Home » AmiinYuusuf, Faallo »

Muqdisho: Magaaladii Fashilka

1991dii markii ay burburtay Dowladdii Milatariga ahayd ee uu hogaaminayey Max’ed Siyaad Barre ayaa waxaa Soomaaliya ka bilowday qalalaase kaas oo saameyn ku yeeshay gebi ahaanba dalka Soomaaliya marka laga reebo gobolo sameystay maamulo gaar ah, hase yeeshee magaalada Muqdisho oo ah hooyada burburka iyo dhibaatada Soomaaliya ayaa noqotay magaalo ay ku fashilmaan wax kasta oo la sameeyo ha noqoto dib u heshiisiin ama arrimo kale.

Fashilkii ugu Horeeyey wuxuu ku dhacay Dowladii Maxamed Siyaad ka dib markii ay Magaaladda Muqdsho ku sugtey dad kacdoon ka soo bilaabey Gobolada Dalka waana la ogaa muddo 28 maalmood ayaa lagu soo afjarey , Damaca waa wax xun mararka qaar kaa dabageeya fashiilna kuu horseeda , hadana Maxamed siyaad waa isa soo qaadey mar kale haddana fashilkii baa ku dhacay intii uu soo gaarin duleedka Muqdisho

Markii Jabhadihii ay soo galeen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa arrintaa aad ugu guuxay bulshada Soomaaliyeed oo iyagu doonayey in ay arkaan isbedel hase yeeshee taasi ma noqon kadib markii uu isqabqabsi dhex maray xubnihii hogaaminayey halgankaasi waxaana Odoyaal iyo Waxgarad ay bilaabeen sidii loo xalin lahaa khilaafka soo kala dhex galay Ururkii USC, waxaana la qabtay shirweyne, waxaana isugu soo haray Gen. Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Xaaji Yuusuf, mid waliba waxa uu soo bandhigay qorshihiisa iyo waxa uu ugu qabanayo bulshada Soomaaliyeed, Cali Xaaji Yuusuf ayaa waxa uu kor u taagay Kitaabka Qur’aanka Kariimka oo yiri “Isaga ayaan ku dhaqaya bulshada Soomaaliyeed” halka Gen. Caydiid uu taagay Qoriga AK47, kadib markii uu bulshada ay u aragtay Gen. Caydiid in uu yahay nin samatabixin kara waxaana layska laalay Kutubkii uu taagay Cali Xaaji Yuusuf, dadka qaar baa yiraahda waa meeshii nagala raacay inkaarta nooga timid , Waxaana markiiba Magaalada Jabuuti lagu Abaabulay shirweyne Qaran kaas oo madaxweyne loogu doortay Cali Mahdi Maxmed mudo labo sano ah, waxayna dadweynaha qaarkood sheegeen in haddii Gen. Caydiid uu labadaasi sano samri lahaa in uusan dhici laheyn dagaalkii lagu hoobtay ee Afar biloodka loo bixiyey, waxaana halkaasi Magaalada Muqdisho uga bilowday fashil ka mid ah fashiladii ugu weynaa .

Waxaa isa soo qaaday Dowladda Mareykanka oo hogaamineysay Afartan Dal kadib markii ay sheegeen in ay Soomaaliya u yimaadeen in ay u gargaaraan bulshada Soomaaliyeed hase yeeshee waxaa markii dambe dagaal gacan ka hadal ah uu dhex maray Maleeshiyadii Gen. Caydiid iyo Dowladdii Mareykanka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro aad u balaaran, waxayna taasi soo dedejisay in Mareykanku uu magaalada Muqdisho dharaar cad ka cararo kadib markii askar ka tirsan Dowladda Mareykanka lagu jiid-jiiday dariiqyada Magaalada Muqdisho, waana fashil ka le oo soo wajaha Magaalada Muqdisho mar haddii ay Huwantii uu Mareykanku horkacayey isaga carareen iyaga oo aan waxba ka qaban Xaaladda Soomaaliya.

