Home » Maqaallo »

MADAXWEYNE SH.SHARIIF WAA IN UU ISCASILAA!!!!!


YUSUF SHABAC II

Ka dib markii aan indho-indeeyey xaalada ay ku sugun tahay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfurta Soomaaliyeed. Ka dib markii aan ogaadey sida ay u kala daadsan tahay maamulka Federaalka ee ku meel gaarka ah. Ka dib markii aan taxliil siyaasi ah aan ku samayney Madaxweyaha soomaaliyeed shakhsi ahaan waxaa inoo muuqatay in uu Madaxweynuhu uu iscasilo si loo bad-baadiyo Ummada Soomaaliyeed wadan ahaan iyo diin ahaan labadaba.

Madaxweyne Sh. Shariif Kuma hadlo luuqad aan ahayn Soomaali iyo Carabi. Aqoon uma laha nidaaminta iyo ammaan sugida dalka. Midaynta iyo isuu keenka dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan. Shiikh Shariif malaha aragti dheer oo uu ku fahmi karo ama uu ku meel marin karo arimaha murugsan ee soo waajahay ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah.  Daacad kama aha mana u diyaarsana sidii uu ula dhaqmi lahaa culumada gaagaxsan ee dhibaatada ku haya dadka Soomaaliyeed. Awood uma laha ama ma xakamayn karo golaha wasiirada ee qaabka qabiil lagu dhisay. Aqoon uma laha sidii uu usoo qaadan lahaa dhaqaalaha uu caalamku diyaar la yahay, ama ma oga sidii uu hawlgali lahaa dakhliga sida toos ka ah usoo gala.

1. Luuqada; Sida ku qoran diiwaanka Protocol iyo Diplomacy International Madaxweyne kasta waa in uu ku hadlaa luuqadaha UNTA sida Ingiriisiga, Faransiiska iyo Spanishka ama mid ka mid ah luuqadahaas seddexda ah. Si uu madaxweyne kasta uu u helo bog uu ku sharxi karo dawladdiisa iyo dhibaatooyinka hor taagan. Taas oo keeni karta in ay dawladdiisa ay caalamka uga hesho taageero buuxda, oo dadka Soomaaliyeed ka saari karta dhibka ay ku jiraan. Madaxweyne Shiikh Shariif kuma hadlo luuqad aan ahayn Carabi iyo Soomaali taas waxa ay ka dabooshey fursado badan oo ku kasban lahaa caawimaad deg-deg ah

2. Amniga: Shiikh Shariif waxa lagu doortey sidii uu ula dagaalamay jabhadihii dhiigyo cabka ahaa ee la haray caasimada dalka, waxaa kaloo lagu doortey lixdii bilood ee uu dalka uu ku soo rogay amni sanadkii 2006dii. Tan ugu weyn ee uu codka ku helay waxa ay ahayd in uu ka dhashay beesha ugu tirada iyo tayada badan marka laga hadlo Xamar.
Hadaba waxaa soo ifbaxaysa in uusan ahayn maamule colaad  iyo mid nabadeed toona.
Taageero kama uusan helin beelaha Soomaaliyeed marka lagu daro beesha uu ka dhashay. Taageero kama helo wadaadadii ay diinta isla fidin jireen. Weli ma uusan hakin, ma uusan layn mana uusan xidid siibin raggii uu madaxda u ahaa, kuwaas oo ah kuwa dalka ka wada mashaqada aan dhamaan.

3. Isu keenka dadka: Shiikh shariif ma karo in uu dadka kala fogaadey isu keeno, ama uu ka qayb galiyo maamulka dalka kuwa ay is hayaan oo aan la ogayn waxa ay damacsan yihiin. Mashaqada waxa ay ka socotaa dadka rayidka ah ee isugu jira ganacsato iyo odayaal beeleed, oo uu isagu  uu madax u ahaan jirey qaarkood. Dadkaas oo jeclaan lahaa amni laakin aan ahayn kuwo xal u haya kuwa ku nool dilka iyo barakicinta Ummadda Soomaaliyeed.

4. Aftahanimo: “Dadka waxa u taliya kan u adeega ee ka aftahansan dadka” Shiikh Shariif waa hogaamiye af-guruc ah, oo aan hadal iyo aragti aan ku qancin karin Ummada Soomaaliyeed iyo ragga uu madaxda u yahay toona. Waa macalin dugsi, oo aan u carbiyeysneyn sidii uu ardaydiisa uu ku barbaarin lahaa iyo dadka Soomaaliyeed. Ma ahan qof lagu manaystay aragti dheer oo meel fog ka arki karo dhibka jira iyo xalka dhibka jira ee naafeeyey dadka Soomaaliyeed.

5. Daacadnimo: Waxa aad u malaysaa in uu Siyaasadaba uu ka daalacday beejajka xun ee falsafadaha siyaasada. Waxa uu ka gaabiyey in uu daacad ka ahaado manhajka Islaamiga ah ee uu kusoo barbaarey ama uu soo bartay. Waxa ay dad badani qabaan haddii waxa uu sheegayo ay daacad ka tahay in uu xal joogto ah uu u heli lahaa nimanka ay wadaadada isla yihiin ee ka soo horjeeda.

