Home » Maqaallo »

Samaanadaan Iyo Siyaasada Cusub ee puntland | Qore: Xabeeb

Sanaadii  1998 ayeey ahayd  xiligii  magalaad Xarunta u ah Gobolka Nuugal Ee Garowe  loga dhawaqay  Maamul goboleed Ka arimindoona  Gobolda  Waqooyi bari soomaliya oo   ah Gobolka Bari,Nugaal,Mudug ,Sool iyo Bariga  sanaag  xili somaliya guud ahan aysan ka jiran Xukmad tallada dalku ay gacanteeda ka godo marka laga reebo Gobolda waqoyi gelbeed Ee Somaliya oo ayagu la magac baxay Somaliland  oo ay ka jirto maamul ka arimiya Goboldaasi. 
  
Siyaasiyin,Waxgarad, Aqoonyahanin,Culumaa’udiin  Iyo dhaman bulsha weynta Ku nool Gobolada ayaa  waxay geed gaban iyo geed dheerba u fuleen sidi ay uga hir gelin lahayen Maamul kas oo matala dadka degan Gobolda waqooyi bari ee Somaliya madaama aysan soomaliya Hada Aysan ka jiran ama aysan ka soo iftiimeyn wax  xukumad ah ee  isku kenta Somali weyn  arintuna u muuqato mid ka sii daraysaa xalaaduna isku  bedeshay in ay noqoto mid an xal lahayn.

Ujeedadii  ugu  weyneeyd   ee  aasaaskii puntland waxay ahayd inay  muujiyaan miisaanka siyaasadeed ee ay leedahay  deganadani  kadib markii  ay soomaliya  xaladeeda wax iska bedeli weyday   

 
ugu danbayntiina  waxa  lagu guleysaty in lagu dhawaaqo Maamul goboleed La magac baxay Puntland .1,Agoust.1998.

oo ay macihiisu  tahay DHULKI UDUGA isla  markana   waxa kaloo la  doortay maxadwayne oo loo dortay  Cabdillahi Yusuf Axmed halka madaxwayne ku xigeena loo doortay Maxamed Cabdi Xaashi  ayadoo la oran karo  madaxda  lo doortay waxay u horseedeen nabad   lagu nagaaday Goboldaas oo xiliga maamul itaal leh usan ka jirin,waxaan la isku afgartay in u maamulkas ka arimiyo goboldaas Muda dhan Saddex sano.   
 

 
isimadii  iyo cuqaashii puntland Asaaskeeda dhagax-dhigay isla markaasna puntland kula haa Miisaan Culus, Xushmad iyo Qadarin weyn ku dhex laha umada degan Puntland iyo weliba Somaliweyn,. waxaa kamid ahaa:- 
1.Islaan Maxamed Islaan Muuse 
2.Beeldaaje Xaaji Cabdullahi Beeldaaje 
3.Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac 
4.Ugaas Cabdullaahi Ugaas Yaasiin 
5.Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan 
6.Boqor Maxamuud Boqor Muuse 
7.Islaan Bashiir Islaan Cabdulle 
 puntland waxay  so martay marxalado aad u badan oo  siyaasadeed oo aan dhihi karo  wax  khal khala  ma galin nabada ka  jirtay  Guud ahaan Puntalnd waxana  u mamulkasi ku talabdsaday in uu wax weyn ka qabto Amanka oo aha waxa keliya ee manatay lagu gari karo  Hanaan Nabadeed  iyo Horumar inkasto ay jirtay dhaliil balse waxaa badan wax qabadkii dhanka amanka oo ay reer Puntalnd Sii weyn Ugu dirsadeen  waxqabadka dhanka amanka e Mamulkan.   
 

intaas wixii ka danbeeyey  Maamulkaas wax  u aaha mid wax weyn ka qabtay Amaankii kana dhigay meel  ay  kajirto maamul iyo kala danbayn taas ooo  sababtay in Kumanaan Barakacayal ah  oo ka kala yimi Goboldada dalka  iyo weliba wadamaad deriska nahay  soo miciin bideen  Deganada Puntland kuwaasi oo si weyn  maamul iyo shacaba ugu soo dhoweyen  Deganka Puntland. 
  
2001 ayaa wax mar labaad la isugu yimi Garowe oo ahyd magaala Xarunta u ah  dowlad Goboleedka  puntland  shirweyne kadhacay waxana  loogu doortay Jaamac Cali Jaamac in uu Puntland madaxweyne ka noqdo, Kadib markii ay ka  dhammaatay mudadii 3 sano ee xukuumadii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf  Axmed.balse waxa sii weyn uga hor yimi  kuna gacansaray  natiijadii dorashada Cabduullahi yusuf Axmed oo shegay in aysan u cuntamayn go’aamadaasi oo u isagu yahay madaxweynaha xaqa ah ee puntland. 
  
Waxana iska  Hor imad  dhex maray kooxa la kala safan Cabduulahi Yusuf iyo weliba Jamac cali jamac oo iyagu markaas kala sheganayey in ay  yihin madxweynaha xaqa ah ee  puntland  taas  oo sababtay in Boqolaal dad ah  ay ku dhintan tiro intas ka badana   ku dhawacman labada dhinacba,inkasto aysan ka maqanayn khasare maal iyo mood ba leh ,taas  oo ugu danbeyntii mesha  loga saray maamulki jamac cali jamac  taladana uu  gacanta mar labad ku dhigay mudane Cabduullahi Yusuf. 

Rag ayagu  la safna Jamac Cali Jamac  aya waxay ku dhawaaqeen Jamhad  lamagac baxday ”Golaha Badbaadinta Puntland” (GBP), waxaana Jamhadaas Gudoomiye Ka ahaa Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cade), oo  isagu ku noola wixii ka danbeyey burburki Dowladii dhexe ee somaliya Dalka dibadisa gar ahan wadanka  Canada. 
  
Jamhadan aya ahayd mid xanbarsan ujeedoyin kal duwan waxayna  dagal la gashay Cabdullahi Yusuf iyo weliba Xulafadiisa., 
  
Biloowgi 2003  aya  waxaa magaalada mashquulka badan ee  Xarunta u ah Ganacsiga Puntland  ahna magala madaxda Gobolka bari ee  bosaaso hishiis ku dhexmaray  Garabka Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyii Golaha Badbaadinta Puntland (GBP), Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cade), waxaana heshiiskaas kasoo shaqeeyey Salaadiin iyo waxgaradka deganka Puntland waxaana hor bodayeyey Shaqsiyaad Xurmo ku leh  Puntland .  
  
Ujeedadii heshiiskan  ay wada gaareen labada dhinac waxa uu ahaa sidan:- 
 
 1.In lasoo cesho midnimadii iyo kala danbayntii Shacabka Reer Puntland 
 
2.In labada Hogaamiye dhisaan Maamul loo dhan yahay 
3.In ay  muqadas tahay In la  difaaco sharaf iyo  midnimada umada Puntland. 
  
  
Sandki 2004  aya waxa  Madaxweyne Dowlada federalka Somaliya Loo dortay Cabduulalhi Yusuf oo aha Madaxweynihi Mamulka Puntland isla markana waxa Xilki madaxweynenimo ee puntland qabtay madaxweyne ku xiegeenki Puntland oo sharci ahan xaq u leh in u qabto jagadaan Maxamed Cabdi Xaashi.  
  
Cabdullaahi Yuusuf Axmed wuxuu puntland madaxweyne ka ahaa intii udhaxaysay 1998 illaa 2004 waxa uuna  noqday madaxweynihii ugu horeeyey puntland. 
  
Waqabadkii Xuukmadiii Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed (1998-2004
  
Madaxweynihi Hore ee  Puntland Mudane.Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxa uu aha  madaxweyne xoogga  saaray sidii uu amaanka guud ee daganka Puntland ugu soo dabalilaha meel xasilooni iyo kala damayn ka jirto. 
  
Yusuf waxa uu  si weyn  xoogga u saray dhanka ciidanka waxa uuna Puntland ka dhisay qaybaha kal duwan ee cidanka sida Daraawiishta, Policeka, Asluubta, iyo Sirdoonka,inkastoo  yusuf uu wax weyn ka qaban dhanka arimah bulshada. 
 

8th janaury 2005, waxa  magalad xarunta ah ee  Garowe ka dhacay doorashooyin  , waxaana lagaga guulaystay xilkii Madaxweynanimo madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi isagoo markaas siwanagsan uga degay kursiga. 
Mudane Xaashi waxa uu  puntland madaxweyne ka ahaa intii u dhaxaysay 2004 illaa bilowgii 2005.

 
 Waxqbadkii Xuumadii Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi(2004-2005)  
 
Xiligii koobnaa ee  uu hayeey xilka madaxweynenimo Ee Puntland Maxamed Cabdi xaashi waxa u Hirgaliyey Doorasho Guud Mudo yar oo aad u kooban 
iyo inuu noqyday xaashi, Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland oo si dimuqaraadi ah uga dega xilka  kadib markii looga guulaystay Doorashadii, ayadoo dadka reer puntlandna ay ku tilmaamaan Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi  Shaqsi ay ku weyntahay midnimadu. 
 
Madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) 
 
Gudomiyihi hore ee Jamhadii GBP Gen.Cadde waxa uu puntland madaxweyne ka ahaa intii u dhaxaysay bilowgii 2005 illaa 2009,  
  
Maxamud Muuse  Xirsi Madaxweynihi  Puntalnd waxa uu  dadaal dher u galay sidi Puntland Dhaqaaleheeda  kor loogu qaadilahaa balse  amaanki aya sanadadii ugu dabyeey Noqday mid sii  xumanyey marka loo ego maamuladi Yusuf Iyo Xaashi ee ka horeyeey  Cadde . 
  
Waxqabadkii Xuukamdii Madaxweyne Cade(2005-2009) 
 
Maxamuud Muse Xirsi(Cadde) waxa  uu xoogga saaray sidii uu Puntland dhaqaaleheda uga dhigi lahaa mid meel sare  joga puntalndna  ay u noqoto  Gobol Dhaqalihisu  yahay  mid  sii kobca. 
 
