Home » Warar »

Cumar Cabdirashiid oo ku Gacan seyray kala diristii Madaxweynaha ku sameeyay Xukuumada

Ra’iisal Wasaare Sharmarke“Aniga iyo madaxweynaha waan is aragnay waxaan u cadeeyay in aan istiqaalo keenin, aqlabiyad baarlaamaana aan codka lagala noqon Xukuumada, Xukuumaduna ay tahay mid sharci ah”

  • “Taladii lasoo jeediyey ee ahayd in Madaxweynaha  uu soo dhiso xukuumad ma waafaqsanayn Axdiga Kumeelgaarka. Qodobka 44aad iyo 51aad ayey ku caddahay” Cumar C/rashiid

Shir jaraa’id oo uu Xafiiskiisa ku qabtay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada FKMG ah Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayuu ku gacan seyray kala diristii Madaxweynaha ku sameeyay shalay Xukuumada isagoo sheegay inaan loo marin wado sharci ah.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa saxaafada la hadlay kadib kulan ay isugu yimaadeen xubnaha golihiisa Wasiirada oo iyagu soo xaadiray madasha shirka saaka, wuxuuna sheegay in dood iyo falanqeyn dheer kadib ay isla garteen in xukuumada ay tahay weli mid dhaqangal ah isla markaana shaqeyneysa.

“Waad u jeedaan dhamaan xubnihii Golaha Wasiiradu wey fadhiyaan, sideedii ayayna u shaqeyneysaa xukuumadu waana sharci” ayuu yiri Mr. Sharmarke oo xusay in xukuumadiisa ay kalsoonida siiyaan xubnaha golaha Baarlamaanka, waxaana ridi kara Baarlamaanka oo codkii kalsoonida kala laabta” ayuu mar kale yiri.

Halkan ka dhegeyso Hadalkii Cumar C/rashiid ee shirka jaraa’id

Ra’iisal Wasaaraha ayaa cadeeyay in xalay isaga iyo madaxweynaha ay is arkeen isla markaana uu u sheegay in xukuumadiisu sharci tahay wuxuuna yiri “Aniga iyo madaxweynaha waan is aragnay waxaana u cadeeyay in aan istiqaalo keenin, aqlabiyad baarlaamaana aan codka lagala noqon Xukuumada, sidaasi darteedna ay Xukuumadu tahay mid sharci ah”.

Halkan ka daawo sawirada shirka jaraa’id

Sidoo kale, wuxuu si toos ah u soo hadal qaaday talaabadii Aadan madoobe oo ahaa guddoomiyihii Baarlamaanka isagoo xusay in haddii uu meel maro warka Aadan madoobe ee ahaa inay xukuumadii dhacday ay noqon doonto jid, guddoomiye kasta oo Baarlaamaanka oo la doortona uu inta gurigiisa ku qabto shir jaraa’id oran doono madaxweynihii waan ridnay, baarlamaankii waan ridnay.

“Madaxweynuhu xaq uma lahan inuu kala diro xukuumada” ayuu mar kale ku celiyay.

Dhinaca kale, Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde aya isaguna ka soo dhex muuqday kalfadhigii manta ee xubnaha Golaha Wasiirada, isagoo aan la hadlin wax saxaafad ah.

Kooramka shirka golaha Wasiirada oo ah 14 Wasiir ayaa waxaa kulanka ka soo qeyb galay 20 Wasiir iyadoo inta badana Wasiiradu ay safaro shaqo uga maqan yihiin dalka gudihiisa.

Halkan ka daawo sawirada shirka jaraa’id

Garaad Salaad Xirsi
E-mail: garaadcadde@hotmail.com
FG. Codka waxaa soo tebiyey: Muuse Maxamuud Jiisow.

Axdiga DFKMG:

Qodobka 44aad,

  • farqadda 2aad: Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa xilkana ka qaadayaa Wasiirka Koowaad ama kala diraa xukuumadda haddii ay waydo codka kalsoonidda Golaha Shacabka.

