Home » Warar »

Warar Goos Goos ah: Warqaddii 25aad ee Walad Cabdalla

Soomaali laga siidaayey xabsi Libya & ururka SDSI & Xildhiban Muudey

Walad Cabdalla ayaa Jaaliyadda qurbaha u soo diray warqaddii 25aad. Warqaddaas oo aad uga yar waraaqihii uu hore ugu soo faahfaahin jirey ka akhri HALKAN (pdf)

Bayaankii Istanbul: bayaankii laga soo saaray Shirkii Istanbul oo AfSoomaali ah Ka akhri Halkan


Soomaalida ee ku dhaqan Dalka Uganda oo deeqo isugu jira Daawo iyo Baaritaan la gaarsiiyaya

kumuunitiga soomalida ee ku dhqan Dalka Uganda ayaa waxaa ay gaarsiyeen dadka qaxooyita soomaliya ee ku dhaqan dalka Uaganda gaar ahaan Magaalada /Kampala deeqo isugu jira Daawo iyo baaritaano cuduro kala duwan o ay ka qayb qaadanayeen dhaqaatiir kala duwan oo gaaray 12 dhaqaatiir oo isugu soomaaliya iyo Uganda , kuwaasoo baaritaano ku sameeynayay cudurada faafa sida qaaxada ,Malariyada , dhiig karka iyo diyaabeetida amaan cudrka loo yaqaan kaadi macaan, iyo weliba cudurada haweenka [genecology] sida infuctionka iwm.

C/raxmaan Maxamed Axmed oo aha xiriiryha kumuunida soomaaliyeed ayaa sheegay in deeqahaasi ay iska kaashadeen Ganacsatada soomaliyeed ee hantida gaarka ku leh dalka Uganda kuwasoo baaritaanada iyo daawada isu xil saaray walaalohooda soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan dalka uganda.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Guud ahaan deeqani ayaa u muuqatay mid ay baahi weyn dadka qaxootiga ee ku dhqan dalka uganda oo boqolaal ruux ay haleen daawooyin iyo baaritaano lacag la aan taasow ay ku soo xoomeen xaafadda kisseyn oo xarun ku dhoweeyd masjidka tooxiid, xiriiriyaha ayaa waxaa uu sheegay in ganacsatada ay balan qaadeen in adeeggani caafimaad ay gaarsiin doonaan xeryha dadka soomaalida ay ku dhaqan yihiin taasoow si weyn ay u so dhaweeyeen dadka soomaalidaee qaxootiga ku ah daklka uganda arimahani ayaa ku soo beegmay xilli maalinba maalinta ka danbeeysa ay soo kordhayaa tirada qaxootiga soomaali o haatan gaaraya 17500 ruux ee ku sugan dalka Uganda..

waxaa soo diyaariyaya
Maxamed Nuur dhaqane [Gacmo dheere]


Soomaali kale oo laga sii daayay Xabsiyada Dalka Libya

(Tripoli):- Dad Soomaaliyeed oo ay tiradoodu ka badan tahay 30 qof, ayaa toddobaadkaan laga sii daayay Xabsiyo iyo Xarumo kale oo lagu hayay, oo ku yaalla dalka Libya.

Soomaalidan oo isugu jiray rag iyo dumar, da’dooduna ay u dhaxaysay 18 ilaa 40 jir, ayay sii-dayntoodu timid ka-gadaal markii Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas: Cabdulgani Maxamed Wacays, uu dardar hor leh geliyay sidii ay Xorriyaddooda u heli lahaayeen Soomaalidaan, iyadoo sida la og-yahayna ay tiro ilaa 70-meeyo ah oo kale la sii daayay bishii hore.

Laba Guddi oo uu Sii-haye: Cabdulgani u kala xil-saaray hawshaan ayaa waxaa kala hoggaaminayay labada La-taliye ee Safaaradda:- Muxyaddiin M.Kaalmoy iyo Maxamed Xasan Aadan.Xarumaha laga sii daayay Soomaalidaan ayaa lagu kala magacaabaa:-Duweysha,Zawiya,Siliton iyo Surmaan.

Madaxda cusub ee Safaaradda ayaa haatan ku guda-jira sidii loo sii wada-deyn lahaa dhammaan Soomaalida lagu hayo Xarumaha ku yaalla Libya iyo weliba sidii gacan looga siin lahaa arrimahooda ay ka midka yihiin: helitaanka shaqooyinka, degganaanshaha iyo dib u noqoshada.

