Home » Warar »

“Ciidamada soo buuxiyey Xeebaha Soomaaliya waa qorshe 50 sano oo lagula wareegayo Xeebaha Soomaaliya”

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari ee Maamul Goboleedka Putland Muuse Geelle Yuusuf (Muuse Faroole) “Tobankii Sano oo Maamulka Puntland Jirey Baan Ku Dhex Jirey Siyaasi Ahaan Cid Iiga Xogg-roon Ma Jirto…” Wareysi xiiso badan

Ciidamada iyo dawladaha soo buuxiyey badaheena ujeedadoodu waa ka weyn tahay burcad badeed. Ujeedadoodu waa in badaheena la soo buuxuyo, in kalluunka la gurto, in la yiraahdo badaha Soomaaliya (Badda cas iyo badweynta hindiya) nabad ma aha, sidaas darteed halala wareego oo gacanta halagu hayo, oo hala maamulo, khayraadkeeda hala gurto, sunta halagu aaso, halaga dhigo goob ciidan, meeshii ay ka ahayd bad xor ah oo dawlad walba ay xuduudeeda ilaashanayso, waxaa la doonayaa in ciidamo iyo gaadiid doonaya kalluumaysi laga soo buuxiyo, ahmiyaddu intaas weeye. Laakiin laba wiil oo qori aaka ah iyo hal baasuuke sita lama qaban kari waayin oo lama dhamayn kari waayin, laakiin ujeedo dheer oo 50 sano oo soo socda la qorsheeyey ayaa ka dambeeysa.”

Dhegeyso Waraysiga:

Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 3aad | Qaybta 4aad | Qaybta 5aad

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari ee Maamul Goboleedka Putland Muuse Geelle Yuusuf (Muuse Faroole) oo aan wareysi dheer oo dhinacyo kala duwan taabanaya kula yeeshey Hoteel Banaadir ee Caasimada dalka Jabuuti oo aan wax ka weydiiney arimaha Burcad badeeda, tirada maxaabiista ee ku jirta xabsiyada Putland, halka ay ka soo kala jeedaan maxaabiistaas iyo arimo kale oo muhiim ah ayaa isagoo arimhaaasi ka hadalaya waxaa uu yiri:

“ Anigu waxaan ku soo jirey maamulka Putland tobankii Sano ee ay jirtey, waxaan ka soo qabtey xilil kala duwan, waxaana ka soo qabtey gudoomiyaha degmada Boosaaso, 2002 -2003-dii dhamaadkeeda waxaan soo qabtey agaasimaha guud ee dowladha hoose wasaaradda horumarinta reer miiga, sidoo kale waxaan ka soo qabtey Agaasimaha guud ee wasaaradda dekadaha maamul goboleedka Putland, waxaan keloo la soo shaqeeyey wasaaradda Amniga ee maamul goboleedka Putland, ugu dameyntii waxaan ahaa 2005-2010-ka gudoomiyaha Gobolka Barri magaalo madaxda ganacsiga ee maamul goboleedka Putland Boosaaso, intii aan xilka hayey caqabado badan oo iga horyimidna wey jiraan waxyaabo badan oo kale oo aan qabaneyna wey jiraan…”

Waxaa kale oo uu ka hadlayaa Muuse Faroole “amniga guud ee Putland wax badan baa laga qabtey oo la taabankaro, haday tahay dhinaca burcada, hadey tahay kuwa burcadeeya magaalooyinka oo habeenkii guryaha u dhaca, hadey tahay kuwa gacan ku dhiiglayaasha ama geysta dilallka qorsheysan ama beelaha isku dhaca oo isku qabta dhul beereedyo ama deegaanada isku qabta ama aaneysi qabiil ha isugu dhaceen, wax la taaban karo bey wasaaradda amnigu qabatey, 300 iyo saa’id oo Burcad ah ayaa ku xiran xabsiga Boosaaso, xabsiga Boosaaso maxaabiista dembiilayaasha kale ee ku xiran waxay gaarayaan 485, into waxaa soo qabtey Booliiska iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh, waxaana lagu kala xukumey ciqaabo kala duwan, waxaadna garankartaa maanta Soomaaliya meesha 500 oo maxaabiis ah oo dembiyo kala duwan ku xiran tahay waa Xabsiga degmada Boosaaso”.