Qodobka 51aad:

  • 1. Haddii in ka badan boqolkiiba konton(50%) Golaha Shacabku ka soo jeediyo go’aan kalsooni daro ah Wasiirka Koowaad, Madaxweynuhu waxaa uu xilka ka qaadayaa Wasiirka Kowaad iyo Golihiisa Wasiirada.
  • 2. Madaxmeyhaha xilka kama qaadi karo Wasiirka Kowaad ama ku Xigeenada Wasiirka Koowaad inta uu jiro Golaha Shacabka, si kasta ha ahaatee, aan ka ahayn siyaabaha ku cad Qodobka 51 (1).

Axdiga DFKMG halkan ka eeg (pdf)

……….

Walad Cabdalla oo Taageeray Go’aanka Sheekh Shariif uu ku kala diray xukuumadda

Xukuumadii Cumar Cabdirashiid oo lakala direy iyo Afhayeenkii Barlamaanka oo xilkiisii iska casilay

…………
Sheekh Xasan Daahir Aweys “Waa u Doqonnimo Indhacade in nin tagay uu Candhuuf ka daba tufo”

Wasiiru Dowlihii hore ee Arrimaha Gaashaandhiga Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha Cadde) ayaa dhaleeceyn weyn dusha kaga tuuray Ra’isul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Cumar C/rashiid, isagoo ku eedeeyey in uu yahay Ra’isul Wasaare si hoose ula shaqeyn jiray kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, “waxaana haynaa caddeemo rasmi ah oo la xiriira arrintaasi waxaana ka mid ah caddeymahaasi isaga oo hubka dowladda la siiyo dib u siiya kooxaha mucaaradka waad u jeeddaan qoryahan halkaan yaala kuwii aan ka qabsanay kooxaha mucaaradka “ ayuu yiri Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha Cadde) oo markaa tilmamayay dhowr qori oo ay lahayd Dowladda, waxa uuna intaa sii raaciyey “afar beri ka hor ayaan dagaal qaadnay hase yeeshee Cumar C/Rashiid waxa uu la soo hadlay Ciidamada AMISOM oo uu ku yiri “Wax rasaas ah ma siin kartaan “taasina waxay keentay in ciidam fara badan nooga dhintaan “.

Hadalka ka soo yeeray Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde ayaa waxaa jawaab ka bixiyey Guddoomiyaha ururka Xisbul Islaam Xasan Daahir Aweys waxa uuna yiri “Hubka gacanteena so gala waxaan ku helnaa qaab farsamoyin fara badan oo ay ka mid yihiin inaan ka iibsano in aan xoog kaga furano, iyo in kooxo soo goostay ay nagu wareejiyaan”, waxa uuna sii raaciyey “hadalka ka soo yeeray indha Cadde waa mid doqonnimo ah waayo nin tagay ayuu candhuuf ka daba tufay ee waxay ahayd in uu warkaas sheego intii xilka hayey”.

Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay in uusan marnaba wax heshiis ah la geli doonin Sheekh Shariif iyo dowladdiisa “waxaan isku haysano waa caqiido marka sinaba kuma heshiin karno waayo iyagu waxay u adeegaan gaalo, anaguna waxaana dooneynaa in dalkaan lagu dhaqo shareecadda islaamka.

, W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Cumar Cabdirashiid oo ku Gacan seyray kala diristii Madaxweynaha ku sameeyay Xukuumada "

  1. Run Sheeg says:

    Walle Dadku hadalka kala garan og. Xitaa warka uu sheegayo indhacade uu saxyahay, maalintiisa maaha!

  2. keyse says:

    Waxaad moodaa in indhacade uu iminka hurdada kasoo toosay war meesha dowlad ma taalo ee afarta qori ee aad heeso ku wareeji Mujaahidiinta inta aysan si xoog ah kaaga furan waa iga waano duqa