Home » Warar »

Shiikh Shariif oo ka laabtey Go’aankii uu ku eryey Cumar Cabdi Rashiid

iyo Sheikh Shariif oo ka Dhoofay Muqdisho isagoo ku siijeeda Istanbul Turkey….

iyo Xildhibaanada baarlamaanka oo u hambalyeeyey Cumar C/rashiid…

Warsaxaafadeed Sheikh Shariif kaga laabatay Xil ka qaadistii

Iyadoo Qalalaase siyaasadeed uu soo wajahday Dowladda FKMG ee uu hogaamiyo Madaxwyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ka dib markii uu is qabqabsi uu dhexmarey Gudoomiyihii Hore Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) iyo Raiisul Wasaaare Cumar Cabdirashiid taasina waxay keentey in xilka laga qaado Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke islamarkaana uu is casilo Gudoomiyhii Baarlamanka.

Cumar Cabdirashiid ayaa markii ugu horeeysey wuxuu ku gacanseyrey Eryadii uu xilka kaga xayuubiyey  Gudoomiyihii Baarlamaanka wuxuuna uu sheegey in uusan xilka ka qaadi karin Shiikh Aadan Madoobe hadalka uu ku dhawaaqey uu yahay mid aan sharci ahayn , Go’aankii labaad uu uu ku gacansayrey Camar Cabdirashiid wuxuu ahaa mid ka soo baxay Madaxweyne Shiikh Shariif ee ahaa in uu xilkii ka qaaday Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Dowladiisiina ay dhacdey wuxuuna afka ku balaariyey in madaxweynuhu uusan isaga xilka ka qaadi karin “Hadalka ka soo yeerey Madaxweynaha waa mid aan sharci ahayn” ayuu si kulul u yiri Cumar Cabdirashiid oo sheegey in uu yahay Raiisul Wasaare Sharci ah

Qalalaasahaas siyaasadeed ee ku yimid Dowladda Federaalka ayaa waxaa soo kala dhexgaley Beesha caalamka taasina waxay keentey in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif uu ka laabto Go’aankii uu ku eryey Cumar Cabdirashid wuxuuna ku sheegey warsaxaafadeed uu soo saarey in uu Raiisul Wasaaraha sii wadan karo howshiisa Dowladiisuna ya tahay mid shaqeyneysa.

Warsaxaafadeedka oo uu faafiyey agaasimaha warfaafinta u qaabilsan Madaxtooyada DFKMG, Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa tibaaxday in Sheikh Shariif ka laabtay go’aankiisii kadib markii uu la tashaday dad sharciyaaqaano ah  iyo xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG, isla markaasna la sheegay in aysan dhamastirnayn kalsooni kala laabashado ay Baarlamaanku ku sameeyeen xukuumada.

“Habkii kalsooni kala noqoshada ee xukuumaddu ma ahayn mid dhammeystiran qaab ahaan iyo qodob ahaanba,” ayaa lagu xusay warsaxaafadeedka.

Inkastoo aan la faahfaahin sababta uu Madaxeyne Shariif uu uga laabtay Go;aankaa haddana waxaan ka marneyn meesha cadaadis siyaasadeed oo ka yimd dhinaca Beesha caalamka hase yeeshee su’aasha meesha taala waxay tahay waxa laga yeelayo ama lagu qancin doono Shiikh Aadan Madoobe oo markii hore lagu qanciyey in la eryayo Cumar Cabdi Rashiid islamarkaana loo dhiibi doono Xil kale.

Warsaxaafadeed uu hore (May 17, 2010) magaalada Nairobi ka soo saaray Walad Cabdalla oo markaas taageeray  go’aankii Sheikh Shariif ku casilay ra’iisul wasaaraha ayaa xillilgaas qoraalkiisa ugu baaqay in Aadan Madoobe “Guddoomihii hore ee Barlamaanka uu ogolaado inuu ku soo biiro Golaha Wasiirrada cusub“.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Sheikh Shariif oo u Dhoofay Turkiga

Saacado kabacdi markii uu ka laabtay kala diristii xukuumadda ayaa madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif waxa uu ka dhoofay magaalada Muqdisho isagoo ku siijeeda caasumadda dalka Turkiga ee istanbul halkaas oo uu kaga qayb geli doono shir soconaya saddex maalmood oo uu soo qaban qaabiyey Walad Cabdalla.

Shirkaas oo qodobada looga hadlayo ay ka mid yihiin badda Soomaaliya (iyo khayraadka kalluunku kamid yahay ee ku jira), ayadoo aqoonyahanka Soomaaliyeed rumaysan yihiin in si cilmiyaysan la doonayo in taariikhda loogu qoro in badda Soomaaliya aysanba markii hore calamadsanayn oo uusan jirin aagga loo yahay AAGGA GANACSIGA ee EEZ, ayadoo aan la xusayn Xeerkii 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii September 1972 (Faahfaahin dheraad ah AKHRI HALKAN), arrintaas oo shacabka Soomaaliyeed hore uga dhiidhiyeen.

