Home » Warar »

Q. 2-aad: Warbixintii Dastuurka Jabuuti loogu samaynayo DFKMG

Warbixintii Gudiga Dastuurka Waa Loo Heesay….

Akh-ristoow inta aynaan qaybteena labaad u gudbin hadii aan taariikhda shirkii dibu heshiisiinta lagu qabtey dalka Jabuuti wax yar aan dib u eego, tan iyo xiligii lagu dhawaaqey shirka dibu-heshiisiinta Soomaalida in lagu qabto dalka Jabuuti 2008-kii, waxaa indhahaygu qabanayeen muuqaalo layaab leh oo shirkasta iyo siminaar kasta oo ay leedahay TFG iyo ARS-ta bar bar socday, islamarkaana eeganaya qaabka ay wax u socdaan, hadana wata magaca Soomaali oo qaarkood sheegaya in Soomaaliya inteeda kale ay ka madax banaann yihiin sida Somaliland, sidoo kale waxaa taa mid ka daran ah maamulka Puntland oo xubno isaga matela ku leh TFG oo hadana garab boodaya xubnihii kale oo isla goobta ku mucaaradaya shirka, halka maalmo kadib arintii oo waji kale leh ay ka hadlaan maamulka Somaliland, waa yaab!!.

Puntland marna wey mucaaradaysay shirka ama dowlada TFG, marna heshiis iyaga u gaar ah ayey doonayeen in lala galo, walina wey wadaan, waxaa kale oo intaa dheer Ganacsato Soomaaliyeed oo waaweyn oo iyaguna shirka quudareynayey iyo dad ka abuurmey dalka dibadiisa mudadii dowlad la’aanta oo xambaarsan dano badan oo is-diidan, kana yimid dalka dibadiisa sida Qurbo joogta, dhamaan arimhaas aan soo sheegey marka la isku daro koox kasta marka ay danaheeda ka weydo Soomaaliya, mid kasta halka ay joogto ayey mucaaradad xoog badan ka bilaabeysaa, iyadoo aan la gaarin kuwii shirayey ama hawlaha maamulka wax ka wadey waa yaab kale!!.

Anigoo la yaaban kuwii hore u dhacey , islamarkaana aan jawaab u helin ayaa goobta xaflada gudiga dastuurka lagu soo gebagebeynayey Habeenkaas, waxaa si gooni gooni u yimid xubno ka socdey Putland iyo Somaliland. Inkastoo aan hore u la socdey maamulka Puntland in ay ka soo horjeedaan ku dhawaaqista xarunta KMG ee gudiga dastuur qorista in ay noqoto dalka Jabuuti, Xubnahan Puntland ee yimid goobta waxay ahaayeen kuwo u socdey indha indhayn, balse qaarkood waxaa ka soo bax baxsanayey hadalo muujinaya diidmada ku jirta.

Anigoo kuwaa la yaaban, ayaa markii aan soo dhameytey hawlahayga, waxay indhahaygu qabteen xubno ka tirsan Xizbiyada mucaaradka Somaliland oo u isii gudbaya Hoteelka, markii aan ka soo baxay albaabka ugu dambeeya ee Hoolka soo dhaweynta Hoteelka, anigu hore uma kulmin mana la sheekeysan, xubin ka tirsan xizbiyada mucaaradka maamulka Somaliland, balse markaan eegey isla egyada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, waxaa ii soo baxdey in caqabadaha jira ay yihiin wax la wada ogyahay oo si cadaan ah loo sameynayo.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Balse Akh-ristaha sharafta lahoow bal eeg Tusaalaha hore aan kuu soo siiyey iyo daasaha lagu beegayo dhiiga shacabka Soomaaliyeed, ma wax la qaadankaraa waa dadd iyaga caqabad isku ah, dadkana caqabad ku ah, kooxahan waxayna sidii Beertii meel ku ooteen Awood shacab leeyahay, dhaqaalo, aqoon iyo dhul balaaran oo ka mid ah dalka Soomaaliya waxayna u bixiyeen magacyo, hadana go’aan kasta oo dhinaca dibu-heshiisiinta dalka loo qaado, waxay isku dayaan in ay ogaadaan, kadibna waxay ka horgeeyaan qorsho adag, waxaana geed fadhi u ah dowlado ka mid ah dowladaha deriska, iyagoo wadata daab midabyo kala duwan leh, ogaansha aduunkuna yeelkiis alla yaab badanaa!!.

Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya Marwo April Powel Willingham “Waxaa Weeye Dastuurka Qoraalkiisu Marka Aynu Ku Jirno, Wixii Sharci Ah Ayeynu Qaadaneynaa, Laakiin Wax Allaale…”

Hadaba Akh-riste hadii aan guda galno qaybtii labaad ee khudbadihii oo aan soo qaadana Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya Marwo April Powel Willingham, islamarkaana ah Garyaqaanad Mareykan oo wax ka bixineysey Siminaarka oo khudbad gaaban ka soo jeedisey ayaa waxay tiri “kelmadii saxneyd buu heley, waa nin siyaasi ah oo xirfad badan leh oo hadalkiisu aanu dhulka u dhaceyn iyo anigoo ah garyaqaan soo mutaxan oo garyaqaanadu dariiq bay ku socdaan, waa halka looga baahan yahay isku dheelitirka asalka ah, hase yeeshee halka aad nasiibka ku leedihiin waxaa weeye, garyaqaan keliya iska ahi, waxaan ahay garyaqaanada dhifta ah ee aaminsan siyaasada noloshu kama madhna, anagu hadaanu nahay culimada ama garyaqaanada xaga dastuurka waxaanu qabnaa in la helo dariiqyo farsamo oo kuu hogaamiya ujeedo siyaasadeed”.

