Home » Warar »

Minneapolis: Soo dhaweyn loosameeyay Madaxa Ururka Caawiye Foundation Trust

Waxaa Booqasho ku tegey Madaxa Xarunta Somaliya Caawiye Foundation Trust Mudane Kamaal Xasan Culuso, Cariga mareykanka magaaladiisa Minapolis, oo ay halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyeen Dhamaan Odayaasha Dhaqanka, Dhalinyarada, Culimaa’udiinka, Haweenka, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, iyo dhamaan Bulshada weynta Beesha Mudulood.

Waxaana xafladaasi sida heerka sare ahi loo soo agaasimay leyskula soo qaaday in leys tusiyo marka hore heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada ku habsatay beelweynta Mudulood ee ku nool Magaalada muqdisho iyo agagaarkeeda.  

Markii leys tusiyey ka dib dhibaatada ka taagan deegaanada beelaha Mudulood ayaa waxaa leysla soo qaaday sidii inta guntiga dhiisha leysaga dhigo marka hore wax looga qaban lahaa dhibaatooyinkaasi aan sare ku soo xusnay. 

Waxaa Xafladaasi warbixin dheer looga dhegeystay Mudane Kamaal Xasan Culusow oo isagu ah madaxa Soomaaliya ee Caawiye Foundation Trust, ahaana hogaankii isagu gacantiisa sharafta leh ku bixiyey dhamaan Mucaawinooyinkii uu ururkan Caawiye Foundation Trust soo agaasimay gaarsiiyaaynay barakacayaashii waqooyiga muqdusho. 

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Ka dib warbixintaasi waxaa khadka telefoonka uga qeybqaatey Madaxa sare ee Ururka Caawiye Foundation Trust Mudane: Cabdullahi Cumar Caddow (Fooldheere), iyo Madaxa Xisaabaadka iyo Saxaafada Mudane Xasan Cabdirisaaq Maxamud (Boolis) iyo Gudoomiye kuxigeenka Ururka Caawiye Foundtion Trust Mudane Axmed Sheekh Ibrahim oo iyagu aad iyo aad uga mahad celiyey sida diiran oo ay u soo dhoweeyeen Madaxa Soomaaliya ee Ururka Caawiye Foundation Trust Mudane Kamaal Xasan Culusow, iyo waliba sida ay uga qiiroodeen dhibaatada ku habsatay Bulsha weynta beesha Mudulood. 

Ugu Dambeyn waxaa xafladaasi lagu go’aansaday in si joogto ah loo taakuleeyo Bulsha weynta beesha Mudulood, iyada oo laga taakuleynaayo dhamaan dhinacyada Gaajada, Hoy la’aanta, Caafimaad xumida, iyo waliba Waxbarasho la’aanta, iyagoo waliba reer Minapolis go’aansaday iney iyagu u guntadaan iney dhibaatooyinkaasi inta karaankooda ah wax ka qabtaan iyo waliba iyagoo dhamaan North America u guntaday iney iyagu wakiil u noqdaan xoojiyaana waxqabadka uu uruka samafaka caawiye uu bilabay wadana uuna wadi dooni ilaa iyo inta karaankiisa ah. Abdullahi.a@caawiyeft.org

Waxaa ka mid ahaa Agaasimayaashii xafladaasi:

  1. Mudane Cabdi cali Farole
  2. Guddoomiyihi hore ee Gobolka Banadir Mudane Cadde Xasan Gaaboow.
  3. Nabadoon Cabdi Yuusuf.
  4. Korneel Cabdiraxmaan Ciise.
  5. Aqooyahan Cali Ciise.
  6. Proff. Xasan Siyaad Togane.
  7. Muadane Axamed Maxmed  (Qasaaro).
  8. Mudane Muxyadiin Xasan Cali.

Abdullahi.a@caawiyeft.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.