Soomaalida lagu hayo Xarumaha iyo Xabsiyada Libya, ayaa ku eedaysan in ay ku guda-jireen fal ah u sii tahriibidda xagga Dalalka Yurub oo loo marayo Badda iyo heysasho la’aan aqoonsi iyo sharci…

Saraakiisha reer Libya, siiba kuwa xagga Socdaallada ayaa uga mahad-celinaya Madaxda cusub ee Safaaradda Gacanta iyo Iskaashiga-hawleed ee ay ka helayaan.

Dhanka kale, Sii-hayaha Safaaradda :Cabdulqani M.Wacays,ayaa uga digaya Soomaalida ku sugan gudaha Libya iyo kuwa weli ku soo socda Falka Tahriiba.Waxay Safaaraddu u sheegaysaa, kuna adkaynaysaa Dhallinyarada Soomaliyeed, inay iska illoobaan, kana waantoobaan Tahriibka tahlukada wata ee dhanka Badda la rabo in looga kala tallaabo Libya ilaa Talyaaniga.

Qaybta Warfaafinta Safaaradda
Tripoli-Libya


Xildhibaan Cabdi Wali Shiikh Ibraahim Muudeey oo kaalin Firfircoon kaga jira Musharaxnimada Gudoomiye Kuxigeenka Kowaad

Iyadoo ay maanta ku egtahay waqtii qabashada Araajiida Xildhibaanada u tartamaya Xilalka gudoonka sare ee Baarlamaanka ayaa hadana waxaa sii kordhacaya tirada xubnaha isku sharaxaya Xilalkaas oo sheegey dhamaantood in ay kalsooni ka haystaan Xubnaha Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdi weli Ibraahim Shiikh Muudey ayaa ka mid noqdey Musharaxiinta u tartameysa Xilka Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Baarlamaanka wuxuuna sheegey mar uu u waramayey Bahda Warbaahinta in uu kalsooni buuxda uu ka haysto Xildhibaanada Baarlamaanka”waxaa igu dhaliyey in aan isku sharaxo xilka Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka inta badan Xildhibanada ku jira Golaha Baarlamaanka “ayuu yiri Mudane Cabdi Wali oo sheegey in uu yahay nin qaadi kara Xilkaas islamarkaana uu yahay nin daacad ugu shaqeynayo Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed Warkan oo dhan sii akhri

Xarun loogu magacdaray Muqdisho Media House oo laga furay Magaalada Muqdisho
 
 Xaflad si weyn loo soo agaasimay isla markaana ay ka qaybgaleen saxafiyiin ka kala socotay qaybaha warbaahinta iyo marti sharaf kale ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho, waxaana ugu horeyntii, waxana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay C/llaahi Max’ed Xasan (Black) oo ka mid ahaa raggii fikradeeda lahaa aasaaska xaruntaasi, waxa uuna sheegay in sababaha loo furay xaruntaan ay tahay sidii ay xaruntaan u soo saari lahayd suxufiyiin tayo leh oo ka hawlgala qaybaha warbaahinta dalka.
 
 Cllaahi Max’ed Xasan waxaa kale oo uu sheegay in xaruntaan ay ka shaqeyn doonaan rag mudo ku soo jiray Bahda Saxaafadda kuwaas oo doonaya inay aqoontooda u gudbiyaan suxufiyiinta dooneysa in ay ka mid noqdaan bahda warbaahinta, sidoo kale waxa uu xusay in xaruntaan tahay xarun madax banana, isla markaana ay bilaabi doonto barnaamijiyo ku saabsan saxaafadda isagoo u soo jeediyey suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay ku soo biiraan xaruntaan isla markaana ay diiwaangelinteeda bilaaban doonto Maalinta Sabtida ah.  Sii akhri Warkan oo dhana iyo sawiro

Barakacayaasha degan Jaamacadda Lafoole oo la bilaabay in halkaasi laga saaro.
 
 Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Lafoole waxay sheegayaan in dadkii barkacayaasha ahaa ee ka cararay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho ay bilaabeen saakay in ay ka sii barakacaan ama laga raro Jaamacadda Lafoole kadib markii ay amarkaasi bixiyeen Ururka Xisbul Islaam, gaar ahaan guddoomiyaha Xisbiga Sheekh Xasan Daahir Aweys. Sii akhri Warkan oo dhana


Wafdigii Ururka SDSI oo si weyn loogu soo dhaweyey Holland iyo sanad guurada ururkaasi oo lagu qabtay Magaallada Denhaag.
 