Waxay keloo khudbadeeda ku sheegtey Marwo April “waxaan laba usbuuc ka hor idiin siiyey, dukumiinti weyn, waa tikniko dastuurka marka la sameynayo baad eeganeysaa, taa ma sameysey, tana ma sameysey, hadey wax kaa maqan yihiin, halkaas baad ka garankartaa wax maqan ee laga yaabo ineynu haysano iyo waxa aynu karikarin, July ama Augosto soo socota waxaan hanann karno iyo Augost dambe waxa la hanann karo wajiga labaad si aynu tilaabooyinkeenu aynu uga dhigno kuwo wanaagsan oo macquul ah socod macno leh, waa in safarkeena saldhig uga dhigno dadd badan baa laga yaabaa in lagu soo daro, waa in maskaxdaadu furnaataa cidii aynu ka fikirney oo macquul ay tahay ama baahidu inoo yeeriso in lagu soo daro hadii ay tahay, waa in laga fikiraa sidii loogu soo dari lahaa!!”.

“Mabda’a labaad ee lagu soconkara waxaa weeye, arinka aad ka hadleysaa hadii heshiis jirey heshiiskii halagu socodo oo waaqicaga la socdo, hadii ay tahay shaqada aynu qabaneyno waxyaabo aan hore heshiis looga dhalin, heshiiskiina aanad sameysan Karin, waa inaad shaqadii sii wadaa adigoo degan, iyadoo aan la is-qab qabsan, la yiraahdaa shaqada inoowada go’aan beynu gaaridoonaaye wixii inoo suurtoobaya, Charles wuxuu sheegey oo uu isagu ka Hadley, waxa suuragal ah iyo waxa daruuriga ah iyo sida la isugu dheelitirayo, waxaa weeye dastuurka qoraalkiisu marka aynu ku jirno, wixii sharci ah ayeynu qaadaneynaa, laakiin wax allaale wixii aynu u aragno arinta dhowr waji u sameynkarta, qaybo ayeynu ka dhigeynaa oo dadka loo bandhigidoono oo iyagaa kala dooranayee, waa sababta aad isu qaybiseen mowaadiicda, waana sababta aad u go’aansateen in la helo hab wixii soo baxa oo mushkilad ah loo xalin lahaa hadaan taa lagu socona waa la banjarayaa” ayey khudbadeeda ku soo gebagebeysey Marwo April. “ codkeeda oo dhameystiran halkan ka dhegeyso isagoo ingiriis ah”.

Xildhibaan Maxamed Aadan Waayeel “Aniga Awoowgey Soomaali Buu Ahaa, Aabahay Soomaali Buu Ahaa, Anigu Waan Soo Gaarey Anigoo Soomaali ah, Laakiin Wiilkeyga Ma Garanayo… Waxaan u Baahanahay Sidaan Federal u Noqon Lahayn In Nala Baro..”

Xildhibaan Maxamed Aadan Waayeel oo isna halkaasi ka soo jeediyey khudbad gaaban oo ka hadleysa marxaladihii kala duwanaa ee uu soo marey gudiga dastuurka iyo xiligan la joogo iyo su’aal uu u soo gudbiyey martida ayaa wuxuu yiri “anigoo ku hadlaya magaca gudiga korjoogtada Dastuurka iyo arimaha federaalka Baarlamaanka, waxaan doonayaa inaan ka hadlo dowrka ay ku leeyihiin arintaa iyada ah, waxaa suuragasha 30 xubnood oo maanta halkan fadhiyaa, in dadaalka Wasiirku uu sameeyey aw-geed la horkeeno gudiga Baarlamaanka oo ay suurageliyaan maanta inay shaqeeyaan, maadaama suuroobiweysey fadhiyadii caadiga ahaa ee Baarlamaanka, waxaana si KMG ah u dabooley gudiga Dastuurka iyo Arrimaha federaalka Baarlamaanka” ayuu yiri Xildhibaan Waayeel isagoo si sarbeeb ah u ifinaya khilaafaad hoose oo baarlamaanka fadhiyadiisa ku saabsan.

Waayeel isagoo ka hadlaya marxaladihii kala duwanaa ee uu soo marey Gudiga iyo diyaarinta Jaatarkii TFG-da “fadhigaan maanta wuxuu I xasuusiyey El-doreyd mudo todoba sano ka hor markii la sameynayey gudiga dastuurka ee Axdigii KMG ahaa lagu soo saarey, markaa beesha caalamka iyo deeq bixiyayaasha sidan ayey u joogtey, maantana maalin kale weeye, waa bilow kale oo hor leh, arintaas waxaan aad iyo aad ugu boogaadinayaa oo aan ugu hambalyeynayaa, kooxdii daadihineysey UNDP doorka ay ka qaateen, khuburadii aqoonta lahayd ee aan meeshaan ugu nimid 12-kii cisho oo aan ka aragney webiyaal qul qulaya oo cilmi ah oo ay nagu hanfiyeen, hormuudna ka ahayd marwo April, waxaa kale oo in la xuso mudan dadaalka uu muujiyey Mr Mow Hussein, hadii aan helin isaga iyo kooxdiisa aysan inoo suuragasheen hawshaan, anigoo ku hadlaya magaca Baarlamaanka waxaan leeyahay, anagu waxaan taageereynaa Boroseeska, hawsha loodirey.

Gudiga waxaa ka farcamaya hawlo kale oo dabayaala oo dheer, waxaa ka soo baxaya hadii ay suuragasho gudiga Aftida, kan tirakoobka dadweynaha, gudiga xuduudeynta soohdimaha iyo sharciyada kale ee baarlamaanka uu u sameyndoono, waxaas oo dhan u ol oleyntooda, difaacidooda waxay u taalaa gudiga dastuurka ee baarlamaanka, waxaan si sharci ah u ilaalineynaa, wixii ay u baahdaan inaan u ol oleyno, anagu waxaan raadineynaa Soomaali baanu nahaye aqoonsigeenii naga lumey, aniga awoowgey Soomaali buu ahaa, Aabahay Soomaali buu ahaa, anigu waan soo gaarey anigoo Soomaali ah, laakiin wiilkeyga ma garanayo wuxuu yahay, waxaa la idiin direy hawshaa inaad soo saartaan Soomaalinimadeenii, beesha caalamka waxaan ka codsaneynaa hawlahaas u yaala seddax geesoodka dastuuriga ah, wasaaradda oo mudan Wasiirkeedu arrintana soo daadihiyey ilaa uu ka keeney goobta uu Wasiirku soo wadey Baarlamaanka hortiisa uu soo hordhigey kubada iyo gudigii oo hawlgeylaya sidaa ay u habeeyeen inaysan ka harin ilaa miraha laga dhaliyo”.

