Home » Faallo »

Silaca Qurbaha iyo Saxariirta Dalka | Qore: Amiin Yuusuf

Qof kasta oo Soomaali ah waxa uu ku haminayaa sidii uu mar ku tagi lahaa dalalka Dibadda dariiq kasta ha u mareen, qaarkood naftooda ayay haligeen markii ay isku dayeen in ay ka gudbaan Saxaro iyo Badweyn, waxaana maalin walba dhegaha dadka ku soo dhacaya dad Soomaali ah oo ay la qalibantay Doomo iyagoo doonaya in ay gaaraan meel ay kaga nabadgalaan dhibaatooyinka ka taagan wadankooda oo haatan labaatan jirsatay.

Dad aan dhigaal haysan ama gacantooda aysan waxba ku jirin ayaa carruurtooda waxay ku qalqaaliyeen sidii ay dibadda u aadi lahaayeen, waxaa iigu yaab badneyd markii wiil dhallinyaro ah oo ciddiisu aysan waxba haysan uu doonayo in uu tahriibo, inta uu gacanta jiibka geliyey ayuu igu yiri “$20 Doolar ayaan haystaa waxaana doonayaa in aan dalka isaga cararo”, waxaana isku dayey in aan u caqli celiyo oo ku qanciyo in uu iska joogo, balse waa uu ka biyo diiday arrintaasi waxa uuna yiri “Wallaahi in aanan wadankaan joogeynin, waayo saaxiibadey oo dhan waxay wada galeen Yurub iyo Mareykan, maxaa aniga i joojiyey?”, wuxuu sii daba dhigay intaa “Saaxiibo kale oo iyagu haysta $20 wax ka yar ayaa ka gudbay, waxaan isku dayey in aan u sheego arrinta dhabta ah ee dadkaasi uu sheegayo u fududeysay in ay gaaraan meesha uu sheegayo taas oo ah in reerkoodu uu iska dhaqanaa sidaasi darteedna meel kasta oo ay tagaan taakuleyn la daba joogay.

Gabar yar oo aan da’deeda ku qiyaasay 15 jir ayaa igu tiri “Waxaan doonayaa in aan wadanka Soomaaliya ka tago oo aan tahriibo, waxaana israaceynaa gabadho kale oo saaxiibadey ah”, markaas ayaan ku iri war reerkiina waxba ma haystaan ee walaaley maxaad dooneysaa”, waxayna iyada oo ka careysan hadalkeyga igu tiri “Niyadda ha iga jabin, arrintaan waa go’aansaday sababtoo ah wadankaan meel la joogi ma ahan”, waxaana weydiiyey qarashka ay ku tahriibeyso in uu ku filan yahay ama in kale, waxay ii sheegtay in uusan ku filneyn, waxayna iyada oo qosleysa tiri “Saaxiib si kale ayaan isku dabari doonaa”, waxaana la fajacay sida kale ay isku dabari karto welina waxay igu tahay calaamatul Su’aal.