Madaxweyne Cadde waxa uu   Puntland ka hir geliyeey Mashaariic badan oo ay ka mid tahay  
Dhisidda Airporka Magaalada Ganacsiga ah ee Bosaaso 
Dhisidda Maxjarka Xoolaha Magaalada Bosaaso, 
  
Taagaaerida Dowlada Fedraalka ah ee Soomaaliya,ayadoo dowlada puntland ay  siiyey dowlada Federalka Taageero Ciidan iyo  Mid Dhaqaaleba,  si loo helo Dowlad Dhexe oo Soomaaliyeed, ayadoo walibana taageeradaasi ay saamayn ku yeelatay Dowlada Puntland  hoosna  u dhigtay  waxqabadkii puntland ee  dhanka amaanka Iyo weliba dhaqaalaha walow  ay xiliga ku soo aday xili ay aduunka ka jirto Sicir barar baahsan kaas o sababay in shirkado badan oo calamka ah ay  musalafan. 
  
Doorashadii Xukuumada hada   jirta. 
 
Sanadki la soo dhaafay ee 2009  aya waxa  Puntland ka dhacay dorasho an abid ka dhicin Deganka Puntland Ee somaliya taas oo ahayd  mid wadata xamaasad gaar ah iyo weliba soo jiidasho ay soo jiidatay dadka Puntland iyo weliba dhamaan dadka  daneeya Arimah Siyaasada Puntland. 
  
Murashaxin kor u dhafaya 20 murashax ayaa isku soo tagay  xilkan ugu sareeya  puntland ee Maadxweynenimo kuwaasi oo isugu jiray   rag  siyaasada puntland  mudo kusoo  dhex jirey iyo weliba wajiyo ku cusub  siyaasada puntland . 
  
Murashax walba waxa uu isku dayaayeey in uu soo jiito dareenka shacabka   basle nasiib daro shabacku ma ahayn kuwa wax  doranaya ee waxa wax doranayey 66 qof. 
 Amaanka Guud ee Magaloyinka puntland  aya si weyn lo xoojiyeey   ayado ay  ugu horeyso magaalada xarunta ah ee Garowe  iyo weliba magalada xeeebta ah ee Bosaso. 
  
Murashax walba waxa  uu watay maliishiyo ay hayb hoosaad wadaagaan kuwaasi oo watay gadiidka gashaman ee dagaalka iyo weliba Kumanan ilaalo u ah,  
Dhanka kale Murashax walba waxa uu  kaga hadlayeey warbaahinta  in  u yahay kan puntland mantay  u keni kara  isbedel buuxa  iyo weliba soo celinta gobolada puntland gacanteeda ka maqan  korna u qaadi doona dhaqaalaha,waxbarsha ,caafimadka iyo weliba dhaman arimiha bulshada meeshana ka saari doona kooxda Puntland sharafteeda hoos u dhigtay ee Burcad badeedka si weyn uga qowleysata Badaha Somaliya xaruna  ka dhigtay Deganka Eyl ee gobolka Nugaal. 
 
Murashax walba waxa uu hoos ka watay xod xodasho iyo koxaysiga xildhibanada doranaya madaxweynaha iyo weliba qof walba oo  uu arko in u  ka helikaro   cod waxana hor boodayey  Isinka Reerka kaas o u  murashax u arkay in hadi ay isku fiicnaadan isinka u heli doono  codka Beesha,  
.  
  
Sikastay arintu ahaatoba waxa isku soo biyo shubatay in la isugu yimado hoolka barlamanka  oo ahayd mesha ay  ka dheceyso dorashada madaxweynenimo. 
  
waxaana  isbadel uu ku yimid hanaankii iyo madaxdii maamul goboleedka Puntland, iyadoo bishii 8th janaury ee sanadkii 2009 ay ahayd markii uu Hogaanka  maamulka Puntland qabtey Madaxwayne Dr .Cabdraxmaan Maxamed Maxamud Sheekh. 
Doorashadii Madaxweyne Faroole iyo waxyaabihii uu ballanqaadey.

7th January 2009 oo ay ku beegnayd maalinimo arbaca ah waxaa hoolka baarlamanka Puntland lagu soo dhaweeyay in lagu dhageysto khudbadihii musharixiinta halganka ugu jirey hogaanka ugu sareeya Puntland. 
Cabdiraxman Maxamed Maxamud farole oo ahaa masuulkii doorashadaasi ku guuleystay, haatana ah madaxweynaha Puntalnd  waxa  ka mid aha balanqaadkisii  Xiligi dorashada. 
 1. Dhisida iyo abuuridda maamul tayo wanaagsan. 
2. Hirgelinta hanaanka dimuquraadiyada ee ku saleysan xisbiyo siyaasadeed iyo yagleelida guddi doorasho. 
3. La dagaalanka iyo Ciribtirka Musuqmaasuqa. 
4. Hagaajinta dhaqaalaha Puntland iyo soo celinta suuqa xorta ah. 
5. Sugidda amniga guud ee Puntland iyo dib u soo celinta dhulka ka maqan Puntland. 
6. Ka shaqeynta arimaha bulshada si sare loogu qaado wacyiga dadweynaha Puntland. 
7. Habeynta iyo isku dubaridka ciidanka Puntland ee burburey. 
 
8. Dib usoo nooleynta iyo hagaajinta xiriirada caalamiga ah. 
9. Ka hor tagga ,la dagaalanka tahriibta iyo Burcad badeedka 
10. Suggida iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xoriyatul qawlka. 
  
Inkastoo ay hubaal tahay khudbada uu jeedinayo nin musharaxa ee loolan ugu jira sidii uu u heli lahaa waxa uu u loolamayo, run iyo beenna ay caan ku yihiin musharxiinta caalamka ee isu soo taaga jagada madaxtinimo.. 
 8th January xili hore oo arooryo ah  aya waxa gebi ahanba la xiray wadooyinka soo gala  magalada Garowe waxana guud  ahanba la  ha kiyey isku socodka gadiiddka guud ahan  gobolka iyo weliba Puntland inteeda kale waxana magalaada la soo dhobay cidan faro badan kuwasi oo illaalinaya Goobta dorashadu ka dheceyso ee Hoolka Golaha wakilada. 
Inkastoo musharixiin farabadan ay rajo weyn ka qabeen iney xilkaasi ku guuleystaan, haddana tii rabbi ayeey ku biyo shubatay iney wareegii sadexaad isu soo haraan laba mudane oo oo kala  ah  
1. Mudane Cabdiraxman Faroole oo helay 49 cod halka. 
2. Mudane Cabdullahi Axmed Jamac(Ilka-jiir) uu isaguna helay 17 cod. 
 
Faroole mahayn shaqsi ku cusub masraxa siyaasada ee Puntland basle  waxa uu aha mid ka soo shaqeyeey Mamuladi soo maray Puntland ee  Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo  Madaxwene Maxamud Muse Xirsi waxan u so kala qabtay  Wasirada Wasarahada Maliyada iyo xirirka calamiga, shacabka reer Puntland horay ayeey uga dheregsanayen madaxweyne farole Shaqsi ahan waxa u ayahay,basle shacabka aya u  arkay farole in uu  waxweyn ka qaban dono arimaha hada tagan. 

 
  
Cabdiraxmaan Faroole madaxweynah Puntland  waxa uu wacad ku marey inuu isbadel lataaban karo ku sameynayo maamulka Puntland islamarkaana uu ka dhabeynayo qodobadii uu balanqaadey inuu wax ka qabanayo wakhtigii uu ku gudo jirey ololihiisa doorasahada. 
  
Madaxweyne Cabdiraxman Maxamed Faroole waxaan uu xili habenimo ah shaca ka qaday   xukumadisa  oo ka koban 49 wasiir oo yeelato Puntland taariikhdana ay u gashay wakhtigii golaha wasiirada ugu badan ay soo mareen Puntland  ayado puntalnd  xiliga dhaqalehedu ku jiro xili xun iyo weliba meel adag oo u baahan beekhamin badan. 

Waxqbadka Xukuumada Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole 

Amaanka.

 
Amaanka oo door lixaadleh ka ciyara horumarka iyo socodsiinta nidaamka hor usocodka bulshada,uuna uyahay amaanku umad kasta laf dhabarta nolosha aadadamaha.

9kii sano ee ugu dameeyey puntland waxay ahayd goob ay kajirto nabad iyo xasilooni buuxda , taas oo ahayd mid puntland lagu amaanya markii loo fiirsho gobolada koonfurta iyo bartamaha  somaaliya . 

 
 xukumadii madaxwene Cade muuse wuxuu ahaa amaanku mid labadii sano ee ugu damaysay faraha kasii baxaayey , waxaana gacanta puntland kabaxay magaalooyin waaweyn oo ay ugu horeyso xarunta gobolka Sool ee laascaanood,dadka reer puntland ayaa siweyn udaneynaayey  in amaanka puntland uu kusoo noqdo sidiisii hore waxayna aad ugu hanqa taagaayeen  in lahelo is bedel. 
  
inkastoo is bedel dhacay  balse weli mamuuqato halkii laga rabay amaanka puntland inuu gaaro ,waxaase soo baxay waxyaabo aan puntlad horay uga dhici jirin . 
  
  
  
05/08/2009 ayeey  ayahy xiligii Wasiirkii Warfaafinta ee dawlada Puntland Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Banaaka) ay rag hubaysani toogasho bareer ah ugu gaysteen gudaha magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxayna wateen ragani dilka ugaystay wasiirka tuutaha Ciidanka  dawlada Puntland. 
  
Dilkan lagula kacay Warsame Cabdi Shirwac ayaa ahaa, mid aan horay looga aqoon deegaanada dawlada Puntland, waana Wasiirkii ugu horeeyey oo maamulka Puntland ka tirsan ee dil loo gaysto. 
  
6/08/2009 ayaa aas qaran lo sameyey Allaha u Naxariste Marxum Warsame Cabdi shirwac , waxaana ka qaybgalay Madaxwaynaha Dawlada Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole, Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire, Wasiiro,Xildhibaano, Ismimo,Odayaal,Ganacsato iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo  iyo weliba guud ahan Puntalnd. 
  
