Home » Maqaallo »

Baabi’inta reer Buuhoodle iyo burburkii loo geestay reer samaroon la illoobi maayo

Dulmiga loo geesanayo dadweynaha iyo taariikhda ummadda oo la dafirayo noqon meyso wax qarsoomi kara oo dalka ka qarsoomi kara dadkana ka qarsoomi kara,dhaqanka madaxda daalumiinta ah iyo danaystayaasha ee reer waqooyi galbeed uma wada dhammee waxaa manhaj iyo mabda’ba u ah cabburid dadweyne iyo la heshiin cadowga islaamka ee Israa’iil iyo cadowga ummdda Soomaaliyeed ee Itoobiya.
Si qofka daalumka ahi u soo baxo danahiisana ka horumariyo danaha dadkiisa iyo dalkiisaba wuxuu maciin ka raadsada dad aan dadka u naxaynin dalkana aan u naxaynin,hayeeshe danahiisa iyo danaha reerkiisa u ilaalinayaan,waxaanan weli illintii reer samaroon ka khalalin markii carruurtooda iyo haweenkooda lagu duqaynayay dayaaradihii cadowga shacabka Somaaliyeed ee Itoobiya, waxaynan shacabka reer waqooyi galbeed illoobeynin heshiiskii Israa’iil lala galay oo cadowga islaamka ah gacantana loo gelinaayay dekada Berbera si ay danahooda ugu fushadaan,waxaynan shacabka reer waqooyi galbeed illoobaynin xukunkii maamulkooda oo gacanta loo geliyay hal qoys raggooduna ku dardaarmay in xukunka loo daayo hal qosy sidii Soomaalinimda halkaasi loogu bireeyo ama loogu gowraco lagana maqal wax Soomali la yiraahdo.

Hayeeshe waxaa is weydiin mudan,maxaa loogu soo ganbanaya magaca Soomaali oo loo leeyahay Somaliland? Mar haddii aan Soomaalinimo la rabin cadowga Soomaaliyana saaxiib laga dhigtay,maxaase loogu soo ganbanaya magaca Allah,mar haddii lala saaxiibay cadowga Allah ee Israa’iil, waxaa markaasi shaaca ka qaadmaysa oo si caddaan ah u soo if baxaysa wixii warbaahinta iyo shacabka laga qarinaayay oo ahayd in jamhuuriyadda Somaliland magaceeda laga dhigo jamhuuriyadda Isxaaq Itoobiyana u faraxdo Israa’iilna u dabbaaldegto.

Waxaa mahad iska leh Allah subxaanahu watacaala oo maanta inoo fududeeyay garashana noo yeelay dadkiina ay ku baraarugeen nacaybka cadowga islaamka ee Israa’iil iyo nacaybka cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Itoobiya,waxaana gudaha iyo dibeddaba u soo if baxeen lagana aasaasay ururo xanbaarasan magaca Soomaaliya iyo Soomaalinimo.

Maxaa ku khasbay reer waqooyi galbeed in xilligan ay burburiyaan baaba’na u geestaan reer Laascaanood ? Ma hadalkii yaraa ee Saado Cali Warsame baa murugo iyo ciil ku reebtay kaasoo reer Laascaanood ku tiri: licimeyside lixdankii joog,libaax wuu imaan,libta qaadee,Leegadii baad ku lammaanayd,looxa diintiyo,loolankii hore,waa laguu qiray,,libdhileyside Laascaanood,LABO MA’HAN WADDANKEENU, shakina kuma jiro is kaba daa reer Laascaanoodee balase maalaayin Soomaali ah Soomaalinimona ay ku jirto ay heestaasi u riyaaqeen shucuurtooduna ay kicisay,iyagoo ka dhadhansady Soomaalinimo iyo midnimo,marka ulajeeddada reer waqooyi galbeed ay ku weerareen reer Buuhoodle iyo reer widh-widh ma’ahan oo keliya hal reer balse ay tahay baaba’in Soomaali weyn iyo Soomaalinimo.

Madaxda danaystayaasha ee waqooyi galbeed waxay u horseedeen kala go’a Soomaaliya,waxayna imminka doonayaan in ay baabi’iyaan dabadeedna caydh ka dhigaan reer Laascaanood oo iyagu waxba galabsan, waxa ka carasiiyayna waa reer Laascaanood oo weli daarahooda ka babbanaya calankii baluuga ee midnimada Soomaaliya,calankaasoo dhiig badan loo soo daadiyay.

Waxaan ummadda Laascaanood u soo jeedinaynaa ku jooga midnimada Allahaa iyo midnimada Soomaaliweyn,Iinsha Allaah guusha iyaga ayay raaci garabna Allaah ayay ka heli doonaan, dambiilayaasha waqooyi galbeed amxaaro u soo kaxaystayaasha meel xun ayay ku dambeyn doonaan.

Fawsiya Diiriye
fowsiya@live.nl
Buuhoodle.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.