Home » Archive Maalinta May 10th, 2010

Wabiga Shabeelle oo Kusoo fatahay qaar kamid ah Xaafadaha Magaalada B/weyne

May 10, 2010
Mar qura ayaa habeenimadii Isniinta saqdii dhexe waxaa dadku ay maqleen qaylada Raha oo yeerta marka ay biyo kasoo baxaan Wabiga, iyadoo dadkii daganaa Xaafadaha Dhagax Jibis, Bacaadaha ay iskaga baxeen guryahooda markii ay biyaha Wabiga ugu soo galeen. Xaafadaha qaar ayaa ah kuwa haawanayay markii qoysaskii daganaa ay iskaga baxeen, kuwaasi oo dagay Xaafado kale oo aysan biyaha wali gaarin halka kuwa... 
Halkudheg: , ,

Kulan Sannadeedkii Labaad ee Ducaadda Gobolka Western Cape ee Koonfur Afrika 2009/2010

May 10, 2010
Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 09/05/2010 lagu qabtay magaalada Cape Town Kulan sannadeedkii labaad 2009/2010 ee ducaadda iyo waxgaradka ku nool Gobolka Western Cape ee Waddanka K/Afrika, Kulankan waxaa soo qaban-qaabiyay Xafiiska dacwada ee Majlisa Albayaan Al-Islaami faraciisa(Wetern Cape), waxaana lagu qabtay Madarasada As-sunnah oo ku taalla xaafadda soomaalidu ku badan tahay ee Bellville,... 
Halkudheg:

Cumar C/rashiid oo 150 Maalmood laga hoos qaadi waayey warqad uu u Qoray Qarammada Midoobay

May 10, 2010
Warqadiisii taas ka horaysay ee dhul-badeedka Soomaaliyeed baylahda gelinaysay waxaa  laga aqbalay 7 cisho gudahood… Faalladii SomaliTalk.com : Taariikhdu waa macallin. Waana waxa lagu xisaabtamo marka la doonayo in Qaran la jiheeyo. Dhacdo taariikhi ah marka sida saxda ah loo wajaho waxay hordhac u noqotaa horumar. Haddiise la iska indhasaabo cawaaqibka ka dhalan kara uma baahana shaaraxaad. Faalladeena... 
Halkudheg:

Maxamed Yuusuf Xeefow” heshiiskii aan la gaarney Dowlada waa naga go’an tahay in aan fulino

May 10, 2010
Iyadoo dhawaan heshiis ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Ururka Ahlusunna Waljameeca ayaa haddan Guddoomiyaha guud ee Ahlusunna Waljameeca Macallin Maxamuud Sheekh Xasan waxa uu ku dhawaaqay isla markaana meel fagaare ah ka sheegay in gebi ahaanba uu burburay heshiiskii Ahlusunna Waljameeca iyo Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in heshiiskaasi ay gacanta la soo galeen koox saddexaad oo uu ku... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...