Muuse Geelle Yuusuf (Muuse Faroole)

Wareysiga oo dhameystiran halkan ka dhegeyso qaybihiisa kala duwan.

Qaybta 1aadQaybta 2aadQaybta 3aadQaybta 4aadQaybta 5aad

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

…………………

Prof. Ibbi oo sheegay in aysan jirin xiligan Kaluumaysi Sharci daro ah oo ka socda Biyaha Soomaaliya..

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " “Ciidamada soo buuxiyey Xeebaha Soomaaliya waa qorshe 50 sano oo lagula wareegayo Xeebaha Soomaaliya” "

  1. Isuqabe says:

    Waa run oo xeebaheenna waxay maraakiib dagaal u joogaan in ka badan 100 waddan, oo hub iyo qalab casri ah wata, burcaddiina hawshoodii si xor ah bay u wataan taasaa caddayn u ah in dan kale meesha loo fadhiyo. Muuse Geellena waxaan leeyahay waa mahadsantahay, waxadna isku xustay inaad siyaasi tahay, laakiin su’aal: siyaasadda derejadee lagu garaa ma agaasime guud mise guddoomiye gobol? iga raalli ahaw waxaan rabaa inaan ogaado derejada siyaasi lagu noqdo ee maamulka dawladeed.

  2. Abdi Muse says:

    A/W salaan ka dib, waxaan u mahad celinayaa dhamaan bahda somalitalk. waxaa somalidu ku maahmaahdaa (NIMAAN WAXA SOO SOCDA GARANI ,WAXA JOOGANA MAGARTO) .waxey kaloo tiraahdaa .(QAYLADU DHALAANKA KA WEYN) ,oo waxa loola jeedo dad yari fahmi karaan. waxaa mudo labo sano laga joogo, bilaabatey qeyladhaan madaxda somalida, oo ah hanala soo gaarooy! aduunku hanoo soo gurmadooy, BURCAD BADEEDA) aduunku ha naga qabtooy! iyadoo aan kala sooc laheyn, yaa cadow ah, yaa saaxiib ayaa ujeedo leh, iyo yaa daacada midna.oo ujeedadu tahay dhaqaala raadis keliya, oo aaney aqoon u laheyn, dhaqamada aduunka ka jira. oo aad moodid keliya iney garanayaan xoogaaga sacabka loo saarayo!. ee aaney garaneyn ,waxaa arin dib ka noqon doonto.! waxaan kula talinayaa, dadka somalida ah oo wax garanaya, inaaney nina dalkooda ku haleyn cidna, oo dlakooda isu taagaan, garansiiyaana dadka, dhagaraha lala maaganyahay. iyadoo loo soo marayoo kuwo madax sheedganaya, oo aan habeyka iyo malita kala ogeyn, hadey ogyihiina dhadhamo yar dhaafsanaya.! THANK YOU.

  3. abdi says:

    Piracy on the high seas has long influenced the governments of powerful nations. The Roman conquest of the Aegean in the second century BC brought them into direct conflict with the Cilician pirates, based in southwest Asia Minor but occupying strongholds all over the Aegean. Young Julius Caesar was captured by them and held for ransom. After his release, he returned with a small military force, captured the pirates who had held him captive, and hung them all — as he had promised them he would do during his captivity.

    A few years later, after a bold attack on the Italian city of Ostia, the Roman Senate gave their best general, Pompey, unprecedented power to wage war on the pirates. The war was brief and successful, but the political precedent — of creating a military dictator to deal with a perceived emergency — proved unhappy for Rome, facilitating the ascendancy of Julius Caesar and later, Octavian.

