Home » Warar »

Macaamiil ma u sii ahaan kartaa Website meel uga dhacay Nabigeenna Suuban Muxamed SCW

Quit Facebook Day: Waxaa soo dhow May 31, 2010 oo lagu ballansan yahay maalinta ka tanaasulidda adeegsiga facebook. Sababta ay dad badani u masaxayaan akoonka ay ku leeyihiin Facebook waa mid la xiriirta xagga “privacy” taas oo ah in akoonkaaga wixii aad ku qoratid ee aad ugu talo gashid asxaabtaada ama qaraabadaada ay noqon karaan dad u dhexeeye qofkasta daalacan karo.

Arrintaas waxaa ka sii daran in dalal ka mid ah dunida Islaamka, sida Pakistan, gebi ahaanba laga mamnuucay adeegsiga facebook kaddib markii websitekaas lagu soo bandhigay sawiro xad gudub ku ah rasuulkeena Muxammad (Nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee).

Haddaba adiga wax makuugu sii jiri karaan ama macaamiil ma ka sii ahaan kartaa website ku xad gudbay Rasuulka Muxamed (SCW)… Sida looga baxo ama loo masaxo akoonka aad ku leedahay Facebook eeg  http://www.quitfacebookday.com/ (sidoo kale waxaad http://www.bing.com/ ka baari kartaa kelmedaha “Delete Facebook” iwm)


Wadanka Pakistan ayaa Xanibey gelitaanka Facebook iyo Youtube Meel uga dhaca Nabigeena Suuban darteed!

May 20, 2010: Pakistan ayaa Xirtey/xayirtey/xanibtey maalintii Talaadada aheyd Website-ka caanka ah ee Video-yada lagu wadaago ee YOUTUBE si Mas’uuliyiinta wadanka Pakistan u xakameeyaan Tartan-Sawireed lagu sawirayey Nabigeena Suuban (Nabadgalyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee) Shabakadahaasna lagu faafiyey/baahiyey, taasoo ah meel ka dhac tii ugu weyneyd, kuna ah Nabigeena iyo dhamaan Ummada Islaamka meelkasta oo eey joogaanba.

Xayiraada ayaa waxeey timid Saacado uun kadib markii Mas’uuliyiinta Hey’ada Xiriirka ee wadanka Pakistan ee English-ka lagu yiraahdo: Pakistan Telecommunication Authority (PTA) eey Amar kusiiyeen shirkadaha bixiya adeegyada Internetka (Internet Service Providers) ee loo soo gaabiyo “ISPs” in eey gabi ahaanba joojiyaan waliba waqti aan dhamaad laheyn ama aan go’neyn (Indefinite) Shabako-Bulsheedka FACEBOOK maalintii Arbacada aheyd, sababta oo ah qabashada lagu qabtey Shabakadaas Tartan lagu sawirayo Nabigeena Suuban (Nabadgalyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee) taasoo gabi ahaanba ka hor imaaneeysa, meel ka dhacna ku ah Xuquuqda Insaanka ee Asaasiga ah ee “Xushmeeynta qofka Diintiisa”.

Wajaah-ul-Siraaj oo ah madaxa shirkada Nayatel oo ah shirkad bixisa adeega Internetka ayaa yiri “Madaxda PTA waxeey Amar “Degdeg” ah inagu siiyeen in aan gabi ahaanba Xanibno YOUTUBE. Waxeey aheyd Amar aad Xasaasi u ah oo aad loo adkeeyey, waliba waxeey rabeen in aan si dhaqso ah u sameeyno oo waliba aan ogeysiino Xanibaada marka aan sameyno kadib”

Sidan oo kale ayaa Shabakada YOUTUBE laga xanibey wadamada Islaamka  taasoo sabab looga dhigey iyadoo Shabakada YOUTUBE eey ka buuxeen Video-yo lagu tilmaamey “kuwo Islaamka kaso horjeeda”

Nin Madax ah oo ka tirsan Hey’ada PTA kaasoo codsadey in aan magaciisa la faafinin/baahin ayaa wuxuu yiri “Waxaa Amarka Xiritaanka YOUTUBE la bixiyey kadib markii walxo meel ka dhac ku ah Nabigeena Suuban (Nabadgalyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee) kuwaasoo hore loosoo galiyey FACEBOOK loo wareejiyey YOUTUBE-KA kadib markii la xirey facebook-ga”

Siraaj oo hadalkiisii sii wata ayaa yiri “Xanibaada/Xayiraada lagu sameeyey labada Shabakadood ee FACEBOOK IYO YOUTUBE waxeey dhimeeysaa 25% (Boqolkiiba labaatan iyo Shan) guud ahaan galitaanka Internetka ee wadanka Pakistan.