Bixitaankii UNISOM kadib waxaa foodda is daray maleeshiyaddii Gen. Caydiid iyo Cusmaan Xasan Cali Caato, waxaana halkaasi ka dhashay burbur kale iyadoo xaaladdu sidaas ka wanaagsanaan lahayd haddii Caqligu talin lahaa isla markaana uu jiri lahaa tanaasul, waxana dhab in labadaan nin ay heysteen waayo aragnimo ku filan ee dhibaatada dagaalada balse taasi kama badbaadin Fashilkii Muqdisho .

Muqdisho oo ah Hooyadii Fashilka ayaa Waqooyiga Muqdisho waxaa kulan isugu yimaadey odoyaashooda iyo Culima’udiinkooda waxaana looga hadalayey Xaaladda Magaalada Muqdisho waxaana la isku afgartay in la isku dhaqo Shareecadda Islaamka, waxaana madax looga dhigay Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Dheere), waxaana arrintaasi si weyn ugu riyaaqay dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan Waqooyiga Muqdisho, waxayna Bulshada Waqooyiga Muqdisho ku noolaa heleen nabad, hase yeeshee arrintu waxay ku gebagabowday fashil kale oo soo wajaha Magaalada Muqdisho.

Waxaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar ka dhacay Shir dib u heshiisiin waxaana is gacan qaadey wiilkii uu dhaley Jan Caydiid iyo Cali Mahdi maxame waana meesha ay nooga timid erey bixintii La Gudoomiye hase yeeshee markii ay isugu yimaadeen Magaalada Muqisho ayaa waxaa asiibey Barnaamij ay ku can baxdey Magaalada Muqdisho ee fashilka waxaana ku adkaatey labadooda in Maamul u gaar ah Magalada Muqdisho u sameeyaan

Waxaa dalka Jabuuti 2000 lagu soo yagleelay Dowladda C/qaasim waxaana si weyn u soo dhaweeyey Dowladdaasi Bulshada Soomaaliyeed kaddib markii ay Garoonka Cayaaraha ee Muqdisho isugu tageen Boqolaal kun oo dad ah oo ku faraxsanaa in ay mar un arkaan dowlad Sooaaliyeed,

 hase yeeshee Beesha Caalamka oo aan la dhacsaneyn C/qaasim ayaa waxa ay dadaal u galeen sidii ay u fashilin lahaayeen Dowladdaasi, waxayna qoorta u geliyeen hogaamiye kooxeedyadii dalka ka jiray, waxayna taasi soo dedejisay in Dowladda C/qaasim ku fashilanto Magaalada Muqdisho.

Waxaa is uruursaday dhamaan Hogaamiye Kooxeedyadii ku suganaa Magaalada Muqdisho, waxayna ku dhawaaqeen Ururkii la Dagaalanka Argagixisada, iyadoo Deegaanka Dayniile ay isugu keeyeen Boqolaal Tikniko ah, waxayna iska dhaadhiciyeen in ay maanta haystaan awood aad u balaaran balse waxay fashilmeen markii dhallinyaro yar yar oo ka tirsanaa Midowga Maxaakiimta Islaamiga ay barqo cad ka saareen Magaalada Muqdisho, waxaana inta Koonfurta Soomaaliya la wareegay Midowga Maxaakiimta. Waana fashil kale oo ay sababtey Magaalada Muqdisho

Maqaalkaan oo aan ugu magacdaray (Muqidsho Magaaladii Fashilka), ayaa waxaa foodda is daray Ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga iyo Dowladdii uu hogaaminayey C/llaahi Yuusuf Axmed kadib markii ay Dowladdaasi awood ka heshay Ciidamadii Itoobiya waxay la wareegtay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana mar kale fashil ku yimid nabaddii ka dhalatay Koofurta Soomaaliya ee horkacayeen Midowgii Maxaakiimta waxayna dadka qaarkii ay yiraahdeen haddi uu Baydhabo iska joogi lahaa Cabdulaahi Yuusuf oo uu ku jiri lahaa Difaac waa uu dhameysan lahaa waqtigiisa balse isaga oo aan waayo- aragnimo ka helin fashiladii hore ayuu soo qabtey Magaalada Muqdisho waana la ogaa wixii ka raacay .

