Home » Maqaallo »

Dayr ay dadka Soomaaliyeed la dagaalamaan diinta Islaamka..!

Diinta Islaamku waxay dalka Soomaaliya soo gaadhey mudo aan sidaa ugaba durugsaneyn markii ay soo caga dhigatay Jasiiradda Carabta iyadoo ay mu’arikhiinta ku xeel dheer Soyaalka in badan oo ka tirsani ay ku doodaan in qarnigii 8-aad ay diinta Islaamku timid xeebaha Soomaaliyeed.-

Dadka qaar baa xitaa sheega in Asxaabtii Nabiga (NNKH) ee usoo haajirtey dhulka Xabashida ay kasoo degeen magaalada dhacda xeebta Woqooyi ee Saylac balse maanta ayaad moodaa in markii ugu horreeysey la dareemi karo in Diintii Islaamka ay caqabadi kasoo wajaheyso isla dadkii Soomaaliyeed oo lagu tilmaami karo dad diinta jecel tiiyoo xitaa aanay ugu dhaqmin sidii loo baahnaa balse ma dareensana inay la dagaalamayaan.–

Marka aan kasoo qabto gudaha dalka Soomaaliya waxaa ka jira kooxo badan oo kala duwan oo si joogto ah ugu foogan ama ugu howlan fulinta howlo ka dhan ah qiyamkii, hab dhaqankii iyo tusaalihii looga baahnaa diinta muqadaska ah ee Islaamka.–

Burburinta aan loo bareerin ee balse baabi’inaysa diinta Islaamka waxaa safka hore kaga jira kooxaha sida ay sheegtaan diinta u dagaalama, tusaale ahaan waqti fiidnimo ah oo uu aasku madoobaadey ayaa waxaa socdey meel ka tirsan magaalada Muqdisho 2 will oo aanu macriifo nahay ama is naqaano.–

Waxaana soo daba galay nin ay ka shakiyeen ileen qof kastaahi wuxuu buufis ka qabaa in la dili karo daqiiqad kasta isagoo aan aqoonin sababta uu ku muteystay….! Mid baa deeto kii kale hoosta ka gundhiyay si uu u tuso qofka soo daba galay, in yar kadib waxay u bexeen meel uu nal ka shidnaa waxayna si saaxi ah indhaha uga buuxsadeen qofkii daba socdey balse ninku ma ahayn nin ay ka muuqdeen waxyaabaha lagu garto culimada oo ma wadanin cimaamad IWM, wuxuuna shitay sigaar markaas ayaan faraxnay ayay yiraahdeen wiilashii inagoo si hunnu hunnu ah hoosta iskaga sheegnay inuusan qofkani halis ku ahayn nolosheena….! Yaab..!

Waxaan markaas garowsadey inaan hoos uga dhacnay halkii aan taagneyn oo ay wax badani iska bedeleen aragtidii ay dadka Soomaalidu ka qabeen Diintii ay mar jeclaayeen taasoo halis wayn keeni karta, bal aqristoow eeg sawirkaas guracan….?

Waxaa intaa dheer bambaanooyinkii la siyaasadeeyey ee lagu weeraray Masaajidyo ku yaalla Muqdisho iyo Kismaayo inkasta oo ay ahayd waqcad aad u foolxumeyd dadka qaarkood ayaa u riyaaqay iyagoo xusuusanaya oo qura in qolooyinkii loola dan lahaa ay iyaguba khalad sameeyeen laakiin khalad laguma soxo khalad taasoo muujinaysa sida uu isu bedeley wacyiga wanaag araga ah ee dadka Soomaaliyeed marka ay timaaddo xurmeynta Muqadasaadka Islaamka, taasoo wax laga saari karo kooxaha sheegta inay diin u dagaallamaan oo badiyaa u muuqda kuwo la dagaalamaya isla diinta ay sheeganayaan inay u dagaalamayaan.

