Home » Badda, Warar »

Cumar C/rashiid oo 150 Maalmood laga hoos qaadi waayey warqad uu u Qoray Qarammada Midoobay

Warqadiisii taas ka horaysay ee dhul-badeedka Soomaaliyeed baylahda gelinaysay waxaa  laga aqbalay 7 cisho gudahood…

  • Faalladii SomaliTalk.com :

Taariikhdu waa macallin. Waana waxa lagu xisaabtamo marka la doonayo in Qaran la jiheeyo. Dhacdo taariikhi ah marka sida saxda ah loo wajaho waxay hordhac u noqotaa horumar. Haddiise la iska indhasaabo cawaaqibka ka dhalan kara uma baahana shaaraxaad.

Faalladeena maanta waxay ku saabsan tahay laba warqadood oo taariikhi ah oo Cumar C/rashiid u qoray Qarammada Midoobey oo midna durbadiiba la aqbalay, midda kalena ay qaadatay 5 bilood. Maxay arrimahaasi ku dhaceen?

Aan ku bilowno warqaddii qaadatay 5-ta bilood:

Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah (DFKMG) ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa October 10, 2009 waxa uu qoraal rasmi ah u diray Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey (QM) Ban Ki Moon. Qoraalkaas oo ku saabsanaa in Baarlamaanka DFKMG uu August 1, 2009 diidey ama waxba kama jiraan ka dhigay Heshiis Is-Afgarad ahaa oo April 7, 2009 ay magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen DFKMG iyo Kenya, Is-afgaradkaas oo ku saabsanaa dhul badeedka Soomaaliya.

In ka badan 150 maalmood markii ay ka soo wareegtay warqaddii , ayaa horraantii bishii March 2010 qoraal lagu faafiyey shabakadda rasmiga ah ee Qarammada Midoobey (UN) waxa uu shaaca ka qaaday in Heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee dhex maray DFKMG iyo Kenya “in Baarlamaanka Federaalka kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin“. Waxaana March 24, 2010 ay QM sheegtay in ay go’aankaas gaareen kaddib markii ay heleen Warqad ku taariikhasan March 2, 2010 oo ka soo gaartey Safaaradda Soomaaliya u fadhida UN-ta.

Haddaba, warqadda ay xustay Qarammada Midoobay (oo aad hoos ka daalacan kartid)[1] waxaa ku saxiixan Dr. Cilmi Axmed Ducaale, Safiirka Soomaaliya u fadhiya QM. Waraddaas oo ku taariikhaysan 2 March 2010 waxa uu ku lifaaqay warqaddii uu qoray ra’iisul wasaaraha DFKMG oo ku taariikhaysan October 10, 2009.

Warqaddii 7 Maalmood gudahoos ku gaarey UN

Warqaddaas kor ku xusan waxaa aad uga duwan warqad ka horeysey oo uu qoray Cumar C/rashiid, taas oo 7 cisho gudahoos ku gaarey UN.

Magaalada Nairobi ayaa heshiis Is-faham waxa uu ku dhexaray DFKMG iyo Kenya, is-afgaradkaas oo haddii uu hirgalo ay Soomaaliya ku waayi lahayd dhul-badeed aad u baaxad weyn. Heshiiskaas waxaa la kala saxiixday April 7, 2009. Maalin kaddib, April 8, 2009 ayaa Cumar C/rashiid oo Muqdisho ku sugan waxa uu warqad u qoray Qarammada Midoobey, warqaddaas oo uu ku lifaaqay heshiiska is-fahamka. Lix maalmood kaddib, April 14, 2009 ayaa Qarammada Midoobay waxay qoraalkii Cumar C/rashiid ku faafiyeen website-ka UN-ta. Arrintaas oo dhabar jab weyn ku ahayd shacabka Soomaaliyeed.

Cumar C/rashiid marna kama uusan hadlin sababta warqadna durbadiiba loo aqbalay, warqadda kalena ay xafiiskiisa u dhaafi weydey ama looga hoos qaadi waayey.

Maxay ku kala duwan yihiin labada Warqadood?

  • April 8, 2009 Cumar C/rashiid warqadii uu qoray waxaa UN faafisay April 14, 2009
  • Oct 10, 2009 Cumar C/rashiid warqadii uu qoray waxaa UN faafisay March 2, 2010

Labada warqadood qoraagooda iyo cidda ku socoto waa isku mid, laakiin waxaa kala duwan arrinta ay xambaarsan yihiin.