Wiil Dhallinyaro ah ayaa reerkooda waxa uu ku qasbay in Guriga keliya ee ay shinsanayeen ama ay lahaayeen isaga loo iibiyo si uu ugu tahriibo, wax laga diidaba wiilkii waxa ku sii batay cudurkii Buufiska, waxa uuna reerkii ku yiri “Saddex, Afar Guri kale oo ayaan iibinayaa markaan cagta saaro cariga Ingiriiska, haddii aad gurigaan hadda ii iibisaan”, isagoo markaa niyadda ku hayey in uu lacag horey ka heli doono marka uu tago Ingiriiska, gurii ayaa la gaday waxaana laga bixiyey 33 Kun oo Doolar, waana uu ku dhoofay, wax uu warwareegaba oo uu marba wadan uu tagaba, lacagtii oo gabaabsi ah ayuu waxa uu gaaray Cariga Ingiriiska, markiiba waxa uu la soo hadlay reerkoodii waxa uuna u sheegay in uu gaaray Cariga Ingiriiska, farxad ayay la boodboodeen, odeygii ayaa la soo booday “Haye Ingiriiska waad gashay sidaas darteed bishaan waan kugu tashaneynaa”, wWiilkii markiiba waxa uu tagay Xero lagu diiwaangeliyo ama lagu hayo dadka soo galootiga ah waxaana loo qoray lacag gaareysa 70 Pound oo aan isaga ka badneyn, Odeygii ayaa soo hadlay isaga oo leh “Wiilkeygiiyow maxaa kugu dhacay sow ballan ma laheyn oo ahayd in markaad Ingiriiska tagto aad guri noo gedi doonto”, wiilkii wax uu meermeero lacagtii yareyd ee uu qaadanayey ayuu $50 Doolar uga diray, markii reerkii ay Kotonkii heleen ayaa Odeygii reerka waxa uu ku qayliyey “Ma haddaan nagu bilowday inaad $50 doolar noo soo dirto, meeshaan ka fileyney kumanaan Doolar” Somaalida waxay tiraah”Laba kala Baridey kala war la’, markaas ayuu ku yiri “Aabbe weli si rasmi ah uma degin”, odeygii oo aanwaxba hubsan ayaa Habaar afka u kala qaaday, bishii xigtay ayuu haddana $50 doolar oo uu nafsaddiisa ka cunaqabateeyey u soo diray, waxaana loo sii kordhiyey habaarkii oo habaar kale ayaa loogu daray, Odeygii ayaa ku andacooday “Waad na sirtay oo waxaad nagu tiri ‘markaan Ingiriiska tago ayaa wax walba idiin sameynayaa”, wiilkii walwal iyo walbahaar ayuu bilaabay in uu isla hadlo, dhinac waxaa ka haysta habaar dhinacna xaalad aan la ogeyn meel ay ku dhamaan doonto, fikirkii galay wiilka ayaa ku sii kordhay waxaana ugu darsoomay Habaar Soomaaliya uga imaanayey waxay taasi sababtay in maalilnkii dambe isaga oo saaran Dabaq dheere uu fikiray maskaxdiisuna siisay in uu iska tuuro dabaqa halkaas ayuu ku geeriyooday wiilkii, reerkii waxaa isugu darsoomay Wiil la’aan iyo Guri la’aan oo loo sababeyn karo iyadoo aan laga war qabin xaaladda rasmi ah ee ka jirta Qurbaha. Wiilkaan hal guri ayaaba loo iibiyey balse waxaa dib loo soo celiyey oo fool xumo la kulmay oo xamar dariiqyadiisa iska socda iyagoo aan caadi aheyn dad badan oo lagu maalgeliyey hanti badan oo loo iibiyey guryo fara badan.

Waxaa la sheegay in nin Ganacsato ahaa uu ku dhacay cudurka Buufiska waxa uuna hantidiisii oo dhan isugu duway sidii uu ugu tahriibi lahaa markii

uu tagay Qurbaha ayaa loo soo taagay $100 doolar, aad buu ula yaabay oo uu uga xumaaday waxa uuna yiri “Intaan in ka badan ayaan Xamar ku haystay, ee waxaad noo soo taageysaan ma ahan wax nin weyn loo soo taago”, waxa uuna go’aansaday in dib isaga soo laabto waxaana lagu soo celiyey Muqdisho halkii ayuu ka sii bilaabay ganacsigiisii waana uu ka reystay cudurkii Buufiska.

Isku soo wada duuboo Silac iyo Saxariista ka jirta Qurbaha iyo dadka aan ka warqabin ee aadaya iyo dhibaatada ka taagan Soomaaliya waxay dhashay dhibaato kale, dad badan ayaan ku hanti beelay uuna ku dhacay niyad jab, inkastoo qaar ka mid ah dadkaasi ay ka tanaasuleen qurbaha tagaan maadaama ay soo arkeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta waxayna ku calaacaleyn
“Alle ayaa mahad iska leh oo naga soo bixiyey nolosha xun ee ka jirta dibadda ee aan moodeyn in ay wanaagsan tahay”. Waa run in dadka waxa ay ka cararayaan ay yihiin wax dhab ah oo dalka ka jira haddana waxaa wanaagsan in mar kasta uu qofku la socdo xaaladda uu daraasad badan sameeyo, waxayna dadka Soomaaliyeed noqdeen kuwo labada dhinacba ka guban oo meel u fayoow aysan jirin, xiligaan waxaa dadka isaga dhex yaacsan in Yurub iyo Mareykan aysan sidii hore aheyn, waxaana leeyahay dadkeena Soomaaliyeed Alle ha inoo barakeeyo Dal;keena waxaa la hubaa in uu dal barwaaqo yahay oo ay dadkiisu baahan yihiin faham la’aan dartii, Allena ha naga dul qaado Silac Qurbaha iyo Saxariista Gudaha.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Silaca Qurbaha iyo Saxariirta Dalka | Qore: Amiin Yuusuf "

  1. safiya says:

    wey fiicantahay in aan wadankeyna joogno oo qurbaha aysan nolol oolin.
    su’aasha taagan ayaa waxey tahay dadkii qurbaha tagay maxey ugu fakari layihiin wadankooda?
    ma waxey umaleyen hormarka in yurub ama mareykanka bas gaari karaan?
    ha fakaraan wax aan loo fakarin oo qorsha loo dajin lama helo.