Home » Warar »

Shariif Xasan oo Noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka xukuumadda Shariif Axmed

Baarlamaanka Dawladda Federaalka kumeelgaarka ayaa maanta Jimce (May 28, 2010) waxaa guddoomiye u noqday Shariif Xasan oo dhawaan iska casilay wasiirka maaliyadda DFKMG. Waxaana madasha cod bixinta joogey 388 xildhibaan

Doorashada ayaa wareegii koowaad waxaa u tartamay 5 musharax, waxaa codadka ugu badan helay Shaariif xasan (217 cod) iyo Cabdi Xaashi C/lahi  oo helay (143 cod).

Saddexda musharax ee kale ayaa wareegii 1aad heley: Cabdikaafi Macallin Xasan oo helay 12 cod, iyo Axmed  C/laahi  Sheikh oo helay 12 cod iyo C/laahi Sheikh Ismaaciil oo helay 2 cod. Waxaana khasaaray 4 cod.

Laakiin markii loo gudbey wareegii 2aad intii aan codka la qaadin ayaa la sheegay in Cabdi Xaashi uu iska tanaasulay, sidaasna uu Shariif Xasan ku noqday guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa laga weriyey in uu ku eedeeyey xildhibaanda codkooda siiyey Shariif Xasan in aysan rabin dalkaani in wax loo qabtaan, wuxuuna hadalkiisa ku darey isaga oo si caro leh u yiri hadii aad Shariifka codkiina siiseen (wareegga 1aad) anna waa ka tanaasuley wareeg danbena la gali maayo.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxa uu yiri “Baarlamaanka Sharafta leh waxaan u sheegayaa anigu wixii aan qaban lahaa haddii la i doorto waan soo bandhigay, waxaana rabey in aan ummaada Soomaaliyeed u adeego, laakiin halkan waxaa ka soo baxday dareen aad iyo aad u cajaa’ib badan, oo aad mooddo in baarlamaankani uunan rabin ummadda in uu dhibaatada ka saaro.. ….  war waxaad doontaan dhaha, waxaad doontaan dhaha, ama buuqa ama ha buuqina aniga damiirkaygu wuu buuxaa waana soo bandhigay.” Halkan ka dhegeyso Hadalkaas iyo Dhaartii.

    Isla durbadiiba waxaa goobta lagu dhaariyey Shariif Xasan, waxana uu sidaas ku noqday guddoomiyaha baarlamaanka xukuumadda Shariif Axmed, isagoo hore usoo noqday guddoomiyaha baarlamaanka ee xukuumaddii C/laahi Yuusuf, laakiin markii dambe baarlamaankii baydhabo uu xilkaas ka xayuubiyey kaddib markii uu xukuumaddaas maasheegeyey khilaaf.

    Idaacadda wararka u tebisa boqortooyada Ingiriiska ee British Broadcasting Corporation oo faallo ka bixisay doorashada Shariif Xasan ayaa qortay sidan: “Shariif Xasan waxay wax badan wadaagaan Madaxweynaha Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Ma aha in ay isku magac yihiin oo keliya ayna koofiyado isu ay eg qaataan. Badiyaa kuma kala haraan saffarada dibadda iyo weliba qaabbilaadda madaxda shisheeyaha. Waxay wada deggan yihiin Madaxtooyada.Ilaa iyo hadda waxay ahaayeen xulufo wadaag aad isugu dhow,” BBC.

    Faallooyin kale oo arrintaas u dhigma ayaa tibaaxay in ay meesha ka baxday xisaabtam lala galo xukuumadda maadaama ay isku milmeen xukuumadda iyo baarlamaanka labada shariif.

    Halkan ka daawo sawirada maanta

    Baarlamaanka iyo Xukuumadda FKMG…

    Baarlamaanka Federaalka ee KMG waxaa markiisii hore lagu soo dhisay shir muddo ka socdey Eldoret/Nairobi, waxaa xilligaas tiradoodu waxay ahayd 275 xildhibaan, August 22, 2004 ayaa baarlamaankaas lagu dhaariyey Nairobi, waxayna xildhibaanadaasi Sept 15, 2004 guddoomiye u doorteen Shariif Xasan Sheikh Aadan.

    Kulamadii ugu horeeyey ee baarlamaanka DFKMG oo ku shiray Nairobi waxay isla dhaceen feer iyo kuraas, arrintaas oo salka ku haysay in ciidamada la keenayo dalka aysan ka mid noqon kuwa safka hore (dalalka deriska la ah Soomaaliya).

    Baarlamaanku markii uu u guuray Baydhabo ayaa markale la soo abaabulay sidii cod loogu qaadi lahaa in ciidamada safka hore la keeno Soomaaliya arrintaas oo ay shacabka Soomaaliyeed aad uga soo hor jeedeeen. Baarlamaankii Baydhabo si xeeladaysan ayey ugu codeeyeen in arrintaas la ansixiyo.