Dagaal dheer oo ay wada galeen Ciidamada Itoobiya iyo Midowgii Maxaakiimta oo garab ka helaya Shacabka soomaaliyeed ayaa aakhirkii waxay keentay in Ciidamada Itoobiya isaga baxaan dalka, inkastoo shacabka marnaba quluubtooda ku soo dhicin in ciidamada Itoobiya ka baxaan Muqdisho hadana waxaa farqaha ku dhegenaa inkaarta Fashilka Muqdisho

Ururada Diiniga ah ee dalka ka jira iyana dhinacooda kama marnayn Fashillaada Muqdisho waxaana xaqiiqo ah halkii ay mareen Maxaakiimtii islaamiga welina laguma waayo arag qaadan wixii fashil ah ee dhacay waxaana Muuqata saansaantii ay ku fashilmi lahaayeen kuwa hadda Jira hadddii aan caqliga talin, sidoo kale Magacyo ururo Dini ah ayaa iyana ku Xaaratey Magaalada Muqdisho oo la waayey Magacyadooda

Ciidamo Fara badan oo lagu soo tababarey dalka dibadiisa oo gaaraya kumaan kun ayaa markii la keeney magaalada muqdisho waxaa liqey Cudurka Fashliaada Magaalada Muqdisho welina waxaa la soo tababarayaa Ciidamo hor leh soomaalida waxay tiraahdaa (Timirtii hore Dab loo waa )

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu farxay Dowladda cusub oo uu horkacayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxayna isku laab qaboojiyeen in markaan ay mareen wadadii toosneyd, hase yeeshee waxba kama duwanaan tii C/llaahi Yuusuf waxaana weli Magaalada Muqdisho ka socda Dagaalo waxaana maalin walba Magaalada Muqdisho ku dhinta dad rayid ah oo aan waxba galabsan , runtii iyana waxay haysaa wadadii ay ku fashilmeen kuwii hore waxaan soo xasuustey haweeney ka soo jeeda Gobolada Waqooyi Bari Kenya ayaa mar la wareystey waxay tiri”Wiilasheena lama geynayo Muqdisho waana naqaan waxa ka jira magaaladaas “hadalka Haweyneydaas ma aha mid uga soo baxay ciyaar –Ciyaar ee waxay ogeyd in Muqdisho tahay in ciddii tagta ay fashil la kulmeyso

Ciidamada Amisom oo ah Haraadigii Ciidamada Itoobiya ayaa iyana haya wadadii Fashilka waayo kama duwana kuwii Itioobiya waxay la soo baxeen Xasuuq , Barakac iyo dhibaatooyin kale, runtiina waxaa dhab ah in aysan ka badbaadi Karin Fashilka Muqdisho waayo Ciidamo ka xoog badan baa maalin cad isga cararey Magaalada Muqdisho weliba iyaga oo ceebeysan

Weli waxaa ku dhex jirnaa fashiladihii ka dhacay magaalada Muqdisho, Soomaalidu waxay tiraahdaa (Mayd maxaa u danbeeyey?, “Kaa la sii sido”), waxaana masraxa soo fuulay Ururka Ahlusunna Waljameeca oo yiri “Aniga ha la ii baneeyo barxadda”, waxayna heshiis la galeen Dowladda Federaalka ee Sheikh Shariif hogaamiyo balse Guddoomiyaha Ahlusunna Waljameeca Macallin Maxamuud Sheekh Xasan oo saxaafadda la hadalayey ayaa afka ku balaariyey in uu fashilmay heshiiskii dhex maray iyaga iyo Dowladda, waxayna dadka qaar sheegeen haddii Ahlusunna aysan imaan laheyn Muqdisho oo ay ku ekaa lahaayeen gobolada dhexe ay ka badbaadi lahaayeen fashilka ay ku caan baxday Magaalada Muqdisho dib uma aysan qooraansan fashilaadyadii hore ee Muqdisho ka dhacay.