    In the late 18th and early 19th centuries, pirates based in Mediterranean North Africa captured many American vessels and their crews, typically detaining them until bribes or ransom was paid. It was the depredation of the Barbary pirates that prompted the fledgling United States to create a navy. Two Barbary Wars, in 1801 to 1805 and in 1815, were fought between the American navy and the pirates before American shipping in the Mediterranean and the eastern Atlantic was safe from piracy.

    Given the increasing boldness of the Somali pirates’ attacks on shipping in the Gulf of Aden, and the vulnerability of huge, unarmed oil tankers and other cargo vessels, it is possible that the United States may again be drawn into the Somali vortex, although whether the United States has the economic or military resources to launch a third war of occupation is doubtful.
    http://www.americanchronicle.com/articles/view/91453
    wa inaay somaalida fiican israacdo ayna tashato ILAAH ayan leenahay laakin seefta way nasaarantahay kuwaynan waxgaradka ahna mamoogana. abdi

  4. mohamed isse says:

    asc,w,w
    waxan salamaya dhaman akhyarta bahda somali talk, sida ay noogu soo bandhigan qoraladan xiisaha iyo wadaniyada ku dheeehan tahay, waa arin aanan layaabayn in soomaliya godkii loo qoday ay kusocoto, sidii marba lugta loojiidaayo ayay gabal gabal ugu dhacday , godkaa mugdiga ee aan maciinsiga laheen, in ladhaco, iyo in lagumaado, in qaranimadoodii laburburiyo, in koox koox loo kala gooyo iyo gobal gobal loo kala jaraa, in badoodii sun lagu shubo hadana khayraadki kui jiray lagurto in dowlad eber ah ama zero loo soo dhiso, si loogu jahwareeriyo ama looga faaiddaysto, logana saxiixdo duminta dalkooda iyo sharaftoodii, hadaba somaliyey, ma w axad sugaysaan in aad gumaystaha guracan ee bahalnimada ah ididinkula dhaqmay in aad kahor tagtaan maya maya maya masuurtagaleyso, in aad kahortagtaan ,,waad liidataan ummad idinka liidata dunida kuma noola, , boqolkii sano ee lasoo dhafay afaf iyo luqado iyo ummado badan ayaa lawayay, , ogow boqolkan sano ee aan ku jirno idinkaa ugu horeeya oo safka hore kujira ummadaha laweyndoono arintaan daah iigama qarsoona, oo way iimuuqataa, waxad kasoo qadaa qofkii wada xanuunsanaa jirkisa oo dhan meel uroon ayasan jirin hadii dhakhtarka loo geeyo daawo gacan kaliya oo laga daaweeyo maku bogsanayaa, waxay lamid tahay, adigoo yiri badii baa ladhacay oo dunidii isugu habar wacatay maxaad kaga hortagi oo aad u haysataa difaac iyo kahortag waa waxba , shalay adaa is cunay oo wali is cunayaa oo ay umacan tahay in aad is cunto ilaa hada ma ayadaan kala dhargin , hadalka yuu ila tagine anoo gabsanaya. hadii aad gartaan sidad uga bixi lahaydeen daadkan nagu rogmaday iyo murugta qoorta noo gashay, bal aan sugo oo arko fikirkiina iyo xikmadiina!!!!!

  5. Horay baan u iri sheekada Somaliya waa arin ka ween umaddisa qabiilka
    isu heesata oo aan firin, danta guud iyo ayaha dambe ee umaddoda iyo
    dalkooda. Hebel waa dambile iyo ma aha ayaan isu laynaa.
    Yaan cadil ka dhiganna………. shisheeye, oo maxan u weydin weyne horta
    ayaga maxkamadee qabata. Kan somaaliga ah oo sharafti uu dhulkiisa ku lahaa ka doortay car wash, waxaan oran laha bal mar miyir kabbo oo xaqiiqda u soo noqo. Ku soo noqo waddanka iyo umaddada,baahi bakhti loma cuno ……………….Somali Maxamed C. Xassan baa habaaray,
    geesi ummad waayay shalay, sida maantay dhul umad waayay.