    14kii Juune 2006 ayaa Shariif Xasan Sh. Aadan oo ahaa guddoomiyaha baarlamaanka FKMG waxa uu qalinka ku duugey in Soomaaliya ay imaan karaan ciidamada “safka hore” ay ka mid tahay Itoobiya oo dhul Soomaaliyeed  gumaystada ay soo geli karaan Soomaaliya.

    December 28, 2006 ayaa Maxkamadahii Islaamiga ka Baxeen Muqdisho kaddib markii Itoobiyaanku kaabiga u yimaadeen, waxaana aarrintaas shaaca ka qaaday Sh. Shariif Sh. Axmed oo xilligaas ka mid ahaa hoggaanka maxkamadahii oo telefoon kula hadlay Telefishanka Al Jazeera, oo yiri: “Waxan magaalada Muqdisho kasaarnay dhammaan hoggaankanagii iyo xubnihii ka hawl gelayey.”

    Sidaas ayaa Muqdisho waxaa ku galay ciidamada gumaysiga Itoobiya ayagoo ku doodayay in ay haystaan saxiixa guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG.

    Warqaddii uu saxiixay Shariif Xasan waa tan.

    January 17, 2007 ayaa Baarlamaanka Baydhabo ee DFKMG waxay yeesheen kulan ay soo xaadireen 192 xildhibaan waxaa 183 ka mid ahi ay kalsoonida kala laabteen gudoomiyahii baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, halka 9 ka mid ah xildhibaanadu ay arrintaas diideen, waxaana kulankaas shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore. Laakiin Shariif Xasan Sh. Aadan arrintaas ganafka ayuu ku dhuftay isagoo diidey go’aankaas baarlamaanku aqlabiyadda xilka kaga xayuubiyeen.

    Waxaa markaas guddoomiye baarlamaan loo doortay Sheikh Aadan Madoobe.

    Januray 28, 2009 ayaa magaalada Jabuuti waxaa lagu kordhiyey tiradii xildhibaanada DFKMG ayadoo la isku daray xildhibaanadii hore (275) iyo 275 xildhibaan oo lagu soo kordhiyey, kuwaas oo ka socdey Isbahaysigii “ARS”, sidaasna tiradii xildhibaanada laga dhigay 550 xildhibaan.

    Baarlamaanku waxa uu u guuray Muqdisho. Guddoomiye waxaa sii ahaa Sheikh Aadan Madoobe. Waxyaabahii ugu weynaa ee soo wajahay baarlamaanka Muqdisho waxaa ka mid ahaa in ay ka hor tageen heshiis ay xukuumaddu la soo gashay Kenya oo ku saabsanaa badda Soomaaliya. Augoosto 1, 2009 ayaa baarlamaanku si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in heshiiskaasi uu ahaa waxba kama jiraan. Markii dambe qaramadda midoobay waxay aqbashay go’aankaas baarlamaanka, heshiiskaasna ka dhigtay mid aan la cuskan karin oo ah NULL & VOID.

    Sheikh Aadan Madoobe inkasta oo uu muddo ka cagajiidey in uu cod u qaado heshiiska Is-afgarad, laakiin markii dambe baarlamaanka ayaa cadaaddis ku saaray in uu cod u qaado. Kulankaas ayaa baarlamaanku ku xirmay ilaa laga soo gaarayey bartamihii bishan May 2010, markaas oo kulankii xigey ay baarlamaanku yeesheen oo la sheegay in xilkii ay ka qaadeen Aaden Madoobe.

    Sheikh Aadan Madoobe waxa uu  sheegay in uu iskiis isu casilay May 16, 2010. Arrintaas oo ay ka horeysay in  guddoomiyahu uu sheegay in la kala diray xukuumaddii Cumar C/rashiid, ra’iisul wasaaraha DFKMG uu arrintaas diidey. Waxaa ku xigey in Sheikh Shariif sheegay in xukuumaddii la kala diray oo uu soo magacaabi doono ra’iisul wasaare, arrintaas oo Cumar C/rashiid uu ku gacan sayray. Waxaa durbadiiba go’aankaas Sheikh Shariif ku taageeray Walad Cabdalla oo isla markaas kula taliyey Sheikh Aadan madoobe in uu ku soo biiro golaha wasiirada ee la magcaabi doono. Laakiin markii Cumar C/rashiid sheegay in madaxweynahu uusan sharci u haysan uu xilka kaga qaadoo ayaa  Sheikh Shariif ka laabtay go’aankaas in xukuumadda la kala diray (inkasta oo wararka soo baxay aay sheegayaan in khilaafkaasi aan la xallin).

