Home » AmiinYuusuf, Faallo »

Shariif Xasan : Ninba waa markiisee Mus ma kula koray

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo doortey Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maalintii ka horeysay doorashada waxay Xildhibaanada Baarlamaaku ku sameeyey markii uu soo galay xarunta Baarlamaanka in ay ku fooriyaan, xildhibaanada qaarkood waxay siteen Firimbe, hase yeeshee isaga oo aan iska waalin ayuu ereyo kooban waxa uu ku yiri “Codkiina ayaan idinka rabaa ee fadlan ha la I siiyo”, isla markaana dib ayuu uga laabtay Hoolka Baarlamaanka balse markii la doortay ayaa xildhibaanadii Firimbiga ku eryey waxay bilaabeen in ay u sacabatumaan iyaga oo leh “Soo Dhawow. …Soo Dhawow” waxa uuna mar kale ku yiri “Kuwii i doortay iyo kuwii aan i dooranba isku si ayaan ula shaqeyn doonaa, waana ku faraxsanahay in aad mar kale ii doorataan guddoomiyaha Baarlamaanka”.

Shariif Xasan oo aad ugu faraxsanaa in uu Guddoomiyinimada baarlamaanka ku soo baxo ayaa markiiba waxa uu bilaabay in uu gooni gooni u qaabilo Xildhibaanada Baarlamaanka, waxa uuna sheeg ay in wixii haatan ka dambeeya uu dadaal u geli doono in uu baarlamaanku uu noqdo Baarlamaan Soomaaliyeed, wixii dhaqaale ahna uu xildhibaanada u raadin doono.

Halgan dheer ayuu u soo galay in mar kale dib loogu doorto Kursiga gudoomiyenimo ee baarlamaanka ilaa iyo intii uu ku sugnaa dalka Ereteriya waxaa Shariif xasan laga dheehan karay in uu doonayey in uu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka, waa ninka la dhihi karo waxa uu aas aas u ahaa Dowladda uu haatan hogaamiyo Madaxweyne Shariif waayo goob kasta oo uu joogo Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa garabkiisa taagnaa Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Inta badan Bulshada Soomaaliyeed way ogaayeen in mar kale la dooran doono Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxayna qaarkood oranayeen “Nin Dooran maxaad u tiraahdeen Doorta, way muuqatay in Shariif Xasan uu ku soo baxayo doorashadaan, waayo waxaa lagu tiriyaa raggii dhidibadda u siibay Guddoomiyihii hore ee Baarmaanka Sheekh Aadan Madoobe oo isna markii hore ku yimid dadaal uu sameeyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf oo markii Sheekh Aadan Madoobe lagu doortay Baydhabo yiri ‘Waxaan rabnaa in hogaanka ee Soomaaliya wada noqdaan SRRC oo urur ay Dowlada Itoobiya aas-aastey waxa uuna rabay in xitaa Ra’isul Wasaarihii xiligaas Cali Max’ed Geedi uu meesha ka saaro, taasina C/llaahi Yuusuf way u suuragashay balse booskaas uma heli qof ka tirsan SRRC, waxayna Beesha caalamka u keentay Nuur Cadde oo isna markii dambe daaqadda kala baxay C/llaahi Yuusuf Axmed laguna cadaadiyey in uu iska casilo xilka Madaxweynimo, Shariif Xasan oo ahaa Mashiinka ay ku dhaqaaqdo Dowladda haatan dhisan ayaa geed dheer iyo mid gaabanna u fuulay in uu mar kale Gudodomiye Baarlamaan noqdo, isla markaana meesha ka saaro Aadan Madoobe”.

Dadka u kuurgala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa waxay leeyihiin “Sheekh Aadan Madoobe waxaa lala cayaaray siyaasad laga soo shaqeeyey waxaana loo taraarixiyey qob koos, hase yeeshee haddii uu ku adkeysan lahaa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka in Shariif Xasan aysan u suurageli laheyn in uu mar kale uu soo fuulo jaranjarada Gudoomiyenimada Baarlamaanka, balse siyaasaddii lala cayaaray Sheekh Aadan Madoobe ayaa sababtay in uu ku hor kufo masraxa siyaasadda, waxaana loogu madax salaaxay in loo dhiibi doono xil kale, balse ma muuqato in uu boos ka helayo Dowladda Cumar C/rashiid.

Hamiga Shariif Xasan waxaa la sheegaa in uu yahay mid aad u weyn, waxa uuna doonayaa in uu mar un ku fariisto booska Madaxweynimada Soomaaliya, waayo waxaa Shariif Xasan lagu xantaa in uu yahay nin haysta lacag aad u fara badan, iyadoo dadka qaarkiis ku macneeyey in dib u soo laabashadiisa u sahashay lacago la sheegay in uu bixiyey, taasna waxaa daliil u ah in maalin ka hor lagu fooryey halka maalintii xigtayna la soo dhaweeyey oo loo sacaba tumayey.