Madaxweynaha Puntland oo isagu ka hadlay ka dib aaski Marxumka  waxa uu wacad ku maray in la soo qaban doono ragi ka danbeyey  Dilka wasirka sharcigana la horkiino  doono,waxaana lagu edeyeey  in ay ku  lug lahayeen Rag  ka tirsan xukumada madaxweyne faroole walow an  ilaa  hada cid loo soo qaban marka laga reebo Mamulki hore ee  gobolka Mudug Col.Cabdinuur Maxamuud Geeseey laguna xakumay  6 bileed o xarig ah dolwaduna sheegtay in u wax ka oga dilka wasirka. 
  
Wixii inta ka danbeyey Deganada  Puntland waxa  tusbax afka laga furay nqoday in   dilalal bareer ah lala begsado Xildhibadanada ka tirsan dowlada Puntland,Aqoonyahanada,Siyaasiyin,Dhalin yarada  Iyo weliba Garsoorka maxkamadaha Deganada Puntalnd. 
  
Inta la ogyahay weli kama aysan dhicin dilalkani degamada Puntland mana jirto ilaa hada wax cad oo muqda oo laga qabtay falalakani waxaana  dhegaha shacabka  Puntland  ay ka daaleen Ooraahda oraneynsa ‘wixii  dilay lama yaqan balse waa  lagu raad jogaa”oo ah  hadal aan ficil la socon. 
  
November 11, 2009 Waxaa magaalada Garowe ee caasimada Puntland lagu dilay mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland oo kamid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyey ee kamid noqda Baarlamaanka Puntland. 
 
  
Xildhibaan Ibrahim Cilmi Gaab ayaa  lagu dilay bartamaha magaalada Garowe, xili uu kusii jeeday gurigiisa,marxuum Ibrahim Cilmi oo kasoo jeeda Gobalka Mudug ayaa kamid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyey ee kamid noqday dhismihii Baarlamaanka Puntland 1998dii. Wuxuuna kamid ahaa Xildhibaanada sida weyn looga qadariyo Golaha Wakiilada ee Puntland. 
  
November 11, 2009 Waxaa Salaadii makhrib kadib bartamaha magaalada Bosaso lagu dilay Guddoomiyihii Maxkamada Darajada 1aad ee Bosaso Shiikh Maxamed Cabdi Awaare. 
  
Rag  afka soo duubtay ayaa dilka u geystay Marxumka xili uu kasoo baxayey Masjid ku yaal nawaaxiga suuqa weyn ee magaalada Bosaaso, halkaasi oo la sheegay inuu Guddoomiyaha u dhintay tacshiiradii la la beegsaday. 
  
Ciidamada Amniga ayaa lagu arkayaa jidadka waaweyn ee nawaaxiga suuqa iyo xaafadaha u dhaw ayagoo wada baaritaano. 
  
January 6, 2010 xili  fiidnimo ah ayaa  waxa  lagu diley magaalada Bosaso xildhibaan Cabdullaahi Cali Cismaan, dilka xildhibaanka ayaa dhacay isaga oo ka soo baxay Masjidka Salaama ee Bariga magaalada Bosaso, waxaana dilka geystey laba dhalinyaro ah oo hubeysnaaa kuwaas oo laba xabadood ku dhuftey, iyaga oo madaxa kala beegsaday xildhabanka. 
  
Ragan Dilkageystay aya isaga baxsaday goobti  falku ka dhacay  mana jirto cid gacanta ku soo dhigtay gacan ku dhiiglayaashan. 
  
January 19, 2010 ,Kooxo Hubeysan oo aan la aqoon haybtooda ayaa gudaha magaaladda Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ku weeraray Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Dowladda Puntland. 
  
Xildhibaanka oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Jabriil Dhible ayuu dhaawac culus kasoo gaaray rasaastii ay kooxda ku fureen,  xiligaa oo uu ku sugnaa xarun ganacsi oo la sheegay in uu ku lahaa magaaladda Bosaso,Maxamed Cabdi Jibriil waxa uu aha   xildhibaan  kasoo jeeda gobolka Cayn. 
  
Goobta lagu weeraray ayaa waxaa ay uu dhowdahay laamiga weyn ee Bosaaso, waxaana ay dhinac ku heysa Hotel lagu magacaabo Dhiif oo  ku yala wadada weyn ee Laamiga Bosaso. 
  
dhaawaca xildhibanka oo aha mid culus aya gor danbe oo isla habeenimadi ah ku geeriyooday hospitlka Guud ee Bosaso. 
  
Waxaa asaguna sidoo kale weerar noocaan oo kale ah ka bedbaaday isla todobaadkaasi Xildhibaan Axmed Cabdi Xabeeb oo ka badbaaday weerar nin dabley ah ku qaaday. 
 
December 20 2009 xili habeenimo ah aya waxa  weerar lagu qaday  Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo kolanyo gadiid ah o la socday Gudoomiyah xili uu ku sii jeday hoyga  Uu garowe ka degan yahay  cabdirashiid Maxamed xirsi Gudomiyaha barlamanka puntalnd. 
  
  
Qaraxan ayaa  sababay dhimashada mid ka mid ah ilaalada Gudoomiyaha Barlamaanka,waxaana ku dhaawacmay dareewaalkiisa ,dhanka kale gudoomiyaha baaralamaanka aayaa waxaa ka soo gaarey dhaawac fudud walow marki xalada gudomiyaha iyo dareewalkisaba ay noqotay caadi. 
  
Ciidanka policka   ee magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa ay subaxnimadii  gudaha magaaladaas ka wadeen baaritaano ku aadan cidii ka dambeysay qaraxi xalay ka dhacay halkaas oo lala beegsaday Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland,mana  jirto ila iyo hada cid lo so qabtay lana hor kenay maxkamad. 
  
  
January 30, 2010 Waxaa magaalada Bosaso lagu dilay Guddoomiyaha Ururka Isku xirka Ardayda Soomaaliyeed SSCO, Allaha u naxariistee Marxuum Cabdullahi Mahdi Sayidka. 
  
Dilkan aya waxa geysteen rag ku hubeysan bistoolado, kuwaasi oo xabada ku dhuftay Cabdullahi xili uu ku sugnaa nawaaxiga Hotel Saxafi oo saaran laamiga ee bartamaha magaalada Boosaaso meel wax yar u jirta bar control oo ay leyihin cidanka amaanka Ee Magalaad Bosaso. 
  
Cabdullahi Sayidka ayaa ahaa nin inta badan ka shaqeeyn jiray arimaha bulshada isla markaana ka dhexmuuqan jiray ururada dhalinyarada, wuxuuna dhawaan kamid ahaa dhalinyaro mas’uuliyiinta Dowlada Puntland kala hadlay sidii dhalinyarada uga qeyb qaadan lahayeen sugida amniga Puntland gaar ahaan Bosaso. 
  
Waa markii ugu horeysay oo xubin fir fircoon oo kamid ah dhalinyarada gobalka lagu dilo magaalada Bosaso oo horey loogu dilay labo Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Guddoomiyihii Maxkamada Darajada 1aad ee Bosaso. 
 
Isbedelka Golaha Xukuumadda Puntland 
 
Isbedelka oo ahaa wax siweyn shacabka reer  puntland uga fadhiyeen madaxweyne Cabdiraxman farole in u  ku sameeyo Dhaman mamulka Puntland taasi oo  madaxweyne farole uu balan qaday intii u ku jiray ololaha dorsahada. 
  
Janaayo 17, 2009 Madaxweynaha Dowlada Puntland  Dr. Cabdiraxmaan Faroole waxa  uu  ku dhawaaqay golahiisa wasiiradda ee ugu horeyeey. 
Wasiirada Wareegtada lagu magaacabay  oo tiradoodu  ahayd 17 wasiir. Waxaana wareegtada ku xusan “Xubnaha Golaha Dawladda oo aan liiskan ku jirin dib ayaa laga soo magacaabidoonaa,madaxweynehuna wa soo dhamaystiray wasiiradisa. 
  
Xubnaha uu magacaabay Madaxweynaha ayaa sida la sheegay ku yimid wada tashiyo kala duwan , inkastoo dadka qaar ay saluugayaan qaabka loo maareeyay magacaabitaanka Golaha Wasiirada.  
  
Cabdiraxmaan Faroole ayaa Wasiirada uu magacaabay waxaa ku jira qaar ka mid ah Musharaxiin isaga kula loolameysay xilkii Madaxweynaha Puntland, inkastoo Musharaxiintaas qaarkood saluugeen Wasiirada la siiyay. 
  
Nuuradiin Aadan Diiriye iyo Suleemaan Ciise Axmed(Xagla-toosiye) 
ayaa ka hor yimid jagada la siiyay ee ah xilka Wasaarada Qorsheynta, iyo Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda waxaana soo  baxay durbadiba in aysan shacbku ku qancin sida madaxweynnuhu  u soo  dhisay Golihisa xukumada ee cusub.  
  
  
Tirada xubnaha Golaha Wasiirada Puntland oo ah Wasiiro, Wasiiru Kuxigeen iyo Wasiiru Dowlayaal ayaa waxaa la sheegayaa inuu soo xulidooda gacan ku lahaa Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf oo haatan noqday geed fadhiga Maamul goboleedka Puntland,Cabdullaahi Yuuusf ayaa lahaa soo celinta qaar ka mid ah Wasiiradii horay uga mid ahaa Maamulkii Cadde Muuse.  
  
March 2, 2010 waxa uu  madaxweynaha Dowlada puntland uu isbedel ku sameeyay qaarkamid ah wasiiradiisi halka qaar kale xilkii laga qaadey. 

 
iskubedelka wasiirada ayaa ahaya  mid shacabka reer Puntlnd ay si weyn u dhowrayen madama aysan jirin wax weyn oo ay qabten qaar ka mid ah wasirada. 
  
