Home » Archive Maalinta May 29th, 2010

Soomaaliya waa iib (3) – Somalia for Sale

May 29, 2010
Hordhac: Sidaan ognahay boobka kajira Soomaaliya waxaa kamid ah: xukuumado lagu soo wada dhisay dibaddaha, ahna ku wada meel gaar. Qormadaan waxaan ku xusi doonaa goob jooge ahaan anoo ahaa, 460 maalmood maxaa u qabsoomay xukuumadda? sidee lagu soo doortay ama lagusoo xulay?, qaabkee u shaqeeyaan wasiirradu? Adigu akhristoow ma rabtaa inaad wasiir noqoto? Maxaa shuruud ah? Qoraalka oo dhamaystiran... 
Halkudheg: , ,

Shir Muqdisho uga socday Odayaasha dhaqanka iyo Culimaa’udiinka oo ay qodobo ka soo bexeen

May 29, 2010
Shir muddo saddex maalmood magalada Muqdisho uga socday Odayaasha dhaqanka iyo Culumaa’udiin Soomaaliyeed ayaa maalintii Khamiistii lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho. Shirkaas oo looga hadlayay xal u helidda mushkiladda Soomaaliya, xoojinta ku dhaqanka shareecada islaamka iyo helidda xoog mideysan oo islaami ah oo socday 25-27/05/2010 ayna ka qeyb galeen Culimaa’udiin, odayaasha dhaqanka,... 
Halkudheg: ,

Itoobiya oo Safaarad ka furatay Garoowe

May 29, 2010
iyo Qurbajooga reer Puntland oo Cambaareeyey Xasuuqii iyo Xadgudubkii Itoobiya ka geysatey Buuhoodle…. Xukuumadda Meles Zenawi ayaa maanta (May 29, 2010) waxay qunsuliyad ka furatay magaalada Garoowe ee caasumadda u ah maamulka goboleedka Puntland. Waxaa furitaankii qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe goob joog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka DGPL Gen. C/samad Cali Shire oo sheegay in qunsuliyaddani... 
Halkudheg:

“Maxkamadda Sare oo baaritaan ku wada Shariif Xasan” Websiteka FKMG:

May 29, 2010
iyo Shariif Axmed oo ka fikiraya soo magcaabidda ra’iisul wasaare… Sidaas waxaa qortay shabakadda rasmiga ah ee DFKMG. Baaritaanka ay wado maxkamadda sare waxa uu kusalaysan yahay Wasiirka Maaliyadda DFKMG  Shariif Xasan oo hadda noqday guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG. Lama oga in Shariif Axmed uu arrintaas ka hadli doono inta uu safark aku marayo Jarmalka iyo Faransiiska oo uu maanta... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...