. Anigan diyaariyey iyo Bahda website-kan ummada usoo daabacdeyna Allaah Ajar iyo Xasanaad aan lasoo koobi karin uu inaga wada siiyo. Aamiin!

Isbuucan waxaan Warbixinta uga hadli doonaa: Arimaha Visaha iyo Siyaabaha/qaababka kala duwan ee Soomaalida ku soo gasho wadankan Malaysia. Sida ugu haboon ee ardeyda ku soo gali karaan. Dukumiintiyada looga baahanyahay qofka soo galaya. Sida lagu dabaro/xalliyo Mushkiladaha Visooyinka ardeynimo, Waxa la iska ilaaliyo, Sababaha kala duwan ee Soomaalida u Timaado/usoo gasho wadankan Malaysia iyo arimo kaloo aad muhiim u ah.

Arimaha Dal-ku-Galka (Visa-ha) iyo Sida Soomaalida u soo gasho wadankan Malaysia

Soomaalida isku passport ma wadato oo qeybi waxeey wadataa koodii asalka ahaa, kuwana Passport-yo kale ayey wataan. Kuwa wata passport-koodii asalka ahaa, ayaa waxaa loosii kala qeybiyaa laba qeybood: 1- Qeyb wadanki Hooyo toos uga imaanaysa. 2-Qeyb wadamo kale ka imaanaya.

1-Qeybta wadankeeni Hooyo toos uga imaaneeysa, waxaa looga baahanyahay dhowr sheey: A-passport-kooda oo aan dhaceynin 2-da sano ee soo socota (Valid for at least two years). B-Kaarka Caafimaadka ee Jaallaha/Huruud-ka ah ee Afka Qalaad lagu yiraahdo (International Certificate of Vaccination) oo waqti dhow lasoo sameeyey taariikh ahaan. C-Lacag (Pocket Money) ah oo aad tuseyso oo kaliya, Cidina eeysan kaa qaadaneynin, una dhaxeysa: $1500/ illaa $2000/-Inkastoo la isaga baahanyahay, hadana waxaa dhici karta in aanba lagu weydiin-Waa hadii aadan soo raacin Diyaarada Qataria’e- “Taxadarkuse wax lagu doorsado majiro”. Waxaana aad u wanaagsan sida caadada ah, in aad marka soo raacdo wadankasta diyaaradiisa. D-Tikit soo laabasho ah (return Ticket) oo waliba taariikhda soo laabashada ahaataa mid lagu beegey Bil, maxaa yeeley waxaa lagu siin doonaa Dal-ku gal (Viso) Hal Bil ah, hadii aad ka dhigto wax kabadan Bil, waxaa laga yaabaa in dib laguu celiyo oo soo sax lagu yiraahdo.

2-Qeybta kale ee ka imaaneeysa wadamada kale, laakiin wadata passport-keenii Soomaaliyeed, waxaa iyana looga baahan yahay intii kor aan kusoo xusey, marka laga reebo Kaarka Caafimaadka waloow eey jiraan wadamo qaar oo Africa ah lagaaga baahnaanayo.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya eeysan ku laheyd wax Safaarad ah wadankan Malaysia, si simanna looga wada isticmaalo passport-keenii hore ee Cagaarka ahaa, iyo midkan dambe ee E-Passport-ga ah ee Buluuga ah (Navy Blue), midkastana Viisaha laguu saarayo dhib la’aan.

Dhinaca kale; dowalada Malaysia waxeey u sameysatey shuruucyo kala duwan oo wadan kastaa gaar u ah, marka laga hadlayo mudada viso-ha ah ee la siinayo qofka wata passport-ga wadan gaar ah. Soomaalida wadata passport-yada wadamada Shisheeyana, wadanka eey wataan passport-kiisa ayey ku sharci noqonayaan dabcan.

Wadamada qaar ayaa la siiyaa maalmo kooban oo qura/kaliya, qaarna waxaa la siiyaa illaa 3-bilood oo Visa ah. Waxaase jira wax la yiraahdo/dhoho “Special pass” oo ah codsasho qofku codsanayo in mudada sharci ku joogista wadanka loosii kordhiyo, sidaana loogu daro “Bil kale oo Visa ah” iyadoo laga qaadayo lacag dhan: RM100/ oo u dhiganta: $30/ si kii Dalxiis ahaana uu howlahiisa ku dhameysto, kii ardey ahaana ogolaasho jaamacadeed (University Admision) uu ku raadsado.