Madaxweynaha Puntland ayaa sabab uga dhigey isbedelka la sameeyay markii uu uagarwaaqsadey baahida loo qabo isbedel lagu sameeyo xukuumadda dawladda Puntland  taas  o noqotay mid fadhiido ah.. 
  
isbedelkan uu sameyeey madaxweyne Faroole waxa uu saamayn weyn ku yeeshay wasiiro iyo wasiro kuxigeeno ugu tun weyna siyaasada Puntland kuwasi oo baneeyeey Boska  halka qaar kalena ay ku soo biireen  ,Wasiiradani cusub oo an horay loogu arag masraxa siyasada Puntland,Sida ku cad wareegtada Madaxweynaha Puntland waxaa booskoodi baneeyay lix wasiir iyo laba wasiir ku xigeen oo isku geyntoodu tahay sideed wasiir, kuwaas oo dhamaantood boosaskoodi la buuxshey waxaana wareegtada lagu sheegay in ay xilkii baneeyeen,Wasiirada la magacaabey qaar kamid ah waxa ay ahaayeen kuwo la soo shaqeeyay dawladdii hore ee Puntland iyo wasiiro kuxigeeno u dalacay wasiir. 
 

Isbedelka la filaayey ayaa waxaa kamid ahaa in tirada wasiirada la yareeyo isla markaasna wasaradaha la kala qaadey la isu keeno, si dhaqaale faro badan oo ku bixi lahaa wasaaradahaas shaqada ay qabtaan aysan muuqan loogu buuxin lahaa adeeg kale, laakiin taasi may dhicin ee tirada wasiirada waxaa ku soo darsamay laba wasiir ku xigeen oo cusub. 
 

Wadarta guud  ee wasiirada Puntland ayaa ah 52 wasiir, kuwaas oo isugu jira 18 wasiir, 4 wasiiro dawle iyo 30 wasiir kuxigeen, marka lagu daro madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa tirada guud ee golaha fulinta ayaa ah 54 xubnood. 
  
waa  xukumadi  ugu tiro badnayd ee abid Soo marta Deganka Mamulka Puntland ka arimiyo ayadoo tasi jirto meesha kama maqna in ay weli jirto dhaliil ad u balaran. 
  
Dadka Siyaasada Adorosa waxay  ku tilmaameen Xukamdani in aysan soo kordhinayn wax horumar ah ayagoo u sababaynaya in ay  ledahay xukumada ama  gudiga fulinta tiradoodu badantahay  in ay adagtahay in  Mamulku u qaato go’aan deg deg oo lagama maar maan  ah ayadoo    xiligaa uu yahay mid muhim ah in la qato go’aamo deg deg ah,wa tan kalee waxa  ku baxaya kharash aad u faro badan ooo waxay  noqoneysa in wasir walba u qaato lacag faro badan halka hadi ay xukumadu tahay mid koban ay tayadeedu noqoneyo mid sare kharshka ku baxana u noqon karo mid cayiman. 
 
Dhaqaalaha  
Dhaqaalaha Puntland ayaa gaarey sanadkii 2008 heerkii ugu xumaa, kadib markii sicir barar aad u baaxadweyn uu wadanka Soomaaliya oo dhan saameeyay, waxaana heerkii ugu xumaa gaarey sarifka doollarka kadib markii xukuumaddii xiligaas jirtey ay soo daabacdey lacago tiro badan, kuwaas oo saameeyay sicirka doollarka iyo nolosha danyarta. 
  
  
 Xukuumaddii markaas jirtey ee Cadde Muuse ayaa ku doodeysey in dhaqaale xumadu tahay mid caalami ah. 
Waxaa la dhihi karaa isbedel dhaqaale oo ka wanaagsan sidii hore ayaa ka jira Puntland, waxaana sare u sii qaadey dhaqaalaha Puntland, markii loo fasaxay xoolaha Soomaaliya in ay tagaan sucuudiga. 
  
Dhaqalayaqanin   Reer  Puntland ah aya kutilmaamay  Dhaqala burburki ay soo martay Puntland mid ay  kala sinayd Guud ahan calamka oo uusan ka dhicin Puntland oo keliya ee Aduunka ka dhacay balse ay gundhig u ahayd  in ay sii laba jibaaranto Sicir bararkii Puntland la haray hor utalaabsiga dhaqaaleheeda warshedihii   lacagta Been aburka ah soo dabici jiray. 
  
  
Hadaba xukumada hada jirta ayaa dhaqalaha Puntland wax ka qabatay basle aan la oran karin waxa la garsiyeey meshii laga rabay in uu garo dhaqlaha Puntland ,waxana la  oran kara inta badan dhaqalaha Puntland waxa  uu ku baxaa Kharashka Wasiirada waayo wasir walba waxa u malinti  qata kharash ad u faro badan marka lo eego Awooda dhaqaale ee Puntland oo ah mid an buurnayn  kuna jira xalad soo kabasho.

 
 

 
 
Xiriirka Puntland iyo Wadamada Reer Galbeedka. 
  
Xiriirka Puntland ay la leedahay Wadamada reer galbeedka waxa kow ka ah Maraykanka waxaana uu  xanbarsanyahay ujeedooyin kala duwan  waxana ka mid ah waxa lo yaqanann  La dagaalanka Argagaxisada, 
Dowlada Marayankan iyo puntland xiriirkooda ugu weyn  waxa laga haga Safaradaha Maraykanka ee dowladaha Ay Somaliya deriska Yihin sida Ethopia,Kenya iyo weliba Djabuti,wana mid ku salaysan sidan  horayba u  carabaabay waxa loo  yaqaan Ladagaalanka Argagaxisada. 
  
Heshiishkan aya waxa  Puntland u saxiixay Madaxweynihii hore ee Puntland Col.Cabdullaahi Yuusuf Axmed, heshiiskaas kadib Puntland waxa ay heshay in tababbaro loo siiyo hay’adda sirdoonka ee PIS isla markaana ay hesho agab iyo mushahar joogto ah, inkasta oo ay laba lixaadsatey sanadadii  la soo dhaafey.  
 Sanadkii 2009 aya aha sanad shacabka reer puntland u ahaa sanad aysan ilawi Karin wayo wax deegaamada puntland ka dhacay falal amni daro ah kuwasi oo galaaftay boqolal nafood iyo weliba khasarayal kala duwan kuwasi oo samayn weyn ku yeshay amanka Puntalnd,Aqoonyahaniin aqoon u leh dhanka amanka waxay  ku tilmamen in Falalkan  ay qayb ka yihiin Masuuliyin ka tirsan Dowlada Puntland. 
  
4th April 2009 ayeey ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu wareegto ku soo saarey in ay hay’adda P.I.S. ay isaga guuraan xarunta xaafada Laanta Hawada ee Bosaso, wareegtadaa ayaa lanbarkeedu ahaa 12, waxaana la siiyey hay’addani  in ay haystaan muddo 7 cisho ah,balse p.I.s. wax dheg ah jalaq uma aysan siin amarka madaxweyneha  oo  waaxa  uu noqday hal bacad lagu lisay. 
  
March 12, 2010 Decreeto ka so baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Faroole ayaa isbedel lagu sameey,haa’ada sirdoonka oo dadku ay u yaqaanaan shahada ladiriir  ayaa  xil ka qaadis waxaa uu madaxweynuhu ku sameeyey madaxii hore ee hay’adaas Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) taas oo soo baxdey 12 Maarso lanbarkeeduna ahaa 27.waxana loo magacrabay Gaashaanle Sare Cali Maxamed Yuusuf(Binge)-Agaasimaha guud Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Puntland(PIA/PSF) 
Waxase si weyn uga hor yimi Cisman Diyaano oo diidey xilka qaadis in lagu sameeyo isla markaana sheegay inaanu aqoonsanayn wareegtada Madaxweynaha, ayna tahay wax uu ka maqley saxaafadda oo keliya, Diyaano ayaa ahaa agaasimaha hay’adda PIS-ta tan iyo sanadkii 2004-tii, waxaana xilka ku wareejiyey Maxamed Adan Bidaar oo ahaa agaasimihii ugu horeeyay ee hay’adda PIS-ta.

 
Isku day ay  sameyeen  siyaasiyiin iyo waxgard kasoo jeeda gobolka puntland oo arintan wax lagaga qabanaayo aya ku soo dhamaday is fahan waa.waxayna noqotay arintu mid wax  laga qaban wayo waayo labada dhinacba waxay ku adkaysanayeen in  mid walba rabo in u wax meel mariyo.

Madaxweynaha Puntland Faroole waxa uu safarro ku kala bixiyey Magaalooyinka Qardho iyo  Bosaso,safarka madaxweynaha aya waxa lagu sababaynayaa in uu  la xiriiray Arinta hay’adda PISta si xal loogu helilahaa basle wax walba waxay ahayen kuwo ku soo dhamaada is fahan waa,inkasto marki danbe Madxweyne Faroole iyo Cisman diyaanoba loga yeeray Safarda Maraykanka ee Dalka Ethopia walow ay arinta wax ka qaban weyday  ugu danbaynti wax loga yeeray Safarada Maraykanka ee Nayroobi ee dalka Kenya. 
  
Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Kenya, Michael Ranneberger  aya wax uu kulan la qatay Madaxweynaha puntland iyo weliba Cisman diyano Madaxa Haya’adda Sirdonka Puntland wuxuna madaxweynaha puntland ku qanciyeey in Dowlada Maraykanka la dhacsanatahay qaabka u u shaqeeyo cisman diyaano,waajibna tahay in uu booska sii  joogo ilaa Dowlada Maraykan ku keneyso shaqsi bedela cisman,waxana uu  inta ku daray Ambassador Michael Ranneberger  in mantay loo bahanyah in laga wada shaqeeyo sidii loo curyaminlahaa Argagaxisada Bariga Afrika ee an lagu mashquulin qof xil uu hayo ‘’waa Nasiib daro in mantay lagu mashquulo in qof xil laga qado ama loo dhibo halka la iska kashan lahaan sidi  loga tir tirilaha Argagaxisada Calamka.’’ Ayuu yirii Ambassador Michael Ranneberger .  
 
