Home » Sports »

Warar goos goos ah Cayaaraha Aduunka 2010

London 19/06/2010: Cayaaraha aduunka 2010 ayaa si habsima ah uga socda dalka Koonfur Afrika, waxaana la marayaa ciyaaraha wareegoodii koowaad, iyadoo ay fooda is wada dareen dalalka 32 ah ee ka qayb galaya World Cup sanadkaan.

Ilaa hada kooxaha wada dheelay awoodo badan oo is dheer yihiin kama muuqan, marka laga reebo xulka dalalka Germany iyo Argentina oo soo bandhigey ciyaar wanaag iyo firfircooni dheeri ah, inkastoo ciyaaryahanka caanka ah Messi u sheegay in goalhayaha kooxda dalka Nigeria yahay mucjiso ‘’ Phonemenen’’ kadib markii uu la dheelay ciyaar adag ciyaartii dhaxmartey labada dal.

Diego Maradona ayaa sheegay inuusan ahayn ‘’Der Kaiser’’ka dalka Germany madaama lala meel dhigay Franz Beckenbauer’’ oo hore ugu guulaystey koobka Aduunka labo jeer isagoo ahaa mar ciyaartooy marna macalinka dalkiisa, madaama uu isna isagoo ciyaartooy ah horey ugu soo guulaystey koobka Aduunka hadane uu macalin yahay sanadkaan.

Dalka Holland oo lagu bartey ciyaar wanaag iyo xirfad sareysa ayaanan soo bandhigin ciyaartii ay la yeesheen xulka dalka Denmark, inkastoo ay ka badiyeen Danishka hadane ciyaartii lagu bartey ma lahayn heerkii ay joogtey.

Dal Spain oo la sadaalinayay inay xulkooda ku luqluqan doonaan xulka dalka Zwitzerland ayaynan dhicin kadib markii 1 goal iyo waxbo looga adkaaday, hasayeeshee waxaa la filayaa inay ka soo badin doonaan xulalka Chile iyo Honduras oo ay isku jiirooni yihiin.

Xulka dalalka Kuuriya ee ka qayb galaya sanadkaan ciyaaraha Aduunka ayaa ilaa hada soo bandhigay ciyaar wanaag iyo dadaal dheeri ah, halka dalalka Afrika uga qayb galaya ciyaaraha Aduunka aysan wanaagsanayn intooda badan marka laga reebo xulalka dalalka Ivory Coast iyo Ghana, balse Nigeria rajadeeda ma xuma

Platini iyo Pele oo dagaal afka ah ku qaaday macalinka xulka Argentina Maradona

Brazil legend Pele oo wareysi bixiyay ayaa ku tilmaamay inuu Maradona macalinimada xulka dalka Argentina qabto xilkaas ay ku qasabtey ‘’sidii uu busaarada la soo daristey uga bixi lahaa’’, hasayeeshee xidiga kubadda cagta dalka Argentina Diego Maradona ayaa si caro leh uga jawaabay maanta mar uu warfidiyeenada kula kulmay garoonka inta aysan bilaabin ciyaartii xulkiisa kaga badiyeen dalka South Korea,.

Wuxuna yiri ‘’ Pele waa inuu dib ugu laabtaa Museum- ka’’ oo ula jeedey nin ka dhacsan Taariikhda. Diego Maradona ayaa hadane ka hadlay war ka soo yeeray Uefa President Micheal Platini oo Maradona awoodiisa macalinimo shaki galiyay( Coaching ability). Maradona aniga marnaba lama yaabayo warka ka soo yeeray Platini waayo waligeenba iskuma aanan wanaagsanayn xiriirkeena waana kale durugsanayn laakinse wax ka badan Salaan (Hello) iyo Nabaday ( Goodbye) nagama dhaxaynin labadeena, hasayeeshee kuligeen waanu wada ognahay sida ay Faransiisku iyo Platini yihiin waayo Platini waa Faransiis, wuxuuna rumaysan yahay inuu dadka dhan ka fiican yahay.