Waxaa jira waxyaalo iska yaryar, hadana qeyb weyn ka qaata in si fudud howlahaada kuugu dhamaadaan, marka aad gudaha Airport-ga ku jirto sida: Qaab labiskaada (Your Appearance), Awooda Luqadaada (Your language efficiency), kalsoonidaaada (Your confidence), heysasha ciwaanka meesha aad u socoto (The address and contact details) iyo shaqsiyada kaa muuqada intaba (your personality). Yaabka ka dhacay Malaysia ayaa waxaa ka mid ah, odey Bataan (Pathan) ah oo Macawiistoodii eey caanka ku ahaayeen Garabka u saaran tahay, Duubkii weynaa madaxa ku wato, Cadey dheer afka ugu jiro oo iskaba cadeysanaya, Saandalkiisii iyo khamiis Pakistani-giisii wata, hadana leh Dalxiise ayaan ahay! War naga tag ayey ku yiraahdeen qolada Immigration-ka!

Sababaha eey Soomaalidu u Timaado/Yimaadaan wadankan Malaysia

Aduunkan Qofba dan lehe, Soomaalida wadankan Malaysia usoo hayaantaahi, qaarba ula jeedo gaar ah ayey u yimaadaan dalkan, waxeeyna inta badan u qeybsamaan illaa Sideed (8) qeybood, waxeeyna u kala badan yihiin sida eey u kala horeeyaan (respectively): 1- Tacliin Doon. 2-Deegaan Doon. 3-Dalxiis Doon. 4-Caafimaad Doon. 5-Dibad Doon (Buufis). 6-Guur Doon/Calaf Doon. 7-Ganacsi Doon.8-Iyo Shaqo Doon. Waxaanna uga hadli doonaa midba gaarkiisa iyo si gooni ah haduu Eebe idmo.

Tacliin Doon: Ardeyda Tacliiin/Aqoon doonka ah, waa qeybta ugu badan ee soo gasha wadankan Malaysia. Wadamo aad u kala duwan/gedisan ayeyna ka kala yimaadaan. Waxeey u qeybsamaan laba qeybood: 1A-Qeyb iyagoo meeshii eey joogeen aan kasoo tagin jaamacadaha soo xareeysta/codsada iyo 1B-Koox wadanka soo gasha dibadeed raadsata waxbarashadii iyo jaamacadii eey wax ka baran lahaayeen. Wadada/habka ugu wanaagsan waa in ardeyga isagoo meeshii uu joogey aan kasoo tagin uu soo codsado/dalbado jaamacada. Faa’iidooyinka eey helaan ardeyda sidaa sameeysa waxaa ka mid ah (a)-In ogolaashihii jamacada uu helo isagoo meeshiisa jooga, sidaana wadanka uu kusoo galo isagoo ardey document jaamacadeed wata ah, waliba Airport-ga eey ka soo doonayaan, kana qaadayaan shaqaalaha jaamacada oo bixinaya qarashkii uu ardeyga ku tagi lahaa jaamacada. (b) In waqti uusan uga lumin hada iyo jaamacad raadis. (c) In Sharcigiisa horey eey jaamacada ugu xareeyso oo uusan u baahan “Special pass” (Bilk u Kordhin) oo uu sidaana ku helo viso ardeynimo oo Sanad dhan ah. (d)-In uu ka badbaado qarashaad aad u xoogan oo Soomaalida ku bixiso Iskuullo English ah oo Visooyinka dartiis loo galo, laguna bixito “Kun iyo Dhowr Boqol oo Doolar” si viso uun looga helo. (e)In uu ka badbaado guri raadis iyo qarashkiisa, sidaana uu si toos ah ugu xaroodo qolkii Deegaanka (Hostel-ka) Jaamacada loogu sii diyaariyey.

Xaafada Soomaalida aadka u dagantahay

Dhinaca kale khasaaraha kaliya ee ku dhici kara ardeygan isagoo jooga wadan kale soo codsanaya ayaa wuxuu yahay: maadaama jaamacadaha eeysan isku Nuxur (Quality) aheyn, in loo xareeyo/dalbo mid saaxiibkiis la fiican isagase aan la fiicnaan laheyn, ama mid isaga hadii uu joogi lahaa uusan galeen, sidaana ardeyga kale uu u yeesho go’aankaas Mustaqbalka dhan ah, isagoo ardeygaa kale ee wax u xareynaya tixgalinaya, waqtiga ciriiriga ku ah ee ka galaya, qarashka uga baxaya, dhawaanshaha eey jamacadaasi isaga u dhow dahay ama waxyaalo kale oo eey ku kala aragti duwanaan lahaayeen IWM .(Qoraalada dambe ayaan jaamacadaha uga hadli doonnaa)

