Home » Faallo »

Qalinkii Cabdiboqor iyo Warbixintii Malaysia (Qeybtii 1-aad)

Hordhac/Gogoldhig

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, Nabadgalyo iyo Naxariisina Nabigeena Muxammad korkiisa Allaha yeelo.

Waxaan warbixino tixane ahaa oo in mudo ah socdey aan horey uga qorey wadanka Pakistan waxbarashadiisa iyo sida Soomaalida eey uga faa’ideysan karto. Waxaa ku faa’idey ummad aad u farabadan oo Pakistan kusoo yaacdey waxna ka bartey, haba ugu sii badnaadeen wakhtigii Maxaakimta iyo soo galitaankii Ethiopia oo waalidkasta Ilmihiisa meel uun ula baxsanayey. 2-Bilood Gudahood ayaa Dhowr Boqol oo Soomaali ahi kusoo galeen wadanka Pakistan, waloow Viisooyin “Cajiib ahaa” oo la heleyna sii kabeen. Waa xaqiiq in wadankii aadan wax war ah ka heysan uu aduunka intiisa kale kaaga dhex qarsoonaanayo, xitaa hadii aad si gaar ah u daneyneyso. Soomalida ayaa tiraahda “War Helaa talo hel” Reer galbeedkuna waxeey yiraahdaan “Information is Power”,.Waxaan rajeeynayaa warbixintan aan ka diyaarindoono Malaysia-na sidaa iyo is ka badan in Allaah Ummadeena Soomaaliyeed ugu Anfaco.

Warbixintan oo aan ka dhigi doonno mid Isbuuc kasta ah, ayaan waxaan uga hadli doonaa wadanka Malaysia waliba si gaar ah oo Soomaalida quseysa.Waxaan ka hadli doonnaa sida eey ku soo galaan/yimaadaan, sababaha eey usoo galaan, dhinaca visaha iyo arimaha la xiriira, waxbarashada oo aan dhinacyo farabadan ka falanqeeyndoono/qaadaa-dhigi doonno, nolosha, dhaqanka iyo dhamaan waxkasta oo aan is leeyahay Ummadeena Soomaaliyeed weey ka faa’iideeysan karaan iyo waliba waxkasta ee aan is leeyahay qofka Soomaaliga ahi weey u wanaagsantahay in uu sii ogaado inta uusan iman wadankan, maadaama wadankan uu yahy mid ka mid ah 2-wadanoo kaliya (Yugandha iyo Malaysia) ee qofka Soomaaliyeed iska soo gali karo isaga oo aan Viso horey u soo qaadan. Inta aan si qota dheer u guda galin bal aan sawir guud ka bixiyo wadanka Malaysia

Guud ahaan Wadanka Malaysia

Wadanka Malaysia waa wadan dhaca/ku yaalla Koonfur-Bari ee Qaarada Eeshiya (Asia). Wuxuu ka koobanyahay 13-Gobol iyo 3-Deegaan oo gaar ah kuwaasoo Dowlada Wadaaga ahi (Federaal Government) maamusho. Wuxuu dhulkeedu kufadhiyaa/la egyaahay: 329,845-Kiiloomitir oo Square ah (127,354 sq mi). Caasimada wadanku waa Kuala Lumpur, halka Putrajaya eey tahay meesha Dowladu fadhiso oo eey ku shaqeeyso. Tirada dadka waxeey kor u dhaafeeysaa 28-Million. Wadanka waxaa kala qeeybiya Badda Shiinaha ee koofureed (South China Sea), waxeeyna u kala qeybisaa laba qeybood oo lagu kala magacaabo: Peninsular Malaysia iyo Malaysian Borneo (waxaa kaloo loo yagqaanaa midan dambe: East Malaysia).