Waxaana halkaas laga dheehan karaan marka la doonayo in la baylihiyo dhulka Soomaaliyeed waxay qaadanaysaa wax ka yar toddobaad in arrintaasi dhaqan gasho. Laakiin waxay qaadanaysaa halgan dheer marka la doonayo ama la isku dayo in la soo dhiciyo dhulkii la baylihiyey (oo xitaa kuwii baylihiyey ay khasab ku noqoto in ay arrinta ka dab atagaan). Halkaas waxaa ku sugan taariikh u baahan in aan la dhayalsan.

Sawirka hoose waa warqaddii cumar c/rashiid u qoray UN.

Waxaa xusid mudan taariikhdan kooban kooban ee ku saabsana heshiiskii is-fahamka:

  • April 7, 2009: Nairobi waxaa heshiis ku kala saxiixday DFKMG iyo Kenya, heshiiskaas oo ahaa is-faham oo ku saabsan badda Soomaaliya.
  • April 8, 2009: Cumar Cabdirashiid ayaa qoray warqad uu ku taageerayo heshiiskaas oo ku socota UN : http://tinyurl.com/2fbxckk
  • April 14, 2009: UN ayaa websitekooda ku faafisay warqaddii Cumar C/rashiid. http://tinyurl.com/25szzx9
  • May 6, 2009: Kenya ayaa UN u gudbisatay qoraal ay si weyn u tixraacayso heshiiskaas is faham, qoraalkaas oo Kenya ku cabiratay qayb kamid ah badda Soomaaliya. http://tinyurl.com/2b5dhfh
  • August 1, 2009: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si geesinimo taariikhi ah oo lama ilaawaan ah waxay codkooda ku difaaceen badda Soomaaliya, ayagoo heshiiskii DFKMG iyo Kenya ka dhigay waxba kama jiraan (NULL & VOID)
  • Augsut 19, 2009: Prof. Ibbi, ra’iisul wasaare xigeenka DFKMG ayaa UN waxa uu u qoray warqad uu ku qoranyahay magaca Cumar C/rashiid laakiin uu saxiixay prof. Ibbi, warqaddaas oo si bareer ah uga hor imanaysay go’aanka baarlamaanku ku diidey heshiiska, waxana warqaddaasi gaarab siinaysey heshiiskii Kenya ku qaadan lahayd badda Soomaalida. http://tinyurl.com/24tugvw
  • October 10, 2009: Cumar C/rashiid ayaa UN u qoray warqad uu ku xusay in heshiiskii Isfahamka uu diidey baarlamaanku sidaas daraadeedna aan la cuskan karin. Laakiin warqaddaasi UN ma gaarin ama ma aysan faafin muddo 5 bilood ah. http://tinyurl.com/26kf32w
  • March 2, 2010: Safiirka Soomaaliya u fadhiya UN, Dr. Ducaale, ayaa qoraalkii Cumar C/rashiid waxa uu ku lifaaqay warqad uu u diray UN uu ku wargelinayo in heshiiskii Isfahamka uu Baarlamaanka Soomaaliya diidey. http://tinyurl.com/26kf32w
  • March 12, 2010 ayaa UN faafisay in baarlamaanka Soomaaliya diidey heshiiskii is fahamka.

Sawirka hoose waa warqaddii Cumar C/rashiid oo muujinaysa shaabad xilligii ay gaartey Xarunta Qaramada midoobay.

Sawirka hoose waa warqaddii Dr. Ducaale ku lifaaqay warqaddii Cumar C/rashiid, waxaana ku shaabadaysan xilligii aya gaartay UN.

Yaa la xisaabtamaya Madaxda Soomaaliyeed?

Adduunka meelaha laga tixgeliyo qaanuunka, marka ay xukuumaddu ku dhaqaaqdo arrin xad-gudub ku ah xornimada dalkaas waxaa durbadiiba loo saaraa guddi baarlamaani ah oo arrintaas baaritaan madax bannaan ku sameeya, kana baaraan dega wixii sababay, ciddii gaf gashayna si cad loogu dhaliilo ama sharci la mariyo si arrintaasi aysan mardambe u dhicin.

Xukuumadda FKMG waxay si bareer ah u difaacday heshiis (haddii uu u hirgeli lahaa) ay dadka Soomaaliyeed ku waayi lahaayeen dhul badeed ballaaran. Arrintaas waxaa ka hor tegey oo difaacay shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo galay taariikh mudan in lagu ammaano.