    Waxaa jira warar kale oo laga helayo ila wargal ah oo tibaaxaya in xukuumadda DFKMG ee Sheikh Shariif aysan ka quusan in ay meel mariso heshiiskii ay la gashay Kenya, sida keliya oo arrintaas ay ugu suurta galaysaana ay rumaysan yihiin in ay tahay in baarlamaanka loo doorto guddoomiye arrintaas hirgelinaya. Waxaa xusid mudan in Wasiirka Xannaanada Xoolaha DFKMGuu shirkii Istanbul (May 21-23, 2010) ka sheegay  sidan: “Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika (3333) km, sidaas daraadeed waxay leedahay aag ganacsi oo aad muhiim ugu ah” laakiin aan cabirnayn (Waa Aagga Ganacsiga badaha ee loo yaqaan Exclusive Zone (EEZ)) – Wasiirku waxa uu hadalka ku xoojiyey “Aaggaas EEZ (ee badda Soomaaliya) looma cabirin si rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha Adduunka ee QM.”

    Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa goob joog ahaa Nairobi markii heshiiskii is afgarad ee badda lagu saxiixay Nairobi. Waxaana jira Mooshin yaaley baarlamaanka oo la doonayey in lala xisaabtamo ciddii ka dambaysay heshiiskii baylahda lagu gelinayey badda Soomaaliya, lana hor keeno sharciga.

    Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

    ________
    . Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

    6 Jawaabood " Shariif Xasan oo Noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka xukuumadda Shariif Axmed "

    1. shantalay says:

      yaa salaam sharif xsan shekh aadan wuu u qalma guddoomiyaha baarlamaanka waa nin wax garad ah aniga waxxaaba jeclaan lahaa inuu noqdo madaxaweynaha somalia insha allaah waan rajeeynaynaa inuu noqdo

    2. abdirisaq says:

      Haddaan ilaahay ka baqo,
      Shariif Xasan eedeyn maayo qof xun iyo mid fiican kuu yahayba.
      Waxaan eedeynayaa xildhibaannada dab ku dhaca aad mooddo oo marna ku leh ninkaan waa khaain halala xisaabtamo marna codka ugu wada shubaaya.
      Aniga kol haddaan la i lahayn gacanta taag,soo xaq uma lihi haddaan xildhibaan ahay inta xoolaha dawladda ee la igu laaluushaayo xagga marsado oo ka xayuubsado qofka i laaluushaya inaan principle ama mabda raaco oo qof dalka iyo dadka wax u taraya doorto.

      Haddi laaluush ama lacag la isticmaalay laaluush hal qof ma sameeyo ee waa in la bixiyaa lana qaataa.Kan haddaba dalkiisi ku gatey xoogaa shilimo ah yuu eedayn doonaa markey berri wax khaldamaan. Yaase warkiisa dambe dhegeysan doona
      Doorashadii waa dhacday Shariif Xasanna haddu xataa laba gees lasoo boxo waa Guddomiyaha Baarlamaanka Somaliya khalad iyo sax wuxuu la yimaadana waxaa masuul ka ah 217ki xil dhibaan ee codka siisay.
      Hadda waxa harey waa nadaamka kal dambeynta iyo nabad gelyada dadka inaan wax loo dhimin cid walibana codkaas ku qanacdo ilaa doorasho kale la gaaro. Dhammaan xildhibaannada iyo musharraxiinti kalena ay ku midoobaan codka mesha ay u badiyeen maanta wixi ka dambeeyna hawshiisa aan laga carqaladeyn.Haddi xisaabtan maaliyadeed iyo hanti lunsi jiro hayadaha hanti dhawrkaa ku shaqo leh iyo xeer ilaalinta iyo booliska iyo maxakamadahaa iska leh.

    3. Nin Somaali ahaa baa horey ugu maahmaahay biyahaan horaantoodii Casaankooda(guduudkooda) ka yaabay gadaal waxay ka noqon donaan baan ka sii yaabanahay. Barlamaankan maanta Shariif xasan doortay gadaashoodu waxay noqondoonto baan ka sii yaabanahay

    4. Yusuf says:

      Si kastaba ha ahaatee, waxaan ku faraxsanahay hal qodob waxaaanna ka naxsanahay hal qodob.
      Waxaan ku faraxsnahay laga soo bilaabo burburkii Somaliya waa markii ugu horreysay oo doorasho barlaamaan ah ka dhacdo Muqdisho, waxaan isku qancin karaa wax baa soo hagaagaya, inkastoo ilaalada goobtu ay tahay ajnebi.
      Waxaan ka naxsanahay Kudkii (cudurkii) qaranka wax ka dilay oo kabo loo tolay,,maantana muxuu samayn doonaa, shalay waaba la ogaaye…malaha tan danbe ee uu soo wado ayaa ka darraan doonrta……..Ilaahow naga badbaadi jalaafadiisa aan naxariista lahayn….. bal aan eegno haddaan aad ugu qaylino in uu xishoodo ayaa laga yaabaa….laakiin waxaa ugu daran kuwa u ansixiyey kii cadowga u dhiibi laahaa !!! haddii cirka, dhulka iyo badda loo gado kuma qancayo… waa yaab !!!!

    5. Indheergarad says:

      Nin adunyo nolow maxa aragti ku laaban ma tahay wax sax ah allaylahe wa maya

    6. alaso says:

      nin dooran doorta xaw dhahdeen dadka se xaw dambaajisee