6. Hogaaminta: Madaxda dalka waxa lagu laylinkaraa cabsi iyo rajo galin; midna awood uma laha in uu ku jiheeyo dadka uu u taliyo ee hawlaha dalka kala wada. Madaxda uu taliyo ugama cabsadaan awoodiisa, kumana ixtiraamaan garaadkiisa., tanna waxa ay tusaalo u tahay in uu yahay hogaamiye jaahil ka ah waxa uu bartay. Tani waxa ay si toos ah uga tarjumaysaa kala daadsanaanta maamulka dhexe ee xakiman.

7. Dibloomaasiyadda: “Sidee xeero lagu xagtaa, loona bad-baadiyaa ilkaha” Aqoon durugsan uma laha sidii uu u baadi goobi lahaa waxa ay caalamku diyaar inoola yihiin ee aan dhibka uga bixi karno, mana uu awoodo in uu taageero uu ka helo wadamada dariska inala ah isaga oo aan barri iyo bad midna aan ka goyn dadka Soomaaliyeed. Dawladiisu ma laha waji nidaamsan oo loogu yimaado. Manhaj qoran oo wax tarkeeda lagu qiimeeyo. Caqabado lagu xakameeyo. Ma ahaanin qof go’aan adag leh, oo hadalkiisa looga dambeeyo

Waxaa haboon in uu Shiikh Shariif uu xukun uu u dhiibo dadka wadaniyiinta ah, ee uu ilaahay ugu deeqay cilmiga maadiga iyo kan diintaba. Inta uusan quusin ama aysan ummada Soomaaliyeed quusan.

Qoraaladii hore ee Shabac

Yusuf Shabac
Email: yusufshaba@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " MADAXWEYNE SH.SHARIIF WAA IN UU ISCASILAA!!!!! "

  1. Qoraaga hadalkiisa waa mid xaqiiq ah waxbadan oo kale buuse ka tegay sida inuu yahay 1.Musuqmaasuq baahay iyo hanti urursasho waayo Baddii ayuu gaday,lacagao badan ayuu lunsaday 2.Wasiiradiisa Visayaashii ayey ka bayacmushataraan kamana hadlin 3.Gudoonka Barlamaanka Hantidii umadda ayuu dhacay raali buuna ka ahaa 4,dib uheshisiin uusan diyaar uahayn 5.Arxandaro iyo xaasidnimo uu uqabo dhamaan Somaliweyn waayo weligiisa ma tegin XAGAR DHEER,DHADHAAB,JAXIIMA, iyo meeshii kale oo nabada oo umadd Somaliyeed ku nooshahay 6.waxaa ugu daran oo cuqubo ah dhibka ugu badan waxuu gaarsiiyey beesha uu ka dhashay qax,dil,gaajo taas weeye mida rajo la’aanta Somali dhigtey waayo weli wey tageersanyahiin oo in Dadkoodu dhibaatodo waxey ka doorten magaca Madaxweyne,marka inta jilibkiisa qaylo kasoo yeereyso walaal meesha iska fadhi,madaxweynene sii noqo ayaan ku leenahay,waayo qofkii waalan reerkiisa baa qabta,hadey dhibi dhacdona reerkiisa baa ugu dulqaad yar,marka haddii iyagu ku faraxsanyahiin weli dhibi majirtee talada hay horaa loo yiri ma awal baan laba ku lulanayey mise hadaan leefsi waayeyaa.
    Mahadsanid

  2. abdul says:

    Qodobka sadexaad oo kaliya ayaan oran karaa Sh shariif waa ku fashilmay qoraagana waa iftiinshay laakin qodobada kale bataatanba Sh shariif eed kuma laha siiba luqada waayo afka carabiga waa luqad caalami ah qasabna maaha inuu ingriis ku hadlo. qadobadaada kale oodhan baaris sugan kuma fadhiyaan waa nooc minal dacaayad oo kale laakiin qoraalkaaga waad ku mahadsantahay.

  3. Aad ayaay usahlantahay inaan kugu raaco wax badan oo aad kasheegtey Madaxweyne Sh. Shariif waayo waxa uu taagan yahay meeshii uu kasoo galay(kabilaabay) dowlada iyo meel kaxun. Wax uqabsoomay majiraan oo aan ka ahayn magaca ‘madaxwayno-nimo’. Hadana, waan kugu khilaafsanahay inaad ceebtiisa sidaas ugu taraxtagto, waa ceeb aad adigaba jeclaanlahayn in lagaa sheego! Igama ah beer jileec aan uhayo madaxwaynaha laakinse waxan kabaqaya inaan kacaado dhigano ‘aflagaadada’ madaxwaynayaaha!!
    Su’aasha aan had iyo jeer isweydiyo waxay tahay: yaa dhaamo oo aan udhiibana? Yaase balanqaadi karo inan madaxwaynahaas lamucaaradidoonin/waxba laga sheegi doonin/uusan kalaaxandoonin howshii loo doortay? Haddii qof lagu qaymaynayo waxa uu ahaa inta aan madaxwaynaha noqon- waxan filaya inaanu nasoo marin Sh. Shariif wax kudhaamay!
    Aniga waxanba qabaa inaanu caadi ahayn qofkii yirahdo Somaliya ayaan madaxwayne unoqonaya, waxaase igala sii daran ninka ugu fadhiyo inuu caadi noqdo isagoo og inuusan caadi ahayn oo waliba hayo jago aan caadi ahayn una taliyo umad aan caadii ahayn!
    Waxan kuxasuusin lahaa in madaxwayne kasta uu heshiis lagalay wadamada daneeyo arimaha Somalia inta aan heshiis lagalin umada Somaliyeed. Ragbaa soo doortey oo inoo keeno madaxweyne kasta inta aanu soo hor istaagin barlamaan kala qaybsan oo qabiil-qabiil isu haysto. Sow madhici karto in looga baxay wixii looga balan qaaday sidii kudhacday madaxdii isaga kahoraysay! Sow madhici karto inuu aaminsanyahay in garabkiisa laga baxay- Somali ahaan iyo bulshada aduunka intaba!