 Jaaliyada Beelaha Sade ee kunool Wadanka Holland ayaa waxay maanta si weyn usoo dhaweeyeen Wafdigii balaarnaa ee uu hogaaminayey Guddoomiyaha ururka SDSI Mudane, Abdinuur Sheekh Abdisalaan Aw-Maxamuud,kuwaasi oo kasoo kicitimay Wadanka UK,halkaasi oo ay ku sugnaayeen maalmihii ugu danbeysay ee todobadkan.
 
 Shirweyne si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa uu Magaallada Denhaag ku dhexmaray Madaxdasi iyo Jaaliyada Beelaha Sade ee Holland,kaasi oo lagu gorfeynayey sidii looga wada hadli lahaa xaalada Somalia iyo beesha saameynta ay ku leedahay waxa ka dhacaya Dalka Somalia,waxaana taasi barbar socday doorka Qurba joogta Beelaha Sade kuleeyihiin arimaha Nabadeynta iyo Maamul u sameynta deegaanadii ay ka yimaadeen.
 
 Shirka ayaa waxaa daadihinayey Abdiweli Garbo-cune ,waxaana uu sheegay in jaaliyada maanta u madlaneyd sidii ay u qaabili lahaayeen Madaxdooda oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Ururka SDSI Abdinuur Sheekh Abdisalaan Aw-Maxamuud ,waxana intaasi kadib halkaasi laga akhriyey aayado quraan ah oo furfurashada hadalka gundhig looga dhigayey.

Halkan ka akhri warka oo dhan (Daawo sawirada)


Ciidamo bolice ah oo tababar Muqdisho loogu soo xirey

May 30, 2010: 380-askari oo Ciidan Booliis ah, ayna ka mid yihiin 54 haween ah kuwaasoo tababarro ku qaadanayay muddo sagaal bilood ah halkaasi, waxaana xafladdii xiritaanka ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Dowladda KMG ah.

Ciidamada Booliska ee tababarka loo soo xiray oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa la sheegay inay horay tababar ugu soo qaateen xerada Carmo ee Gobolka Bari, ayna Muqdisho ku dhameysteen tababarkooda, iyadoo loo qaybiyay dhar cusub oo ay ciidamadaasi qaadanayaan waxaana dharkaan cusub bixisay hay’adda qaramada midoobey ee UN ka .

Sii akhri warkan iyo Sawirro


Wargalin ka soo qayb gal tartanka WK Amsterdam 2010

Waxaan jaaliyada Soomaalida Holand degan lagu wargalinayaa in magaalada Amsterdam lagu qabanaayo koobkii Jaaliyadaha ku dhaqanka dalka Holand gaar ahaan magaalada Amsterdam taariikhdu marka ay tahay 5 iyo 6 June 2010.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalka Holand iyo gobalada dhamaan waxaa muhiim ah inaad ka soo qayb gashaan si aad u dhiirigalisaan kooxda ku ciyaaraysa dalka Soomaaliya, kuwasoo mudan in la garab istaago marka ay kulamada kale duwan kula ciyaari doonaan koobka WK Amsterdam 2010.
Kooxda Soomaalidu waxay ku jirtaa Qaybta C jadwalkuna waa sidan:

Sabti 5 june 2010 iyo Axad 6 June 2010
Poule C
Sabti. time: 10:10 Somalië vs Rusland
Sabti. time: 11:30 Nepal vs Somalië
Sabti. time: 14:40 Equador vs Somalië
Sabti. time: 16:00 Tunesië vs Somalië
Sabti. time: 18:00 Turkey vs Somalië
Axad 6 june 2010
Axad. time: 10:40 Somalië vs Aruba
Axad. time: 12:00 Somalië vs Germany
Hadaba hadii aad danaynayso sida ay wax u dhacayaan fadlan daawo Film laga soo duubay kooxda Soomaalida iyo taageerayaashii ka qayb galay labadii maalmood sidii quruxda badnayd ee ay u garab istaageen Wiilasha iyo qaabka calankeena uga dhax muuqday calamada kale iyo garoonkaba

Ka soo qaybgal wacan dhamaantiin fadlan calanka dalka Soomaaliya iyo hidaha dhaqankaba hore u soo qaata caruurtana hore u soo wada maalintaas.
Mahadsanidiin
Yusuf Yusuf
Sports Editor of sspamedia
mrsomalia@hotmail.com
London

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.