Home » Warar »

Wasiirkii Saxiixay Heshiiskii Is-afgarad ee lagu waayi lahaa Badda oo Iscasilay…

Wasiirkii Qorsheeynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFKMG ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta (Arbaca June 9, 2010) ku dhawaaqay in iska casilay xilki iuu u hayey xukuumadda Kumeelgaarka ah.

Wasiirku waxa uu is casilaaddiisa ku dhawaaqay isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

C/raxmaan C/shakuur ayaa Soomaalidu ku xasuusataa in uu yahay wasiirkii ay DFKMG u adeegsatey in uu gacantiisa ku saxiixo heshiis ay ugu yeereen Is-Afgarad oo baylah gelinayey dhul-badeed Soomaaliyeed oo aad u baaxad weyn, kaas oo Kenya damaacsanayd in ay saxiixaas u adeegsato sidii UN ay ugu shariciyayn lahayd dhulkaas maadaama ay haysteen saxiixaan.

Waxaa jirtey dacwad baarlamaanka ka taaley in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo cid kasta oo ku lug lahayd heshiiskaas Is-Afgarad ee loo saxiixay Kenya. Arrintaas oo loo aanaynayo in ay keentay in aan baarlamaanku furmin ilaa la bedeley hoggaankiisii oo uu xilka baarlamaanka guddoonkiisa qabtay wasiir kale oo lagu xiriirinayo heshiiskaas.

Waxaa jira warar tibaaxaya in khilaafka xukuumaddu uu qayb ahaan salka ku hayo heshiiskaas Is-Afgarad (MoU) sidii loo wajahay iyo in lagu fashilmay, ayadoo xafiiska madaxtooyada DFKMG ay weli doonayaan in heshiiskaas uu dhaqan galo oo la raadiyo farsamo looga laabto go’aankii baarlamaanaka. Halka, sida wararku tibaaxeen, uu xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG oo ahaa kii heshiiska hore ugu ololayn jirey ay markii dambe aqbaleen go’aankii baarlamaanku heshiiskaas kaga dhigay wax kama jiraan.

C/raxmaan C/shakuur oo is casilaadiisa kaddib Arbacadii (June 8) u waramay idaacadda ku hadasha codka xumuumadda FKMG ayaa yiri: “Markii Jabuuti lagu soo dhisay Xukuumada KMG ah waxa ay balan ku qaaday in ay wax ka qabaneeyso Afar qodob oo kala ahaa: Nabadgelyada, dib u heshiisiinta, dhismaha heykalkii dowladnimo iyo Gargaarka, waxaana cad in ay dhamaantoodba ku guuldareeysatay sidaa darteedna ay soo ifbaxeen rag abuuraya fidno siyaasadeed.”

Waxa kale oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu idaacadda wararka u faafisa boqortooyada Ingriiska ee British Broadcasting Corporation oo loo soo gaabiyo BBC u sheegay in uu hadda yahay “xor” oo uu sheegi waxa uu doono. Laakiin kama uusan hadlin heshiiskii uu u saxiixay Kenya iyo sababtii ku kalliftey ayadoo aan laga fiirsan in uu gacaantiisa ku saxiixo. Malaha saxaafaadda Soomaaliyeed ayaa markay fursad u hesho weydiin doonta su’aalahaas waxa uu ka ogaa sida uu heshiiskaasi u dhacay.

Dhanka kale, Talaadadii (June 8, 2010) ayey ahayd markii ay magaalada London iscasilaadooda kaga dhawaaqay laba wasiir oo kale, ayagoo sheegay in Istiqaaladooda u gudbiyeen Dowladda Federaalka, labadaas wasiir oo ah Wasiiru dowlahii Madaxtooyada Xasan Macalin iyo kii Wasaarada Tacliinta Sare Maxamed C/llaahi Omaar. Wasiiradaas oo ka hadlaya sababihii ay isu casileen waxaa hadalkoodii ka mid ahaa: Meesha (DFKMG) “Qorshe ma jiro, barnaamij ma jiro, aragti VISION fog majirto, qorshe PLAN wax lagu qabanayo ma jiro.” Waxaa sidoo kale Talaadadii iscasiley Wasiiru-Dowlihii Wasarada Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade.

Oomaar waxa uu ahaa wasiirkii Arrimaha Dibadda ee DFKMG xilligii uu C/shakuur Warasame saxiixayey heshiiskaas uu la saxiixday wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si xooggan uga hor yimid heshiiska ay DFKMG la saxiixatay kenya, ilaa markii dambe ay baarlamaanka FKMG heshiiskaas ka dhigeen waxba kama jiraan, markii dambena Qarammada Midoobay ay aqbaleen go’aanka baarlamaanka, sidaasna heshiiskaas looga dhigay mid aan la cuskan karin oo waxba kama jiraan ah, halkaasna uu ku burburay qorshihii ay DFKMG baylahda ku gelin lahayd badda Soomaaliya.