 

Dr.Faroole dan uguma jirto in khilaaf uu soo kala dhexgalo maamulkiisa iyo Saraakiisha Afrikada Bari u qaabilsan Maraykanka kuwaas oo ah kuwa ay dawladda Maraykanku uga danbeyso xaaladda Soomaaliya, isla markaana ay kaalmooyinka ku bixiyaan talooyinkooda.inkasto Madaxweyne farole uu  ku qanacansanayn  hadalka safiirka,waxayna arintii Noqotay in wareegtadii madaxweyne farole ay noqoto mid aan wax ka jirin Cisman diyaanona ahado Madaxa hayad sirdonka puntland.

 
Xiriirka Federalka iyo Puntland 
Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (DFKM) oo ayadu soo martay mar xalada kala duwan  ee siyasadeed iyo  weliba khilaaf ba’an oo curyamiyeey hanan socodki Nidaamki Dowladeed kaas oo so kala dexgalay dhaman madaxdi so martay dowlada FGKM ee somaliya.   
 

Dawlad-goboleedka Puntland ayaa tageero weyn sin jirtay dowlada federalka Kumeel gaarka ah e somaliya Xiligii Cabduullahi yuusuf axmed  uu ahaa madaxweyniihi  Dowlada Federalka Somaliya,wallow marki madaxweyne Yusuf uu baneeyey xilki madaxweynenimo Puntland ay joojisay tageeradii  aaysiin jirtay DFKM.   
 

August 23, 2009 Waxaa  magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, heshiis kuwada saxiixday wafdigii uu hogaaminayey Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyo  Madaxweynaha Dowlad goboledka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.ayago isku afgartay in  Labada dhinac waxay isla qaateen lasii adkeeyo Midnimada iyo Qaranimada dalka Soomaaliya, waxayna dowlada Federaalka u aqoonsan tahay Puntland qeyb kamid ah dalka Soomaaliya, oo uu maamul, nidaam iyo Nabad ka jirto, isla markaana hormuud u ah nidaamka Federaaliga ee dalka Soomaaliya.    
 

Heshiiskan o ka koban 15 qodob – Ugu danbeyn waxay Dowlada Federaalka iyo Puntland isku afgarteen in dhamaan Wasaaraddaha iyo hay’adaha Federaalka iyo Puntland, yeeshaan xiriir joogto ah  iyo wadashaqeyn soona celiyan xirirrka labad dhinac.   
 

Waxaase arintan si weyn uga hor yimi madaxweynaha hada talaad haye ee Dolwadad Federalak somaliya  shariif axmed oo ku tilmamay mid an wafiqsananyn sharciga waxana  u sheegay  in u san ayahn mid dhaqan  gelaaya.

Kulan ay soo qabanqabiyen  hay’adaha iyo dawladaha daneeya arrimaha Somaliya, oo ay ka mid yihiin  dawladda Talyaaniga, Swedan, Spain, Franc, wakiilka EU-da u fadhiya Nairobi iyo waliba wakiilka Jamciyadda quruumaha u dhexaysa u qaabilsan arrimaha Somaliya Mr. Weled Cabdalla. Oo ay hor bodeysay Safadarada Somaliya ee Dalka Kenya ay ku ledahay aya waxay isku dayeen in ay dhex dhexadiyan labada dhinac  inkasto ay iskudaygaasi  uu ku soo dhamaaday fashil.

 
  November 13, 2009 Kulan  ka dhacay Xarunta Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi oo  u dhaxeeyey madxweynaha Somaliya Iyo Puntland   ayaa ku soo dhamaaday khilaaf iyo buuq ka dib marki ay isku afgaran waayeen qodobada ay ka wada hadlaayeen labada dhinac .   
 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed farole  ayaa waxaa u isaga baxay xarunta SaFarada iyadoo wejigiisa ka muuqatay caro aad u xoogan,waxaana Saxaafada oo ku sugnayd banaanka hore ee Safaarada uu sheegay in  uu hada diyar u ahayn in u la hadlo saxafada.   
 

Khilafkan soo kala dhexgalay labada dhinac aya waxa saldhig u ah marki ay  isku khilaafeen in qodobo hordhac lagu daro heshiis dhowaan ay DFKM ah ee Soomaaliya iyo Dowlada Puntland ay ku gaareen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,halkaas oo August 23, 2009 ay ku kulmeen Madaxweynaha Faroole iyo weliba Ra’isulwasaaraha DFKM Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke kuna kala saxiixden heshiis ka kooban 15 qodob. 

 
Tahriibta 
Tahriibtu waa Tag oo ha soo Noqon Adoo Nabad qaba,waxana sanad walba ku geeriyoda Boqolaal Somali ah kuwaasi oo ku kala goshaya Miyaha u dhexeya Somaliya iyo Yeman iyo weliba saxaraha liibiya taas oo sababta khasaaro Naafeed,ujeedada dhabta ah ee ka danbeysa waxaa  lagu sheega in ay tahay in ay helaan Nolool dhanta tayku jiraan ee ka jirta gudaha dalka somaliya.   
 

20kii sano ee  ugu danbeyeey Puntland waxay noqotay Hoyadii somaliya madama ay ka jirto Nabad Buxda Deganka waxana  magalooyinka waweyn ee puntland soo buux dhafiyey Kumanan Somali ah iyo weliba  Barakacayal Calami ah oo ay ugu horeeyan wadamada an deriska nahay,Meshana Kama Maqna  in lagala kulmo dhibatooyin faro badan ee Dhanka deganka iyo weliba bulsho ahan ,dhibaatooyinka ay kenaan Barakacayashan ayaa waxaa kamid ah:

  • Amaandaro
  • Dadka tahriibaya oo u badan Itoobiyaan, kuwaas oo keena dhaqamo aad u xun sida dhileysiga iyo khamriga 
  • Nadaafad daro
  • Iyo Sumacad xumo ay u soo jiidaan Puntland taas oo lagu sifeeyo goob dadka laga tahriibiyo.

Sidoo kale wa kuwo naftooda dhib ku haya, waxa ay u bareeraan khatar aad u daran, oo bad iyo beri leh.

 
Guddiga Sare ee  arimaha qaxootiga ee Qaramada Midoobey UNHCR ayaa sheegtey in sanadkii 2009 oo ay ka talaabeen gacanka cadmeed qaxooti gaaraya 74.000 kun oo qof tan oo ka dhigeysa mid ka badan 50% sanadkii 2008,Dawladda Puntland ayaa ku dooda in aysan keligood waxba ka qaban karin arimaha tahriibta haddii aysan wada shaqeyn ka helin dalalka Itoobiya iyo Yemen, waxaase la isku raacsan yahay in sanadkii la soo dhaafey tahriibtu ay gaartey heerkii u sareeyay sida ay xaqiijiyeen hay’adaha arimaha qaxootiga ee qaramada midoobey.

 
Xuquuqda asaasiga ah iyo Xoriyadda saxaafadda:

 
 
Qof walba oo Muwadin Reer Puntland ah waxa uu xaq u leyahay Xuquqdiisa shaaqsiyeed iyo weliba mida guud ahaneed,waxana dhacda inta badan in la iska xiro ama wax yabo kale lagu sameeyo Muwadin  ayado aan wax shariciga wafaqsanyn  lagu soo xiro.Mana jirto ila hada wax muqda oo laga qabaty arintan. 
 
  
xukamadihi so maray puntland waxay ahayeen  kuwo si kala duwan ula dhaqma Saxafada ka jirta puntland ,mana jirto mamul si gaar ah saxaafada u siya xaqa ay leedahay. 
  
Mamulka Puntland hada ka  jira mudadii u xilka hayeey waxa deeganda puntland ka dhacay falal kala duwan sida jirdil,iyo xarig taasi oo ka baxsan xuquuqda saxaafada  oo loo geystay saxafiyiinta ka howl gasha deganada puntalnd. 
 

November 1, 2009 ,Madaxweynaha Dowlada Puntland D.r Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole oo u waramaayay Idaacada codka Maraykanka ee VOA-da ayaa waxaa u shaki ka muujiyay qaabka ay u shaqayso saxaafadu,waxaana u sheegay in Idaacado badan ay ka furanyihiin goobo uusan carabaabin,isla markaasina ay ka shaqeeyaan waxa u ugu yeeray ciyaal,waxaana u intaasi ku daray in qofkasta waajibaad lagu leeyahay,hasa yeeshe aysan saxafiyiintu garanaynin waajibaadka saaran. 
  
  
 

Dhacdadii ugu danbeysay ee foosha xumayd  oo lagula kaco saxafiyin an waxba galabsan aya waxay dhacaday May 26, 2010 waxaa  Suxufiyiin ka howlgalaysay magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntalnd ahna magala madaxda  gobolka Bari ayaa waxa  tacadiyo ka dhan ah Bin’aadanimada loo  geystay saxafiiyin ka howl gasha deganka waxana lo geysaty  jirdil iyo Xarig. 
  
Tacadiyan aya waxa  geystay qaar ka mid ah Ciidanka Sirdoonka Puntland ee loo yaqaano P.I.S,xilli ay ku sugnaayeen agagaarka xarunta Dowladda hoose ee Bosaaso oo xasafiyinta ku sugnayeen. 
  
ilaaa  iyo iminka ma cada sababta dhabta ah ee ka danbeysa  arimahan mana jirto masuul ka hadlaya arimahan,wasarada warfafinata  oo shaqo ahan hoos timado arimaha saxaafada  wax hadal ah kama  soo sararto marka ay dhacan falalka noocan oo kale ah,waxana keliya oo  canbareya mamulada gobaha warbahinta iyo weliba ururrad u dooda arimah saxafada.   
 

Hirgelinta Nidaamka Dimoqraadiyada iyo Xisbiyada badan

 
Baarlamaanka Dawladda Puntland oo ku dhisan habka beelaha, ma ahan mid caddaalad ah, waxaana jira cabasho aad u badan, haddaba dastuurka Puntland ayaa qaba in Puntland laga hirgeliyo nidaamka xisbiyada badan ee dimoqraadiga ku dhisan. 

 
Madaxweynaha Puntland ka hor doorashadii waxa uu balan qaadey in uu sanadkii 2009 hirgelinaayo nidaamka xisbiyada badan, inkasta oo ay ahayd laablakac iyo olole doorasho oo aysan u muuqan wax suurtagal ka dhigi kara in sanad gudhiis lagu hirgeliyo ayaa la is weydiinayaa suurta galnimada in uu ka hirgalo nidaamkaas, iyada oo ay Puntland ka maqan tahay magaalooyin  waweyn  ee gobolka Sool. 
  
