Home » Warar »

Wararkii ugu dambeeyey dagaalada ka socda Muqdisho

 – iyo Shirkii Istanbul oo ay Dowladda FKMG ka heshay taageera afka ah
– Buundadii Liiqliiqato ee Baladweyne oo burburtay ayadoo uu dulmarayey Gaari weyn oo siday Cusbo

Wararka dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho

Iyadoo mudo saddex maalmood ah ay dagaalo ka socdeen qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Shibis, Boondhere iyo Cabdicasiis ayaa haddana wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in saakay uu dhacay dagaal aad u culus kaas oo ka dhacay goobihii ay isaga soo horjeedeen labad dhinaca ee Dowladda Federaalka iyo Xoogagga ka soo horjeeda, waxayna dagaaladaani sababeen dhimashada dad badan iyo dhaawaca kuwo kale.

Dagaalkaan ayaa waxaa la sheegay in ciidamada Dowladda FKMG ay baneeyeen goobo ay horey ugu sugnaayeen ee ku yaala degmooyinka Shibis, Cabdicasiis iyo Boondheere hase yeeshee waxaa la sheegay in ciidamada Dowladda FKMG ay gacan ka heleen ciidamada AMISOM ee ku sugan Bankigii hore ee ganacsiga, waxaana lagu waramay in ciidamada AMISOM ay dagaal qaraar la galeen Xarakada Alshabaab, iyadoo afhayeenka Xarakada Alshabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) uu sheegay in ay ka gubeen Hal Taangi ciidamada AMISOM kadib markii uu sheegay in lagu dhiftay Qorey magaciisa lagu sheegay Iiraan.

Afhayeenku waxa uu sheegay in maalmaha soo socda ay gaari doonaan goobo kale oo ku yaala Waqooyiga Muqdisho, waxayna dagaaladaan ku soo beegmeen xili Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka qaybgalayo shirkii Istanbuul halkaas oo ay Dowladdu ka heshay ballanqaadyo aad u balaaran (Warka istanbul hoos ka akhri).

Dagaalkaan ayaa waxa uu sababay Barakac cusub oo aad u baahsan kadib markii dadkii ku harsanaa degmooyinkaasi ay ka carareen dagaalada soo cusboonaday, waxaana magaalada lagu arkayaa Gawaari daabulaya dadkaasi oo raadsanaya goobo ay kaga nabad galaan xabadda, dhinaca kale dagaal ayaa isna saakay ka dhacay halka ay isku hor fadhiyaan dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda iyo Ahlusunna Waljameeca, taasina waxay keentay in Ciidamada AMISOM Madaafiic la dhacaan Suuqa Bakaaraha oo ay ku dhinteen dad fara badan ayna ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.

Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

———-

Qarammada Midoobay oo ka jawaabi la’ go’aankii Walada Cabdalla ku taageeray Xil ka qaadistii Cumar C/rashiid: Daawo Video


May 18, 2010: Mr. Lee (midig) oo ka socda Inner City Press oo su’aalo weydiiyey Martin Nesirky (bidix) oo ah afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM, su’aalahaas oo ku saabsan Walad Cabdalla oo Sheikh Shariif ku taageeray casilaadii Cumar C/rashiid, taas oo QM ay ka jawaabi la’adahay iyo weliba in 300 oo xildhibaan dalbadeen in Walad Cabdalle la casilo: Daawo Video

Sidoo kale Akhri: On Somalia, UN Ban’s Ould Abdallah “Takes All the Money,” Bumbles in Politics

———-

Shirkii Istanbul oo ay Dowladda FKMG ka heshay taageera afka ah

Waxaa magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga lagu soo gebagabeeyey shirkii looga hadlayey arrimaha soomaaliya oo ka qaybgaleen Qaramada Midoobey, Midfowga Afrika, Midowga Yurub, Jaamacada Carabta iyo Ururka Islaamka, waxaana shirkaasi labadii maalmood ee uu socday khudbad dheer ka jeediyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheikh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in beesha caalamka ay dowladda federaalka uga fadhido taageere buuxda oo dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda iyo milatariga.