Isku soo wada duuboo waxay xaqiiqdo tahay in Muqdisho aysan wax fashilin balse daacad darada iyo ka leexashada wada saxda ah ee Alle jideeyey ay tahay midda keenta fashilka, waxaa la isku raacsan yahay isla markaana waxaa horey uga dhawaajiyey Sheekh Mustafa Haaruun in fashilka ay Aabe u yihiin labo arrimood, Jaahilnimo dhanka Diinta ah iyo Faragelin Shisheeye.

AKHRI MAQAALLADII HORE: https://somalitalk.com/tag/amiin/

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho iyo Khadad Cagaaran oo hor leh | Amiin Yuusuf Khasaaro

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

13 Jawaabood " Muqdisho: Magaaladii Fashilka "

  1. Wadani says:

    Jaeaab # 6, Amiin, you are funny, odayga caadi aad uugu shidatid, qabiil goormee laga weynaana somaaliyeey, , sidan waxa dalka iyo dadka ugalay qabiil lee waaye! Anyway allow sahal amuuraha, dadkana xaqa tusi, jidka toosanna alle hanagu hanuuniyo. Aaamiin.

  2. BAshir Roble says:

    Madaxwaynow, Hogaamiyow, Sheekhow, Kaabe qabiilow, Askari, ila hebel, iyo in adeer, Sidee ayaan kuula xisaabtamaa? Cid adaga kaa madax banaan oo kula xisaabtami kartaa ma jirtaa? Xisaabtankana la lama sugaye markii uu qalad dhacoe waa xisaabtan maalin kasta taagan. Haddiise qalad laguugu helose, ma jirtaa cid adiga kaa madax banaan oo qaladka aad gashay dambigiisa kuugu qaada awoodna u leh in ay ku cinqaabto? Ujeedadaydu sidee u ilaalinaa xuduudka uu qof waliba leeyahay? Sideese u dajinaa maxaa xad ah ama xad gudub ah?

  3. ina barkhadle says:

    asc waxaan aad u jececlaystay sida qiimaha iyo wadaninimadu ku dheehantahay ee uu sxb maxamed jama uga hadlay caasimada somalia ee muqdisho.intaa ka dib waxaan i diin sheegayaa inaan iska ilowno oo daaqada ka tuurno shayga qabyaalada ah.maxaa yeelay waad aragteen dalkeenii soomalia oo dhan inkaarta ku dhacday ama maanta haysata waa qabyaalad.waxa wadankeenii iyo daladnimadeenii iyo muqdishadeenii burburyeyna wax kale maha ee waa bahashaas.nin horaa waxuu yiri dugsimaleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.!

  4. siid siidi says:

    waxaan galabsanay baa nalaga gaynayaa,oo ah iyadoo la cunaayo oolacabaayo baa qas la abuuray iyadoon la eegin waxa kadanbeyn doona,waxay sababtey waxa hada naheysta,in maanta aqoontii lunto,ooay meesha kataliyaan rag aan waligood school tagin oo xitaa aan laheyn aqoon dugsi hoose,waa waxaan galabsaney,waana soconeysaa ilaa 30ka sano ee soo socota,waxaadna maqli doontaan magaco cusub iyo kuwa aan waligood xukun arag waxaana meesha kabaxay aqoonyahaniintii somaaliyeed oo qaarna dhinteen qaarna gabow ku socda.

