Home » Maqaallo »

Dhaga-adayga Aadan Madoobe, Dhagarta Shariif Sakiin, Dhabacsanaanta Cumar iyo Dhoohnaanta Shariif Xariif.

Waxaa dhwrkii bilood ee ugu danbeeyay ka dhex aloosnaa dowladda TFG-2 dhaq-dhaqaaqyo iyo kacdoono wajiyo badan ah.  Hadaba waxaad moodaa in maalinba maalinta ka danbaysa uu khilaafkaasi sii xoogaysanayay, taas oo sababtay in uu iscasilo kuxigeenkii labaad ee guddomiyaha baarlamaanka Mr. Boqolle , meesha ay xildhibaan gaadhaya 75 oo ka soo jeeda Beesha uu ku hayb-tirsado Aadan Madoobe cadeeyeen in Wakhtigii Gudoomiyenimo ee Aadan uu Dhamaaday sidaa awgeed uu xilka ka dego.  Waxaa intaa sii dheerayd in xildhibaanada baarlamaanka badankood kuwaas oo gaadhaya 310 ay qoraal iyo afba ku muujiyeen inaysan marna yeelayn in Aadan xilka sii hayo ama loo sii kordhiyoba.  Waxaa intaa ka sii darnaa hanjabaada iyo isku goodinta ay xubnaha Baarlamaanka iyo Madaxda dowladu hawada isku marinayaan, taas oo laga dhadhansan karo khilaafkaan isaga ah inta uu baaxad iyo dhumuc le’egyahay.

Waayuhu waa cajiib, Afka qalaad ayaa wuxuu leehay maahmaah tidhaahda:  “History repeats itself” taas oo micnaheedu tahay taariikhu way isku soo noq-noqotaa.  Taas waxaan uga danleeyahay sanad iyo bar ayay ahayd markii Baydhabo oo ay hareereeyeen Al-Shabaab baarlamaan ku sheega TFG-1 ay ku doodayeen Cabdulaahi wa nabad diid iyo maahee Waa Mujaahid, Aadan Madoobena ayuuna ahaa ninkii fowdadaas loo adeegsaday oo hurintii dhibaatadaasi ka shaqaynayay.   Hadaba in maanta oo Xamar ay badankeedii Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam haystaan , koonfur intiidee kalena hore ugu habsadeen in Baarlamaan ku sheega TFG-2 ku doodaan Aadan Madoobe kursiga kuma sii fadhinayo iyo waa ku sii fadhinayaa, Dowladu waxay la dhacaysaa Aadan Madoobe iyo way sii jiraysaa,  runtii waa wax lala yaabo. 

Hadaba waxaa jamaahiirta Soomaali-waytu guddo iyo dibadba ku wareersan yihiin jihadda ay mowjadaan caratay ku jeedo, cida ay jilaafan doonta iyo cida ka danbaysa kacdoonkaan iyo fowdadaan aad moodid inuu yahay bilowgii dhamaadka TFG-2, mise nabsi soo degdegay!

Hadaba akhristow, si aan u fahamno meesha uu khaladka iyo khalkhalku ka jiro, cida wada iyo cida kacdoonkaani ku wajahan yahay waxaa haboon inaan yare daraasadayno hogaanka sare ee TFG iyo sida isxulafaysiga aan baraysnayni ee is bed-bedalka badani ku dhismay , u shaqeeyo kuna dabayn doono. 

Hogaanka iyo Haykalka Dowladeed:

Soomaalidu waxay ku maahmaandaa “Geel Baarqabkii diday , aaranka maxaad moodaa” sidaa awgeed khalkhalka maanta jira waa mid ka dhashay baan orankarnaa hogaanka jira oo ah mid aan u qalmin wax hogaamin, lahayn tayadii iyo tabartii uu wax ku hanan lahaa, isla markaana aan ahayn hogaan u carbiyaysan ama khibrad u leh sida dalka looga saari lahaa duruufaha iyo dagaalada jira ee aan kala go’a lahayn, soo celin karin amnigii iyo kala danbayntii, kuna fashilmay inuu horseedo dib u heshiisiin taaba gasha iyo dib u dhis dhaxalgal ah.