‘’Anigu ma doonaya inaan ka sii murmo waxa dadka dhan ay ka sheegayaa kubadda lagu ciyaarayo sanadkaan ciyaaraha Aduunka ( Adidas jabulani ball), waxaase muhiimadu tahay inaan waydiisto Pele iyo Platini inay ku ciyaaraan kubaddatan islamarkaana u eegaan si dhaw, si ay u arkaan inay tahay mid fiican ama mid xun, waana inay joojiyaan sida xun oo ay kaga hadlayaan waxyaabaha aniga ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay’’ Maradona.

FIFA, Platini iyo Pele oo isku dhinac ah ayaa laga wada dharagsan yahay colaada ay u qabaan xidiga kubadda cagta Aduunka Diega Maradona, tusaale Maradona waxa u taageero weyn iyo aqoonsi buuxa ka haystaa bulshada jecel Kubadda cagta, halka FIFA elite ay mar walbo sameeyaan waxyaabo lagu colaadinaayo Maradona tusaale Maradona oo dhaliyay Goalkii ugu quruxda badnaa koobka Aduunka 1986 kadib markii codeeyeen dadka wax ka qora ciyaaraha hadane cod buuxa oo loogu qaaday inuu yahay laacibka dunida ugu wanaagsan kadib markii cod bixin qadka internetka lagu qabtey uu ku soo baxay ayay FIFA waxay qaadaceen aragtida dadka isboortiga jecel oo labada marba Maradona codkooda siiyay,FIFA ayay soo sareen go’aan ka duwan iyagoo go’aansaday in goal ay dhaliyeen xulka Brazil 1970 u yahay goalkii ugu wanaagsanaa goalasha aduunka islamarkaana Pele u aqoonsaday inuu la qaybsado kaalinta koowaad Maradona, taasoo Maradona si caro leh uga horyimid go’aanka FIFA, Maradona waa nin qaba siyaasadaha ay ku shaqeeyaan FIFA iyo dalalka ugu awooda badan Isboortiga mid ka duwan, marka ay noqoto maamulka, waayo waxaa u aaminsan yahay siyaasadaha Bidixda fog labadiisa garab waxaa uu ku sawirtey CHE & Castro.

BUSH iyo USA banaanbaxyo looga soo horjeedo ayuu waxbadan kaga qayb qaatey dalkiisa Argentina iyo Vanzuela, madaxwaynahoodana waxa uu ugu yeeraa The Greatest Chaves’’. FIFA waxaa u qorshaysan hadii uu hadalka sii badiyo inay ganaax adag dul dhigto Maradona mana jecla inuu koobka Aduunka qaato isagoo Macalin ah.

NB; Qoraalka marka aan qorey kadib war ayaa isoo gaarey sheegaya in Platini warqad u qorey Maradona islamarkaana ka shaafiyay wararka laga qorey kadibna Maradona ayaa aqbalay kadibna raali galin siiyay madaama Platini dafirey xogta, laakinse Pele weli ma cafinin ayuu yiri Diego Maradona oo noqday macalinka koowaad ee kooxidiisa u soo baxdey wareega labaad.

FABIO CAPELLO OO KA CODSADAY FRANZ BECKENBAUER INUU U MUUJIYO XOGAA XUSHMAD XULKA ENGLAND

Capello ayaa aad uga carooday hadal ka soo yeeray ‘’Der Keiser’’ Franz Beckenbauer laacibkii xulka Qaranka dalka Germany iyo kooxda Bayer Munchen,, islamarkaana ka codsadey inuu u muujiyo xoogaa xushmad ah( Respect) xulka dalka England kadib markii uu ku eedayay in England xulkooda aysan dheelin kubad wanaagsan balse dheelaan ‘’Kick & rush’’. Macalinka xulka England Fabio Capello oo u dhashay dalka Italy ayaa aad ugu carooday hadalka ka soo yeeray ninka odeyga ah ee magaca iyo maamuuska ku leh kubadda cagta aduunka, waxana u yiri looma baahno marka aad ka hadlayso kooxo kale waxaa loo baahan yahay inaadan xushmada ka tagin oo aad ixtiraam siisa kooxaha oo dhan.

Ma aanan dheelin kubaddo dhaadheer waxaanse dheelnay baasaas gaagaban islamarkaana waxaan helney fursado badan, marka ma fahmin sida runta ah waxa uu sheegayo Beckenbauer ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Macalinka xulka England Fabio Capello oo culays badan ka soo wajahdey ciyaartii xulkiisa la yeeshay xulka dalka USA, Saxaafada dalka England ayaa culays badan ku haysa xulka dalkooda madaama ay sadaalinayeen inay gaari doonto ciyaarta finalka koobka Aduunka.