Shariif Xasan waxa uu ahaa ninkii horseedka u ahaa in Ciidamada Itoobiya soo galaan gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana ay ka gaystaan xasuuqyo baahsan, mar la wareystay Shariif Xasan waxa uu sheegay in sababta ay u ansixiyeen soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya ay ahayd in la helo Dowlad Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in uu ka shalaayey soo gelitaan Soomaaliya ciidmaada Itoobiya, waxayna taasi markii dambe ku qasabtay in uu dalka isaga cararo oo ku biro xubnihii Asmara, waxa uuna dadaal u galay in dib Itoobiya uga saaraan dalka, kadib markii ay heshiis la galeen Dowladdii hogaaminayey C/llaahi Yuusuf Axmed, hase yeeshee lama oga Shariif Xasan oo haatan u gacan banaanaaday Golaha Baarlamaanka.

Sidoo kale dhawaan ayay ahayd markii Guddiga dabagalka maaliyadda ee Baarlamaanka ay Shariif Xasan ku eedeeyey in uu lunsaday lacagihii loogu deeqday Dowladda Soomaaliya, hase yeeshee Shariif Xasan arrimahaasi waa u beeniyey isagoo sheegay in shaqsiyaadka barnaamijkaasi watay ay ahaayeen kuwo dano gaar ah watay.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Isxaaq haddaan dib u qooraansano taariikhdii nololeed waxa uu dhashay sanadkii 1946-tii, waxa uuna waxbarashadiisii ku dhameystay Magaalada Muqdisho, hase yeeshee 1977 ayuu noqday Ganacsade, waxa uuna xiligaasi ahaa nin ka ganacsada xoolaha nool, sidoo kale 1980 waxa uu ka ganacsan jiray qalabka dhismaha, bilowgii 1990 waxa uu Shariif Xasan aasaasay shirkad qandaraasyada ka qaadata Hay’addaha Qaramada Midoobey, waxayna shirkaddaasi hawlaha ugu badan ka qabatay gobolada Bay iyo Bakool xiligaas oo ay ka jirtay abaar aad u balaaran.

Sanadkii 2000 ayuu ku soo biiray siyaasadda waxa uuna ka noqday xubin firfircoon, waxa uuna ka mid noqday xildhibaanadii lagu soo doortay Shirkii Carta, 2004 ayuu waxa uu noqday Guddoomiyihii Baarlamaanka iyadoo wareegii ugu dambeeyey doorashada ay iskula soo hareen ninka haatan baneeyey booska guddoomiyinimada Baalrmaanka Sheekh Aadan Madoobe.

Shariif Xasan mudo kama soo wareegan markii xilka Gudoomiyahanimada Baalrmaanka laga xayuubiyey isla markaana loo dhiibay ninkii uu tartanka kaga guuleystay ee Sheekh Aadan Madoobe, wax waqtiyagu soo socdaba oo waayuhu is bedelaan waxaa suuragal u noqotay Shariif Xasan in uu mar kale la wareego xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo uu musk u tuuro Sheekh Aadan Madoobe, waxayna arrintu hadda mareysaa “Ninba waa markiisee Mus ma kula koray”, inkastoo dadka wax indhadheeye ay hoosta ka xariiqayaan in Sheekh Aadan Madoobe weli uusan harin oo ay far u taagantahay, balse waxaan wada sugnaa waa marka uu Aadan Madoobe oron doono “Ninba waa markiisee Mus ma kula koray”.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Shariif Xasan : Ninba waa markiisee Mus ma kula koray "

  1. Khaliif says:

    Shariif Xassan in loo doorto Guddoomiyaha Barlamaan ku sheeg xal ku keenni maayo, waayo, awalba guddoomiye barlamaan ayuu soo marray murranna wuu kagga teggay, waanna ninkii lahaa “Ciiddamo shisheeye oo aan kalla sooc lahayn ha soo galleen Soomaaliya” maanta oo aan joognanna, waxaan qabbaa innuu af kalle la imman doonno.

    Shariif Xasan xilka loo doortayna ma aha mid qaboojin doonta Barlamaanka kalla fidhidhsan. Gebogebaddiina doorrashada Shariif Xassan waa kanniin xumad-jebin ah oo guuxa ka dhex jirra gollaha laggu qaboojinayo, laakiin illamaha aha in 550 barlamaan oo qol laysugu xarreeyey ay xal keenni karraan.

  2. isku filan says:

    aniga waxaan aamin sanahay shariif xasan inuu yahay nin ka aqli badan waxa dawlada kula jira sababtoo ah waa ninka awooda u helay inuu hadba booskii doono u talaabsado baarlamaan ku sheegana waa kaas kartidiisa ku aamusiyey hadey firibi ku yeeriyeen maanta cahuu siiyey wiil karti leh qori iyo qabiil bey somali baratay

  3. Aniga waxan aminsanahay sharif yada in janis koda la siyo waliba ina c.rishid ay badalan hoshina wata wa gulesan dontan

  4. Runtii aad baan uga naxay markii aan maqlay in shariif xasan loo doortay Guddomiyaha Baarlamaanka waayo waxaan aaminsanahay in uu yahay masuulka ka danbeeya khilaafka u dhexeeya Dawladda dhexe iyo puntland.
    sidoo kale waxa lagu yaqaana shariifka in uu labo u kala jabiyo meel walba oo uu galo ama uu ka mid noqdo.