Waxaa jirta Xigmad oranaysa “Duul hadii la haligayo waxaa hogaanka loogu dhiibaa dad aan laaqi u ahayn(u qalmin)” sidaa awgeed, Soomaaliya oo 20 sanadood oo colaad , abaaro iyo aafo ku jirtay ayaa waxaa naf la mooday oo lagu sanduleeyay, hogaankana lagu aaminay duul iyo dad aan maalin galinkeedna Alla ha ka dhigee aan haykal dowladeed iyo hogaan dal midna aan ka soo shaqayn khibradna u lahayn.  Taasi waxay ka dhigan tahay duulkii yiri “daalnaye ma orodnaa”

Khibrad la’aantu ceeb malaha laakiin waa in hogaanku noqdaa mid garaad qota dheer leh, diyaarna u ah inuu wax barto khibradna korarsado, kuna wax qaybsada hadba wadciga jooga iyo wixii tagay si khaladaadkii hore uu isaga ilaaliyo , duraafaha iyo caqabadaha markaasi jirana uga talaabsado.   Sidoo kale waa in qofka hogaankaas lagu aaminaa ay ku jirtaa wadaniyad, uu dareemaa xilkaas loo dhiigay inta uu baaxad le’egyahay, ogaadaana in shacabku eegayo, la xisaabtami doono, kuna xukumi doono hadba waxqabadkiisa iyo horumarkiisu inta uu le’egyahay.  “magaalo waa madal, dadkeeduna waa marag”

Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in hogaankaasi noqdo mid cadaalad ku salaysan, xifdiya hantida qaranka, dhowrana sharafta ummadda.

Abwaan Maxamed Cali Kaariye oo aad moodid inuu ka hadlayay duruufaha imanku jira iyo in maanta dowlad ku sheeg isku doon saaran oo mowjadi ku caratay, libaax badeedna ku xeeran yahay inay maanta doontii duleeliyeen oo ku murmaan findhicilku waa xaaraan iyo waa xalaal, waxaan oran karnaa waa nasiib daradii ugu waynayn ee Soo marta Soomaali.

Adoo goob halisa yaal 
Geeridu kugu xeera tahay 
Waxa lagu gacan qabtaayoo 
Gurmad ku badbaadiyaa 
Adoo horta gala dadaal 
Waxaad gaadhi weydo 
Dantaadu ka gaabisaa baa 
Aduunyadu kugu gargaartaa 
Hadaanad gurigaagan dumey 
Gadeen u dhistaa laheyn 
Walee gabalaaxsan doqan 
Garaad madhan baad sidaa 
Cid kaloo kuu waabta geed  
Waa tii gabal kaa dumaa!!!
 

Dhaga-adayga Aaadan Madoobe:

Inta aynaan ka hadlin kaalinta Aadan Madoobe iyo Khilaafka taagan, waxaa haboon inaan dib u yare jaleecno taariikhda kooban ee Aadan Madoobe, taas oo aan uga danleenahay inaan iftiimino shakhiyadda Masuulkaan isaga ah iyo doorarka mugdiga ah ee uu ka soo cayaaray burburkii Jabhadii RRA iyo Dowladadii TFG-1.

Aadan madoobe ma lahayn taariikh ka baxsan doorkii uu ku dhexlahaa RRA isagoo ahaan jiray gacan yaraha Shaati Guduud kolkii RRA ay jirtay, xirfad ahaana iyo aqoona ka gaaray xerow ka mid ah dariiqada qaadiriyada isla markaana shaqo ahaan gaadhay macalin dugsi Qur’aan.  Kolkii ay isaga iyo Xaabsade kacdoonka ku sameeyeen hogaamiyihii RRA Col. Shaati-Guduud , ayuu Cornaylku isagoo u waramaya BBC yiri “waa ayaan daro in maanta darawalkii (Xaabsade)  iyo macalin dugsi (SH.Aden Madoobe , ugula murmaan hogaanka RRA”

Ninkii sidaas ahaa ayaa Kadib markii Shariif Sakiin Xilkii Gudoomiyenimo ee baarlamaanka TFG la goostay oo ula galay mucaaradkii waagaas TFG-1 ka soo horjeeday ayaa Aadan loo doortay jagadan iyada ah.