  
  
Maxamed Yusuf Axmed waa Xildhibaan ka tirsan Baaarlamaanka Puntland waxana uu si weyn u dhaliilay qabka Xukumada hada jirta ay wax u wado waxana uu  tilmamayey in Xukumadu aysan  diyar u ahayn in Puntland laga hir geliyo Nimadamka xisbiyada badan.   
 

Dhulka ka maqan Puntland

Mamulka lamagac baxay Somaliland ee  Gobolda  waqooyi Galbeed aya 15/Actobar 2009 waxay  gacanta ku dhigen Magalada  laascaanod ee xarunta u ah Gobolka sool xiligii mamulki madxweynihi hore e Puntalnd Maxamud muse Xirse (Cadde). 
  
Magalada Laascaanood Xarunta  gobolka Sool wa magalo  siyaasadedu  tahay mid isbedel badan ayado loo sababaynaayo siyaasiyinta ka soo jeda gobolka in ay kow ka yihin arimaha ka socda deeganka Gobolka sool kuwaasii  oo fiirsada  danta ay ayagu leeyihiin xiligaa.   
 

Kawareegidi magalad laascanood mamulka Puntland aya waxa lagu salaynayaa in ay masuul ka ahayeen magalada laascaanood in  ay gasho gacanta somaliland siyaasiyiin ku lahaa miisaan weyn dhanka siyaasada Puntland oo  ugu horeeya Axmed Cabdi xaabsade Wasirki hore ee Arimah Gudaha iyo amniga Puntland iyo weliba Madaxweyne Kuxigeenka hada Puntland Gen.cabdisamed cali shire oo ayagu door lixaad leh ka ciyaray in mamulka Lamagac baxay somaliland gacanat u gasho lascanood.  

 
Mamulki hore ee madaxweyne Cadde muse waxa u balan qaday  in ay so celin donaan deganka Puntland ka maqan ee laascanood basle arintaasi ma aysan noqon mid miro dhalisa ayado  loo sababaynayo sababo jira awgood iyo weliba xili mamulka puntland uu ku jirey  xalad adag oo dhaqaale xumo iyo hor istaag qaar ka mid ah siyaasiyinta ka soo jeda deganka sool. 
 

Siyaasiyinta ka soo jeda Gobolkaas aya ah kuwa la kala jira Labada dhinac ee Mamulada Somaliland iyo Puntland balse shacabka ayaa ah kuwo si weyn uga soo horjeed qadiyada Mamulka la magac baxay somaliland oo donaya in ay ka go’aan somaliweyn inteeda kale.   
 

Mammulka Puntland ee maadxweyne farole waxa uu  ku goodiyey in ay  dhakhso soo celin donaan Magalada laascaanood balse  
arinti ayaba is bedeshay mamulki somaliland waxay  sii qabsaddeen degano hor leh oo ka mid ah gobolka sool  oo aysan horay gacanta ugu hayn mamulka somaliland  aya hada joga meel garowe u jirta  wax  ka yar 30km dhanka laascaanood taas oo ku tuseysa In mamulka Farole uu san isku dayeeyn in u deganka puntland ka maqan soo celiyo. 
 

dadka u dhuunta daloola xog ogaalkana ka ah siyasada puntland waxay  ku tilamaameen in ay  arintan hor tagan yihin Masuuliyiinta ugu sareeysa puntland iyo weliba qaar ka soo jeda gobolka sool,mana jirto ila hada cid arinta gobolkani isla sooqaday ayado mamulka lamagac baxay somaliland ay wadaan  qorsheyal hor leh oo ay ku qabsanayan degano ka tirsan Gobolada Sool sanag iyo cayn,waxana jirta mudaharadyo ay wadan dadka degan Goboladaas mana jirto arintan wax muuqata oo mamulka u ka qabanaayo marka laga reebo cambaray oo an wax fal ahi  lajirin.    
 

October 17, 2009 Shir uga socday beelaha Sool, Sanaag iyo Cayn oo muddo todobaad ka badan ka socday magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa waxay ka soo sareen Goaamo,waxaana  goob joog ka ahaa Salaadiin, Isimo, Abwaano, diblomaasiyin iyo Xildhibaano ka tirsan DFKMG ah , masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihin Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Abshir Saalax Maxamed, Garaad Cali Quraare Xassan, Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi” Moorgan”, Maxamed Cabdi Xaashi, Xildhibaan Axmed Aadan Gabyoow iyo xildhibaano kale. 
  
  
qodobadi shirka ka so baxay aya aha kuwo si weyn ay ula dhacen guud ahan shacabka ku nool puntland  inkasto mamulka ka xumaday arintaa,Waxana hogaanka beelaha loo dortay Dr. Saleebaan Ciise Axmed “Xagla toosiye”, halka hogaamiye ku xigeena loo dortay  Gaashaanle sare Cali xassan Axmed.

November 22, 2009 waxaa kulanki  ugu horeer isgu yimi Hogaanka Beelaha S.S.C. iyo madaxweynaha Puntland, Saleebaan Ciise Axmed (Xagla Toosiye) D.r.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud (Faroole)waxayna ku wada kulmeen  magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.     
 

Ujeedadii Ugu weyneyd ee  Kulankaan waxay ahayd In Mamulka Puntland uu u aqoonsado Hoganka S.S.C.Hogaan u madax banaan arimaha Goboladas,hase yeeshe Madaxweynaha waa u ku gacan sayray qorshaha u watay Xagla toosiye.

 
 ”Khilaafkaasi waxaa u geysan kara dhibaato,laakin marna is hortaagi maayo howshayada ku aadan mideynta Beelaha Sool,Sanaag iyo Ceyn  dib u xoreynta goboladaas”,ayuu yiri. hogaanka SSC.Saleebaan Xagla toosiye 
  
Hoganka SSC waxa uu hoosta ka xariiqay in ay ayagu soo celin doonaan degankooda ay xooga ku haystan Malishiyada ka amar qadata Riyaal kaahin,inkasto Hogankani ilaa iyo hada aysan muqan wax cad uu qabtay marka laga reebo cambarayn oo keliya,mana muuqato ilaa iyo hada qorshe cad oo uu soo bandhigay hogaanka sheeganaya in uu Matalo Beelaha degan Goboladaas.    
 

Xal U waayida Arimaha Burcad badeedka

 
dhamaadkii 2008 Magaca Puntland ayaa noqday mid saxaafadda caalamka ku soo baxa , markaas oo burcadbadeeda Soomaaliyeed, ay bilaabeen hawlgalo ay ku ugaarsanayaan maraakiibta ku safreysa gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya waxayna saldhigyo ka dhigteen Degmada Eyl oo ka tirsan Puntland una noqotay xarunta ugu weyn Burcad badeedka,kuwaas oo qaaday in ka badan 184 weerar isla markaasna waxa ay heleen madaxfurasho malaayiin dollar ah. 
  
Beesha caalamka ayaa soo dhoobtay maraakiib dagaal oo kor u dhaafaya 30 kuwaas oo malaayiin dollar ku baxayso si ay u baajiyaan burcadbadeeda, Qaarkamid ah hay’addaha caalamiga ah ayaa ku eedeeyey xubno sare oo ka tirsan Xukuumadda Puntland in ay gacansaar la leeyihiin burcadbadeeda kuwasi oo soo ban dhigay qoraalo badan.  
 

Warbixintii M.G.(Monitoring Group)

Warbixin, ka kooban 110 bog,waxayna ka hadleysa xalaada Guud ahan Dalka Somaliya waxayna xuseysaa in  ay saaxadda siyaasadeed ee Somaliya si weyn isku bedeshay sanadkii tagay, oo la doortay hoggaan cusub, wadaaddo qunyar socod ah, in haddana xaaladda guud ee dalka, inay kasii darto m ahane, aaney wax weyn iska beddelin. 

Qeybta saddexaad ee warbixinta, oo xoogga saareysa burcad-badeednimada, ayaa sheegeysa, in ay gaashaan-buurta caalamka ay isku taxallujisay inay xakameyso burcadda kusoo qamaamtay xeebaha Somaliya, inay wali burcad-badeenimadu sii jirto, oo walibana ay soo xoogeysatay. 
  
Warbixinta ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee burcad-badeeddu ay usoo xoogeysanayaan ay tahay iyagoo taageero siyaasadeed iyo badbaado-ba ka helaya goobaha ay saldhigyada ku leeyihiin ee aaga Puntland. 
  
warbixintan aya dhanka Puntland   sheegaysa in qoysaska burcad-badeednimada ay kala hoggaamiyaan Abshir Cabdullahi Boyax, oo kasoo jeeda degmada Eyl, Maxamed Cabdi Garaad, iyo Fu’aad Warsame Saciid, oo loo yaqaanno “Xannaano,” kana soo jeeda Bariga Sanaag. 
  
Warbixinta ayaa sheegtay in madaxda sare ee Puntland, sida madaxweyne Cabdiraxman Maxamed maxamud (Faroole), Wasiirka arrimaha gudaha, Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilka-Jiir) iyo wasiirkii Hore Ee amniga, Gen. Cabdullahi Saciid Samatar, in masuuliyintani ay xiriir toos ah la leeyihiin burcad-badeedda, iyo waliba inay ka macaashaan dhaqaalaha ay burcaddu soo xareyso, sida ay warbixintu qortay. 
 
  
Warbixintu waxay tusaale usoo qaadatay in Gen. cabdullahi axmed Jamac (Ilka-jiir) wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland, inuu si gaar ah ugu ololeeyey sii deynta toddobo burcad-badeed ah oo daacad u ah Xannaano, kuwaasi oo  la baxsaday shaqaale u dhashay Masar, oo lagu heystay deegaannada Puntland. Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay inuu General Ilka-Jiir, oo muddo dheer ku noolaa dalka Mareykanka,  u ololeeyey in Xannaano loo magacaabo taliyaha ciidanka ilaalada badda ee deegaannada Sanaag, kaddib markii uu,sida warbixintu sheegtay Fu’aad Xannaano siiyey Ilka-Jiir lacag dhan $200,000, xilligii uu ilka-jiir u tartamayay madaxtinimada Puntland.  
  