Xildhibaan Waayeel waxaa kale oo uu khudbadiisa ku sheegey “anagu wixii gudiga Baarlamaanka ahaan u baahnaa qoraal baan ku soo gudbiney oo u qaybiney shirkan iyo deeq bixiyayaasha fadhiya, waxaan rajeyneynaa jawaab wax tar leh inaan ka helno, anigoo tilmaamaya hawlaha na hor yaal ee dheer oo aan soo sheegey, Xafiis inaan ka helno halka gudigu uu ku shaqeynayo oo aan ku kormeerno oo aan ku dabagalno, waxay u baahan yihiina kaga adeegno, in la suurageliyo siminaarada kor loogu qaadayo aqoonta gudiga dastuurka iyo arrimaah federaalka baarlamaanka iyo xildhibaanada guud ahaanba iyo gudiga madaxa banaann ee dastuurka si ay isula jaan qaadaan, waxaa kale oo muhiim ah, Soomaali hadaanu nahay, federaalka waan maqli jirney laakiin dadkayagu ma aysan aqoon, khubarada waxay markasta noo sheegayeen, inaanu nahay dad isku diin ah, isku af ah, isku dhaqan ah, isku jinsi ah, mushkiladna aysan nagu ahayn waxyaabaha aan dooneyno is-fahansiinteedu, waxaan u baahanahay sidaan federal u noqon lahayn in nala baro, dalallka federaalka ku dhaqmaya ee aduunka inaan khibrad iyo waaya aragnio ka soo qaadano waan u baahanahay in nalagu caawiyo, marlabaad mudanayaal iyo marwooyin waxaan idiin fidinayaa hambalyo ku saabsan hawsha qabsoontey iyo bogaadin Salaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh” ayuu yiri Xildhibaan Waayeel codkiisa oo dhameystiran halkan ka dhegeyso”.

Wasiirudowlaha Qorsheynta DFKMG Prof. Cabdullaahi Qoloocoow “Sharcikasta oo La Sameeyo Meel Looga Leexdo Ayuu Leeyahay, Marka Wal wall Kama Qabno, In Dastuurka Daraaftigiisa uu Dhamaanayo Fulaayana Augosto 2011-ka…”

Wasiirudowlaha Qorsheynta DFKMG Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali (Qoloocoow) oo isna ka Hadley qorshaha DFKMG, caqabadihii ay la kulan mudadii ay jirtey iyo qaabka ay u fulineyso waxa u harey ayaa wuxuu yiri “Waxaa farxad ii ah Galbta anoo ku hadlaya magaca Xukuumada KMG Soomaaliya, inaan la hadlo oo aan u jeediyo gudiga dastuur dejinta iyo deeq bixiyayaasha waajibaadka ay dowladu qorsheysey inay fuliso ilaa Ougosta 2011-ka, inta aan taa u gudbin waxaan jeclaan lahaa si kooban, dowladanu marxaladaha ay soo martey inaan isla aragno” ayuu yiri isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey

“dowladanu waxay ka soo jeedaa laba heshiis, midkii Ell-doreyt lagu galey 2004-kii ee lagu dhisey dowladii hore, kadibna wuxuu ahaa heshiiskii dambe ee lagu dhisey dowladan maanta jirta Jabuuti sanadkii hore, markii la dhisey waxay ka guurtey Jabuuti, waxay si toos ah u degtey Muqdisho leex leex la’aan, iyada iyo Baarlamaankeeda oo wada jira, waad la socotaan dhibaato weyn ayey la kulantey, waxaa la isku dayey dowlada in xididada loo siibo qaab inqilaab ah ayaa loo diyaarirey dowlada, dagaal ayaa la geliyey, waxaa khasab ku noqotey, inay iyadu is-difaacdo ilaa mudo lix bilood ayey dagaal ku jirtey, iyadoon waxba qabankarin, markii ay aragtey cidii dooneysey inay xidada u siibto oo ayna waxa ka qaadeyn, markaa waxay noqotey in la is-barbar dhaco oo dowlada markaa hawsheeda ay wadato, dowladda mabbda’eedu wuxuu yahay waa dibu-heshiisiin, iyaduna dibuheshiisiin ayey ku dhisan tahay, dagaal ma ahan, sidaas ayey ku shaqeyneysaa ilaa waqtigeedu uu dhamaado” ayuu khudbadiisa ku sheegey Prof Cabdullaahi Qoloocoow.

Waxaa kale oo uu khudbadiisa ku sheegey Prof Qoloocoow “Dowladu waxay leedahay rukumo u cad oo waajibaad ah oo ay fulineyso ilaa 2011-ka Augosta, si nabadgelyo leh inay ku fuliso, mudnaanta waxay siineysaa nabadgelyada, tusaalaha ugu dambeeyey wuxuu ahaa heshiiskii dhowaan ka dhacey magaalada Adis Ababba, dowladuna dariiqaas ayey ku soconeysaa, cidkasta oo nabad diyaar u ah in ay la fariisato oo la hadasho soona dhaweyso, hadii aan soo koobo DFKMG oo ay ku shaqeyneyso waa ilaa iyo shan qodob” ayuu yiri Prof Cabdullaahi Qaloocoow.

Isagoo qorshaha dowlada mid mid u sharxaya wuxuu yiri “marka hore waa in ay sameyso dibu-heshiiniis sidaan idiin sheegey oo ay gaarto gobolada dalka oo dhan, tan labaad nabadgelyada dalka inay ilaaliso iyaduna is ilaaliso, kan seddaxaad waa diyaarinta Dastuurka oo aad gacanta ku haysaan, Afar in ay dhisto maamulada Gobolada oo dhan, sida Dhowlada dhexe qaybaheeda kala duwan, Goboladii iyo degmooyinkii, ilaa tuulooyinka inay gaarto, kan kale waxaa weeye dibu-dhiska dalka dhaqaalihihiisa in la soo dhiso, taasina waxaa la socda gargaarka bani’aadaninimada, si kooban ayaan idiinkugu sheegey”.