Kadib markii khilaaf wayn uu soo kala dhex galay Cabdulaahi Yuusuf iyo Nuur Caddena, Aadan Madoobe waxaa looga Yeeray Addis halkaas oo uu heshiis hoosaad kula galay Nuur Cadde, Axmed Abdisalaam iyo Itoobiyaanka taas oo ahayd inuu ku soo biro xulafadaan cusub , hogaankana u qabto kacdoonka baarlamaanka ee ka soo horjeeda Cabdullahi Yusuf, meesha ay kacdoonka dibada iyo beesha caalamkana iska kaashan doonaan Nuur Cadde, Axmed Abdisalam, Itoobiyaanka iyo Walad Cabdalla.  Waxaa isla goobtaas loogu balan qaaday in uu inta ay TFG-du jirto aan jagadaas lagu hawaysan doonin, laguna difaaci doono kursigaasi.

Ulajeedada Aadan Madoobe heshiiskaan loola galay ayaa ahayd sidii loo midayn lahaa duulaan iyo dacaayado lagu hayay Cabdulaahi Yuusuf kaas oo caalamka laga dhaadhicinayay inuu Cabdullahi Caqabad ku yahay Nabadda sidaa awgeed si nabad loo keeno in xilka uu ka dago.  Kolkaa waxaa qorshuhu ahaa in kadib marka Aadan Madoobe iyo Xubnaha kale ee Baarlamaanka ka mid ah ay dagaal gudaha Baarlamaanka ka bilaabaan in taas caalamku u fasirto in dagaalka iyo dacaayada dibada ka socotaa ay run tahay Cabdullaahina caqabo ku yahay Nabada iyo Dib u heshiisiin ka dhalata dalka.

Aadan oo ka duulaya heshiiskaas isaga ah wuxuu bilaabay goodin iyo inuu xubnihii baarlamaanka la kala safto , wuxuuna ilaaway masuuliyadii loo dhaariyay taas oo ahayd inuu noqdo gudoomiyaha baarlamaanka taas oo micnaheedu tahay inuu ku xeel dheeraado cadaalada, inuusan cidgaar ah la safan, inuu xeer qarameedka, mabaadida iyo shuruucda baarlamaanka u degan ilaaliyo. 

Hadaba Aadan Madoobe maadaama uusan lahayn Khibrad sidaa u sii buuran ee siyaasadeed iyo maamul ayaad moodaa diidmada iyo madax adayga uu maanta wado inay tahay mid uu ka dhaxlay khibradii mugdiga ahayd iyo doorkii uu ka soo cayaaray burburkii TFG-1.  

Sidaa awgeed maaha nin fahmi karay awooda mowjada ku soo wajahan,  wuxuuna iska dhaadhacshay hadii Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu ku rabaan oo ku garab taagan yihiin cid shaqada kaa eryi karta ma laha, aragtidaas oo uu ka soo dhaxlay doorkii uu khilaafkii TFG-1 Ka soo cayaaray taas oo ahayd inuu taageero Buuxda ka haystay Raiisal Wasaare Nuur Cadde, Ku xigeenkiisa Axmed Abdi-Salaam, Itoobiya iyo Walad Cabdalla oo adeegsanayay magaca UN iyo Beesha Caalamka.  Sidaa awgeed wuxuu Aadan Madoobe ogayn in Dhamaan xulafadaasi ku fashilmeen siyaasadoodii kala qaybi oo xukunka su salaysnayd, maxaa yeelay Nuur Cadde iyo Axmed iyagii ayaa ku dhacay godkii ay qodeen kuna waayay xilalkoodii meesha Itoobiyana laga baacsaday Soomaaliya.

Dhagarta Shariif Sakiin:

Doorka Shariif Sakiin iyo mataankiisa Ibbi https://somalitalk.com/2009/09/12/dr-ibbi-ma-dulaalbaa-mise-waa-masuul-dowladeed-farah-aw-osman/ waa mid shacabka Soomaaliyeed si fiican uga wada dharagsan yihiin , laakiin waxaa xusid mudan in Shariif Sakiin uu doorweyn ka qaatay shidista iyo hurista dabka iminka sajartay Gudoomiyihii Baarlamaanka.  Hadaba waxaa isweydiin mudan waxa ku kelifay ama ula jeedada uu ka leeyahay arinkan isaga ah.