March 22nd, 2010  Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa si kulul u cambaareeyey warbixintii Gudiga Monitoring Group uu soo saaray kagana hadlay arimaha burcad badeeda ee ka jira xeebaha Puntland,waxana uu ku tilmaamay mid ay ka buuxeen warar been abuur ah oo laga faafiyey gaar ahaan maamulka iyo masuuliyiinta Puntland.   
 

madaxweyne farole aya kudoday kagana soo horjeestay war bixintaan in ay tahay midaan sal iyo raadba lahayn  waxaana uu sheegay in ay puntland dagaal ba’an kula jirto burcad badeda ka qowlaysta xeebaha puntland rabaana in ay wiiqaan awooda burcad badeeda ,Faroole waxa uu sheegay in lagu soo bandhigay war bixitaan rag   ay puntland qaybtood gacanta kusoo dhigtay kuna xiran yihiin xabsiyada waaweyn ee puntland halka qaarka kale ay kala yihiin kuwa isaga baxay falalka burcad badeednimada  iyo kuwa dalkaba isaga haajiray .     
 

Gunaanad

Maahan ujeedada qoraalkayga  in aysan puntland waxba qaban balse xaqiiqda jirtaa ay tahay puntland in aysan qaban waxyaabihii loo idmaday ,waa hubaal in maantay dhamaanba bulshada rayidka ah, aqonyahaniinta, siyaasiyinta iyo dhamaanba wax garadka puntland ay kadheregsanyihiin waxay qabatay dowlada puntland. 

Hadaba waxaan wax muuqda ahayn waxqabad lataaban karo ama qancinkara shacabka reer puntland oo ay xukumadu kutalaabsatay.    
 

makulatahay in wax qabad la’aanta ,taagtadaran iyo dhaqaale xumada puntland  aysan lahayn balse ay ukeenayaan dadka hogaanka uhaya taasina ay sababi karto dhibaatooyin fara badan maadaama aysan kajirin wax shaqo abuuris ah iyo weliba dhiiri gelin loo sameeyo da’yarta taasina ay tahay muhiimada dhabta ah ee kukeeni karta puntland amni xumo iyo hoos udhac curyaaminaaya horumarka puntland waayo dhalinyarada aan loo samayn wax shaqo ah waxay kow kanoqon karaan in amniga wadanku oo khalkhal galo isla mar ahaantaana ay arintaasi siisiyaado maalinba maalinta kadamaysa waxaan aamin sanahay in ay tahay waxyaabaha puntland bur burka u keennikara dhanka dhalinta yar yar oo mar walba garaadkodo kusii kobcaayo waxyaabo laxiriira musuq maasuqa taasoo ay kalifayso taya la’aanta aqooneed iyo jahliga baahsan ee saamaysay bulsha weynta soomaaliyeed tan iyo intii ay bur burtay xukumadii dhexe ee somaaliya dhalinta ayaa kugaraadsaday waxyaabo naaqusinaaya garaadkoodii dadnimo sida dowlad la’aan, aqoon la’aan iyo inay indhaha kukala qaadaan kuna caqlisadaan waxyaabo is hortaagaya horumarkooda arintaan oo dowr lixaad leh kacayaartay bur burkii dowladenii soomaaliyeed hadana aysan kadamayn doonin tan maamulka puntland hadaysan wax kabedelin qorshaha qalafsan ee ay wax kuwado.

hadaba puntland sababtii loo asaasay ayaa ahayd in bal latayeeyo maskaxda da,yarta iyo midnimada shacabka reer puntland iyadoo ladareensinaayo muhiimada ay leedahay dowladnimo

maadama aysan jirin dowlad dhexe oo dadka soomaaliyeed hogaamisa isuna leexisa soomaali weyn.

hadaba maysan haleelin dadka hogaanka puntland uhayaa ujeedadii dhabta ahayd ee loo asaasay maamulka waayo waxa keliya ee midnimo lagu tusikaraa shacabka waa in laga haqab tiraa baahida ay dareemayaan ha’ahaato mid aqooneed , mid dhaqaale iyo mid caafimaadba intaas midna lagamahayo puntland waxaana la orankaraa shacab baahiyaysan waa shacab xanaaqsan. 

hadaba Waxaa isweydiin mudan meesha uu kubaxo dhaqaalihii loogu talagalay in wax lagaga qabto arimaha dalka haday tahay dhanka waxbarashada,caafimaadka iyo amniga oo intuba maanta yihiin kuwa ugu liita ee aan dhankooda wax ihtimaam ah lasiin taas oo laga dhadhansankaro  in dakhliga puntland uu jeeb shaqsiyaad gaar ah kudhaco.   
 

Maxamed Cabdi Salaad(Xabeeb)

xabeeb76@hotmail.com

New-Delhi,India

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

22 Jawaabood " Samaanadaan Iyo Siyaasada Cusub ee puntland | Qore: Xabeeb "

  1. Ustaa Beele says:

    aad ayan ugu mahad celinaya mr xabeb sida xaqiiqda ah ee uu u soo bandhigay arimaha siyaasadeed dhaqaaleed iyo amaan ee maamulkeena Puntland waxaan leeyhay aad ayaad ugu mahadsan tahay siina wad xaqaa iqa ka jira Puntland faafintiisa byby.

  2. AL GAROON jr says:

    mashallah bro runtad sheygte the truth that no one can say its false i hope for a change and we need people like you MR:XABEEB to help us to solve all the problems once we have the facts which you showed us now all we have to do is try to figure out the solution and make it work for with unity we stand harder and there is a chance to stop the corruption and blindness of those who do so…and to say up to now everyone is trying hes best its just a matter of time and things will get on the right scale thanks again to you MR:XABEEB for your enlightenment and i hope people would get your message and puntland is not getting worst but its just that it is the pressure of close victory the victory of knowledge and peace in our beloved country…hopes high to all of the puntlanders and the somalians waxqabadka dowladdana inshallah will get better soon

  3. xabeeb runtii aadbaad ugu mahadsantahay walal qoraalkaan faraha bada oo hada faahfaahsana kanu na salaysan xaqiiqda dhabtaa ee tarikhda puntland iyo qaababka kala duwayn ay ushaqayeen madaxdii hore iyo kuwa hadaba

    maxamed cabdi salad xabeeb walal aadbaan ugu mahadcelinaya marlabaad iyo mar sadeexaadba ilaahay dadaalkaaga haku laqabto .

  4. Aisho Ali says:

    waw aad baad umahadsantahay walalo runtii aad buu uwacanyahay dhambaalkaan waana xaqiiqda jirta mahadsanid

    aisho Ali
    Addis-abaabe,Ethopia

  5. XAMDI YAREY says:

    maasha alaah aad buu ummahadsanyahay mr:xabeeb aboowe runtii waxaa kahadashay wax jira waxaana kuleeeyahay noolow .kuwaa kale oo wax tar kasii fiican tan lehna waa kaasugaynaa maadaama aad qoraa da’yartahay sida facekaaga kamuuqata

  6. raga masalax says:

    waad ku mahadsantahay qoralakga xbb wana kaga mahad celinya dadka qaar comment aan murti lahayan kuwa caytamaya oo xage ku aragteen xumantisa ar somali dhib badana a

  7. asalamu caleikum, waan ku salaamayaa mar hore mohamed xabeeb, marka hore saaxiib fikradeyda hadii aan ka dhiibto waa qoraal aad u tiifaatiran faahfaaahsan xanbaarsana xaqiiqda iyo taariikhdii taxanaha ahayd ee dhalashadii puntland iyo xiliga maantay ay marayso, waa waaqici jira waa arin u baahneyd in laga hadlo oo dadka loo iftiimiyo wadadii puntland soo martay, waxaan aaminsanahay hadii aan dib u eegno wixii aan soo saxnay iyo wixii aan soo qaladnay maamuladii hore inay sahlan tahay in waxa soo socda la sixi karro, qoraalkani waa qoraal sidaan horey u iriba tifaatiran qoraaguna ku mahadsan yahay, waxaan aaminsanahay inuu mudan yahay in loo hambalyeeyo howsha uu isku xilsaaray, waa saxafi da,yar, qoraa qalin dahab sita iminkana wuxuu dhigtaa saxafigu sidii war danbeysay, jamacada new delhi university oo ah runtii jamacada aduunka sumcad ka leh ahna oo uu ka dhigto faculty of political science marka waxaan u rajeynayaa guul iyo dadaal wanaagsan waana shaqsi ku dayasho mudan, waana salaman tihiin ikhyaarta dhamaantin, asalamu caleikum,

    mohamed yusuf warsame Awdoon.

    holder of bachelor of commerce( 0SMANIA UNIVERSITY)
    Seattle Washington.USA

  8. hashi says:

    dr xabeeb sxb ilahay ha ka abaal mariyo qoraalkaga intii sax waad dadaashay

  9. mudug boy says:

    ninka magaciisu ku tilmamay SICID DUCALE -DIRIR’ ee barooranaya ha loo duceeyo in ilaahay caafiyo teda kale ma majeerteen ayuu kayaqaan qabiilada daga puntland waan soo taxay sidi inuu nabaryee mida kale dadka puntland waa isku mid isku mabda iyo isku mansab ee alshabaab iyo xisbul islaam xeey tahay kkkkkkk ma wareeray yarku adeer soo kadi oo seexo

  10. rubaani says:

    Wey haboontahay in laga hadlo Xaqiiqda taagan ee loo baahan yahay in la iftiimiyo islamarkaana lasheego waxa jira ee dhabta ah waana wax ay ku dhisan yihiin wadamada hora maray ee ka jira caalamka waxaana xor ah in bulshadu soo ban dhigi karto fikirkeeda iyadoo ka hadleysa waxa waxa saxda ah oo la doonayo in la hiigsado.

