Home » Warar »

Arday ka qalin-Jabisay Jaamacadda Badweynta Hindiya

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lag u qabtay xarunta Jaamacadda Badweynta Hindiyaha (Indian Ocean University), waxayna xafladdaasi ku saabsaneyd qalinjabinta 69 arday oo ka qalilnjabisay qaybaha kala duwan ee waxbarashada ee Jaamacaddaasi, waxaana ka soo qaybgalay xafladaasi mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jaamacadda, Waalidiin, Arday iyo madax ka socota Shirkadaha Isgaarsiinta ee dalka ka jira.

Ugu horeyn halkaasi waxaa ka hadlay xubin ka socotay maamulka Jaamacadda Badweynta Hindiya oo lagu magacaabo Max’ed Axmed Cilmi oo sheegay in Jaamacadda Badweynta Hindiya la aasaasay sanadkii 1993-dii isagoo sheegay in ay soo martay heerar kala duwan ayna ka qalinjabiyeen arday fara badan oo haatan ku kala sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, isagoo sheegay in mustaqbalka dhow ee Jaamacadda ay ku dari doonaan qaybo waxbarasho oo ka dhiman Jaamacdadda, waxaa kale oo ka hadlay xafladdaasi Prof. C/qaadir Cutush oo ah hormuudka Jaamacadda Badweynta Hindiya waxa uuna u mahadceliyey intii isku soo dubariday xafladaasi oo uu sheegay in ay tahay mid taariikhi ah maadaama arday Soomaaliyeed ay ka qalinjabinayeen jaamacadda oo mudo fara sano ah soo dhameystay waxbarasho, waxaa kale oo ka hadlay cabdi Caddaawe Cali oo ka socday Shirkadda Isgaarsiinta Nationlink, waxa uuna sheegay in shirkadda loo aasaasay sidii dadka Soomaaliyeed ugu baraarujin lahayd waxbarashada marka laga reebo hawlaheeda kale ee isgaarsiinta, waxaa kale oo uu sheegay in Shrikadda Nationlink ay sameystay Gawaarida caafimaadka deg dega ah iyo Banki dhiig oo ay ugu talagashay bulshada Soomaaliyeed.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah….

Xafladdaan oo si heer sare ah ku socotay ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Abshir Cali Qayre oo ah madaxa xiriirka Dadweynaha ee Shirkadda Hormuud, waxa uuna sheegay in Shirkadda Hormuud loo aasaasay in ay ka qayb-qaadato marka ay bulshada Soomaaliyeed soo wajahaan dhibaatooyin, waxa uuna sheegay in shirkaddu ay diyaar u tahay in ay shaqaaleysiiso ardayda ka qalinjabisa jaamacadaha dalka si loo dhiirageliyo dhallinta waxbaraneysa.

Xafladdaasi oo jawi wanaagsan ku socotay waxaa sodoo kale ka hadlay Dahir Xaashi Cali oo ka mid ahaa ardaydii ka qalinjabineysay Jaamacadda Badweynta Hindiya, waxa uuna u mahadceliyey intii gacan ku siisay in ay dhameystaan waxbarashadooda, waxa uuna si gaar ah ugu mahadceliyey macalimiinta iyo ardayda wax ka barata Jaamacadda Badweynta Hindiya (India Ocean University).

Ugu dambeyn waxaa xafladdaasi soo xiray Guddoomiyaha Jaamacadda Badweynta Hindiya Samawade Max’ed Cali Daahir, waxa uuna u mahadceliyay intii wax ka aasaastay jaamacaddaasi iyo intii kala qayb-qaadatay sii socoshada waxbarashada ay bixineyso jaamacadda Badweynta Hindiya, waxa uuna u mahadceliyey shirkadaha isgaarsiinta oo uu sheegay in ay u taagan yihiin in ay mar walba dhiirigeliyaan waxbarashada, waxaana ardaydii ka qalinjabineysay Jaamacadda xirnaayeen dharka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed lagu yaqaano oo lagu xardhay Magaca Jaamacadda Badweynta Hindiya.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah….

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.