Wadanka Malaysia wuxuu xuduud la leeyahay wadamada kala ah: Thailand, Indonesia iyo Brunei. Malaysia waxeey u dhowdahay Dhul-Baraha Aduunka (The Equator), Waxeey leedahay Cimillo Tropical ah oo aad u macaan una Roobab badan, sidaa daraadeed meelkasta waa Geed Xagaaran iyo Doog iyaguna aad usii qurxiyeen. Madaxa wadanka waa Yang di-Pertuan Agong oo ah Boqor la doortey. Arimaha Dowlada waxaa maamula oo kala wada Ra’iisul-Wazaaraha, oo hada wuu hayo: Najib bin Tun Haji Abdul Razak oo ahaa wasiirka Difaaca, Aabihiisuna uu ra’iisul wazaare hore ahaa. Dowlada waxaa qaabkeedu yahay qaabka Barlamaaniga ah.

Malaysia ma eeysan jirin iyada oo ah wadan mideysan kahor sanadkii 1963. Laga soo bilaabo Qarnigii 18-aad, waxaa wadanka Saameeyn xoogan ku sameystey Gumeysigii Ingiriiska. Qeybta waqooyi ee Malaysia-da casriga ah waxeey ka koobneyd dhowr Boqortooyadood oo kala go’go’an, waxaana loo aqoon jirey Malaayadii-Biritish-ka ama (British Malaya) illaa laga tirtirey sandka markuu ahaa 1946-dii, markaasoo loo bixiyey Midowga Malayga ama (The Malayan Union). Mucaaradnimo xoogan oo aad u baahsaneyd darteed ayaa sanadka markuu ahaa 1948 markale waxaa loo aqoonsadey Xukun-Wadaagii Malay-ga (Federation of Malaysia), waxeeyna Xoriyadooda Qaateen 31-kii Bishii Agoosto (Augost) ee Sanadkii 1957-dii. Taariikhdu markii eey aheyd September16, 1963-dii ayaa waxaa midoobeey Singpore (oo hada wadan gaar ah), Sarawak, Biritish North Borneo iyo Xukun-Wadaaga Malaysia ama (Federation of Malaysia). Sanadihii ugu horeeyey ee Midowga ayaa Waxaa dhashey Qalalaase kaasoo dhaliyey Iskudhac Hubeysan (Armed conflict) oo eey la galeen wadanka Indonesia, waxaa sidoo kale la eryey Singapore taariikhdu markii eey aheyd August9, 1965.

Qarnigii 20-aad Malaysia si xowli ah ayuu dhaqaalaheedu kor ugu kacay, waxeeyna sameeysey horumar aad u sareeya.Ganacsiga caalamiga ah ayaa Laf-Dhabar u ah dhaqaalaheeda. Wax-Soosaarka ayaa wuxuu Qeyb Libaax leh/Kaalin weyn uga jiraa dhaqaalaha wadanka.Wadanka waxaa ku wada nool Sadex Qowmiyadood oo kala duwan, oo waliba kala Af ah, kala Diin ah, kala Dhaqan ah, hadana Nabad ku wada nool, kuwaasoo kala ah: Malay-ga oo wadanka ugu badan Hogaanka wadankana gacanta ku haya, Chinese-ka oo iyana dhinaca Dhaqaala wadanka Awood xoogan ku leh, wadankana kaalinta 2-aad kaga jira, iyo Hindiyaan ubadan Timal oo iyana kaalinta 3-aad ka ah dhinackasta.

Soomaalida oo magacyo bixinta ku fiican gaar ahaan kuwa ku salaysan is-af-garadka (ama isu baaqa) kana taxadareysa si dadka wadanka eeysan u fahmin marka eey ka hadlayaan, ayaa Is-Afgarad gaar ah u wada sameystey dadka dalka u dhashay oo ku kala magacaabay Malay-ga (Kaluun-ka), Chinese-kana (Indha-yarta), halka Hindiyaanka eey ka yiraahdaan (Timo-Jilicda),

Gabagabo iyo Gunaad

Wuxuu wadanka Malaysia xoriyada qaatey 3-Sano ka hor waqtigii aan qaadanney inaga sida aan kor kusoo xusey, meesha aan anaga dib usii soconney iyaga waligood Gadaal/Dib uma eeysan noqon. Waxa aan ku kala Duwannahay ayaa ah: Iyaga waxaa hogaamiya kuwa ugu Aqoonta , Waaya-Aragnimada iyo Wadaniyada wanaagsan, Inagase waxaa na horboodaahi waa kuwa dad ugu liita.