“Waxaa jira su’aalaad yar yar ah oo ninkii iga horeeyey ka hadlaayey, gudiyo ayaa jira dowladu inay dhisto ay tahay, gudiga xuduudaha dowlad goboleedyada, gudiga tirokoobka dadweynaha, meelo waxaa jira marka laga hadlaayo dastuurka oo ah, doorasho in la aado, gudiga dooroshooyinka, hadii la fulin waayo wadooyin si kale loogu fuliyo, marka culeys ma ahan in Dastuurka la sameeyo laguna dhaqmo, iyadoo dhibaatooyinkaas ay jiraan la xalinkaro, lagana baqayo dhibaatooyinka dhicikara, hadii ay dhacaana, sharcikasta oo la sameeyo meel looga leexdo ayuu leeyahay, marka wal wall kama qabno, in dastuurka daraaftigiisa uu dhamaanayo fulaayana Augosto 2011-ka, anaguna xilkii KMG ahaa inaan dowlad kale ku wareejino diyaar ayaan u nahay, ugu dambeyntii waxaan aad ugu mahad naqeynaa Gudiga Deeq bixiyayaasha oo gacan naga siiyey hawshan Dastuurka, sidaas si la mid ah Hay’adaha UN-ka iyo Asxaabtoodii ee la shaqeynayey, waxaan wax la iloobikarin ah dowlada jabuuti sida ay inoo garab is-taagtey mahadaas waligeed waan u hayneynaa waadna mahadsan tihiin “codkiisa oo dhameystiran halkan ka dhegeyso”.

Markii ay dhamaadeen khudbadahaas dhexe oo ahaa kuwii dhacey xog-wareysi Kadib ayaa Waxaa la guda galey isla fadhigaas in la soo xiro siminaarka, maadaama xiritaanka xaflada guud la doonayey in uu ka soo qayb galo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka baaqsadey, waxaanna soo xirayey siminaarka oo ka Hadley Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Aw-qaafta dalka Jabuuti Dr. Xaamud Cabdi Suldaan, Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Madoobe Nuunow Maxamed, Xildhibaan Maxamed Aadan Waayeel, Amb. Charles Petrie, Maura Barry iyo Mark Bowden.

Amb; Charles oo xiritaarkii guud ee siminaarka gudiga dastuurka ka Hadley ayaa wuxuu yiri “Waxaan isku dayayaa khubadeyda inaan soo gaabiyo, iyadoo ka kooban 3-qaybood, waxaan idiin soo jeedinayaa salaam iyo boogaadin la xiriirta mas’uuliyada aad qaadeen ee ah inaad dastuur u sameysaan dadka, dastuur u sameynta waxay ka mid tahay horumarka iyo nabadeynta la doonayo in dalka lagu soo dabaalo, arrinta seddaxaad waxaa weeye in aan halkan idiinku soo gudbiyo taageerada ee uu u hayo Ergeyga gaarka ah Amb, Wallad Cabdalla hawsha aad ku talo jirtaan, maadaama aan hore halkan hadalo badan uga soo jeediyey, waxaan rabaa inaan halkaas ku soo koobo, waadna mahadsan tihiin”. Ayuu khudbadii ugu dambeysey ku yiri Amb. Charles.

Marwo Maura Barry “Arin Waxaa Jirtey Markaan Ka Hadley Laygu Qanciyey ee Wada Tashiga Arimaha Dastuurka…”

Marwo Maura Barry oo ah Madaxa gudoonka deeq bixiyayaasha Caalamka oo iyaduna halkaasi ka hadashey ayaa waxay tiri “mudanayaal iyo marwooyin waxaan idiinkaga mahadcelinayaa fursadan aad isiiseen, si aan idiinku soo gudbino fikradaha deeq bixiyayaasha anigoo mataleyna iyaga,wixii kale ee rayi ah ee Safaarada ka yimidna waxaa idiin soo jeedinaysa Jessica magaceygu waa Maura Barry, waxaan ka tirsanahay USA qaybteeda Gobolka, waxaana ku shaqo leenahay qaybaha Soomaaliya, waxaana la gudoomiye ka ahay gudiga deeqbixiyayaasha ee midowga yurub”.

“Fursad bay iitahay dad sidaan u tiro badan oo ay ka mid yihiin sharciyaqaano iyo siyaasiin, waxaan u hambalyeynayaa 29-ka xubnood ee gudiga madaxa banaann ee halkan fadhiya anigoo ku dhiirigelinaya geesinimada ay muujiyeen, markaan maanta dhegeystey waxyaabihii la soo qabtey seddaxdii todobaad, waxaa ii cadaatey in hawlo cul culus la qabtey, shucuurteyda wey is-bedeshey buraan bur, gabayo iyo heeso dadka baraarujiyey wey isoo gaartey qaarkiin in ay ilmoodeen, sababta aad halkan u joogtey waxay tahay, anigoo huba in aad dalkiina jeceshihiin, waxaan rajeynaa in hawshaas meesheeda ka sii amba qaadaan, shucuurta aad ku shaqeyneysaan, maadaama aad tihiin aabayaashii iyo hooyooyinkii waa cusub ee u dhashey dalka” ayey tiri Maura iyadoo xuseysa waxyaabihii hore u dhacay.

