Home » Warar »

Kulan lagu Difaacayey Jen.Maxamed Cali Samatar oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xildhibaano Soomaaliyeed oo tiradiidu tahay 64 mudane islamarkaana ka soo kala jeeda 14 beelood loona yaqaan beelaha Shanaad ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadaanadaani ayaa kulankooda kaga codsaday Dowlada Mareykanka inay gabi ahaanba joojiso Makamadeynta lagu hayo Jen.Maxamed Cali Samatar ay soo eedeeyeen shaqsiyaad ka soo jeeda Gobolada Waqooyi Galbeed iyagoo ku doodaya inuu horseed ka ahaa xasuuq loo gaystay dad ka soo jeeda Goboladaasi.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in sharciga lagu haysto Janaraalka uu yahay mid soo baxay 1991-dii iyadoo dambiga ay ku edeynayaan uu 20 sano ka horeeyay janaraaka sidaa darteed waxay ka xusen Xildhibaanadu inaanu wax dambi ah isaga si gaar ah u gelin looguna makamadeyn Karin madaama waxa dacwaa loo haysto yihiin dhamaan Madaxdii Dowladii xiligaasi jirtay.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Sidoo kale Xildhibaanadu mar ay ka hadlayeen arintaani waxay xuseen in wixii dhib ah ee kala gaaray shacabka soomaaliyeed 21-kii sano ee ay talineysay Dowladuu Kacaanka ahayd looga heshiiyay shirarkii dibu heshiisiin ee ka dhacay Boorame iyo Bar bara oo ka tirsan Gobolada Waqooyi, Jenaraal Samatarna uu ka mid ahaa shacbiga ku abtirsada Goboladaasi.

Xilhibaanada kulanka ka qayb galey waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Jen.Maxamed Maxamuud Xeyd,Xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud iyo Xildhibaan C/fitaax Ibraahim Rashiid kuwaasoo sheegeen in shaqsiyaadka dacwada u haysta Jernaraal Samatar ay yihiin kuwo si gaar ah u doonaya inay sharaftiisa iyo karaamadiisa meel kaga dhacaan , wax dambi ahna uusan jenraal Samatar si gaar ah u gelin.

“waxaan ka codsaneynaa Dowlada Mareykanka in hadii Jen.samatar la maxkamadeynaayo lagu soo daraa Jenaraalada Mareykanka ah ee Howlgalada ka fulinaaya xiligaan dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan” ayey yiraahdeen Xildhibaanadaas

Sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen inay Dowlada Mareykanku ka fiirsato arintaasi,waxaa kale oo ay sheegeen Mudanayaashu in waxa loo haysto Jenaraaka ay ka weyn yihiin kana xanuun badan yihiin waxa maanta ka dhacaya guud ahaan Dalka Soomaaliya oo ah dhimashada iyo dhaawaca,waxayna sidoo kale is weydiiyeen waxaas dhacaya ma waxaa loo maxkamadeynaya Dowlada maanta Dalka ka jirta,Amisom,Ashabaab iyo Xisbul Islaam,iyagoosi gaar ah uga codsaday shaqsiyaadka arintaan sida gaarka ah u wada inay ka tanaasulaan, loona tixgeiyo jenaraaka maganyada uu ku joogo dalkaasi Mareykanka.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Akhri: https://somalitalk.com/samatar/

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " Kulan lagu Difaacayey Jen.Maxamed Cali Samatar oo ka dhacay Magaalada Muqdisho "

  1. AL CADALA says:

    In shakhsi iyo doowlad umad dembi ka gashay la xakumo waa
    arin sax ah oo daalin keliye ka soo hor jeensankaro. Afartan sano
    ayaa somaliya la ba bi inaaya. Ma hal nin kaliya baa umad xasuuqay.
    Ma hal nin baa sun ka buux shay badda iyo berriga. Ma hal nin baa
    basin baan soo saari ku bedelay sun ban dugi.Gandi wuxuu yiri
    “Ahimsa” “xaqu waa qadiim sida buuraha”

  2. AL CADALA says:

    Somalidu waxay ku mah mahdaa ” Ratiga maxaa manka ka galay ma
    misra buu laqay.” Kuwa Cali Samantar dacweeyay, oo ilooway kuu
    ethiopia hubka kala soo galay oo laay xataa kuwii cusbatalada ku jiray iyo
    dhakhatirti Hargeeysa. Hadan manka loga jirin maxa C. Samantar dambiile ka dhigay oo Muuse Bixi geesi ka dhigay.