  11. dhagaafe says:

    well done mr xabeeb 4 ur huge information thankz 4 ur given time dis report

  12. qoraalkaan xaqiiqda dhabta ah buu kufadhiyaa inkastoo ninkaan qoraaga ah uusan ceeblahayn oo uu aad isugu deyey inuu xogta jirta oo puntland kataagan kahadlo hadana waxaa la orankaraa sidii dhabta ahayd waa uu soo dhoweyey waxaana leeyahay adeer cadowgaa hajabo intaa hadaan kagudbo shaqsiyaadka aanba xalaasha ahayn oo kusoo qoranaaya meesha titleka beeldaaje waxaan kula talin lahaa inay iskaga waan tobaan waxay kujiraan waayo nin ayuu hada qofkaani xaqiir kusheegaya hadana isagii baa wiil yar oo article so daabacay kuhabsaamaaya muxuu isaga kasheegayaa mahasanid qoraaga da’da yar ala hakuusii koriyo maskaxdaada insha alaahu maanta hadaa isku daydo berina waad dhamaystiran lkn haka daalin cadowgaana intaa ogtahay sunta jirka uqoosh baan kudhihi lahaa thanks

  13. xaaji says:

    waxaan ogaday xaqiiqada dhabta ah . thanks xabeeb

  14. balidhidin says:

    waa article looga soo l horjeedo, dawlada puntland talada haddda haysah.
    aan dhihi karo, waa dawlada ugu ficanayd puntland soo martah abid.

    waxaaa xaaraan ah, in la is bar bardhigo, cade muse dawlda hadda jirto o ah dawlada dad wax bdan qaban karan ka buuxan .

  15. Cadaalada Madaxweyne C/raxmaan Faroole waxa ay noqtay sidan bel Eega habka uu Qabiilada u kala siiyey Jagooyinka Dowladda.

    Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, waxa uu qaaday xil culus oo la doonayey in uu Ummadda Cadaalad iyo garsoor wanaagsan u sameeyo, balse waxa uu noqday Hogaamiye wax ku Maamula Nin tooxsi iyo qof jeclaysi hab qeybsiga awooda Dowladda ku saleeya.
    Bal ila Eega habka Qabiilada qaar uu ugu sadbiriyey kuwa ka mid ahna Beelaha Puntland ugu xadgudbay oo uu banaanka u tuuray.

    Beesha uu ka dhashay ee Ciise Maxmuud waxa ay leeyihiin madaxweyne, Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiir ku xigeen, Lataliyaha Madaxweynaha Arrimaha warfaafinta iyo Lix Agaasime Guud, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, Gudoomiayaha Degmada Garoowe, Gudoomiyaha Hay’adda Masiibooyinka iyo Abaaraha.

    Beesha Cismaan Maxamuud waxa uu siiyey Laba Wasiir oo kala ah Amniga iyo Deegaanka & Duurjoogta, Wasiir ku xigeen, Gudoomiyaha Hay’adda Basweyn ee Korontada iyo Tamarta, Sadex Agaasime guud, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Puntland, Taliye ki xigeenka Booliiska.
    Beesha Cumar Maxamuud Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Haweenka iyo Qoyska, Taliyaha Ciidamada Booliiska,Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Gudoomiyaha Hay’adda Nesha ee Jidadka Sadex Agaasime Guud

    Beesha Reer Bicidyahan Wasiirka Warfaafinta,
    Beesha Cali Saleebaan wax uu siiyey Wasiirka Maliyadda, laba wasiir ku xigeen, Gudoomiyaha Gobolka Bari iyo Hal Agaasime Guud

    Beesha Cali Jabrahiil waxa uu siiyey Wasiiru-dowle, Laba Wasiir ku xigeen, Duqa Degmada Boosaaso, Hal Agaasime Guud oo ah kan Maaliyadda Daqliga.
    Beesha Ugaar Saleebaan waxa uu siiyey Wasiir, wasiir ku xigeen, Agaasimaha Hay’adda Aids-ka ee Puntland.

    Beesha Ismaciil Saleebaan waxa uu siiyey Wasiir ku xigeen Labaad
    Beesha Siwaaqroon waxa uu siiyey Wasiirka Biyaha iyo Beeraha iyo Taliiye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Canjeex

    Beesha Wabeeneeye Wasiir ku xigeen iyo Agaasime Guud

    Beesha Reer Maxmuud Wasiir ku xigeen iyo Agaasimaha Madaxtooyada

    Beesha C/raxiin Agaasime Waaxeed
    Beesha Amaanle Agaasime Waaxeed
    Beesha C/raxiin Saleebaan waxba
    Beesha Wadalmuge Agaasime Waxeed
    Beesha Idifacle Agaasime Waaxeed
    Beesha Kaskiqabe Agaasime Waaxeed
    Beesha Geesaguule Agaasime Waaxeed
    Beesha Jambeel Agaasime Waaxeed.

    Haddaba, Cadaalada C/raxmaan faroole waa sidaas oo habka Qabiilada wax ugu qeybiyey awooda Dowladda qeybna waxa uu u sameeyey inuu u balbalaariyo, qaarna waxa uu siiyey wasiir ku xigeeno labaad oo u dhigma karaani halka kuwo ka mid ah Beelaha ugu wanaagsan Gobolada Puntland uu waxba uga soo darin habka awooda guud ee Puntland, waxa uuna sheegaa mararka uu hadlayo oo uu u sheekeynayo Bulshada la joogta in Beelaha qaar aanay istaahilin in wax laga siiyo Xubnaha Dowladda oo banaanka in la dhigo ay ku wanaagsan yihiin.

    Soomaalida waxa ay ku maahmaahdaa Ninkaan Wrankaagu gelin weedhaadu ma gasho, waxaa haddaba, la gudboon Beelaha Puntland ee C/raxmaan Faroole habkan ula dhaqmay in ay martigeliyaan oo guryahooda iyo deegaanadooda awood balaaran ku siiyaan Kooxaha Diinta ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ay Shareecada Islaamka ka hirgeliyaan Deegaanadooda iyo Qoysaskooda, kuna booriyaan cid walba in ay diidaan dulmiga C/raxmaan faroole ku hogaaminayo Ummadda ee anigaa iri ah.

    Waa hubaal haddii taasi dhacdo in heeryada C/raxmaan faroole la iska tuurikaro oo ummada ay sinaan iyo Cadaalad dhab ah ka helikaraan Shareecada Islaamka oo la qaato laguna dhaqmo.
    Ugu dambeyntii waxaan rumaysanahay in haddii la iskaashado oo awooda la saaro sidii loola sameyn lahaa iskaashi cid allaale cidii wax ka ridaysa Taliskan dulmiga ku dhisan ee C/raxmaan Faroole la siiyo awood iyo gacan buuxda.

    siciid ducaale dirir
    malta

  16. dhaadaar boy says:

    inkasyoo qotaha ushegay xaqiiqda dhabta ah ee katagan somalia ama puntland thnks alot ,……………

  17. Dr: diraac shire says:

    runti wa muqaal ka hadalaya runta mujinayana xaladaha siyaasaded ee puntland so madhay wana waxa ila sandki la asaasay ila mantadan waxase mudana raga indha indhaya arimaha is bedelka siyaasaded uruuriya xaqa iyo xaqadarada wana waxa loo bahana yahay waxaan leyahay wad ku mahadsantahay mudane xabeb thanks alot bro

  18. suleiman says:

    Bismillah.
    Assalamu calaykum. inkasta oo si fudud u dulmarey hadana qoraaga meel uu been ama dhibaato cid gaar ah ku yeeley ma garanayo.
    sidaa darteed walaal tacliiqa qoraya yaan loo gefin qoraaga oo meesha caay iyo aflagaado halaga ilaaliyo .
    qoraha ma ahan hadafkiisa inuu cid gaar ah qanciyo ee waa inuu ummada u muujiyo arimaha uu ka hadley iyo xaqiiqda puntland ka jirta . qofka fikir haduu kugu khilaafo ma ahan inaan la i jaafeeyo Alle ha laga baqo .

  19. Hassan says:

    Waa qoraal runtii xaqiiqada ka fog, aad iyo aadna eex iyo khaladaad uga buuxaan, waxaadna mooddaa Cambaaraynta dowladda in loola danleeyahay oo keliya ujeedooyin kalena aysan ku jrin meesha,

    Meelaha aan saluugay waxaa ka mid ah, in uu ka warramo waxqabadka dowladda iyadoo aan xitaa labo sano dhammaysan oo uu barbar dhigo dowlado dhisnaa 4 sano, oo waxwalbana la ogyahay meesha ay ka soo bilowday,
    kama aanu warramin dhisidda ciidamada iyo laamaha amniga, sicir bararkii waxa iska beddelay tan iyo maalinkii la dortay dollarku wuxuu ahaa 32000 ismana beddelin, kama warramin waxbarashada, kama warramin caafimaadka, kama warramin jidadka la dayactiray,
    Amniga wuxuu ku eedeyey dowladda oo iyadu taarged ah, waadna ogtahay siyaasadda Soomaaliya maanta qolada ugu xoog badan iyo waxa ay ka shaqeyso in ay madaxduubasho iyo dil iyo qarax tahay.

  20. beeldaaje says:

    waxaa tahay nin xaqiir ah oo waxaa tahay dadka aaan u ogolayn dadka libintooda. waxaa kale oo tahay nin local ah oo fikirkiisu dhaafsanayn wax sokke.
    midda kale isimada dhisay puntland ma dhama kuwa soo qortay qaarbaaba wadanka wagaaas joogin oo dubai nala jooga alaha u naxariistee beeldaaje xaaji c.laahi uukamidyahay. midda kale war adeer mahaysid ilmo xafada wixii looga hadlo soo qoray ayaa tahay. ee dadka waani oo wax la qabo . ha nacnacleynin

  21. deeq caawiye says:

    maasha alaah mr:maxamed cabdi salaad (xabeeb ) waa nin raga waayo wuxuu beegsaday dhabta iyo xaqiiqda ay puntland wax kuwado waana run inay puntland tahay mid sii curyaaminysa shacabkeda lkn aan waxba soo siyaadinayn

  22. kaatun says:

    really xabeeb wa qoraal in badan lasu gayey o ka hadlaya xaqiiqda dhabta ah……………………………