Marwo Maura Barry waxay keloo khudbadeeda ku sheegtey “Soomaaliya arimaheeda mudo ayaan ka shaqeynayey, qof aan saaxiib nahay waxay igu tiri aad iyo aad baan u tixgelinayaa dadaalka daal la’aanta aad ku shaqeyneyso dadka soomaalida sidaas oo kale weeye dabcan gabadha hadalkeeda, taasoo keeneysa in la helo dad diyaar u ah in is-bedel ay dhaliyaan had iyo jeer, arin waxaa jirtey markaan ka Hadley laygu qanciyey ee wada tashiga arimaha dastuurka, sida gudoomiyaha u sharxay ama inta kale waxaa ka muuqtey dadaal dhinacaas ah sidoo kale waxaan u hambalyeynayaa sidaad u soo qabateen gudiga maamul, waxaan maqlayaa in xog-hayntu ay tahay gabar ayna jiraan gudiyada kale gabdho in ay madax u yihiin, waan jeclaan lahaa gabdho intaan ka badan in ay idiinku soo biiraan, hadana waan ku farxay markii laygu yiri xubnaha gudiga boqolkiiba sodon waa gabdho.

Tan kale waxaan doonayaa meeshan quruxda badan ee aan joogno, waxaan rajeynayaa in aan arko Kempinski Muqdisho in laga dhiso, sidaad la socotaan Charles wuxuu ka Hadley maxaa suuragal ah?, laakiin aniga waxaan rabaa in aan su’aasha wax ka bedelo, maxaan suuragelin karnaa oo aan qaban karnaa, laba arimood ayaa ii muuqda ee la xiriirta wacyigelinta dadweynaha iyo dhegeysiga, laakiin waxaan idiin balan qaadeynaa, hadii aanu nahay deeq bixiyayaasha, inaan diyaar idiinalahay wadashaqeyn aad baad u mahadsan tihiin “codkeeda oo dhameystiran halkan ka dhegeyso isagoo Ingiriis ah”.

Madaxa Dhaqaalaha iyo Siyaasada Safaaradda Mareykanka ee Soomaalida Amb. Marwo Jessica Ba “…Si Aad Dalkiina u Saacidaan oo Aad Gacan u Siisaan, In Aad la Timaadaan Aragti Guud oo Ka Tarjumeysa In Dalkiina Xuquuqda Insaanka Laga Tixgeliyo…”

Amb. Marwo Jessica Ba oo ah Madaxa Arrimaha Siyaasada iyo Dhaqaalaha Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo xafiiskoodu yahay Nayroobi oo halkaasi khudbad gaaban ka soo jeedisey waxay tiri “ waxaan halkan u nimid inaan kala cadeeyo qaybta farsamo iyo qaybta siyaasada inaan sidaa u kala fogeyn, had iyo jeer waxaan maqlaa hadalka deeq bixiyayaasha, waxaan maqalnaa inaan wax soo gudbino, laakiin arrinta sidaas wey tahay, islamarkaana waxaan jeclaan lahayn inaad noo aragtaan dadd wada shaqeyn ka dhexeyso, dadkuna marka ay wada shaqeynayaan labada dhinac wax bey is-dhaafsanayaan!”.

Amb. Marwo Jessica waxay keloo intaa ku dartey “Dhinaca siyaasada markaan ka eego dabcan anaga mas’uuliyad baa naga saaran inaan garab idiinku siino, si hanaanka dastuur u sameynta lagu yagleelo, sidaan maqley Jabuuti ayaa saldhig idiin noqoneysa, maadaama Soomaalida hal abuur badan leeyihiin, waxaan idiinka codsaneynaa inaad la timaadaan hab wada tashi ah oo daddweynaha la yeelanayesaan, waxaa loo baahan yahay dadweynaha iney dareemaan inay dastuurkan leeyihiin oo dhegeysigooda culeys saartaan, si ay u hantaan dastuurka, Mark Bowden hore ayuu u taabtey Soomaaliya iyo dalka Mareykanka iney dhowr meel isaga eg-yihiin.

Waxaan doonayaa inaan in yar ka taabto, waagii Dastuurka Mareykanka la sameynayey, dabcan mid dhameystiran ma uusan ahayn, Mareykanka wuxuu ka mid yahay dowladaha waaweyn, markaan Soomaaliya kusoo daro, laakiin dastuurkaas ma uusan dhameystirneyn ilaa iyo waqti dhow oo sanooyin laga joogo inay codeyn ka qayb gasho ma suuragaleyn Moura oo ah qof dumar ah kama qayb qaadateen doorashada, arimo aas aasi ah oo wax u dhimayey dastuurkaas baa jirey waagii la sameynayey oo had iyo jeer jiritaankiisa la cusbooneysiinayey, waxaan ku talinayaa inaydaan jabuuti iska sii joogin ilaa la helo dastuur dhameystiran, waxaan idiinku dhiirigelinayaa inaad la timaadaan mabaadii’da guud ee Dastuurka kadibna dalkii u ambaqaadaan”.

Waxay khubadeeda ku soo xirtey Amb. Marwo Jessica Ba “Gunaanadkii waxaan idiin leeyahay arintan dastuur u sameynta dowlada Mareykanka way idiinku garabtaagan tahay oo weyna idiinla shaqeyneysaa, waxaan ku dadaaleynaa si aad dalkiina u saacidaan oo aad gacan u siisaan, in aad la timaadaan aragti guud oo ka tarjumeysa in dalkiina xuquuqda insaanka laga tixgeliyo, markaan isla eegno wixii awoodiina shaqo kor ugu qaadikarno oo hawsheena inoogu suuragasho aad baad u mahadsan tihiin” ayey tiri Marwo Jessica Ba.