Baarlamaanka DFKMG fadhi uu yeesho waxaa ugu dambeeyey August 1, 2009 oo ahaa fadhigii ay sida cad ugu diideen heshiiskii Is-fahamka. Fadhi kaas ka dambeeya isuguma iman weli. Waxaana intii ka dambaysay maasheeyey khilaaf la sheegay in uu salka ku hayo guddoonka baarlamaanka oo xilligoodii dhammaaday. Tafaraaruqaas oo keeni kara in xukuumaddu u madax bannaanaato in aan lala xisaabtamin. Haddii la doonayo in dhanka wanaagsan loo jiheeyo Qaran waa in uu jiro xisaabtan iyo in aan la iska indha saabin dhacdooyinka taariikhiga ah ee raadka ku reebi kara shacabka iyo dalka.

Soomaaliya waxaa hadda baylah weyn ku jira khayraadka badda Soomaaliyeed, halkaas oo aysan jirin qaran Soomaaliyeed oo ilaaliya, ciddii doonta ay si arxan darro ah uga kalluumaystaan ama ugu duugaan sun halis ah. Intaas waxaa ka daran dhibaatada, rafaadka iyo gaajada haysata kumanaanka shacabka ah ee ka barakacay guryahoodii iyo tiro ka badan oo qaxooti ku ah dalal shisheeye.

20-kii sano ee ugu dambaysay waxaa Soomaaliya la soo dersey dhibaatooyin aad u waaweyn, waxaana u kala dambeeyey dhawr xukuumadood, tii Carta lagu soo dhisay, tii Nairobi lagu soo dhisay iyo tan hadda oo Jabuuti lagu soo dhisay. Waxaa la oran karaa in aan si dhab ah loola xisaabtamin madaxda Soomaaliyeed ayaa sabab u ah in 5-tii sanaoba laga soo bilaabo meel ka liidata bartii ay xukuumaddu ka bilaabatay. (Baarlamaanka DFKMG ee hadda ayay fursaddaasi hadda hor taal: in ay guddi madax bannaan u saaraan oo si rasmi ah u soo baara sababta xukuumadda ku kalliftay in ay gasho heshiis sababi lahaa in dhul-badeed Soomaaliyeed la waayo.. si dhab ahna ay ula xisaabtamaan xukuumadda, sida lacagta SH.SO oo ay ku qoran tahay warqaddiiba 50,000 iyo khasaaraha sicir bararka ee ka dhalan kara.)

Waxaa hubaal ah in shacabka Soomaaliyeed u ooman yahay CADDAALAD. Haddii ay arki lahaayeen madax caadil ah oo dhawraya qaanuunka in ay taageeri lahaayeen.

[1] Warqaddii Dr. Cilmi Axmed Ducaale oo ay ku lifaaqan tahay warqaddii Cumar C/rashiid (HALKAN KA EEG )

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

18 Jawaabood " Cumar C/rashiid oo 150 Maalmood laga hoos qaadi waayey warqad uu u Qoray Qarammada Midoobay "

  1. cabdala salaad kugeey says:

    waxan salamaya dhaman umada somaliyeed waxan leyahay ciid wanaagsan tan teeda kale ku gaara baraaro iyo barwaaqo marka xigta waxan salaan qaas ah aad u qiima badan wadaniyad ku dheehantahay aan salamaya dhamaan bahda somalitalk oo aan dhahi karaayo waa kuwa kaliyah manta u taagan difaaca qaranka iyo dadka somaliyeed waan hubaa hadii adan is xilqaaminaha wax badan oo umada ka qarsoon oo adinka kaligiin aad soo bandhigtaan in umadan ku halaagsami laheed waxan idin leeyahay dalka iyo dadka soomaaliyeed cid aan allah ha ayeey haku haleeynaha meel walboo cad soomaaliyeed lagu cunaa haka harinaha meel walboo tuug uu wax ku qarshay kasoo saara shacabku asaa fahmi doono xaqiiqda jirta waxaan mar labaad idinkuna dardaarmayaa wadanku ciidan qalab sidoon adinka aheeyn malahan ciidan sirdoon oon adinka aheeyn malahan qorayaal wadaniyiin ahoon runta ka baqin cadka somaliyana dhaciyo oon adinka aheeyn malahan wargeysyo aan somali talk aheeyn malahan wariyaal aan adinka aheeyn malahan wadankan madax aan adinka aheeyn malahan marka waxaan idinku guubaabinayaa taariiqdo waa ma guuraan wadankan ninki wax u taray iyo ninkii hagraday taariikhda ayaa xuseeyso waana laysku soo noqon waxii nool marka dadaala oo haka daalinaha inaad shacabka iyo qaranka aad u shaqeeysaan aad iyo aad ayaan idinku mahad celinayaa wadaniyiinta dhabta ahee somaliya ayaan idin aqoonsanahay waligiina waad jireeysaan insha allah daacadi ma hungoowdee waa indin kasaa bilad sharaf iga gudooma geesiyaal gayigooda gumeysiga u diidoo garasho lahaad tahiine guuleysta waligiin guuleeysta waligiin http://www.,somalitalk.com