  4. liban says:

    Aniga waan ka sooo horjeedaa article oo ninkaan qoray. waxaan u’arkaa naceeb sababtoo ah. madaxweyne Sh.Shariif ilaa hada muusan helin fursad oo ku hagaajiyo wadankeena hooyo maxaa yeelay Al-shabaab baa ka soo horjeedo. Shacabkana wax lama qaban karaan maxaa yeelay hadii eeyka soo horjeesadaan Al-shabaab, Shacabka waa la laaynayaa. Shacabka waa ineey is adkeeyaan eeyna garabgalaan madaxweeynaha sidii Al-shabaab eey u’wada dhameeyn lahaayeen.

  5. soomaaliya waa duntay si dhab ah sahalna maaha soo nooleynteed marka dal sidaas ah in madaxweyne looga dhigo nin aan waligii maamul dowladeed soo marin waa arrin aan hore loo arag sheekh shariif ku sheegu waa in uu meesha iskaga tago si loo helo mid isaga dhaama

  6. JAMA says:

    Waxaan shaki ku jirin Sh. Shariif kaarkiisa in uu gubtay , maanta wuu hayaa wuxuu raadinaayey oo ah mansab aduun .
    Saxiib luqada ka socota somaliya maanta waa xabad , Somaliya maanta waxay u baahantahay nin aad u yaqaan luqada Xabadda .
    Meesha wax lagu hayo ayaa iska yar nin (OO) ku jira ayaad leedahay iscasil , waxaad u hadlaysaa siddii nin aan war u haynin waxa ka dhacaaya Xamar .

  7. tahir yare says:

    runtii walaalkeen intuu soo qoray badanaa waa wax sax ah ,shariif uma laha wax qibrad ah oo dhanka siyaasada ah waxaad moodaa inuu ku socdo ka aruurso in lacag ah ee isaga tag wixii dhimanayana ha dhinteen waayo maalintuu qabtay jagada ilaa iyo maanta weli lama arag isagoo soo saaray qodob adag oo la dhihi karo waa wax ku ool . laakiin waxaan uun maqalnaa shariif waa safray hsariif waa soo dagay xataa safaradiisa wax uu soo qabtay oo cad looma jeedo waa uun wax u qarasan isaga oo maslaxadiisa ah ileyn waqtigiisii wuu sii dhamaanayaa ilaa iyo hadana wax ku ool kama hayno .
    tan kale iska daaye ciduu utaliyee kuwii uu isga soo doortay baa ka amar qaadan la marka waxaan dhihi siduu u yiri walalkeen shariif ha isga tago meesha kistuu ka helayna ha iska biyibiyeesto .
    ninka yirina shariif waa la doortay waxaan dhihi lahaa shariif cid dooratay ma jirto ee ahmed walduu abdale ayaa doortay .
    wabilaahi towfiiq

  8. Xassan Yare says:

    Shekh Shariif xoog wax kuma qabsan ee si sharci ah baa loosoo doortay.
    Muhiim ma aha sida aad sheegtay in uu luqado badan yaqaano.
    Anigu affar luqadood baan si fiican u aqaanaa, marka madaxweyne waan noqonkaraa sida aad sheegeesid……
    Fari fool ma dhaqdo…. Shariifku waxuu waayay ummad israacsan oo wax la wada. Kuwa kaliya uu helay waa Shariif sakiin iyo IBBI …..
    Xasan yare

  9. ASC waa yaab hadii aan dhahno ninkii noqdo madaxweyne waa in uu ka digaa meesha ee waxaa leh laan dheere, waa cajaa,iba,muqadisa ma aha in aad taqaan afka faran jiga ama af gaaleedka waxaa muhiin ah in aad ku hadasho afkaaga hooyo oo ah af soomaali.. waxaan nahay soomali dalka waa soomaali,war soomali waxaan oran lahaa ilaah ha nasiiyo nabad , iyo toowfiiq wacan.ururada diimeyda ilaah ha naga qabto ,somali waxaay haysataa diin soo jireen ah qorniyaal badan,oo aay ku dhaqan jirtay…….