Su’aashaas jawaabteeda oo kooban waxaa weeyaan qodobadaan hoos ku qoran:

  • Inuu ogaaday in UN report kii hore iyo kan soo socdaba in farta lagu fiiqay laguna fiiqi doonaa raga xatooyada iyo boobka ku haya dhaqaalaha dowlada
  • Isagoo ogaaday in Lacago badan laga xajiray sida lacagta 14 Milyan ah ee lagu xayiray Malaysia sida ku cad warqadaha sirta ah ee ay soo qortay Jariidada Sharq Al-Awsad
  • In uu dareemay in jiro codsi beesha caalamka oo ah in raga farta lagu fiiqay ee xatooyada iyo khiyaamada ku caan baxay iyo raga aan tayada maamul iyo maaraynba lahayn laga eryo xilalka wasiirnimo,  booskoodana la geeyo dad u qalma aqoona u leh xilalkaasi, si markaasi loo helo taageerada maadi iyo macnawi ee beesha caalamka.

Sidaa awgeed Shariif Sakiin oo ah nin aad u caqli badan, kuna wax qaybsada wadciyada iyo duruufaha hadba jira ayaa wuxuu go’aansaday inuu dib u hanto Booskiisii hore ee ahaa Gudoomiyaha Baarlamaan taas oo uu u arkay inuu kaga nabadgeli karo dhamaan arimaha kor ku xusan , kuna heli karo Immunity ama inaan maxkamad khiyaano qaran ama xatooyo qaran la horkeenin. Sidoo kale doorkaan cusubi wuxuu sii siinayaa Shariif Sakiin inuu awooda ugu saraysa ee dowlada weli ku sii dhexjiro qoobka cayaarkiina meesha ka sii wado.

Dad kale oo khubaro ku ah Soomaaliya ayaa aaminsan in Shariif Sakiin u hanqal taagayo inuu noqdo Ra’iisal Wasaaraha soo socda sidaa awgeed wuxuu isaga oo hoosta ka kaashana Shariif Axmed iyo Xildhibaano uu lacag badan siiyay go’aansaday in Aadan Madoobe laga tuuro booska , kadibna Gudoomiye Baarlamaan loo doorto Xildhibaan ka soo jeeda Beesha Darood, si markaasi isaga oo matalaya Beesha Digil iyo Mirif u hanto jagada Ra’iisal Wasaare.  Qodobkaas danbe waa waa mid ay dhici karto inuu jiro, laakiin  aan suurto gal noqon, maadaama dad badan oo ka soo horjeeda Shariif Sakiin iyo Ibbi ay ka buuxaan baarlamaanka.

Dhabacsanaanta Cumar Cabdirashiid:

Cumar waa aqoonyahan wax ku bartay Canada, kaas oo xilal kala duwan ka soo qabtay UN gaar ahaan Sudan, laakiin maaha nin khibrad dowladeed leh, ee aan ka ahayn unuu dhalay Allah ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke , oo ahaa nin aad ay u jeclaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Puntland oo aad uga xanaaqsanayd afgambigii iyo kacdoonkii lagu sameeyay Cabdulaahi Yusuf, diidayna inay ictiraafto dowlad kasta oo lagu soo dhiso Jabuuti ayaa sababtay in la doono qof lagu hanto kalsoonida reer Puntland, taas ayaana sababtay in jagadaan loo magacaabo Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Hadaba Cumar oo markii la dhaarinayay balan qaaday inaysan isaga iyo Shariifku iska hor iman doonin ayaad moodaa inuu kaga dhabeeyay hadalkiisii.  Laakiin taasi waxaad moodaa inay Cumar ka indha-tirtay tacidiyada , xatooyada, fadhiidnimada iyo wax qabad la’aanta dowladiisa iyo masuuliyiinta dowladiisa ku dhaceen, taas oo xataa gaarsiisay in saxiixiisii laga been sheego, loona adeegsado warqado lagu dhaawacayo laguna dhacayo dhulka , hantida iyo khayraadka badeed iyo qaranimada Soomaaliyeed ay u adeegsaday qaar ka mid ah wasiiradiisa Sida Dr. Ibbi oo kale.

Hadaba waxaa Soomaalidu tiraahdaa “meel ka muuqo ama ka maqnow”, waxaa Cumar ku haboonayd inuu xilkiisa si fiican uga soo dhalaalo oo xakameeyo xubnaha wasiiradiisa ku jiray ee dhaca iyo dhibaabatada ku hayay hantida qaran ee soomaaliyeed, ama uu si sharafi ku jirto isku casilo isagoo magaciisa iyo sharaftiisa ilaashanaya.