  5. daacad says:

    asc dhamaan walaalaha soomaliyedow waxaan umalaynayaa in ninka qoraaga ahi inoo muujiyey sida isdabajooga ah ee guul daradu ugu habasatay caasimadii somali oo maanta la odhan karo si dhab ah ayaa loogu tusaale qaataa, dhibka kajira qalalaasaha siyaasadeed iyo isfahan la aanta kataagan ee aan soo afjarmaynba , waa xamar waana casimadii ugu dan baysey ee jamhuuriyad soomaaliyaad waxay tahayna wayka muuqataa ee maxaa xal u ah ,,,

  6. Wiil mudug says:

    Waah waah afkaaga caano lagu qabay waxad moda qoragu inu qalbigayga ka hadlayo anse ku raaciye ku dar in dadka muqdisho qaabkodu fashil usamenyahay miyaysan marka ahayn muqdisho casimad nimadeda la iska o dalka iyo dadka nolol lo doono o magalo kale lo igmado casumad wa sidas xaqiqdu aaahey

  7. amiin says:

    Amiin Yuusuf Khasaare sheekadaaan aad Cali Xaaji Yuusuf Saleebaannimada noogu xayeesiineysid maa naga deysid. Ku lahaa haddii Caydiid Samri lahaa. Maxaad uga tagtay in Cumar Xaashi shirkii Jabuuti $30, 000 lagu gatay oo uu u hoggaansanaaday in Talyaaniga iyo Maanafaysto group ay Cali Naafato keenaan. Ma waxaad iska indho tiraysaa in markii USC oo uu Caydiid hormuud ka ahaa ay soo xulatahay 12 siyaasi oo Cumar Xaashi looga dhigay laguna aamminay guddoomiye in talyaanigu inta diyaarad ka soo dejiyey ayroboorka Muqdisho uu horay u qaaday koox badan oo Maanafaysto ah si shirkii Jabuuti loo marin habaabiyo. Cali X. Yuusuf inuusan noqonayn Guddoomiye USC wuu ogaa ee waxay un ka ahayd Caydiid nacayb iyo tartan foolxun, Caydiidna meel uu qori kor ugu taagay ma maqlin ee daraamada naga dhaaf.

  8. Awes says:

    Waa mahdsan yahay qoraaka gaaban oo walaalkey qoray. Waxa uu kahadlaayo waa taariikh umadeena Somali soomartay, qaas ahaan bulshada kudhaqan Muqdisho. Muhiimada waxay tahay in aan ureebno tariikh raad raacleh umda reer muqdisho si aay ugubaraan iskoolaadka. Aydoo magaalada muqdisho ay leedahay taariiqyo badan oo kale soomary tana ay noqoto mid kamid ah, kuwii roray u soomaray.

  9. abdi says:

    Xamar -waxaa ku daatay dhiig badan oo si xaq daro ah loo daadiyey .
    Allah isaga ayaa ah Caadil ah una xaqsooraaya adoomadiisa .
    Somali bada ayaan weli fahmin Xamar dhibka haysta , Xamar waxa haysta ma aha hargab ee waa TB , waan sidaas in loo fahmo sheekada .

  10. Correction says:

    “Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu farxay Dowladda cusub oo uu horkacayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxayna isku laab qaboojiyeen in markaan ay mareen wadadii toosneyd” Shacabkee? Goormaa ugu danbeysay shacab iyo waxa u dhigma. Waxaa haboon inaad tiraad dadka qaar.

