Home » Warar »

Wadooyinka Xerada Kakuma oo la dhisi rabo dhawaan iyo xaalada Kaakuma

Muqaal ahaan xerada Kaakuma waa guryaha Arshaanta ay kor ka saaran tahay Teendhada ay bixiso Hay’ada qoxootiga ad aduunka marka magaceeda la soo gaabsho loo yaqaan UNHCR kuwa kalana waxa saray Tarniiga walow aysan u badneen sababtoo ah jawiga xerada ayaa ah mid aad u kulul, Markaad soo gashid xerada waxa ka jira loolan dhaq dhaqaaq oo ganacsi waxa ka furan tukaamo aad u waaween oo gudahooda ay aad u camiran yihiin lakinse moqaal ahaan waa guryo tarniig ah, waxa kaloo ka furan warshado sameya barafka iyo jalaatada guriga leh, lakinse gabi ahaan meelaha lugu ganacsado wadooyinka ayaa ah wadooyin ay jifaan biyo aad u wasaqbadan waxana adag in laysku dhex maro.
 
Waxa la dhisay wadoon yinka Kaakuma Foor, Kakuma Three iyo Kaakuma Two, wili waxa la dhisin xerada Kakuma One wadadeedii ayadoo ah mesha ay ka jirto ganacsiga igu tirada badan ee xerada ayna ku yaliin Meherado ay ka mid tahay Maqaaxiyaal, tokaamo, iyo Kawanada Hilibka lakinse dhamaan meelaha lugu ganacsado ayaa ah wadooyin jajaban ay biyo wasaq ah ay fadhiyaan, waxa la filayaa sida ay sheegta hay’ada u qaabilsan qadaraaska lugu dhisayo xerada ee marka magaceeda la soo gaabsho looyaqaan JR ayaa biri wixi ka dabeeya ka hirgalin doonta wadooyin waween in ay ka dhisi doonto Xerada Kowaad
 
Modo toban bari ah kama jirin xerada wax qudrad ah oo soo gasha waxana sababay markii ay da een roobab lixaad leh oo dhawanahaan ka da’ayey Xerada iyo Nawaaxigeeda,ayaa sababay in ay wadada isku xirta xerada Kaakuma iyo gobolada kale ee Kenya ay godo, shalay ayaa laga dareemayaa soo galitaanka gudrada iyo adeega xaafadaha oo aad loo adeeganayo.
 
Dhanka kale xerada Kaakuma waxa ka jira Cudur ka Malaariyada oo aad dad ku ay ugu litaan, waxa ka shaqeeya Hay;ada IRC oo gacanta ku haysa Xerada arimaha Caafimaadka, shalay ayaan waxan soo maray guud ahaan Isbitaalka ween ee xerada Kaakuma oo ay dad ku ula jifeen cudur ka kaneedada iima suurta galin in an ka soo qaado sawiro ayadoo ay adagtahay ka qaadida Sawirka
 
Xerada Kaakuma ayaa waxa ay u kala qaybsan tahay afar qaybood ay kala yihiin Xerada Kowaad, Labaad, Sadexaad iyo Afraan, waxana la asaasay Xerada Sanadii 1992 ayadoo la dajiyey qoxootigii ugu horeyey ee South Sudan, kadibna waxa iska soo daba dagayey qaxooti aad u tiro badan, Qoxootiga ugu tirada badan ayaa ah Qoxootiga Soomalida ah lakinse dhamaan inta badan qoxootigaan ayaa soo galay xerada horaantii sanadki 2007 ilaa iyo hada wilina ma hayaan wax dibada dajin ah oo wadan Sadexaad ah, dhalinyaro aad u tiro badan ayaa iskaga tagay kuwaas oo aday wadanka South Africa oo qaarkood inta ay sii socdeen xabsiyo la kulmay, kuwa kalana waxa ay u socdaaleen Dhanka Liibiya, Qoysas aad u tiro badan ayaan gadaal ugu laabtay wadanka Somaliya markii ay la qabsan wayeen xerada
 
Qoysas tiro badan ayaa filaya bishaan gudaheeda in ay soo qadan doonaan warqada dhicitaanka iyo baasida ee wadan ka Mareekanka kuwaas oo aad ku arkaysid meelaha wax lugu dhajiyo dad aad u tiro badan oo tagan oo hadal haya dad ka wax baraya iyo dad ka soo qaadan doona bishaan warqada dhicitaanka iyo baasida.
 
 
 
Mahamed Ali Maslah
Kakuma Refugee Camp

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.