Wuxuu wadanka Malaysia hadda higsanayaa in uu ku biiro wadamada Horey-U-Maray (Developed countries) marka la gaaro 2010-ga-oo waxa inaga xigaba eeysan badneyn-Maadaama eey ku wada noolyihiin 3-qoowmiyadood ayaa Sloganka ama Shicaarka Dowlada hada jirtaahi yahay :Hal Maleeshiya1

Mahadnaq

Waxaan mahad gaar ah u naqayaa/celinayaa raga kala ah:Cali barre, Qaasin Sh. Axmad, liibaan Maxamed, C/kamaal Maxamed, khaalid Cabdullahi iyo C/fataax Muuse.

Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”
PhD-Candidate
MBA, BBA
abdulkadirphd@hotmail.com
Kuala Lumpur-Malaysia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Qalinkii Cabdiboqor iyo Warbixintii Malaysia (Qeybtii 1-aad) "

  1. maxamed says:

    sxb waad mahad santahay waxaadna ka hadashay taariikhda iyo hor u marka uu taaganyahay wadanka malasia waana mid loo baahanyahay in aan qaadano kuna dayano talada u dhiibano wax garadka diinta ku xeel dheer daacadana ah maxaa yeelay waxa na rogay een ka soo kabsan la’nahay walina daba aan hayno waa qabyaalad iyo wax yaalo aan dhib moyee aan faa’iido noo lahayn mana dareensano dadkeenu inta badan.
    marka allaha na dareensiiyo tan khayrka ku jirto

  2. RUN SHEEG says:

    walala waxa uuba wax u qorayo waa ummada wadankiisii, si eey wax u arfahdo, ummad wax u bartaan, u faa’ideystaan, soow taa wax kusoo kordhin wadankii iyo ummadeenii maah, guud ahaana waxa uu PhD-da u wado soow wadankeenii iyo ummadeenii maha? waa in aqoon la yeeshaa sidii jahliga looga bixi lagaa.
    Nasiib darrada jirta ayaa ah, Soomaalida ayaad cidna waxba u ogoleyn, qofkastoo dhaqaaq isku daya, wax uun ayaa laga jeegayaa, meeshii la dhiiragalin lahaa, mala dadka qaar iya uun in eey wax qoraan ama hadlaan ama wax helaan uun ayaa looga eed beeli karaa bes (Xaqdi iyo Xaasinnimo bufqaneysa oo soo butaaceeysa).wadankana qoraalo farabadan uu kasameeyey ummada ayaa wax aqrisatey midka iska hadlayoow!!

  3. omar says:

    asalamu alekum
    salan kadib walal cabdi boqo mahadsanid . qof la yiraahdo shahiiana waxan ku sheegaayaa inaadan dadka waxba ka sheegin. waxa la yiri tala keen noqo ama tala raac. laakin ha noqonin talo cambaareye. adiga maxaa kuu diiday inaad wadankaada wax ka qorto. adiga markaad wadankaada wax ka qorto ayaa dadka la hadlikata.

  4. suleymaan says:

    Bismillah.
    Assalamu calaykum . walaalkeen c/boqor aa ayuu ku mahadsan yahay macluumaadka aad noo so gudbisey . walow hada ka horna aan ka akhisaney warbixin uu isla webkan ku qorey sheikh max’ed idiris( shukran malaysia) hada waxaan dhowreynaa maqaalada harsan si aan laba faaiido ooga helno .
    dadaalka meeshaa ka sii wad insha Allah.

  5. walaal aad iyo aad ayaaad u mahadsantahy qorista faaladaadan ku saabsan maleysia waan wax ad ugu baahnayn, insha alah qormada kale waynu kaa sugi doona

  6. shahiiana says:

    walla ad ayaad uga hadasshay wadanka aad joogti lakin wadankaas maad lihid ee taas lasoco marnase maad is waydiisay wadankaaga maxaad kusoo siyaadin kartaa ama aad kabadali kartaa
    taas ayaa kaaga muhiimsan in aad dadkale wadankiisa kashheekeysid
    mahadsanid