Waftiga Sheikh Shariif Muqdisho ka raacay maanta (May 20, 2010) waxaa kamid ahaa Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Cabdi Qeybdiid iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdirisaaq Juurile iyo xubno kale.
Shirka istanbul ayaa furmaya Jimcada May 21 soconaya ilaa Axadda.

Xildhibaanadii ugu faraha badnaa oo maanta u hambalyeeyey Ra’iisal Wasaare Sharmarke kadib markii…

Kadib markii Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu dib uga laabtay go’aankii uu ku kala dirayay Xukuumada uu hogaaminayo  Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa waxaa si weyn looga dareemay qeybaha kala duwan ee Dowladda, gaar ahaaana Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Xarumaha Wasaaraddaha iyo Baarlamaanka.

Halkan ka daawo Sawirrada
 
Xildhibaanadii ugu faraha badnaa ayaa soo buux dhaafiyay guriga Ra’iisal Wasaaraha iyagoo si weyn ugu hambalyeeynayay Ra’iisal Wasaaraha oo isaguna ay wajigiisa ka muuqatay farxad aad u weyn.
 
Xildhibaano uu ku jiray Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlaamaanka Xaaji Shukri Sh. Axmed ayaa si weyn ugu hambalyeeyey waxaana sidoo kale soo buux dhaafiyay xafiiskiisa Golihiisa Wasiirada oo iyagu muujiyay inay aad ugu faraxsan yihiin go’aankan madaxweynaha ee ka laabashada kala diristii Xukuumada iyadoo sidoo kalena uu joogay Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ahaa Guddoomiye kuxigeenkii 2-aad ee Baaralamaanka.
 
Guriga uu degan yahay Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa hal mar si wada jir ah loo soo buux dhaafiyay, waxaana jiray agaasimeyaal xoghayeyaal joogto, safiiro, Siyaasiyiin iyo waxgarad fara badan oo iyaguna hambalyada qeyb ka ahaa.
 
Sidoo kale, dhamaan shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa iyaguna marxabeeyey si wada jir ahna ku yiri “Ra’iisal Wasaare jir oo joog”.
 
Dhinaca kale, arrinta ayaa ah mid soo afjareysa khilaafkii ugubka ahaa ee soo jiray todobaadyadii ugu dambeeyey taasoo ka dhalatay khilaaf soo kala dhex galay guddoonka Baarlamaanka iyo Xukuumada Ra’iisal Wasaare Sharmarke.
 
Garaad Salaad Xirsi
E-mail: garaadcadde@hotmail.com

Cumar Cabdirashiid oo ku Gacan seyray kala diristii Madaxweynaha ku sameeyay Xukuumada

Walad Cabdalla oo Taageeray Go’aanka Sheekh Shariif uu ku kala diray xukuumadda

Xukuumadii Cumar Cabdirashiid oo lakala direy iyo Afhayeenkii Barlamaanka oo xilkiisii iska casilay

Axdiga DFKMG:

Qodobka 44aad,

  • farqadda 2aad: Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa xilkana ka qaadayaa Wasiirka Koowaad ama kala diraa xukuumadda haddii ay waydo codka kalsoonidda Golaha Shacabka.

Qodobka 51aad:

  • 1. Haddii in ka badan boqolkiiba konton(50%) Golaha Shacabku ka soo jeediyo go’aan kalsooni daro ah Wasiirka Koowaad, Madaxweynuhu waxaa uu xilka ka qaadayaa Wasiirka Kowaad iyo Golihiisa Wasiirada.
  • 2. Madaxmeyhaha xilka kama qaadi karo Wasiirka Kowaad ama ku Xigeenada Wasiirka Koowaad inta uu jiro Golaha Shacabka, si kasta ha ahaatee, aan ka ahayn siyaabaha ku cad Qodobka 51 (1).

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shiikh Shariif oo ka laabtey Go’aankii uu ku eryey Cumar Cabdi Rashiid "

  1. abdi says:

    Shariif sheekadaan waa loo soo dhiibay in uu jagada ka qaado cumar .
    Somali waxay tiri taladaan la ruugin waa lagu rafadaa .
    Shariifka ma uusan noqon qanaac ku adkaysta mowqifkiisa khaldan sida looga bartay madaxda qaarkeed taas oo keeni lahayd in ay dowladda noqoto laba garab .

  2. Abdushakur says:

    waad salaamantahiin bahda soomalitalk.fikirkyga: soo celinta Cumar Abdirashiid.waxay kutusaysaa inuusan meesha ka jirin maamul latashi ku dhisan, balse uu ka jiro macalin Dugsi quraan oo ardagiisa ul u taagey ka dibna kale noqday. dawladnimada ma ah xilkii waan kaaqaaday haddane waan ku sooceliyey,magabar laqabo dalqadaheed baa waan ku furaya hadana waan ku soo ceshaday ? intaadan furin kafakar !