Madaxa Xiriiriyaha Bani’aadaninimada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mark Bowden “Waxaan Rabaa Inaan Ka Dhawaajiyo Hanaanka Dastuur u Sameynta Waa Hawsha Ugu Balaaran ee Aan Gacanta Ku Hayno Hadii Aanu Nahay UN-ka…”

Mark Bowden oo ah madaxa xiriiriyaha bani’aadaninimada Qaramada midoobey ee Soomaaliya oo isna halkaasi ka Hadley waxaa uu yiri “waxaan halkan ka salaamayaa Mudane Xaamud oo matalaya dowlada Jabuuti iyo mudanayaasha kale ee ka socda DKMG Wasiirka Madoobe Nuunoow iyo Wasiirudowlaha Cabdullaahi Sheekh, gudoomiyaha gudoonka gudiga madaxa banaann ee dastuur qorista, waxaan keloo ku faraxsanahay xubnaha gudiga IFCC kuwii hore iyo kuwa hada ku soo biirey, qaar idiinka mid ah hore ayaan Baydhabo isugu aragney, qaar Nevasha baan isku aragney, inta cusub ee ku soo biirtey hada waa markii koowaad oo aan isku aragno Jabuuti, kuligiin waxaan idiin leeyahay ku soodhawaada, waxaana idiinku mahadcelinayaa dardergelinta aad ku sameyneysaan in dastuur la helo” ayuu yiri Mark Bowden isagoo khudbadiisa sii wata waxaa uu intaa ku darey

“waxaan rabaa inaan ka dhawaajiyo hanaanka dastuur u sameynta waa hawsha ugu balaaran ee aan gacanta ku hayno, hadii aanu nahay UN-ka, waxaan halkan ka muujinyaa ama aan ku faraxsanahay dadaalka aad kula jirtaan in dastuur la sameeyo kaasoo noqonkara ama qayb ka qaadankara in dalka Soomaaliya nabadeyn loo yeelo!!, Soomaaliya sidaad la socotaan sanooyin badan oo dhibaato ah ayey ku jirtaa, waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo dhinaca Bani’aadaninimada ah, waxaa jira dagaal iyo kala qaybsanaann!!, waxaan dhihikaraa 18-sano kadib dagaal, waxaa laga dareemikaraa dadka daal iyo is-bedel la helo!!, marka taasi waxay sababb ka dhigeysaa in dastuur sameynta ay tahay, arrin ka qayb qaadaneysa dhisida ama nabadeynta dalka!!”.

Mark Bowden wuxuu keloo khudbadiisa ku sheegey “dastuurku wuxuu muhiim u yahay difaacida xuquuqda shacabka Soomaaliyeed!!, wuxuu ka tarjumayaa kooxo kala aragti duwan ama dadd kala aragti duwan, dadd kala qabiil ah ay si nabad ah u wada noolaadaan!!, islamarkaana wuxuu ka tarjumayaa mas’uuliyadda ka saaran Hay’addaha Dowladda shacabka!!, marka mas’uuliyad aad iyo aad u balaaran baa idiin dulsaaran, talada keliya ee aan idiinku biirinkaro waxaa weeye inaad meel iska dhigtaan siyaasada oo aad u soo jeesataan dhinaca shaqada, mas’uuliyad waxay idiinka saran tahay inaad wada tashi la yeelataan qaybaha kala duwan ee shacabiga si aad u tilmaantaan ama aad u qeexdaan hadaf loowada dhan yahay, hawl walba oo aad qabataan ama gaartaan, waa iney ka tarjuntaa dadka aad maanta mas’uuliyada u qaadeen, waxaan idiinka mahadcelinayaa mas’uuliyada culus ee aad qaadeen”.

Marka Bowden mar uu sharxayey Hay’adaha UN-ka “Hay’addaha UN-ka waxay halkan u joogaan in ay garab idiinku siiyaan hawsha idiin hortaala, waxaa idiin sugeysa beri aad iyo aad u culus, maanta waxaan isla aragney heykalkii maamul ee aad soo bandhigteen iyo hay’adihii maamul ee aad dhisateen, waxaa iyaduna muhiim ah in aan anaguna soo bandhigno habkii aan idiinku taageeri lahayn!!, waa muhiim in Soomaaliya ay ka soo dhex muuqato dalallka aduunka, aniga waxaan is leeyahay Soomaaliya waxay ka soo dhex muuqan doontaa dalallka aduunka mar dhow, Soomaaliya waxay ka mid tahay labada dal ee keliya oo aan sixiixin heshiiska difaacayo xuquuqda caruurta, kaas oo ay kala mid tahay wadamada qaarkood ee ku jira Golaha Amaanka ee aan iyagana sixiixin, waxaa ka mid ah Mareykanka, markaan ka fiiriyo shuruucda caalamiga ah iyo nidaamyada aduunka ka jira”.

Ugu dambey wuxuu keloo khudbadiisa ku la dardaarey qorayaasha Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya ee lagu muransan yahay dhismaheeda, maamulkeed sare, dhexe iyo kii hooseba iyo aqoonsiga muwaadiniinta sharciyadooda gaar ahaaneed mudadii doewlad la’aanta “waa muhiim dastuurka aad sameyneysaan in uu barbar socdo shuruucda caalamiga ah ee aduunka laga tixgeliyo!!, waxaan ogahay in saaxiibadey ka shaqeeya Hay’addaha UN-ka in talooyin dhinacaas idiinka siiyaan, talooyinka ay idiin siindoonaan waxaa ka mid ah, shuruucda difaacaya xuquuqda insaanka, shuruucda caruurta, Qoxootiga, tan lagu xakameynayo aadamiga iyo tan haweenka in ay ka mid noqdaan dastuurka aad qoraysaan!!”. codkiisa ingiriis isagoo ah halkan ka dhegeyso.

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Madoobe Nuunow Maxamed “Waxaan u Isutaagey Keliya In Aan Cadeeyo Mowqifkeena Siyaasadeed ee Dowladeena iyo Gudiga Dastuurka…”

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Madoobe Nuunow Maxamed oo isna halkaasi khudbadii ugu dambeysey oo lagu soo xirayey siminaarka jeedinayey xubnaha gudiga wuxuu yiri wuxuu yiri “waxaan u isutaagey keliya in aan cadeeyo mowqifkeena siyaasadeed ee dowladeena iyo gudiga dastuurka in dalkan aan ka saarno uu yahay, marxaladaan joogtada noqotey ee KMG ah oo kala guurka ah, una gudubno marxalad shacabka Soomaaliyeed uu gaaro, dimoquraadiyad iyo Axzaab ay ku tartamaan oo isku doortaan iyagoo xor ah. Qaybaha dowladab Soomaaliyeed waa ka go’an tahay arintaas iyada ah, waxaan jecelahay inaan isla qaadano dhamaan beesha caalamka qaybahoodii” ayuu yiri Madoobe Nuunow.

Isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey “ anaga waxaa naga go’an sanadkan dabayaaqadiisa waxaa naga go’an inaan soo saarno dastuur Ummaddu ay leedahay oo looga gudbaayo marxaladan KMG ah, arrintaasi yaan loo qaadan iska dhihid ee waa arrin siyaasada dowlada ku fadhido oo go’aan ah, waxaan idiinka codsaneynaa in sidaa nagu taageertaan oo sidaas nagula shaqeysaan oo aan dooneyno oll olahaas gurmadka ah ee aan dooneyno in aan ku guuleysano gacantii ugu weyneyd aad ka geysataan”

Wasiirka Madoobe khudbadiisa waxaa uu ku soo gunaanudey “waxaan rabaa inaan u mahad-celiyo dowlada walaallaaha aanu nahay Jabuuti madaxdeeda iyo shacabkeeda jabuuti oo si niyad iyo kalsami ah nagu soo dhaweeyey oo 24-saac nala dul taagan maxaa daran, maxaa dhib ah oo jira, maxaan idiinla qabanaa?!, taasoo nagu abuurtey dhiig cusub iyo niyad cusub iyo in aan ku guuleysan doono hawsha aan wadno, sidaas iyo si la mid ah saaxiibada ka soo qayb-galey xafladan oo meelo fog fog uga yimid ma dhayalsaneyno in ay ka go’an tahay, in Soomaaliya si hagar la’aan u taageeraan”. Khudbadiisa oo dhameystiran halkan ka dhegeyso.

Wasiirka Arrimaha Diinta Dalka Jabuuti Dr. Xaamud “…Bulsho Kasta Wax Bay La Gaar Noqon Kartaa, Marka Waxaa La Rabaa Inaad Aqoon u Leedihiin, Dasaatiirta Caalamka Inta Aan Deegaan Wadaagno…” khudbad dar-daaran oo u jeediyey Gudiga Dastuurka DFKMG

Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Aw-qaafta Dowlada Jabuuti Dr. Xaamud Cabdi Suldaan oo soo xirey xafladii siminaarka, islamarkaana halkaasi khudbad dheer oo dhinacyo kala duwan taabaneysa ka jeediyey, islamarkaana ka muuqatey dardaaran guud oo muujinaya baahida ay u qabaan walaalahooda Soomaaliyeed oo isasoo garabtaaga ayaa wuxuu yiri

“War badan aniga meesha iigama harin, wixii talo iyo tusaale ah ama guubaabo ah ama tilmaamid ah, dadkii odayaasha ahaa iyo akh-yaartii iga horeeyey iyo gabdhihiibaa soo dhameeyey, waxa la idiinku soo doortey waa aqoon, karti iyo faham baa la idiinku soo doortey, marka dadd wax badan loo akh-rinaayo ma tihidiina, laakiin waa xasuusin keliya, hadii aan wax sii raacsho intii akh-yaarta idiinku tiri, waxa la idiin igmadey ama la idiin xilsaarey waa arin culus!, waxaa la idiin xilsaarey ama la idiin soo xuley waa inaad Ummadda Soomaaliyeed u sameysaan, Dustuur ay iska dhex arkaan, cid kasta oo Ummadda Soomaaliyeed ku abtirsaneysa, ku kasta oo wax tabanaya wixii uu tabanayey uu ka helo, ku kasta wax dhibsanaayey wixii dhibta uu kaga baxaayey, dustuur u ilaalinaaya xuquuqdiisa inaad dejisaan, taasina waa arrin aad iyo aad u culus” ayuu yiri Dr. Xaamud isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu intaa ku darey

“macnaha waxaad jaan goyneysaan, aas aaskii oo saldhig u sameyneysaan, waa cadaalada, sinaanta iyo xuquuq dhowrida Ummadda Soomaaliyeed Qaybaheeda oo dhan baad jaan goyneysaan aad aas aaskeedii adinka la idiinka sugayaa inaad dhigtaan. waa taariikh waxa aad qoreysaan, dhib soo raagtey oo aad ogtihiin inta ay soo jiidantey, baa la idiin leeyahay ama la idiin xilsaarey, ama inaad dejisaan dustuurkii dhibtaa lagaga baxayey inaad dejisaa, macnaha Taariikh jadiid ah ayaad mustaqbalka ama ajiyaasha facyada Ummadda Soomaaliyeed ee soo socda, yaad mustaqbalkoodii adinka aad dhigeysaan, sidaas daraadeed iyadoo ogtihiin inuu culeyskaas uu leeyahay dustuurkaa aad u fadhidaan inaad dejisaan la idiinka sugaayo, waxa lagama maarmaanka ahi waxa ay tahay Afar shey hadii aad gudiga tihiin, hadii aad qaadataan waxaan isleeyahay wax badan baad ka taridoontaan sida ay ila tahay aniga”.

Dr. Xaamuda isagoo talada uu u soo jeediyey mid mid u sharxaya waxaa uu yiri “Tan hore, waa in dastuur sameyntii aqoonteeda aad lahaataan, waana la idiinku soo xuley inaad aqoon u leedihiin, dustuurka Soomaaliya loo sameynayo ma ahan mid ka imaanaya meel kale, waxaa weeye dasaatiirta caalamka waa wax isu eg eg meelo, laakiin bulsho kasta wax bay la gaar noqonkartaa, marka waxaa la rabaa inaad aqoon u leedihiin, dasaatiirta caalamka inta aan deegaan wadaagno, inta aan diin wadaagno, inta aan dan wadaagno, waxaas oo dhan inaad aqoon u wada leedihiin nolosha aduunka waa nololl isku wada xiran, kadibna aad aqoon u leedihiin bulshadiinu maxay la gaar noqoneysaa ama ay u baahan tahay in ay la gaar noqoto oo la rabaa in looga dhigo dustuurka hada la idiinka sugaayo”.