  2. faisal cadde says:

    asc marka hore waad kumahadsatihiin bahda webkan waqtiga iyo fikirka dheradka ah ee aad galiseen qoraalkan marka somalida waxay kumaah maahdaa nin aad taqaanay yaaweeye lama yiraa dadkan manta madaxda sheeganaya intaan iyo iyo inkabadanba waanka filaynay hadaa nahay shacabka somaliyed hase yeeshee wax walba sida alle uudoono ayay udhacayaan maanta badaasna alle ayaa noobadbaadiyay waa inaan shukrigeedii la.imaanaa alle wuxu leeyahay hadaad igu shukrisaan waan idiin siyaadinaynaa hadaad igu kufrisaana cadaabkaygu waa mid daran. waxana mar labad umahad celinaya bahda webka waxay ahaayeen webkii ugu horeeyey ee arinta soobandhiga cod dheerna kuqayliyay markaay arintaani sobaxday sanad kahor thnx bahda somlitalka asc

  3. Gallad says:

    asc ugu horeyntii ilaahey ayaa mahad iska leh,marka xigta waa u mahadcelinayaa websitka Somalitalk oo arintan habeen iyo maalin aan ka seexan meelkastana warqad u qorey .xittaa waxaa filayaa in uu yahay kan wax u biyaaniyey xubnaha barlamaanka.ugu danbeyntii waxaan dhihii karaa waxaa dhulbadedka soo celiyey dhalinyaradii websiteka somalitalk.

    waxaan soo jeedin lahaa.
    mudaharaad aad loo qorsheeyey lagu qaaddo raisul wasaaraha cumar cabdirishiid iyo madaxweynaha sheekh shariif meel kasta oo ay soomaliya joogto.taas oo aan ugu golleeyahay in ay taariikhda gasho.runtiina waa arin lala yaabo kenya dhul soomaaliyed ayaa ku maqan haddana ma waxaan ugu dareynaa badd soomaaliyed.xagee aduunka laga helaa aarintaas.wsc.

  4. C/qaadir says:

    Assalaamu Caleykum. qoraaga maqaalkani aad iyo aad ayuu u mahadsan yahay iyo shabkadan oo inta badan ku dadaasha inay akhqristashaasheeda ama umada soomaaliyeed u soo gudbiyaan xaqiiqda dhabta ee dalka ka jira.
    mida kale waxaad moodaa in dadka tacliiqinaya maqaalka qaarkood fikrad kale ay ka aminsan yihiin shabakadan, anigoo ula jeeda ninka lagu magacaabo A.ABANUUR oo uu sheegay in loo baahan yahay in la dabo galo shabakadan, koley abanuur waa nin weyn sida aan jecahay inuu fikradiisa halkaa kadhiibto xor ayuuu u yahay, lakinse abanuur waxaan u sheegayaa in xiligan reer xamar aysan dooneynin wax xil ah maadaama uu dalka ku jiro dagaal nooc weliba ah sidaa darteed reer xamar dagaalkaasi iyo xaaraan cunayaasha dowlada fara lama galayaan xiligan maadaama reer xamar ay dahirsan yihiin meel weliba. Allahu akbar taana waa ilaahey mahadiisa.