Nasiib daro waxaad moodaa in kalsoonidii iyo khilaaf iska ilaalintii uu siiyay shariifka Xariif ay abaalkiisa noqotay in Shaqadii uu ka eryo Shariifku ,  meesha uu Dagaal ooge Indha Cadde uu ku eedeeyay Cumar unuuba taageero siin jiray Al-Shabaab.

Cumar oo dadka qaar moodayeen nin si u yare qabow oo aan khilaaf jeclayn ayaad moodaa inuu la soo if-baxay karti dheeri ah iyo inuu diiday sida sharci darada ah ee xilka looga xayuubiyay, isagoo kaashanaya gollihiisa wasiirada iyo axdi qarameedkana ku gacan sayray Mowqifkii Shariif Xariif.   

Dhoohnaanta Shariif Xariif:

Madaxweyne Shariif Axmed taariikhdiisa iyo sida uu siyaasada ku soo galay intaba waa mid aad looga dharagsan yahay waa nin leh taariikh kooban, isagoo wax khibrad ah haba yaraayee aan u lahayd dowlad iyo haykal dowladeen intaba, balse aad moodid in Baarashuud isagoo wata lagu dul fariisiyay kursi aad u howl badan.

https://somalitalk.com/2009/09/20/sheekh-shariif-ma-halyay-badbaado-baa-mise-aalad-loo-adeegsanayo-burburka-soomaaliyeed-aw-osman/

Waxaa dad badan oo aad uga soo horjeeday Maamulkii TFG-1 ay aaminsanaayeen inuu yahay nin ka saari kara dhibaatada Soomaaliya , iyagoo ku qiimeeyay hadalkiisa macaan.  Nasiib daro taasi waxay noqotay mid lagu hungoobay, wuxuu gacanta u galay Shariif Sakiin iyo Ibbi oo kala noqday labadiisa gacmood, labiisa qan, bushimood, dhayood iyo indhoodba.   Taas oo sababtay in asxaabtiisii ama xertiisii ay kala xarig furtaan, kuwaas oo qaarkood ku qoomameeyeen ama idaacadahaba ka sheegeen in Cabdullahi Yusuf laga gardarnaa sida Sheekh Janaqow, sida Xassan Daahir Aways oo yiri:  Cabdullahi Wadani buu ahaa laakiin diintaan ku dagaalanay, meesha Shariifku uu khaa’inu wadani yahay diintiina banaanka ka istaagay”

Waxaad moodaa xilkii loo doortay iyo shaqada looga fadhiyay inuusan midna fahmin, balse aalad u noqday wixii ay ka cabanayeen dadka uu magacoodu kursiga ku helay, sida u adeega danaha shisheeye sida itoobiya, sida inuu irida ka xirto wadaadada qoriga wata uguna yeero Al-Qaacida, sida hubka lagu xasuuqayo shacabka iyo hantida xamartaala.

Sidaa awgeed, ayaad moodaa inuu kalsoonidii shacabka iyo tii beesha caalamkaba dhumiyay, maadaama uusan waxba ka qaban dhamaan wixii loo doortay ama uu ku andacoon jiray inuu qabanayo, maadaama ay ku xeeran yihiin oo saaxiibo la yahay raga farta xatooyo iyo musuq maasul ku godan tahay.

Kadib markii intaasi cadaatay ayaa beeshii caalamku dhamaan bala qaadyadoodii dib ula noqdeen, taas oo dhabar jar ku noqotay TFG-2, kana dhigtay dowlad magac u yaal ah oo aad dhul ay maamulaan jirin cudud iyo ciidan ay isku difaacaana haysan.

Waxaad moodaa inuu maanta ku dhacay dabin laga yaabo inuu ku waayo kursigiisa, kaas oo soo dedejin kara burburka dowlada uu hogaanka u hayo, kadib markuu ku talaabsaday talaabo Axdi Qarameedka iyo Xeerka Dowladaba ka soo horjeeda, sheegtay awood uusan lahay, la saftay oo garab siiyay nin ay Xubnihii Baarlamaanku shaqada ka eryeen. 