Haddii Heshiiskaas Is-Afgarad uu u hirgli lahaa DFKMG, waxaa markaas ay Shacabka Soomaalidu ku waayi lahaayeen 116000 kiiloomitiri oo laba jibbaaran oo dhul badeed ah. Waa su’aal ku haboon in la weydiiyo wasiirada is casilay ee sheegay in ay hadda “XOR” yihiin si ay shacabka Soomaaliyeed arrintaas ugu sharaxaan waxa sababay, si mustabalka looga gaashaanto in aysan dhicin arrin taas oo kale ah.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Wasiirkii Saxiixay Heshiiskii Is-afgarad ee lagu waayi lahaa Badda oo Iscasilay… "

  1. abdirisaq says:

    Nin ingiriis ah oo 15 sano ka hor aannu Afrika iskala shaqayn jirney ayaa iyiri ma ogtahay laba J haddaysan ahayn dawladaha yurub inay dadkooda cuni lahaayeen.
    Markaasaan weydiiyey war bal ii sheeg annaguna aan sameysanee.
    Waa judges iyo journalists.
    Waa jaraaidka madax bannaan oo cid kasta oo qalad dalka ka gasha daba gasha oo ceebtooda bannanka soo dhigta ilaa ay shaqadooda ka cararaan ama maxkamad lasoo taago, wxaa iyana kaalin weyn haya garsoorayaasha wixi dawladdu soo sarto ee sharciga waafaqsanayn qashinka ku dara shacabka iyo dawladdana caddaalad ugu kala garsoora ayagoon midna uga haybadaysaneyn shaqadooda.
    Hadda waxaa fiiddi cuddrunka soo bixisay journalism madax banaan oo aan noo akhriyin socdaallada madaxda iyo amaantooda ee wixi sanna amaana wixi xunna tilmaama shacabkana u raadiya xaqiiqada ka daahan iyo aqoonta mawaadiicda cilmi baarista u baahan.taas oo aan leeyahay Somalitalk ayaa horseed u ah.Illah ha idinka abaal mariyo hana idinku guuleeyo.
    Tan garsoorayaasha ayada ilaahay qaabki ay u madx banaanaan lahayeen iyo imkaaniyaadki ama wixi ay shaqadooda ku gudan lahayeen oo dhaqaale iyo awood ahba allaha u sahlo hadda lama hayee.
    Waxaan hubaa marka dambe shacabka Somaliyeed inuu ku baraarugi doono ahmiyadda saxaafadda ayna noqon doonto shucladda ama iftiinka ay ku wada hirtaan inay ku hagto dantooda kana qabato tuugada iyo danaystayaahsa. Ragga hadda Baddeeni ka dhigay front ama urun cusub ee dagaal si ay ugu garaan dano yar oo ayagu leeyihiin waxaan qabaa in aan looga harin ee sida ay taariikhda Somaliya mugdiga u geliyeen ayagana mutaqbalkooda iyo noloshooda mugdi loo geliyo eel kasta oo ay tagaanna looga daba tago.

  2. heile says:

    Ugu horeyntii waxaan salaamayaa Madaxdda Somalitalk website, run ahanti waxaan aad ugu mahadnaqayaa website Somalitalk oo had iyo jeeraale soo ban dhigta Qaa’inul wadanka mar waliba isku Daya in ay dhacaan waddan iga oo fiirsanaaya hanti aduunyo. ragaasi oo aan laheyn waddaniyad iyo alla ka baqid toona. marka xijta, waxaan u soo jedinayaa web Adim. Somalitalk in ay banaanka soo dhigaa cid waliba oo isku daya in ay iibsadaan taaka kamid ah wadanka ama Dhul weynaha Somaaliya, waxaana xusi doona taariiqdda cid waliba oo isku daydda arinka ceynkaasi ah. iyadoo sidoo kalle ay taariqdda baal dahab ka gali doonaan cid kasta oo ka haddasha tuugta isku daya in ay ku xad gudbaan dhulka somaaliweyn..
    MAHADSANID

  3. A.J.Ahmed says:

    Ilaahey baa Mahadi u sugnaatey: Inkastoo wixii 1980kii ka ambeeyey daneysi gaar ahaaneed mooyee, wax dan ummadeed iyo Islaam ka shaqeynaayo aysan jirin cid isku hawshay, kuwii isku dayana gacanta la goynaayo, waxaase intaasba ka sii daran, kuwa si sahal ah daaqadda uga soo galay oo ku helay dhiigga dan yarta qubanaaya ee degaanka looga cararay, hasa yeeshee, durbadiiba la soo booday qorshihii laga lahaa oo meesha lagu keenay, isagoo horay ka saxiixay Badaha Somalia waxaan si toos ah ugu wareejinnay Kenya, Waxaan xasuustaa kuwa af-dheeraa oo uu ka mid yahay Tersan oo oran jiray Hanti umadeed baa la gadanayaa oo aan u dacwoonaya aniga iyo kuwa ila jiro isagoo si gaar ah beelo farta ugu fiiqaayo, inuu si toos ah uga aamusay markii lagu soo dary kooxdii Shariifka ee ARSta Djibouti. marka ilaahey ha naga xoreeyo u oomanayaasha dhiigga danyarta qubanaya & hantiga Qaranka, ilaahay ciqaabtiisa kulul ha mariyo. Somalitalkna Allaha idin guuleeyo il jinni iyo il insi allaha idinka qabto. waxad noqoteen daljirka dahsoon. Wa billaahi Tawfiiq