Isla Soomaaliya hadii aan sii jibaaxno waxaa ka mid ah asbaabaha loola dagallamo diinta Islaamka ee aan la dareensaneyn in gobollo ka mid ah dalka Soomaaliya ay caadi ka tahay in la dhoofiyo dad culima ah oo gacanta loo geliyo dowlado iyo hay’aad aan Islaam ahayn oo ay qaarkood markii hore kasoo carareen cadowgaasi iyadoo ay ceeb iyo cuqubo tahay in dadkaasi oo ay qaarkood yihiin culumo iyo Macalimiin dadka wax tari lahaa loo dhiibo Itoobiyaan oo wixi Xabsigooda gala aan il dambe la saarin, iyadoo ay caan tahay “Alam baka“ oo u dhiganta “Aduunyo Bes“.-

Ugu dambeyn aan kusoo gunaanado maqaalkaygan doorka ay Soomaalida qurbuhu ka ciyaaraan la dagaalanka Diintooda, tusaale ahaan waxaa dhowr mar soo noq noqota in la iskugu yimaaddo goobo uu fisqigu heer sare gaaro oo ay is dheehaan Ragga iyo Haweenku iyadoo markii ay kusoo baxaan dad doonaya inay u nasteexeeyaan lagu yiraahdo “Wax kaa khuseeyaa majiraan“ oo ah tacbiir ay caan ku yihiin dadka aan Islaamka ahayn ama xitaa Boliiska loogu yeero iyadoo la leeyahay “waxaa yimid niman xag jir ah“ waa cajiib.

Mid ka mid ah masaajidyada ku yaalla dalkan Sweden ayaa agtiisa laga oogey bandhig faneed Muusik ah iyadoo masaajidkii laga joogi waayay qayladii iyo sawaxankii ka yeereysey goobtii munkarka deeto culimadii ayaa dibadda usoo baxay oo ka codsaday inay joojiyaan ama ugu yaraan hadii aanay yeeleynin ay la tagaan meel kale.

Balse waxaa dhacday arin iminka u muuqata mid caado ka noqotay qaar ka mid ah Soomaalida oo ah in markii Goroyo loo heeso ay Geel u heesaan, waxaana loo yeerey ciidamadii amaanka oo loosoo far muuqay in masaajidka ay kujiraan niman mutadarifiin ah oo xiriir la leh Agagixiso.

Waxaa kale oo jirta caadooyin amankaag iyo afkala qaad leh balse si wayn looga isticmaalo qurbaha waxaana ka mid ah inay si kas u kala noolaadaan lamaanaha is qaba iyadoo la raadinayo san dareerto iyo sunuud yar balse tillaabadaasi waxay noqotaa dab gadaal ugu soo holca waayo marka laga soo tago inay baylah u yihiin in ilmaha lagala wareego waxaa khasab ku ah inay gabadhu qofkii ceeyrta siin lahaa ay hor tagto iyadoo tuuraysa wax kasta oo sumcad ahaa ama ay dhigeysey diinteenu iyadoo leh “ilmahan waxaa iga dhalay saaxiibkeey….! Walaahi waa halis aragti khaldan ka bixinaysa diinta Islaamka.

Si kastaba inkasta oo aanan dooneynin inaan ka badbadiyo sida ay wax yihiin ama aanan jecleyn in aan xaajada karaar dhaafiyo waxay ila tahay in xumeeydan loo aaneeyn karo rag culimo sheeganaya oo tusaale guracan siinaya caamigii, waxayna aragtidaasi kugu dhalanaysaa marka aad aragto ololaha la joojiyaa banaan la jiifiyaana banaanta ah ee ka soconaya Soomaaliya.

Waayo waxay taasi kuusoo baxaysaa Marka aad aragto kooxaha is dilaya oo olog lakala ah Itoobiyaan iyo Eriteriyaan oo aan ognahay inay wada yihiin ilka Abeeso hoos bay ka xiriiraan waayo waa wada Tigree, wada Orthodox aan midkoodna maalin jeclaanin samaha Soomaaliyeed taasoo sawir xun ka bixinaysa afkaaraha ay kooxahani taageertaan halkee iyo halka laga soo minguuriyay.

Gebagabo waxaad kaloo moodaa inay waxani sal ku leeyihiin siyaasadda wejiga xun qaadatay ee ay qoryaha la gayfanyihiin niman maalin si wada jir ah noogu sheegay inay u dhasheen sidii loo dhiig joojin lahaa dhibaatada daba dheeraatay ee ragaadisay shacabka ay caadifadu indhaha cadeeydey ee Soomaaliyeed laakiin su’aashu waxay tahay maka soo saari karaan ceelka ay ku uubateeynayaan diinta Islaamka oo ah nimcada qura ee ay haystaan dadka Soomaaliyeed dal ay bad baadiyaanba ha joogtee..?! waa su’aal aan jawaabteeda sugayo maalin uu roob da’ayo..! Alloow sahal umuuraha…?–

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage–

E-mail:- maxaaji@hotmail.com

Gothenberg, Sweden–

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.