  5. guureeye says:

    waan idin salaamay somalidan aqrisay maqaalkan wanaagsan ee haddana su,aasha wadda. ragiinan qaar oranayo dhul soomaaliyeed sowmaahan kanhadda ay kenya heysato itoobiiyana heysato sowse saxiix marhore dhacay kuma heystaan? Xattaa waqooyiga somaliya ee ingiriisku kumeysan jiray sowmaanta malahan laascaanood waxay kamaqantahay intii uu gumeysigu calaamadiyey oo lasaxiixay saasna dagaal kulama aysan kalin puntland ama Somalida kale marka waxaan dhihi lahaa saxiixa halagafiirsado haddii dadka wax saxiixayana aysan aqoon u laheyn somalida waybadantahay aqoonna waa ayleeyihiin, lakin waxaad rabto waxwalba looma sameeyo si dowladda tfg ay ku siijirto ayey sidan u sameeyeen. haddaan u laabta sababta loolla daahay waxaan isleeyahay WAXAA LALA SUGAAYEY INTA AY DOWLADU ALSHABAAB KALACEYRIN DOONAAN LAKIN WAY DHICIWAYSAY OO MAREYKAN BAA RAG ILAALIYA U SOOGIREEYEY SI UUBA JAANISKA U BEYRDAREEN.

  6. amiin ali says:

    asc ana fikirkey mabuwa sida, hora may liin erey lan iri kii dili hoos maka jeeyaw sidaas dartiye nimunkun madiida sheegadaw iyo un ka is ogyiin markaa shacabkaa sambuus afargeesle ah liin dirahaaya oo reysul qasaaraha is wareeriyahaaya ee wala tarahaaya hal ka eroy ya leyi walna ma tara meela ku taboy by amiin

  7. kamaal says:

    A.abanur, waxaan kala garn la ahay inaad xayawaan tahay iyo inaad human tahay lakiin waxaan kaa soo qadayaa xayawaan….waxaad tiri sirta dad qariya hala raadyo..kkkk,, waxaan u maleenayaa inaad tahay kuwii raga qaar sheegeen ee ay lahayeen jirka waa ka somali lakiin maskaxda waa cadow…

    Hadaad mooday somali inay dhimatay waad hurudaa somali waxaa ku dhacay waxaysan aqoon u laheen oo la yiraa civil war, wadan markuu civil war ka dhaco wuxuu kala bartaa cadowgiisa iyo saxiibkiisa , somalina maanta way taqaan cadowgooda iyo saxiibkooda.

    Hadaan u soo noqdo su’aasha ay somalitak na waydiisay ee aheed maxaa warqada wax lagu dhacaayo ay u soo biibtay tan wixii lagu dhaci lahaa joojinaysana ay diindiinka u soo raacday…waa su’aal macquul ah sababtoo ah norway waa wadanka yurub ugu shidaalka badan marka ruushka laga reebo marka somaliya ama eastafrica norway way ogtahay meelaha shidaalku ku jiro..

    shirqoolka somaliya badeeda kenya maha ee waa norway ayaa doonaysa inay badeena qayb dhacdo kenyaati malaha aqoon uu shidaal bada kagala soo baxo waxa kenya butada ka wada waa norway oo og badeena shidaalka ku jira marka jawaabta su’aashadu waxa weeye Cabdirasheed cali sharmaake wadani waxba kama oga e intii wixii qorshahaan wadatay ay wada hadlayeen oo maxaan subinaa barlamaankii diidye laga sheekaysanayay ayay warqadu daahday.

    INTA TUUGADA WADANKA RABTA INAY GADO INTA SOMALI CIVIL WARKA AY KU MASHQUULSAN TAHAY OO AY KA SHIRAYEEN WAXA KU DHACAY QOSHAHOODII QIYAANADA AHAA AYAY WARQADU DAAHDAY ANIGA AHAAN.

    A.ABANUR HADAAD NIN TAHAY BANAANKA ISKEEN COMPUTARKA GADAASHIISA SOMALI DHIBKEEDA HA SHEEGINE NIN HADAAD TAHAY INTAAD NIN SOMALI AH U TAGTID KU DHEH WADANKA HALA QIYAANO..

    WAXAAN KUU SHEEGAYAA MS A.ABANUR MARKA SOMALI KA BAXDO CIVIL WARKA WIXII WADNKA QIYAAMAY HADAY DHINTEEN XITAA QABUURAHOODA AYAAN DARBI INTAAN SAARANO BAASUUKE KU DHUFANAYNAA INTA SOMALI DHIBKA KU JIRTO ISKA SII HANTAATAC. WAXNA CUN…LAKIIN WAXA KUGU JIRA HORTEENA KA DHEH HADII KALE WAXAAD TAHAY HANTAATAC AAN AWOOD LAHEEN OO ISKA HADLA.

  8. Xassan Yare says:

    A.C.
    Arrintani waa mid wajiga loo nadiifinayo reisalwasaaraha iyo dowladdaba
    oo waxaa wax la wada UNka (Walad Cabdalla), bacdamaa fadeexo xun aay dhacday.

