Home » Warar »

Banaanbaxayaal Careysan oo Israel kala mid dhigey Burcad Badeeda Somalida

“Israil waa burcad badeedda Soomaalida (Israil Somali Korsani)”….

Beesha Calaamka ayaa si aad uga caroootey markii Ciidamada Israaiil weerareer Markab macaawino u sidey dadka reer falastiin ee ku sugan ama ku nool Marinka Qaza.

Markabkaas waxaa lahaa Dowladda Turkiga waxaana ku geeriyoodey 10 ruux oo markabka saarnaa hase yeeshee waxaa lagu waramey in tirada intaa ka badan tahay.

Dad careysan ayaa isugu soo baxay qaar ka mid ah Magaalooyinka waaweyn ee Dunida Islaamka iyo wadamo kale  wuxuuna Banaanbaxii ugu weynaa uu ka dhacay dalka Turiga  waxaana wadooyinka isugu soo baxay dad careysan oo qaarkood sitey Boorar ay ku cambaareynayaan Israaiil waxaana boorarka qaar ku qornaa ereyo Turkish ah  oo lagu Cambaareynaya Israa’iil.

Waxaana ugu  yaabka badnaa mid Israa’iil laga mid dhigey Burcad Badeedka Soomaalida waxayna u qornaayeen (Israil Somali Korsani) ama marka loo qoro Afka Ingiriiska noqoneysa ( Israel Somali Pirate )

Markabka ayaa la sheegey in ay saarnaayeen dad u dhashey  Qaaradaha Yurub , Mareykan , Carab , Asiya iyo afrikaan waxayna sideen Mucaawino ay ugu talagaleen Dadka reer  Falastiin ay Israel ku go’doomisey Marinka Qaza iyadoo Durba Dowladda Turkiga ay u yeeratey Danjiraheeda u fadhiya dadka Israel waxaana la sheegey in loo gudbiyey Dacwo ka dhan ah Falkaas.

Sidoo kale Qaramada Midoobey ayaa la sheegey in maalmaha soo socda Shir deg deg ah ka yeelan doonto oo lagu tilmaamey mid argagaxiso  hase yeeshee waxaa la sheegey in Dowlada Mareykan aysan weli ka soo yeerin wax Cambaareyn ah oo ku saabsan falkii foosha xumaa ee ay ku kacdey Dalka Israel sidoo kale Dowlada Masar oo hore ula heshiishey Dowladda Israel ayaa haatan ka fiirsaneysa xiriirka ay la leedahay hadana waxaa meesha ka marney in Dowlada Masar ay qayb ka tahay cunaqabateynta lagu hayo shacabka reer Falastiin waxayna dhawr jeer joojisey sahay loo sidey Marinka Qaza
 
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Sawirada: Bing.com images

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Banaanbaxayaal Careysan oo Israel kala mid dhigey Burcad Badeeda Somalida "

  1. walalka liibaan ad ayan aragtida ugu faraxsanahay wana aragti saxah wax kali ah o loga bixikaro foolxumada inahaysan wax weyan in danta somalida kali ah somalidu kashaqayso ee ayasan dan ka gelin wax qaraad kale kasocada hadi la isbarbar dhigo waxa ina haysta oo colaad iyo gaajo iyo iyo waxbarasho laan iyo dawalad laan iyo burbur bulsho oo dhankasta ah iyo wax falastin haysta ma ah wax la isku qimayn karo waxan boqoljeer baxaad wayn dhibatada somalia sida darted ilahay inoma naxarisnayo intan wallakena ku diganayno shisheyhenan u ooyayno wana caqli meel daran u forar caqliga somalia

    allah wayn oo awoodisa wax kasta kusura gasha waxan kabaryaya inu dal iyo dad kaba ino badbadsho dhibkana iyo coladahan inogu bedelo barwaqo iyo nabad

  2. ilahay yuhuuda hasoo hanuuniyo oo hau badalo kuwii islamka u gar gaari lahaa sida uu u soo hanuuniyay hada kahor kuwo badan oo ayaka kamid ahaa. dadka reer falstiina ilahay hau gar gaaro somalida burcad badeeda ahna ilahay israqad kaduwan tan iimanka ka qaaday hasiiyo.

  3. Liibaan says:

    As wr wb marka hore waxaan salaamayaaa walaalahayga soomaaliyeed Dunida meel kasta oo ay Joogaan, salaan kadib
    Dhacdada uu soo qaatay maqaalkan ay soo daabacday somalitalk, waa dhacdooyinka sida tooska ah saameyn ugu yeelanaaya maskaxda qof kasta oo soomaali ah oo nadiif ah wadanina ah.
    Koleyba meel hoos loogu dhaadhaco oo aysan soomaali gaarin majirto dhinac walba marka laga fiiriyo sida aan maanta noqonay.
    anigoo hoos ugu soo dhaadhacaya ujeedada qoraalkeyga ayaan leeyahay…dagaalka bariga dhexe maaha Mid diimeed, ee yaan la idin khaldin soomaaliyeey, dagaalku waa dagaal salka kuhaya dhul laga dhacay carabta, sidaasna ay carabtii laga dhacay markey awood ay kusoo ceshtaan dhulkoodii ama yuhuud isaga celiyaan waayeen ay huwiyeen magac Islaam.
    haddaba qof walba oo soomaali ah waxaan leeyahay Diintaada baro, aqoon qof leh markaad noqotana sidii remote control laguuma hagi karo ee waxaad noqoneysaa qof feejigan oo aan kudhicin meel walba sida duqsiga camal.
    Allaha unaxariistee Wadaadkii south Africa ee Ahmed Deedat Allaha Janno fardowsa ka waraabiyee ayaa Hadda kahor la weydiiyey in dagaalka falastiin iyo yuhuuddu Diin ku lug leeyahay`? wuxuuna yiri ” Dagaalka falastiin Iyo yuhuuddu waa mid salka kuhaya arrimo dhuleed ee shaqo kuma leh diin”
    wcs wr wb
    soomaali waxa meesha dhigay waa afkaaraha carbeed ee la diimeeyey si loo gaaro dano carbeed…tusaale: odey osama markuu aasaasaayey alqaacida uma aasaasin Islaam difaac ee waxay ka ahayd inuu difaacdo saliidda carabta sidaa darteedna uu muslimiinta isu tusiyey inuu yahay Nin diin u dagaalamaaya.
    waxaan kusoo gaba gabaynayaa qoraalkeyga
    walaalayaal wax akhriya, baaritaan sameeya, lasocda taariikhda, haddii kale sida dhalinyarada soomaaliyeed ee wajiga inta loo duubay dabka lagu gurayo noqda.