  11. Guled says:

    Qoraaga waxaad moodaa in uusan waxba ka tagin, balse shaqsiyan magalaadda muqdisho , dhibaatadda sow gaartay waxaan , u hibaynayaa in dowladda shisheeya, kuwaasow isku kaashatay in aysan nabad ka dhalan, kuwa dariska nala ah, & kuwa caalamka hormaray ku jira, taasow waxaan daliil ugu hayaa, Aniga, waxaa maalmaha ka mid ah, nugu marti qaaday Gurigiisa nin horey ugu tirsanayaa siyaasada soomaaliya ka hor burburkii , dowladdii dhaxe, marka martiqaadka ka dib waxuu na tusay warqad Sir taasow kaga dal ka mid dalalka soomaaliya, dariska la ah, kaga codsanayaa in uu aqbala sida ay doonayaa taasow ah , in uu magaaladda dhinac ka mid ah qabsada iyaguna ku tageeraan hub & saanad sidaasna ay wada shaqeeyaan asaga & dalkaasi, asaga waxuu noo tusay in aynu fahano balaayadda soomaaliya heesato halka ay kaga imaanayso sow waadax ah , noo tusay , warqadaas ooy ku qornayd waxaad tahay muhiim kaasow leh, Qabiil misana leh waa arragnimo marka na saaxiibtinimadeena ka faa’ideyso ayaa ku qornayd, ma doonaya in siyaasigaasa magaciisa sheego , laakiin haddii sheego , lawada garanaya dad badan, nin ka mid dadkii aan la socday , ayaa waxuu waydiiyay, maxaad kaga jawaabtay mudane, ninkii odaga ahaay, ama siyaasiga ahaay , wuu xanaaqay, waxuu yirey , maxaa kaga jawabaa waryaa danyuus yahow , waxa meesha ku qoran ma fahmi waysan tahay waa dadkaada laay, aan hub kugu siino ma ahan , aan raashin kugu dhiibno marka taageerada nuucaas ah, ha iga maqnaato , magaca iigama imaan lahaay, asagow sheegay, dhul ka qabso muqdisho marka ay leeyahiin ma dhul aan leeyahay ama aabahay ka dhintay ayaa jiray ugu dardaarmayaan , mise aniga waxaa ahay damiir lawaasha ay ku shaqeystaan, sida aan martiqaad kuma jirin shu’aashan nuucaas ah in aad ii waydiisan ee in aad wax ku qaatan ayee ahayd,
    marka qof waliba wuu garan karaa , dhibaatadda muqdisho taallo halka ay ka timid, is waydiin ma lahan, muqdisho waa hoyga midnimadda soomaaliyeed marka illaahay ha bad baadiyo, ninkii wax ogna wuu ogyahay kaan ogayna marbuu ogaan doonaa, balse soomaaliyee dalka waa dayacdeen ogaadase in duulka ku wareegi doono haddii aan sidaa loo dhaami, kuwa dollarka bartayna , ogaada in xisaab adduun & mid aakhiro labaduwa meel idiin taallo . thxx

  12. mohamed yare says:

    Muqdishu waa bugcad somali degto,muuqaalkeedunna wuxuu ka turjumayaa xiligan aynu joogno caqligga iyo garashadda dadka degan ama layidhaa iyagaa iska leh.run lixdameeyadii waay qurux badnayd,waxayse cirka isku shareetay qurux iyo qiimo todobaatameeyadii.weligeed ma hagaagayso saa reer muqdishu qolyaha sheegta mabba garan karaan in ay debiyadii ugu foosha xumaa galeen oo somali ka galaeeneh. magaalooyin banaan ahaa sagaashankii ayaa hadda muqdish siday beri ahayd hadda noqday.

  13. MohaMed Jama says:

    Muqdisha wa magaalo xidig ah caalamkana sidaa uga dhalaalaysa.Muqdisha “Maqcad Alshaah”.. weligeed waxay hoy u ahayd ilbaxnimooyinka iyo horumarka. aadanaha, waxaana aragagexeedu la bilowday gumaystihii Talyaaniga. xoriyaddi lixdankii Muqdisha waxay halabsatay cirka, waxaana hareeyey dad iyo dawlad dalkooda jecel..
    Muqdisha loogama, horeyn Jabhaddihii hubaysnaa ee iyagu kasoo duulay gobollo kale iyo magaaloyin kale..Muqdisha waa muraayad dhaawacan ee yaan lagu diganin..Allah idinkiina way hinqan doontaa.Somalia Somali baa leh..MJ