    Runtii UNka waxuu ogaaday in arrintani aay qasantahay oo Dowladdii iyo Baarlamaankiiba aay bur bur taaganyihiin, mucaaradkii AL-SHABAABNA uu irridka fadhiyo rabana in uu ka faaiideesto qaska.

    Waxaa xaqiiqo ah in UNka uu horay u ogaa diidmada Baarlamaanka iyo Shicibka Soomaaliyeed (Dibadda iyo gudahaba ) aay mudaharaad isu diyaariyeen. Taas baa UNka ku kalliftay in aay arrinta badalaan oo Dowladdii wajiga loo dhoqo oo laga dhigo dad soo halgamay oo warkooda la raacay .

    Waxaan kaloo rabaa in aan idiinla socodsiiyo in Shirkaddii Norwey ee batroolka u baari lahayd Kenya iyo Dowladdii Norwey aay dib u gurteen
    markii aay heleen warbixintii uu qoray ninkii diplomasiga ahaa ee fadhiyay Safaaradda Somalida ee Sweden , taas oo lama filaan ku noqotay.
    Warkan waxaan kasoo xigsaday Xaafiis aay shirkadda batroolku ku leedahay Dubai -WesternGeco, Convention Tower .Level 3, Zaabeel Rd.

  9. Hersi says:

    Waa wax aad u wanaagsan in lala xisaabtamo madaxda dalka ..haddii eey mel uga dhacaan qaran-nimada iyo hantida dalka intaba ..taasi waa wax dadweynaha lagu wacyi galiyo waxa ugu wacan.
    Laakiin aniga waxaan u leeyahay waayo aragnimo igu filan raysulwasaaraha cumar c/rashiid cali sharmaarke waana nin aad isu dhowra ilaaliyana shuruucda iyo qaran-nimda iyo hantoda qaranka intaba ..waayo sedexbilood baan lasoo joogey muqdisho waliba xilliyada eey dhacayaan falalkan .

    Waxaa foolxumadaas ka sameeynayana waan garanayaa waa koox ka shaqeeya xafiiskiisa waliba si gooni ah u colaadiya isaga oo aabihii ilmo abtiyaal u,ah ..isna uu saa ku qaraabeysto..iyagaana arimahaan kadanbeeya ….si kastaa baanu ugu shegney in uu xafiiskiisa u magacaabo shaqaale dhowrsoonaan iyo adaab diin eey ka muuqato taana waa uu nagu diidey ..waana fileynaa in tan iyo kuwo kaloo badanaba eey ku imaankaraan.
    Laakiin waxa kaliya ee aan hubaa waxaa weeye in cumar isagu yahay nin aad u dhowrsoon xagga waddaniyadana uu aabihii kala siman yahay..laakiin dhibka heystaa uu yahay waa nin aad ugu janjeero qolyaha xafiiskiisa ka shaqeeya caadifad gaar ahna waa uu u leeyahay iyaga .. laakiin shaqaalahaasi waa kuwa { ?????!! } badan eey ka muuqato !!

  10. Mahamud Naagadoon says:

    Marka hore aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa shaqaalaha webka Somalitalk.
    Runtii Dawladi Somalia waxay noqotay mid laga celcelinayo in ay iibsato dalkii soomaliya iskaba daa in ay Dal maqan soo celisee ama amaanka dalka sugtee, laakin waxan la yaabanahay ilaa hadda dadka dawlad u aqoonsan Shariif Shiikh Xasan wasirka Maaliyadda iyo C/raxman Ibbi iyo C/shakur wasiirka Qorshaynta iyo Cumar C/rashiis PM, iyo Shiikh Adan Madoobe Gudoomiyaha Baarlmaanka.
    Ninmaas hadaan la qaban dalkaan waa u dhamaatay

  11. dalkan soomaali baa leh wax ka qaadikarana ma jiro .. wax kas galaada ha u saxeexeen… inta dal soomaali ka maqan ayaan rabaa in aan so ceshado ee ma wax nacas ( nacaska waa ayo : waa shareef hassan amaa shareef sakiin iyo Ibi ) sexeexay ayaa laga qaadi karaa .. jawaabtu waa may.. soomalida fiicaneey ha welwelin nacasyada waqti aan dheereyn weynu qaban inshaAllah..