Talada labaad iyo tan seddaxaad ee uu soo jeediyey Gudiga Dastuurka Dr. Xaamud “Tan labaad aan rabo inaan tilmaamo waxay tahay, adigoo aqoontii leh oo waxaa la sheegayo, hadana waxaa la rabaa in la helo farsamadii waxaan lagu sameyn lahaa in la idiinka helo, waxa siminaarkan loo qabanayo oo hay’aadka iyo deeq bixiyayaasha wey ku mahadsan yihiin, waa sidii farsamadaa intii aad ilowdeen la idiin xasuusin lahaa, hadey wax idiinka dhiman yihiina la idiin siyaadin lahaa, dastuur sameynta waxaa ku xigta aqoon iyo farsamo adigoo leh, hadii daacad la waayo ma dhaqaaqayaan marka waxaa la rabaa gudigiinan 30 qof ka kooban ee loo soo igmadey dadka Soomaaliyeed in ay dastuur u sameeyaan.

Guushiina u horeysa waxay ka bilaabidoontaa, inaad daacad u ahaataan inaad dustuurka Ummaddiina aad u sameysaan, daacad nimadu waxay idiin dhaxalsiineysaa inaad wax kasta oo cid gaar ah ama qof gaar ah ama dan gaar ah bey idiin ilowsiineysaa, waxay idiinka dhigi inaad isha ku haysaan maxaa Ummaddiina dan u ah, maxaynu dhibta kaga bixi, maxaa taariikhdiina aad ku saldhigeysaan, maxaad ciilka iyo dhibta kaga saareysaan Ummaddiina, waxyaalaha khilaafaadka oo dhan bey xaga dambe idiinkaga tuuri daacadnimadu, hadafka guud ujeedada guud, aragtida guud, mustaqbalka iyo wixii Ummadda dan u ah bey kol kasta daacadnimadu ay idiin hor hayni”.

Ugu dambeynta talada Afraad ee u u soo jeediyey gudiga Dastuurka Dr. Xaamud Cabdi Suldaan “Tan afraad aan isleeyahay waxay idiinku garab gali aqoontii iyo farsamadii sameynta dustuurka daaca nimo lagu daro, adigoo caajis ah ama raba kolkaad haleesha uun ama in mudo la iska sii joogo aad rabto, waan inaad jaceyl u qabtaan sameynta dastuurka, waxaa la ogaadey qofku waxa uu daacad ka yahay oo uu jecel yahay in uu sameeyo, si kasta oo ay u adkaato qofku waxa uu jecel yahay wuu gaaraa, inaad dadaal dheeraad ah bixisaan oo waqtiga soo koobtaan, sababtoo ah dhibta Soomaali haysataa waa dhib weyn, mar kasta oo daacadnimo la helo oo dadaal lagu baxsho, markasta oo dadaal lagu baxsho waxaa soo gaabaneysa wadadii dheereyd, waxaa feydmaya dhibta iyo rafaadkii baa kolba wax feydmaya, waxaan idiinku dhiirigelineynaa oo aan idiin rajeyneynaa, anagoo ah walaallihiin reer Jabuuti, anigoo fariintayda ay tahay tan madaxweynaha Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle, Xukuumada iyo Shacabka Jabuutiba inaad ku hawaawidaan dustuur qurux badan oo hufan oo sharaf leh oo lagu ciil baxo inaad ku hawaawidaan sameyntiisa iyo hore u diyaarintiisa…” khudbada oo dhameystiran halkan ka dhegeyso.

Markii ay dhamaadeen khudbadihii waxaa lagu balamey in la isku soo noqdo oo xaflad kale oo sagootin ah loosameynayo gudiga, waxaana casuumaad la siiyey dad kala duwan oo isugu jira Wakiilada beesha caalamka ee xarumaha ku leh dalka Jabuuti, aqoonyahanada dalka Jabuuti, qaar ka mid ah siyaasiinta dalka Jabuuti iyo Ganacsato Soomaaliyeed.

Waxaana khudbado gaagaaban ka soo jeediyey Wasiirka Dastuurka iyo xubno ka socdey Wakiilada beesha Caalamka ee Soomaaliya oo fadhigoodu yahay dalka Kiiniya, waxaana marti sharaftii isugu timid goobta si maaweelo ahaan loogu sameeyey Heeso kala duwan.

Akh-riste hadii aan soo gebagebeeyo qormada oo aan dhuuxno murtida cinwaankeena ee kor ku xusan oo aynu eegno xafladii ugu dambeysey ee lagu soo xirarey siminaarka ee isugu jirtey Casho fududd, khudbado gaagaaban iyo Heeso oo aynu ku darno habdhaqanka xildoonka Af-duubayaasha Af-duuban oo xiliyadii hore ku Awr kacsan jirey qabiilka oo hada Kitaabka Alle iyo Sunada Ras’uulka (SCW) ku soo khatimey in ay ku awr kacsadaan, iyagoo ku baneysanaya dhiiga shacabka, kuna waano qaadan waayey fool xumada falalka ay geysanayeen, ileyn meel lagu gabado kale ayaan jirine, hadii loo heeso arrintu sow ma ahan Gudiga Dastuurka Waa Loo Heeseye Adinkuna u Heesa?!!, waana mid ka mid ah xujooyinka dalka Soomaaliya soo marey, kuwoodii ugu dambeeyey!!!.

AKHRI Qaybihii hore ee Dastuurka iyo 4.5: http://somalitalk.com/tag/4-5/

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Q. 2-aad: Warbixintii Dastuurka Jabuuti loogu samaynayo DFKMG "

  1. waxaa yaable dal aan jirin, amaan ahayn amaan oo islamarkaana dawlad lahayn dastuur muxuu ugalaa! ama ugudaa. Waxaa iswaydiin leh oo kale in qof labadbaadiyo in qarash lagubixiyo iyo in waraaq laqoro qarash lagu bixiyo iyamaa roon?
    Waxaad dareemaysaan inaan meesha wax loowado arinta soomaalya joogin; Soomaaliyana waxay u afduubantahay Ameerica iyo UN.
    Wadani waabsha gaaladana loo waa!