Fabio Capello oo ka careysan kubadda ka fakatey goalhayaha xulka England Robert Green ayuu isna ku soo biirey dadka ka cabanaya kubadda FIFA u xulatey in lagu ciyaaro ciyaaraha Aduunka, waxana u yiri Fabio ‘’ This is worst ball of all time’’ tani waa kubadii ugu xumayd waligeed’’, Xulka England ayaa walaac weyn ka qaba soo bixitaanka xulkooda wareega labaad iyo labada ciyaar ee u hartey kadib markii ay bareejo ku daah fureen ciyaartii ugu horeysay, waxaase la filayaa inay maalinta berito ciyaar adag kale hortagaan xulka dalka Algeria, iyadoo la filaayo in ciyaaryahanka Gereth Barry inuu safto markii ugu horeysay, halka aan la ogayn goalhayaha ku bilaabi doono ciyaarta, laakinse waxaa dadka intiisa badan qabaan in Green qaban doono goalka England, England waa inay badisaa ciyaarta berito ama ugu yaraan bareejo kale keentaa waa hadii ay rabto inay sii noolaato.

W/D: Yusuf Yusuf
Sports editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London

Gabdho Hollandes ah oo lagu soo eedayay inay Ticket suuqa madoow ah ku soo galeen World Cup oo lagu maxkamadeynaayo dalka South Afrika

London 19/06/2010: Labo gabdhood oo u dhashay dalka Holland ayaa lagu soo eedeeyay inay ticketo suuqa madoow laga soo iibiyay ku soo galeen ciyaartii xulka Holland iyo Denmark. gabdhahaas ayaa ka mid ahaa koox gabdho ah ( BlondeHollandes ah) oo ku labisnaa dharka Orange,kuwasoo si weyn uga soo dhaxmuuqday garoonka.

Kooxdatan gabdhaha ah ayaa waxaa garoonka keenay sida la tuhunsan yahay yahay shirkad Holand’es ah oo ka ganacsata qamriga oo rabta inay ku xayeeysiistaan shirkadooda si sharci daro ah garoomada ciyaaraha lagu qabanaayo madaama aysan ka mid ahayn shirkadaha loo ogal yahay inay ganacsigooda ku xayeeysiistaan inta ay socdaan ciyaaraha aduunka madaama aysan qayb ka ahayn shirkadaha dhaqaalaha ku bixiyay maal galinta koobka aduunka(World Cup).

FIFA ayaa isha si fiican ugu haysa shirkadahaas iyo dadka sida qaldan Ticket ugu soo iibsaday suuqa (ambush marketing).

Sida la rumaysan yahay ticket ay isticmaalayeen gabdhaha u dhashay dalka Holand ayaa ah kuwa markii hore loo siiyay ciyaaryahanka la yiraahdo Robbie Earle oo ka shaqeeya ITV inta u jooga ciyaaraha isaga iyo caa’iiladiisa ku galaan garoomada balse aysan isticmaali Karin wax ka baxsan dadkaas, Ticket waxay dhamaayeen ilaa 150 xabo, ITV ayaa shaqada ka eryay pundit Robbie Earle kadib markii dacwad FIFA u gudbisay ku saabsan arinkaan, hasayeeshee Robbie ayaa sheegay inuusan gadanin balse u siiyay dad ay asxaab yihiin laakinse ITV kuma qancin hadalkaasi balse shaqadii ayay ka eryaan.

Labadan gabdhood ayaa waxaa saakay lagu soo oogay dacwad islamarkaana laga qaaday sharciga kadibna luga looga xirey bail lagula socda meesha ay joogaan inta maxkamada go’aan rasmi ah ka qaadanayso, waxaa hada lagu sii daayay damiin kadib markii ay bixiyeen lacag dhan 10.000 rand( $ 90).

Wasiirka Arimaha dibadda dalka Holand Maxime Verhagen ayay ku tilmaamtey xariga gabdhaha Holandeeska loo geystey ceeb (outrageous), waxaa la filayaa in maalinimada Talaadada la saaro maxkamad. Iyagoo lagu soo oogayo ‘’ Three charges including unauthorised use of a trademark at a protected event’’.