  12. asc waa mahadsantihiin sid aad u tixraacdaan umuuraha nuucaan oo kale ah ,run ahaantii soomalida waxey leedahay boqolaal website midkastaa waxuu ka sheekeeyaa dagaal iyo kharibaad dabcan dagaalku wuu jiraaa mana ahan mid la inkiri karo laakin muhiimadda waxeey tahay inaad wanaagga markisa sheegted iyo waxa inaad si cilmi ku jirro u daba gashid aadan u exan cidna .laakin dhaliil ayaan u soo jeedinaa somali talk waxeey tahay dhibaatada ey umada ku hayaan nimankaan mucaardka ah masheegtaan taas oo su al idin dul dhigeeysa wax qabadkiina why aad u sheegi la dihiin wanaagooda iyo wax tarkoodaba , waa inaad sheegtaan ood ku dhiiratan waliba sida cilmiyeeysan ee aad wax u baartaan waa inaad u baartaan oo lafaha soo dhigtaan bannanka inkastoo aan u gahay inaan wax walbo eeysan suurta gal ka aheen nimankaas .raalli ahada haddan qalad wax u fahmey waaa wax kaligeey igu ah waa mahadsantihiin shaqadiina sii wada.

  13. waxaan u mahad celinayaa bahda Somalitalk sida sharafta leh oo aad ula socodsiisaan ummadda soomaaliyeed xaaladha qallafsan ee ka imanaya maamullada ku meel gaarka ah ee Somaaliyeed ee dhaqaale gar ahaneed raadsanya ilaa ay waddanki beecsadeen.
    warqadda ka daahdaday dembigeeda waxaa iska leh Raysal wasaaraha waayo maa daamma uu markii hore khalad galay oo uu qoray warqad oggolaasho MOU, waxay ahayd in uu markii uu baarlammaanku diidey uu isna ku caddeeyo diidmadiisa meediyaha caalamka isla markaasna uu warqadda qoro laakiin axaa meeshaan ka muuqata in warqadda taariikhda loo hormariyey ee aan la qorin taariikhda ku cad waayo saffiirku markii loo geeyey ayuu gudbiyey oo ma qarin taariikhdi ay soo gaartay dhinaca kale haddii uu wasiir ama wasiirro ay l daaheen waxa la xisaabtami karay PM marka xisaabtu waxay ka jiiftey xagga PM-ka

  14. geelle says:

    Asalaamu calaykum, dhammaan akhyaarta qoraalada isugu jawaabay halkan iyo somalitalk. Waxaan aad ula yaabay qof indhaha isqabayana ama aan wax uu kala ogyahay jirin, wax akhrin oo haddana cid naqdinaya.

    Waxaan ka hadlayaa waa qofka isku magacaabay A.Abanur. Heedhe sir dawladeed oo shacabka laga qariyo miyaadan kaga quusan dawladii kacaanka ahayd. Tan kale miyaadan oqoon waxa loo yaqaan check and balace oo ah in dawladda markasta laga war hayo si aysan awooda ugu tacadiyin.

    Saaxiib anigoo aan si gaar ah u difaacayn somalitalk, waayo waan ogahay in ay xaq ku taagan yihiin, laakiin waxaan rabaa in anigoo akhriste ah aan ku tuso arrimaha halkan lagu soo bandhigay in aysan ahayn sir ee ay yihiin akhbaar lagu daabacay diiwaanka Uniter Nationka, ila fiiri halkan saaxiib:

    1. Warqaddii Cumar Cabdirashiid qoray 8th April ,09 ka eeg bogga UN-ka linkigan http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/preliminary/som_2009_letter.pdf

    2. Warqaddii borofosoore Ibbi uu qoray 19th August ,09 ee uu kaga been sheegay Omar Abdirashid oo ah primeminister maqaar saar ah ka eeg linkiga UN ee http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/ken35_09/som_re_ken_clcs35.pdf

    3. Warqada ugu dambeysay ee Omar Abdirashid u diray UN ee 10th October ’09 oo ay l asocoto warqadda Dr. Duale ee 2nd March ,10 iyadana ka eeg http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/submissions_files/ken35_09/som_re_ken_mou35.pdf

    Tan aad ka hadashay ee tiri “Qowmiyadda Reer Xamarka ee gibil cadka ah loosoo celiyaa Xilalkaasi si ay u sugnaato Xafidaada Asraarta Dowladda Soomaaliyeed” Waa Gaf aad u weyn oo aad ka gashay qowemiyadaas, waayo Gibil caddu ma aha dad baqbaqaa ah oo lagu adeegto, waa dad fikir saliim ah leh, ee afkaaga ka leexi. Una malayn maayo in A.Abanur uu yahay qowmiyadaas ee waa qori is maris aan si raganmo ah beeshiisa iyo magaciisa isu cadayn karin oo ku dhuumanaya computerka gadaashiis.