“Haddii aan si wadajir ah uga hortagin kooxaha ka soo horjeeda Dowlada, dhibaatadu caalamka oo dhan ayay saameyneysa” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in Dowladda Federaalka ay leedahay ciidamo ka kooban dhowr kun oo askari, todobo ka mid ah ahna ay yihiin ciidamo Booliis ah halka toban kalana ay yihiin Milatari isagoo sheegay in ciidamadaasi u baahan yihiin taageere dhaqaale, waxaa kale oo intaa sii raaciyey “Shirkii Burusalis waxaa dowladda soo gaaray dhaqaalihii loo ballanqaaday saddex meelmood markii loo qaybiyo hal meel oo keliya,

Ban ki Mon oo ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka codsadey dowladihii ka qaybgaley kulankaas lacag gaareysa Hal Bilyan iyo Afar Boqol oo Milyan oo uu sheegay in wax loogu qabanayo arimaha Nabadgelyada iyo Dib u heshiisiinta hase yeeshee dadka qaar ayaa u qaatey hadalkaa in uu yahay Qawda Ma Qashii waxna ha u qaban waayo mid hore ee la balan qaadey bay dowladu la’ dahay

Dowladihii ka qaybglaay shirka Istanbuul waxay ballanqaadeen in ay taageere buuxda siin doonaan Dowladda Federaalka, hase yeeshee aqoonyahno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxay sheegeen in beesha caalamka aysan diyaar u aheyn in ay gacan buuxda siiso Dowladda Federaalka, arinkoodu uu yahay mid ku kooban Afka oo kaliya waxay kaloo ay sheegeen dhamaan dowladihii ka qaybgaley kulankaas waxay ku hadleen hadalo macmacaan

Buundadii Liiqliiqato ee Baladweyne oo gebi ahaanba burburtay

Wararka ka imaanaya degmada Baladweyne waxay sheegayaan in xalay fiidkii Buundadii Liiqliiqato ee Baladweyne ay gebi ahaanba duntay kadib markii ay ka soo ruqday tiirarkii ay ku taagneed.

Markii ay dumeysay Buundada ayaa waxaa dulmarayey Gaari weyn oo siday Cusbo waxaana la sheegay in Gaariga dhowr qofood oo saarneed ay iyana halkaasi ku geeriyoodeen, waxaa kale oo lagu waramay in dad kale oo iyana daba socday Gaariga oo doonayey in ay ka gudbaan Buundada ay halkaasi ku dhinteen.

Buundadaan ayaa waxaa la dhisay 1974tii kadib markii buundo ka sameysneyd Alwaax oo ay dadka keliya mari jireen iyana ay go’day, waxaana ku dhintay dhowr qofood, waxaana mudo dadweynuhu ku gudbi jireen Doomo labada dhinac ka shaqeyn jiray, hase yeeshee Dowladdii xiligaas jirtay ayaa markiiba waxay keentay Buundo ka sameysan Biro, taas oo saamaxday in dadka iyo Gawaarida ay maraan.

Sababaha ay u burburtay buundadaan ayaa lagu waramay in ay tahay iyadoo biyo ay galeen Tirarkii ay ku taagneed buundadaasi waxayna taasi keentay in ay soo dunto, waxaana lagu waramay in buundadaasi ay ahayd mid muhiim u ahayd daweynaha iyo Ganacsiga, waxaana looga gudbi jiray dhinaca galbeed, hase yeeshee waxaa la filayaa in dadka doonaya in ay u gudbaan dhinaca kale.

Waxaa adkaaneysa in buundadaasi dib loo dhiso waayo ma jirto cid xiligaan diyaar u ah in ay dhisto buundadaasi oo jirtay mudo 36 sano a, iyadoo Magaalada Baladweyne ay lahayd marka laga reebo buundadaan mid kale oo lagu magacaabo Buundo-weyn, hase yeeshee waxaa lagu waramayaa in buundadaasi iyana ay gabowday, waxaana laga joojiyey in ay maraan gawaarida waaweyn, dadka doonaya in ay u gudbaan Galbeedka Baladweyne ay mari karaan Buunda weyn inkastoo ay tahay safar dheere

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.