  4. ascw wr walaalyaal aad iyo aad ayaan silamaya dhamaan shaqalaha webka aad iyo aad ayaan uga xamahay sida dadka turkisha ah ee walaalaha anahay ay u turjumten hadalki raiisal wasaraho khayr allah siyo isago ku tilmamay israail burcaad badeed aan naxariis aan lahayn lakiin dadka turkishka ah markay maqleen magaca burcaad badeen waxaa durbadiba ku so dhacday somaliya iin ay ku xasuustaan wana faal xuun waxaa ila qumaan iin aan umada aan wanag aan u horkacno
    sii wanag nanogu xasuusto sida asxabtii Rasuulka csw marka somaliyay iska dhafaa qabiilka iyo quruunka aan farahaa kula jiirno wscw dhamaantiin

  5. Maneed says:

    Aslaamu Caleykum dhamaan somaali meyal walbo oo ay joogaan
    Waxaase la yaab leh in aan maanta yaduud aan la mid noqono taasina anagaa isku keynaya teeda kale walaalkeena (great somalia) waxaan u sheegayaa in naceebka uu u qabto carabi in uu san ka soo dhaweysan yahuud waayo waa qoom ilaahay lacanadey hadii carab ay ka gaabiyeen nafsadooda maalintii uu rabi doono in ay soo baraarugaan ayeey soo kacayaan teeda kalana yaan naloo amaanin akraad waa kuwii baabiyey qilaafada islaamka mark aanu barano taariiqda islaamka somaalina ilaahay ayaa u maqan inta laga kala saaraayo keena xun iyo keena fiican Aslaamu caleykum

  6. Olol says:

    Tani waa fariin ka timi caalamka aynu la noolnahay, Soomaali way aragtaa halka ay karaamo kajoogto, waxay mareysaa in boorarka caalamka ay kusoo qaataan dad muslimiin sheeganaya, iyadoo la barbardhigayo Yuhuuda Illaahay nacaladay in lalasoo meel dhigo, taasina waa mid ay sababeen dhalinyaradda Soomaaliyeed ee sida bahalnimada leh u geysanaya sharaf darrada lasoo gudboonaatay dadka Soomaaliyeed.

    Soomaaliyeey ogaada, maantay waxaad joogtaan heerkii dunida ugu liitay, kuwa dagaalamaya ee micna darada u qubaya dheega maatada Soomaaliyeedna ku baraaruga arintaani in ay tahay mid halis ah oo ubaahan in la badbaadiyo sharaftii umadda Soomaaliyeed ay ku laheyd dunida.

    Allaha isku ururiyo dadka Soomaaliyeed, sharaftoodana soo ceshada.
    Illahayow Aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaammmmmmmmmmmiiiiiiiin.

  7. naaleeye says:

    kkk.. subxaanka ilaah ayaan ka baryeeynaa in aanaan israa’il sifa wadaagno hadan somali nahay , lkn tani waa fariin dadka turkishku usoo direen umada soomaliyed ee damiir laawa yaasha ah , oo aan ka damqan xumanta ay sameeyeen , waxa ah wax aanan loo dulqaadan karin umadkasta oo dunida joogto marka qlarabo in la cabsiiyo in somalia lagu cabsiiyo , somaliyeey gacanta is qabsada dunidana tusa in aan nahay umad karaama leh ,
    somlia is ours not shariif and shabaab .

  8. sreal haday carab iyo cawaanked iska dhicin kariwayeen ma somalida masakinta ah aya lacayaya kama naxayno mana ka xumin wax kasta oo sreal kusamyso bariga dhexe
    becouse tisaba daryela tu kale kudara waxan ugu baqayay dadka somalida ah o damiir lawayasha inay arkan sida logu cebeyay lona adegsaday magacoda xili dhiig la qubay dadka adegsadayna yihin kuwa shegta islaam sida darted loma bahna inan kala xigsano carab iyo sreal mana jirto wax ay isku dhaman wa laba cadow oo cad cad ki guulaysta iyo kijaba wa cadowga somalida

  9. Aad ayaan ugu xumahay in maanta Somalia lala bar bardhigo Israel waa wax laga xumaado walaahi balse Somalia maanta meeshaas waxaa dhogay dadkeeda horay ayaa looyiri “Lax walba shililkay is dhigtaa lagu gooracaa”.

    SORRY SOMALIA