    Arrinta baaritaanka in lagu sameeyo u baahan sow marka adiga A.Abanur ma aha, waayo waxaad ku xad gudubtey Beesha Gibil cad oo aad ku tilmaantay dad lagu adeegto, waayo waxaad tiri waxay qariyaan sirta, ka warran haddii sirtu tahay mid qaran dumis ah maxaad ku diideysaa in bannaanka la soo dhigo.

    Bahda somalitalk waxaan kula talinayaan in aysan dheg u jalaqsiin ninkaan af xumada cadaystay, oo xitaa fikirkiisa aydin soo fasaxin

  15. Somali4Ever says:

    Maxaa loola daahay gudbinta warqadda? Ma safiirka Sh. Xariif ayaa iska heystay? Mise waa mid been abuur ah?

  16. waan idin salaamay,waxaan idinku mahad naqayaa sida aad u daba gasheen burcaddhuleedka,waxaanse idinka rajey nayaa in aad dabagal ku sameysaan burcadda leex sanaya lacagaha lagu taageero soomaalidda.

  17. ABDIRAHMAN says:

    ASC
    BAHDA SOMALYED OO DHAN IYO INTA MUSLIM AH OO DHAN.

    DABADEED WAXAAN DOONAYAA INAAN HAKAN

    KU QORO DHAMBAAL YAR EE FAKARKA GAABAN EE IGU JIRA AH.

    SXB WAA QORAAGA,E DALKA IYO DADKABA DANBI AYAA LAGA GALEY,WELIBA ADIGA IYO DADKA KULA MIDKA AHA AYAA DANBIGA UGU WEEYN LAGA GALAY,WAAYO DENBIGA LAGAA GALAYA AYAAD DAREEMEEYSAA, DHIBKASTANA WUXUU XANUUN LEEYAHAY MARKAAD DAREEMEEYSO.

    DHIBAKA DALKA SOMALIYA IYO DADKA ISKA LEH BAA LOO GEEYSTEY WAXAANA U GEEYSTEY RAGA SHAARKA NAGU MATALA LAKIIN AANU MASKAXDA NAGU MATALIN.

    RUNTA AYAA WAXEEY TAHAY INAAN KA HOR TAGI KARNO INAGOON QORIGA KALIYA ISTICMAALIN.

    SIDEEE LOOGA HORTEGI KARAA?

  18. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, horay ayaan dhowr jeer ugu hadlay Boggan waxyaabaha uu boggiisa ku qoro, kaasoo aan u arko Mas’uuliyad darro, waa wuxuu mar kastaba ka hadlaa arrimo Burburin qarameed, waxyaabo shaki ku dhalliya Ummadda masaakiinta ah ee aan fahmi karin dhagarta ay mar kastaba soo daabacaan.
    Haddaba, su’aasha lays weydiinayo waxay tahay Waraaqaha Dowliga ah sida kan ay hadda soo daabaceen oo ah waraaqo Sir ah oo Meesha ugu sareysay Dowladda ka soo baxday Sidey ku helleen Boggan soo daabacay maqaalkan?, runtii waa arrin la yaab leh, waxaan horay u sheegay in Boggan Dabagal lagu sameeyo, suurta gal ma aha in Horumar la sameeyo haddii la doonnayo in Dowladnimadii dib loo soo dhiso, haddii aanan la heli karin in la xafiddo Asraarta Dowladda, waxaan kula talin lahaa madaxda Sare ee Dowllada in ay is bedel ku sameeyaan shaqaalaha meelaha Asraarta Dowladda lagu xafido ka shaqeeya, laguna shaqaaleeyo halkaasi shaqaalihii lagu yaqiinay weligeedba, taasoo aan filayo in Qowmiyadda Reer Xamarka ee gibil cadka ah loosoo celiyaa Xilalkaasi si ay u sugnaato Xafidaada Asraarta Dowladda Soomaaliyeed, taasoo aan filayo in ay dadkaasi yihiin dad Dhexdhexaad ah ay u wada siman yihii Qabaa’ilka Soomaalida ee Loolanka Awoodda dalka ka dhexeeyo.
    Waxaan ku kalsoonahay in Tallo soo jeedintan dambe ay gaar doonto Madaxda Sare ee Dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan Madaxweynaha.

    Wabillaahi Towfiiq