Wuxuu yiri“ Waxeey saameeyn ku yeelaneeysaa guud ahaan Isticmaalka Intenetka maadaama eey labadooda oo kaliya ay qaadanayeen 20% illaa 25% oo ka mid ah gelitaanka Internetka (over all traffic) ee wadanka oo idil oo ah 65 Giga Bytes.

Sidan oo kale Daabicitaankii Sawiro-Gacmeedyadii eey sameysey Jaraa’idkii Danish-ka aheyd sanadkii 2005, ayaa wadamada muslimiinta ka kicisey Mudaharaadyo aad u xooganaa. Waxaa ku dhintey 50-qof Mudaxaraadyo qalalaase watey oo iyana dhacay 2006-dii kana dhacay wadamada Muslimiinta. 5 ka mid ah dadka dhintey waxeey ku dhinteen wadanka Pakistan.

Urur-weynaha Al-Qaacida ayaa sidookale sheegtey in uu mas’uul ka ahaa Qarax Ismiidaamin ahaa oo Baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa lagaliyey/lagu qarxiyey Safaarada Denmark eey ku leedahay Caasimada wadanka Pakistan sanadku markuu ahaa 2008-dii, halkaas oo eey ku dhinteen/nafwaayeen 6-qofood iyadoo Al-Qaacida eey sheegatey in eey “Aargudsi” u aheyd Daabacaadii Sawir-Gacmeedyadii Nabageena Suuban (Nabadgalyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee) lagu Caaynayey. Waa yaabe! Maxaa u haray Ummada? Hadase Maxaa la gudboon?

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”
abdulkadirphd@hotmail.com
Kuala Lumpur-Malaysia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Macaamiil ma u sii ahaan kartaa Website meel uga dhacay Nabigeenna Suuban Muxamed SCW "

  1. Maxamed says:

    Tips to Delete Facebook: Qaabka Tirtiradda Facebook

    Allaah dartii wax aad u nacdo ayaa ugu kheyr badan

    Si aad u tirto facebook oo idil oo uusan dib danbe kuugu soo laaban gal link-gaa:
    http://www.facebook.com/help/contact.php?show_form=delete_account
    Kadibna “Submit” ku dhufo.
    24 maalin ayuu qaadanayaa si uu u tirtirmo ee hagalin 14 maalin. Haddii aad gasho dib ayuu isku furayaa.

    Allaah dartiis isaga ilaali 2 isbuuc inaad facebook gasho kadibna wuu tirtirmayaa insha Allah.

  2. Odey biiqe says:

    waa runtaa JAZAKA ALLAHU KHEYR ma haanyno macmiil
    tan kale no-pravicy miyaa sxb wax kasta waa la arkayaa miyaa

  3. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Jawaabtaydu waa MAYA,

    ALLAA MAHADLEH

  4. Massago says:

    A/C
    Maaandheeskoow meel kasto ood ka joogtiiin dunida. Tan kale Nabad galayo iyo naxariis Nabi Moxamed Korkiisa Alaha yeeelo Alaha naga aqbalo
    halahaaas kadib horta arintaaan ma,ahin mid lagu farxo balse in F,boog looga guuro wax macno ah ay soo kordhee maleh maxaa yelay Nabiga scw meelaha lagu caayay ma,ahin f,booga oo kaliya wadama badan oo kamid ah dunida daafaheeda aalagu caayay ee malaga guraa kuwaas ayukana? Tan kale waxaala dhahay doqonta usha dhulka ugu dhufo miney gara weeysana iida ku dhufo muga Gaaladu waa noo dan lee yihiin ee amaaan fadhiga ka kaceeynaaa ?

  5. kaka says:

    waa in dowladaha kalena ay ku daydaan

  6. asc

    waxaa arin aad iyo aad looga cadhoodo ah in nabigeeni suubana ‘slcws’ laga been sheego.
    hadaba aniga waxay ila qurux badan talaabada ay ku xanibtay labada website.waxaanan ku talin laha ha la xanibo wixii ku kaca arintaas oo kale