Home » Warar »

Kumannaan Arday oo wax-ka-barta Jaamacadda Muqdisho oo u fariistay Imtixaankii ugu dambeeyay

Xarumaha Jaamacadda Muqdisho ee Banaadir iyo Boosaaso ayaa waxaa Sabtidii (May 29, 2010) Imtixaankii kama dambeysta ahaa ee Simisterka 2-aad uga furmay Kumamaan Kun oo wax ka barta Jaamacadda.

(DAAWO SAWIRRO ARDAYDA OO IMTIXAANKA KU JIRA)

Madaxa Xafiiska Imtixaanaadka Dr. Maxamed Xasan Nuur oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Xarumaha Jaamacadda ay saakay dhamaantood ka furmeen Imtixaanaadkan oo lagu soo gabgabeynayo sannad waxbarashadeedka 2009/2010.

“Ardayda wax ka barta Jaamacadda waxay u fariisteen Imtixaankii kama dambeysta ahaa kaasoo socon doona 10-casho, waxaana ardaydu ay isugu jiraan kuwo Qalin jabinaaya iyo kuwo waxbarasho kale ay u harsan tahay” ayuu yiri Madaxa Imtixnaadka Jaamacadda Muqdisho.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo ka hadlay Muqdisho ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda ay Imtixaanaadka uga bilowdeen Muqdisho iyo Boosaaso, wuxuuna u rajeeyay guul iyo horumar.

Dufcaddan waa tii tobanaad oo ka qalinjabisa Jaamacadda Muqdisho, iyadoo ardayda Imtixaanka u fadhiya ay isugu jiraan kuwo bartay qaybaha kala duwan ee Cilmiga oo ka kooban 7-kulliyadood iyo 30-taqasus.
Dhanka kale. Qaybta Imtixaanaadka ee Jaamacadda Muqdisho ayaa waxay u diraysaa hambalyo Ardada Jaamacadda Muqdisho heerarkooda kala duwan ee imtixaanaadku u billowdeen, sida: Bachelor, Diplama iyo Master sanad waxbarashadeedka 2009/2010, Imtixaankaas oo si isku mida uga billowday xarumaha Jaamacadda ee Muqdisho iyo Boosaaso.

Qaybta imtixaanaadka ee Jaamacadda Muqdisho waxay ugu hambalyaynaysaa Qoysaska Soomaaliyeed ee u dhabar adaygay wax barista ubadkooda xilligan adag iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee kalsoonida siisay Jaamacadda in sanad waxbarasheedka 2009/2010 uu si guul ah ku soo gabagaboobay.

Dhammaan bahda Jaamacadda: waxay hambalyo diirran u diraysaa Dalladaha Waxbarashada iyo dhammaan Ardayda Soomaaliyeed ee Imtixaanaadka u fariisatay sanad-dugsiyeedka 2009/2010, gaar ahaan Ardada Dhammaysatay Dugsiyada Sare, waxaana ku boorrinaynnaa inay sii wataan waxbarashadooda sare ee Jaamacadeed.

(DAAWO SAWIRRO ARDAYDA OO IMTIXAANKA KU JIRA)

c/naasir yuusuf macalin
qeybta warbaahinta jaamacada muqdisho
muqdisho somalia
cnaasir114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Kumannaan Arday oo wax-ka-barta Jaamacadda Muqdisho oo u fariistay Imtixaankii ugu dambeeyay "

  1. qali says:

    Waxaa cajaaib ah magaalo dagaal ka socdo hadana ardada waxbaranayaan ilaahow dalkeena nabad nooga dhig. Waxaan u hanbalyeynayaa ardada imtixaanka qaadanaya ilaaahay ha idin sahlo hana idinka dhigo kuwii dalkeena iyo dadkeenaba dhibaatada ka bixiya amiiinnnn.