1B-Qofkii wadankase iska soo gala isagoo aan horey waxba usoo codsan, waxaa loogu dhuftaa 1-Bil oo Visa ah (Dalxiis ah/ama Booqasho), oo laga doonayo marka eey ka dhamaato in uu wadanka isaga baxo. Si marka aad usii joogto, waxna uga sii barato wadanka, waxaad ku qasban tahay in aad viso hesho. Soomaalida iska soo gasha wadankan, arintan waxeey ku xaliyaan in eey galaan Iskuullo English-ka laga barto “Xitaa English-ka qofkaasi si wanaagsan ha u yaqaanee!” Si uu qofkaasi u helo Visa waxbarasho oo sanad ah, taasoo u saamaxda in uu kusii raadsado waxbarashadiisii jaamacadeed. Nasiib darrada jirta ayaase waxeey tahay, waxaa Iskuulaadkaas lagu bixiyaa lacag dhan “Kun iyo Dhowr Boqol oo Doolar”, waloow eey isugu jirto qarashkii luqada, baaritaan guud ee Caafimaadeed (Cudurada qaar sida: Cagaarshoor-ga iyo kuwa la Halmaala hadii lagaa helana wadanka aya lagaa saarayaa), qarashkii visaha, qarash Ceymis (Insurance) kaasoo la’aantiisa aan Visa laguu dalbeyninba.Waxaa Xusid mudan hadii aad iskuuladan rabto in aad Viso ka dalbato, waxaa wanaagsan in aad goor hore u tagto, maxaa yeeley waxaa ku raaceeysa $30/ oo dheeri ah hadii mudaha visaha kaaga dhacayo eey ka yartahay 14-beri.

Waxyaabaha aadka la isaga fiiriyo oo Iskuuladan lagu xusho waxaa ka mid ah: 1-in Visa Sanad ah uu kuu saarayo (qaar ayaa Bilo Saara). 2-In uusan passport-kaaga kaa heysaneynin (Qaar ayaa ardeyda ka xayira). 3-In mudo go’an uu kusoo sarayo visaha (wali ma uusan soo bixin ayey ardeyda ku madadaaliyaan). 4-In eeysan kaa cancel-gareeyneeynin hadii aad isaga tagto, adigoo cudurdaar u sheeganaya dabcan, marka aad Visahaada ka hesho.

Nin odey ah oo saaxiibkeey ah oo yaabey ayaa yiri “Lukhad Ingiriis oo Afartoo Shilin aan ku baran jirni aa maanta Kun iyo Dhowr Bokhol lagu bixinoow haayaa, Aduunyo hadiis joogto Geel Dhalaana waa Arkeey maahinoo hee!”

Gabagabo/Gunaanad

Waa muhiim in aad war faahfaahsan ka ururiso meesha aad u socdaaleeyso, si aad u ahaato qof wax kasta u kala cadyihiin. Waa nasiib darro in adigoo qarash aad u farabadan soo galay, waqtina soo horey, lagugu celiyo wax aad u yar oo aad horey u ogaan kartey.

Afeef

Qormadan waa dadaal oo kaliya ee fadlan badi war ururinta iyo tashiga intaba oo iyada oo kaliya go’aan ha ku qaadan/gaarin. Wixii khalad ah ee qoraalka uu leeyahay nuuckasta ha ahaadeene, waxaa mas’uuliyadeeda iska leh aniga oo kaliya, cidkalena looma saarin karo. Waxaana soo dhaweynayaa si Kal iyo Laab ah waxkastoo su’aalo, sixid, talo iyo tusaaleynba ah. Fadlan adoo mahadsan iigu soo dir E-mailkeeyga hoos ku xusan.

Mahadnaq

Waxaan mahad gaar ah u naqayaa/celinayaa raga kala ah: Eng.Cali Maxamed Cismaan (Cali Nuur), Cali barre, khaalid Cabdullahi, C/kamaal Maxamed, liibaan Maxamed, Qaasin Sh. Axmad, C/fataax Muuse, Cabdi Nuur iyo Maxamed Amiin Cabdi Cismaan (Amiin yare).

Wabillaahi Towfiiq

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”
PhD-Candidate
MBA (Marketing)
BBA (Marketing and Finance)
abdulkadirphd@hotmail.com
Kuala Lumpur-Malaysia

Lasoco qeyta (Qeybtii: 3-aad) Isbuuca soo socda, Haduu Allaah Idmo.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Qalinkii Cabdiboqor iyo Qormadiisii Malaysia (Qeybtii: 2-aad) "

  1. walaal mahadsanid sida wanaagsan ee aad noogu sharaxday imaanshaha wadanka malaysia

    walaal waxaan kaa codsanayaa inaad ii sharaxdo jaamacadaha qarashkooda adigoo u sheegaya kuliyad kuliyad iyo nolasha qofka dhexdhexaadka ah inta ku filan bishii

    mahadsanid