Home » Warar »

Soomaaliya: Madaxa Guddiga Baarlamaanka oo ugu baaqay inay si degdeg ah isu casilaan Sheikh Shariif iyo Cumar C/rashiid

Cawad Cashara waxa uu Asharq Al Awsat u sheegay in dhibaatada saddexda hoggaanka haya ay sii socoto…

  • Qoraal ku soo baxay Asharq Al-Awsat … Turjumadii SomaliTalk.com:

Ayadoo uu si degdeg ah u soo shaac baxayo khilaafka u dhexeeya saddexda masuul ee ugu sareeya Dawladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya (Baarlamaan, Xukuumad iyo Madaxweynaha), ayaa Cawad Cashara oo ah madaxa Guddiga Saxaafadda ee Baarlamaanka kumeelgaarka ee Soomaaliya waxa uu ku baaqay in ay xilka iska casilaan madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke, oo uu ku tilmaamay in ay ku guul daraysteen in ay dalka u hogaammiyaan sidii uu u gaari lahaa nabad iyo xasillooni iyo inay xaqiijiyaan dib u heshiisiin qaran.

Cashara, oo hadda ku sugan Canada oo uu u joogo in uu ka gun gaaro sababtii loo dilay midka mid ah gabdhahiisa oo u dhimatay xaalad aan la aqoon, waxa uu telefoon ugu sheegay Asharq Alwsat in sida ugu dhaqsaha badan ay isu casilaan madaxda xukuumadda oo ay danta ummadda tixgeliyaan. Sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu yiri: “Waxaan ka dalbanayaa madaxweynaha in uu iska casilo xilka, sababtoo ah waxa uu ku guul daraystay qorshahiisii, waxaana isaga u wanaagsan in uu is casilo, sidaas waxaa la mid ah Ra’iisul wasaaraha. Maba lihin Ra’iisul Wasaare. Wasiirka Maaliyadda (Sheikh Sharif Xasan Aadan) ayaa ah hoggaamiyaha dhabta ah ee dawladda, waa marka la eego waaqaca jira. Waxana uu hadalkiisii raaciyey “ma jirto wax miisaaniyad la dejiyey, ma jiro nidaam waadax ah (ama xisaabtan muuqda), waxay isku dayeen in badda ka iibiyaan Kenya, wax lacag ah ma soo hor dhigin miisaaniyadda dalka.”  Casharo waxa uu intaas ku daray “Ma jiro guddoomiye Bangiga Dhexe, sababtoo ah waa is casilay guddoomiyihii musuqmuusuq jira awgeed, saraakiisha hoggaamisa Xukuumadda Kumeelgaarka ma awoodin in ay arrintaas wax xal u helaan.”

Waxana uu xusay in Soomaaliya ay noqotay waddanka koowaad ee ugu musuqmaasuqa badan adduunka sida ay u aqoonsadeen ururro caalami ah, sida lagu xusay warbixin dhawaan la soo saaray.

Cashara waxa uu yiri “Sheikh Shariif si weyn ayuu u khasaaray. Bililiqada xeebtayadu nooma ilaalinayso berri iyo bad, waxa dhacay waa fal dembiyeed qorshaysan oo ka dhan ah dadka Soomaaliyeed.”

Waxa uu hadalka ku adkeeyey in xukuumadda hadda jirta aysan awoodin inay keento wax xal ah oo wax tari kara loogana gudbi karo dhibka Soomaaliya, waxana uu farta ku fiiqay in ay dabaysha raacday rajadii ahayd in uu xilka la wareego Sheikh Shariif oo laba sano ka hor xukunka lagu saaray shirkii Jabuuti ee ay tabantaabinaysay Qarammada Midoobay. “Muranka hadda u dhexeeya saddexda ugu sareeya xukuumada waa ceebaysan yahay, waana sii socdaa, inkasta oo Sheikh Shariif uu ku dhawaaqay in la dhameeyey iyo in ay soo dhawdahay in Baarlamaanku kulan yeesho, ayagoo aan baarlamaanku shir yeelan ilaa laga soo bilaabo bishii Agoosto ee sannadkii hore,” ayuu yiri.

Cashara, oo ah madaxa guddiga masuulka ka ah saxaafadda, dhaqanka iyo hidaha (ee Baarlamaanka DFKMG), kana mid ah baarlamaankii hore, waxa uu Asharq Awsat u sheegay “Akhbaarta aan hayno waxay sheegeysaa in ciidamada nabad ilaaliyaasha ee Midowga Afrika (AMISOM) in ay sheegeen in Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho aysan ku haboonayn in lagu qabto kulanka soo socda ee Baarlamaanka arrimo xagga aammaanka awgood iyo ayadoo laga cabsi qabo in mucaaradka Islaamiyiinta ay ku qaadaan weerar ismiidaamin ah ama bombaano.” Waxana uu tilmaamay in Ciidamadda Afrikanka, oo ka kooban afar kun oo ka yimid dalalka Burundi iyo Uganda ay diideen in kulanka baarlamaanka lagu qabto Muqdisho, ujeedaduna waa in aysan ka jawaabin weerar lagu qaadayo meesha kulanku ka dhacayo, oo sababi kara in lagu waayo naf iyo maal, ciidamadani ma doonayaan in ay qaataan masuuliyadeedda.