Gabagabadii:

Hadaba su’aasha QARNIGA ee isweydiinta u baahni waxay tahay maxaa Madaxweyne Shariifka ukala diray dowlada maadaama doodu aysan ku salaysnay kalsoonida dowlada balse ku salaysnayd Aadan Madoobe iyo Gudoomiye nimadiisa, maxaa ku kalifay inuu khilaaf ka dhexdhaliyo isaga iyo Gollaha wasiirada iyo Ra’iisal Wasarahaba, maxaa sababay in Xubnihii Baarlamaanka oo u codeeyay inay shaqadii ka eryeen Aadan uu Shariif Xariif ka dhigo inuu Aadan iscasilay una balan qaaday inuu ka mid noqon doono dowlad aan weli la dhisin oo uusan isagu Ra’iisal Wasaare ka ahayn, maxaa sababay in Wakiilka Qaramada Midoobay ku degdego la safashada Shariifka kuna farxo in dowlada la kala diro isagoo weli dhaleecayn u soo jeediyay gollaha wasiirada hanjabadna raacshay hadalkiisa , sow taasi cadayn markhaanti madoonto u noqon mayso inuu isagu yahay mu’alifka ruwaayada maanta lagu maweelinayo shacabta tabaalaysan ee Soomaaliyeed.  

Waxaan oran karnaa waxaa maanta Baarlamaanka u furan fursan dahabi ah taas oo ay xil beenaadka kaga xayuubin karaan Shariif Xariif, taas oo aad moodid inay dhidibada u siibi karto Maafiyada ku wareegsan masuulkaan, horseedna u noqon karta isbadal dhaca, kaas oo furi kara wado wada-hadal oo dhexmarta mucaaradka hubaysan iyo Dowlada TFG-2.

Hadii aysan taas samayn waxaa hubaal markhaanti ma doonto ah inay nin walbow naftaa , nabiyow umadaa ay ka dhici doonto Muqdisho , oo ay Al-Shabaab qabsan doonto 2 km ee uga dhiman magaalada, xubnaha fara isu taaga ee Baarlamaanka TFG-2 mid-mid ay u ugaarsan doonto Al-Shabaabku, meesha Airport iyo Dekeda Muqdishona Askarta Afrikaanku qof aan iyaga ahayd u ogolaan doonin inta ay ka daabulaysanayaan ciidankooda, taas oo la mid noqon doonta kolkii maraykanku ciidankiisa kala cararatay Bayruut, ama ay Yuhuuda ka baxaysay koonfurta Lubnaan oo ay halkaas uga carareen taageerayaashoodii reer Lubnaan kuwaas oo ay ugaarsadeen Xisbu-Laah. 

Farah Aw-Osman
Awosman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dhaga-adayga Aadan Madoobe, Dhagarta Shariif Sakiin, Dhabacsanaanta Cumar iyo Dhoohnaanta Shariif Xariif. "

  1. Faalo cajiiba xaqiiq ah baad qortay adigoon cidna dulmiyin,waxaana rajeynayaa iney Barlamaanku qataan wadada saxda ah Wasiirada hantida boobayna ay Maxkamad soo tagaan sida Sheriif sakiin,ING Yariisow iwm weliba maanta waa chance Airport laga dhoofo maleh oo Amnisom baa fadhida Wadooyinkana Alshabaab baa fadhida oo surka ka qaleysa,Marka MR Cumar waa inuu la shaqeeyaa Xeer ilaaliyaha wax walbana sharciga u fiiriyaa si ragaan ugu noqoto tariikh lama ilaawan ah.

  2. farascadde says:

    qoraaaaaaaaaga maqaaaalkan waa well educated with lots of experience on analyzing how the are .. how they have been .. how will they be ….infact he is apolitical analyst .. he has exposed facts an figures … may Allah bless him …thank owusman

  3. Togane says:

    Waxaan tilmaami lahaa in caadifada la iska ilaaliyo. Qofka xumaan iyo wanaagba wuu yeelan karaa. Yaanan lagu talax tagin, leysna dhexgalin wax jiro iyo waxaan jirin…

    Sedexdaan qodob ee hoose ee maqaalkaan sare ku dhex jira bal ila eega walaalayaaloow:

    1. Cabdullaahi Yuusuf waa wadani. Sheekh Shariifna waa Qaa’inul Wadan! Hashac – Cajiib

    2. Shariif Xasan wuxuu rabaa in uu noqdo Gudoomiye baarlamaan si aan loogu soo oogin xatooyo Qaran! Hashac – Cajiib

    3. Beesha caalamka waxay rabaan in dad u qalmo oo aqoonteeda leh loo dhiibo jagooyinka wasaradaha! Hashac – Cajiib

    —— —— ——-
    Cadaalad fal halaguu cadaalad falee!!!
    Togane