VUVUZELA OO DOOD BADAN KA TAAGAN TAHAY

Turunbuda caanka ka noqotey ciyaaraha aduunka ee loo yaqaan VUVUZELA ayaa dood badan ka taagan tahay kadib markii ay dood badan ka keenayn ciyaartooy badan iyo TV-yada caalamiga ee sida tooska uga soo tabinaya cayaaraha aduunka ee ka socda dalka Koonfur Afrika.

Hasayeeshee dad badan oo dunida dacaladeeda ka kale yimid oo ka qayb galaya daawashada cayaaraha aduunka ayaa iyana si weyn ula qabsaday kuna faraxsan.

FIFA ayaa qabta inaysan ka mamnuucaynin VUVUZELA in lagu isticmaalo garoomada ay ka socdaan cayaaraha balse ka codsaday dadka isticmaala inay aamusan un marka astaanta calamada dalalka la garaacayo, tani waa mid aan u wanaagsan oo ka turjumaysa dhaqanka marka dadka Afrikaanka ah dheelayaan kubadda cagta ay isticmalaan taageerayaashooda inta ay socoto ciyaarta gudaha iyo dibadaba ayuu yiri madaxa cayaaraha aduunka.

Ama necboow ama jecloow VUVUZELA waa inaa ixtiraamtaa dhaqanka taageerayaasha Afrika ayuu yiri MR Jordan isagoo qoslaya, laakinse taageerayaasha dalalka Yurub ayaa iyana la qabsaday turumbuda islamarkaana hilmaamay qaabkii ay u taageeri jireen kooxaha dalalkooda marka ay socoto ciyaarta.

Ciyaartooy badan ayaa iyana waxay yiraahdeen ma ogin in taageerayaasheena ay joogaan iyo in kale waayo maba maqalno inay garabkeena taagan yihiin sababtoo ah waxaan maqlayno waa VUVUZELA, taasoo nagu adkaatey inaynan kale garan Karin cida loo yeerinaayo turumbada.

Tusaale ahaan kooxaha dalalka Yurub marka ay dheelayaan waxaa caado u ah marka kooxdoodu gacan sarayso inay muujiyaan farxad iyo sawaxan islamarkaana ay yiraahdaan England England, Holland Holland, Germany Germany , Italy Italy or Spain Spain halka kooxda Goalka lagu leeyahay ay aamusaan marka laga gacan sareeyo.

Marar badan oo aan u daawasho tagey garoomo ku yaal dalalka Holand iyo England ayaan ku soo arkay qaabka kooxaha ay u taageeraan taageerayaashooda jidbaysan, badanaa waa kuwo cabsan oo un qeylinaya marna caytamaya marka ay ku jiraan garoonka, marka ay badiyaan waa kuwo faraxsan marka laga badiyana waa kuwo aan faraxsaneyn, halka taageerayaasha Afrika markasto ay yihiin kuwo faraxsan oo is dhax fadhiya.

VUVUZELA ayaa hada waxaa ku arkeysaa dukaamada ku yaal bartamaha magaalada London iyadoo lagu iibinaayo, waxaa dalka South Afrika gaarey Duqa magaalada London mayor Boris Johnson islamarkaana taageeray isticmaalka turumbada VUVUZELA, waxana u yiri waxaan u imid halkaan inaan ka aruursano qibrad iyo sidii aan London ugu martigalin lahayn Cayaaraha Aduunka 2018 iyo Olmypc 2012, Vuvuzela waa shay wanaagsan oo qurux badan laakinse waxay ila tahay inaysan u baahnayn VUVUZELA OLYMPIC sanadka 2010 iyo London in garoonka aan ku isticmaalno.

Hadii FIFA ay u doorato London in lagu qabto cayaaraha aduunka 2018 waxay noqon doontaa jawaab wanaagsan waayo LONDON waa magaalada ugu weyn magaalooyinka caalamka, anigoo xushmad u haya magaalada Cape Town oo aan oran karo waa magaalada labaad ama sadaxaad ayuu yiri Boris duqa London oo ka wada dalka South Afrika olalaha in London lagu qabto World Cup 2018.

W/D:YUSUF YUSUF

Sports editor of SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.