  3. Idow says:

    As.Wr.Wb

    Samatar wuxuu ka hayay dowladi kacaanka ee xasuuqa geysatay masuuliyado culus sida (Vice president, Prime minister & defense minister), la iskuma hayo in ay danbi galeen asiga iyo kooxdiisa dowlada hogaamineysay, waana sax in lagu maxkamadeeyo danbigi uu galay

  4. Horta haddii Maxkamad cadaalad ahi ay jiri lahayd kuwa Cali Samatar
    dacweynahaya iyaga ayaa la xiri lahaa, waayo dad intay cadaw u tageen
    hub fara badan ka soo qaateen magaalo iska degan oo nabad ku nool oo
    nidaam iyo kala dambeyn ka jirto, Dugsiyadii la aadayo, Banuuktu furan
    tahay, Dukaamadu sharaxan yihiin, inta soo dhex galay xababad dhinac
    kala maray, inay dembigooda maanta qoorta u galiyaan Cali Samatar waa
    nasiib darrada maanta haysata Soomalida meel kasta oo ay joogaan.
    War hoy dulmiga ha la iska daayo, oo dariiqa xun ee wax lagu doonayo
    ha la iska daayo.

  5. Aniga waxay ila tahay,in arinta ahayn Samantar dambiile ma yahay mase ma aha, ama maxaa isaga keliya. Laakin ay tahay in laga eego, dhibaatada umadda Somaliyed 1969 ilaa manta maxaa adunweeynaha wax oga qaban la’yahay. Samantar iyo xulafadiisi 20 sano ayeey wanag iyo xumaan sameeyen. Wanag :dariiqyo, jamacado iwm oo hor umar leh. Xumaan: xad gudub umadda loo geeystay illa tii weyneed ee Hargeeysa. Caydiid iyo xulafadiisi 20 sano ayeey xasuuq rayid oo noqotay silsilad xiririirta oo malin walba khamiis badasha mar waa koxo qabiil, mar waa koxo qabiil oo wado isku sheeg ah, mar waa ku wadaado isku sheeg ah oo shisheeye u shaqeeya,oo danta umaddoda ilowday. Somalida bananka joogta sideey u badanyihin,ma garan, ama isma weydin weli in cayrta ay ka weeyntahay somaliya.
    Midda kale ina Caydiid, California ayu ka tag, mar ku duul Baydhabo, mar ku duul meela kale, kuwa hore wa la kasay, xataa abihiis, lakin isaga ma kasteen? weysha qowrac saca haa ku qus qaato oo yan mesha la sikaga harin. Hana la iska ilaaliyo tan ah beri iyu siin la soo degi…………..

  6. maxamed says:

    Waa runtaa, waa baa maxkamad ku saabsaneed dagaal u galay
    nin la dhihi jiray Allaha u naxariisto Hon (Kismayo).Xaakimkii baa wuxuu
    wediiyay Hon maxaad weydiisaneesaa maxkamadda? Hon Allaha u naxariisto wuxxu ku jawaabay Xaakim sheekada waa ama wi ama wa.
    Hadda shekada 1969 illa mantay wixii Somalia soo xakumay iyo kuwa
    dambiga xasuuqa rayidka gaystay…………. ki madax sheeganaaya kii
    wax kale sheeganaaya……….waa wii ama waa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  7. abunabil says:

    RUNTII HADAAN U FIIRSANO ARINTAAN MAANTA SOO SHAAC BAXDAY WAXAA U SABAB AH 4.5
    WAAYO SAMATAR WAXAAN U MALEYNAYAA WAA LA WADA YAQAAN INUU AHAA HALYEYGII SOOMAALIYEED INTII AY JIRTAY DAWLADII KACAANKA , DHIB UU U GEYSTAY REER SOOMAALI LAND OO U GAAR AHNA MA JIRTO WAAYO WAQTIGU UU DHACAY DHIBKAA WAXAA AMARKA BIXINAYEY SIYAAD BARE LAAKIIN HADII LA LEEYAHAY SAMATAR WAA QOLYAHA LA YASO HALOO ABAARSADO WAA MID SOOMAALIYA U SII HORSEEDEYSA CADAAB IYO BUR BUR KALE WAAYO INTA XAQA LAGA LEEXANAYO ILAAHNA WAA IDIINKA LEEXANAYAA , MIDA KALE HADII LOO DANEYNAYO SHACBI WAA KUWAA MAALIN WALBA DHIMANAYO EE CID U HADASHAA AYNAN JIRIN MARKA INTII LEYSKU MASHQUULIN LAHAA NIN SHARAF LEH OO WADAN SOO XAKUMAY IN MAANTA SHARAFTIISA LAGU TUNTAA WAA WAXAAN WAAJIB AHEYN .
    MIDEEEDA KALE WAXAAD OGAATAAN OO RUN AH INEYSAN JIRIN WAX LA YIRAAHDO SOOMAALILAND EE SOOMAALIYA AY TAHAY HAL WADAN MARKA NIMANKAA XAAWILAAYA INEY SOOMAALIYA KA GO’AAN WAA NIMAN DADKOODA U HORSEEDAYA BAABA’A WAAYO SOOMAALIYA WAA WADAN QURA WAA DAD QURA MARKA YEYNAAN ISKU DAALININ EE WAXAAN DHIHI LAHAA HA LOO SOO JEESTO SIDII SOOMAALIYA LOOGA BIXIN LAHAA DHIBATADA AY KU JIRTO MAANTA

  8. ALI says:

    Dadka Ali Samatar dacweynaya dacadoodu waa mid jaban .
    dalka maraykanku waxay priority one ku aqbaleen saraakiishii iyo ciidamadii dawladdii hore marka loo eego arrimaha magangalyada.
    Waxaa maraykanka sharcigiisa ku qoran in mudnaanta kowaad ee magangelyada dalkan marka Somalida loo eego ay leeyihiin saraakiishii dawladdii hore oo oo looga baqayo in si xun loo laayo ama aarsi lagula kaco inta sharcigaasi ka mid yahay sharciyada magangelyada Jeneraal Cali samater wax dembi ah lagu heli maayo..yey daalin daalimiintu..

  9. Naasriin says:

    horta anigu waan layaabaa dadka ku doodaya cali Samatar Dacwad looma qabsan karo, cali samatar miyaanuu denbi geli karin? sow kuma filla qofka dacweynaya in lagu yiraahdo ku soo cadeyso. waa gooni haddii ay dooddu tahay maxkadda ayaa ka hiilineysa oo aan cadaalad faleyn, laakiin maa hebel la dacweeyo iyo waa beel hebel meesha ma imaan karto. gen Samatar waa denbi laawe illaa ay maxkamad denbi ku hesho. marka maxaa cali samatar loogu baqayaa, ma waxaa la doonayaa in denbi uu galay laga fakiyo, haddii ay jiraan eedeysanayaal kale ma isaga denbigii loo heystay ayaa baa baya,? maya dhagar laga galay qof miskiin ahi ma baa ba’do, goortii la doono halla galo.waxaase ku filan ku soo caseyso. maxaa waxaas oo buuq ah keenaya.

  10. A. ismaciil says:

    Somaaliya 21 sano ayaa waxa xakumaayey milateri, ma daafacaayo,
    tahrib ban kaga soo baxay, markaan shaqo qaran dhameeystay.
    Cali Samantar muxuu geystay oo Riyaale uu geesan.
    Cali Samantar muxuu geystay oo Ismaciil Cali Abokor, j.raal
    Axmed Ismaciil loo hilmaamay(Lanta bur). C/man tur.
    Horay ayeey somali u tiri miskiin ayaa miska la fuulo leh(sida cali
    samantar ee ku abtirsada daka maanta Hargeeysa mesha ay rabaan
    ka degi karin oo dimbiga ay galeen ay tahay waa laga tirabatay.
    Samantar iyo Kaahin manta waa ceeb badan oo dembile ah kahin oo Alabamadii kontameeyadii kula dhaqmaaya umad somaliyeed.
    Ma dafacaayo C. Samantar, lakin runta haddi laga leexdo waa baa ba’a.