Cawad Cashara waxa uu yiri: waxaan u baahanahay in kulanka xiga ee baarlamaanka lagu qabto meel ka baxsan Caasumadda, “Waxaan ku talinaynaa in baarlamaanka la geeyo Puntland (dhulkii fooxa iyo beeyada) ee woqooyi-bari ee Soomaaliya, sidaas daraadeed si aan loo sii siyaadin dhibaada, murugada iyo xanuunka dadka Soomaaliyeed.”

Waxa uu tilmaamay in Xukuumadda Muqdisho ku sugan ay sii tabar daraysay oo xitaa aysan xakumin 1.5 kiiloomitir oo laba jibbaaran, waxana uu tilmaamay in ciidamo xukuumadda loogu soo tababaray Jabuuti in ay ku biireen muqaawamada Islaamiyiinta. Waxana uu intaas ku daray “Dadku hadda, gaar ahaan Sheikh Shariif Sheikh Axmed ama Shariif Xasan, ma lahan khibrad hoggaamineed, mana leh wax hoggaamin maamul oo heer maxalli ama caalami ah oo la xiriira qaanuunka.” Waxana uu Cashara tilmaamay in muddada uu xilka hayey Madaxweyne Sheikh Shariif ay noqotay mid macno daro ah, taas oo Sheikh Shariif Xasan Aadan, oo ah ra’iisul-wasaare ku-xigeen, ahna Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Sharmaarke in marka la eego waaqaca muuqda uu yahay hoggaanka dhabta ah ee Dawladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya. “Wixii ugu dambeeyey oo ay qabteen waa in ay Soomaaliya u soo daabacaan lacag Shillin Soomaali ah, xilli aysan haysan wax awood oo ay ku xukumi karaan dhaqaalaha wadanka,” ayuu yiri.

Tirada badan ee xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, oo ka kooban 550, waa tiro la iskabadiyey, dalkana kama saari karaan dhibaatada. “Waa in tirada intaas aad looga yareeyo”. Waxana uu intaas raaciyey “xubno kamid ah ururrada Qarammada Midoobay iyo beesha caalamku ayaan doonayn in Soomaaliya xasisho ayagoo ilaashanaya danahooda gaarka ah.” Waxana uu hadalkaas raaciyey “Waxay ka qayb qaateen riditaankii xukuumaddii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, oo xoog lagaga dhigay in uu xilka iska casilo dabayaaqadii 2008, ayadoo loo maray nidaam uu maleegay ra’iisul wasaarahii hore Cali Maxamed Geeddi oo garabsanayay saraakiil caalami ah oo doonayey in dalku ku jiro marxaladdaas.”

Cashara waxa uu beeniyey arrin Asharq Awsad weydiisay oo ahayd in uu isagu taageere u yahay afhayeenka Baarlamaanka Aadan Madoobe oo ay soo wajahday in si joogto la isugu dayo in isaga xilka laga tuuro. Waxana Cashara arrintaas ka yiri “Anigu taageere uma ihi Madoobe, laakiin waxay aniga ila tahay in sidaasi aysan ahayn dariiq dastuuri ah, ee ay tahay shardi in la raco Dastuurkaa si loo bedelo afhayeenka baarlamaanka.”

Cashara waxa uu shaki geliyey in inta badan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ay qaanuun ahaan sharci ku yihiin iyo in kale, waxana uu yiri “waxay ahayd in magacaabidoodii kaddib ay ansixiyaan madax-dhaqameedka qabaa’ilka & beelaha, laakiin taasi ma dhicin, sidaas daraadeedna waa sharci darro.”

Arrinta uu ku dhawaaqay madaxweynaha kumeelgaarka Sheikh Shariif ee ah in uu dhamaaday khilaafka u dhexeeya saddexda ugu sareeya xukuumadda Kumeelgaarka ah waxa uu Cashara ka yiri, sida uu u sheegay Asharq Awsat “Maya, khilaafkii waa sii socdaa. Waxay doonayaan in ay baarlamaanka ka dhigaan magac-u-yaal dhegta wax loogu sheego oo isagu maamulo. Madaxweynu waxa uu sheegay been marka uu meel maxshar ah ka yiri in dhibaatadaas wadadii xalka ay cagta saartay.”

Cashara waxa kale oo uu eedayn kulul u soojeediyey Axmed Walad Cabdalla, ergeyga Qarammada Midoobay ee Soomaaliya, isaga oo muujiyey in Walad Cabdalla ka mid yahay furayaasha masuulka ka ah xaaladda ay ku sugan tahay Soomaaliya, waxana uu Walad Cabdalla ku qeexay “Khumaynigii Soomaaliya.” – Khumayni waa hoggaamiyihii hore ee kacaankii Iiraan – Waxana uu Cashara yiri “Walad Cabdalla ayaa masuul ka ah dhibaatada saamaysay dalkayga. Taasi waa arrin muuqata. Sidaas daraadeed majiro wax dhanka wanaagsan oo ay heleen shacabku.” Waxa kale oo uu Walad Cabdalla ku eedeeyey in uu mushahar bille ah siin jirey Madaxweynaha Soomaaliya (Sheikh Shariif) iyo gacan yarayaashiisa markii ay xubnaha ka ahaayeen mucaaradkii, kuwaas oo tegey caasimada Eritrea ee Casmara, saddex sano ka hor.

Tarjumadii SomaliTalk.com | Isha: http://www.aawsat.com/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.