  4. Geele Salah says:

    alle ayaa hadda mahad leh, haddii qabqablayaashii dagaaladu saxiixi lahaayeen heshiiskaas dadku waxay oran lehaayeen ma aha dad diin iyo qaran garanaya, laakiin waxaan qaadan weynay markii la yiri waadadii ayaa badii bixinaya oo magac iyo lacag raadinaya, qabqablayaashii dagaalkuna way diideen. somaaliya haddii kuwii wadaadad isku sheegay oo meelkasta la joogi waayay ayan garan qiimaha dalka,badaha iyo xuduudaha somaaliya yaa umaqan?. Allow somali u hiili. away diinti away dalkii kenyaati iyo Norwejian maxaad usiin?
    kuwa badaha saxiixay ama hadda raba inay saxiixaan ha ogaadaan war lacagi way dhaman, dalkan dad ayaa usoo dhintay waqtiyad ii xornimada oo xoog lagu qaadan waa ee idinku dhibkiina ka ilaasha, ogaadana dalkan dad baa leh intay noolyihiina qaylinaya
    Somali talk you are the champion of somali cause, ee fadlan khayaanooyinka soo socdan fashiliya. we are with you.

  5. sudaani says:

    waa wax aad iyo aad loogu farxo maxaa yeelay waxa uu ahaa waraabe aan waxba reebayn dad duunyo dhul ilaah baa naga qabtay ala waxba idinkama reebo

  6. Cali Xawar says:

    Salaams,

    Waxaa mahad iska leh Eebe oo sahley in uu fashilmo heshiiskii Is-Afgarad, Waxaa xusid muddan Somalitalk oo si kartiyi ku jurto u daba gashay in badanna dadka Soomaaliyeed ugu iftiimisay sida wax ujireen, waxaan aaminsahay hadaan taasi jiriyin, qarsoodi baa lagu xalaalaysan lahaa Badda Soomaaliyeed, A very good investigative journalism by Somalitalk, Keep it up, Illahay ha idinka abaal mariyo, Tariikhduna waa idin xusi doontaa.

    Wasalaam
    Cali Xawar

  7. Muse says:

    Ilaahay baa naga wadey kan iyo noociisa oo kale, waxaan ka baqayaa in uu haddana dib noogu soo kala fireeyo, dabcan wax ku filan wuu haystaa oo baddii ayuu caddeystay, awalba waan ogaa koonfur in ay dib u socoto mooyaane in aanay horey u soconayn, Somalina la hareeen, kuwa la leeyahay waa wasiiro is-casilay oo aan hal maalin wax ay qabteen la arag oo xattaa gole ay ka hadleen aysan jirin, Iskuul booqan, jaamacad booqan, gobollada nabadda ah booqan, kuwaasian ma qorshe ayey u baahnaayeen iyo in loo sheego, idin barannay, miyaaney ahaeyn mas’uuliyiin, marka ay leeyihiin qorshe ma jiro wax lagu qabto, maxay u samaysan waayeen marka laga hor istaagona isu casiliwaayeen, halkaas ayey sharaf ka xanbaarsan lahaayeen, laakiin hadda waa la bartey in ay awalba ahaayeen niman iska macno yar, ama dhegta wax loogu sheegay, kuwaas warkoodu waa dib u soco horey u soco, horey iyo dibba u soco, daran doori saanqaad, la de’weeyo taagnow, maxaa daal la kororsadey ayuu yiri Abwaan hadraawi.
    Waxaaba ka sii daran kuwaan afka isu buuraya oo lagu magacaabo golaha xukuumadda , ma xishoodayaal, qandaraas sugayaal ah, hadba u duula meel wax lagagaga soo saxiixdo, shariif la soo gamay wuxuu noqday wasiirka arrimaha dibedda, wasiirka koowaad, madaxweyne, waa yaabe socod badanaa oo wax keen yaraa !! nabad ma keenin, heshiis ma keenin, dhaqaale ma keenin, muxuu qorsheeyey in uu ummadda ku soo kordhiyo, haddeerna wuxuu ayaantaan ay micida is gelin doonaan wasiiirkiisii koowaad oo uu ku mashquulsan yahay, isaga muddo yar kadib ayuu ka daba tegi doonaa, qorshihii Somliya iyo koonfur laga lahaana waaba soo dhowaadey, bal aan aragno waxay ku danbeyso !!!