Home » Faallo »

Wirwirka dhalanteedka aan Librannin, ee u-hanqal- taag-ga awoodda ee Soomaalida | Dr. Shariif Saalax

[waa fikrado fudfudud oo loo gudbinayo qof kasta oo daneeya]   

1.Balambalka iyo hoogga  asiibay Soomaalida 

Arrintan kor ku xussan hore ayaa siyaalo badan loo qaadaa-dhigay, waana la wada ogyahay, oo labaatan iyo dhowrkii sano la soo dhaafay ayaa nalku ku daarnaa. Soomaali iyo shisheeyeba way ka hadleen, qoreen, sawireen oo ka doodeen, doc walbana ka falanqeeyeen, dawankeeda khatarta ahina yeeriyeen. Intii musiibadan la suulin lahaa, oo hooggan laysaga turi lahaa, waa la sii ruubanayaa. Beladatan billowgeeda cid is tiri 20 sano ayay idinla gaari doontaa ma jirin. Haddana rajadu ma badna. Waa in se la ogaado in mar walba, oo asmadu sii socotaba: fuqriga, jahliga, bahalnimada, dhaqan-guurka magaalannimo, qiimaha waddaninimo, tacabka iyo ganacsiga, ka faa’idaysiga horumarka dunida way sii yaraanayan. Soomaaliya waxay ku noqon doontaa meeshii laga soo guuray 100 sano ka hor.Sidii Ahlul-kahafkii hurdo dheer, oo wax walba ay ku baal-marayaan ayaa la galayaa [kuwaas Ilaah baaba dhurreeyay], waana arrin halis.

Dalkeenna maanta xor ma aha.Waxaynu ku jirnaa WISAAYAD aan cidina sharciyaynin ee Ummadaha Midoobay,  IGAD iyo wax loogu yeero Bulshada Caalamka, oo magac-u-yaal u ah dowladaha awoodda wayn leh. IGAD ayaa boroosin kafiileed inoo dhigatay, Itoobiyana ay hoggaamiso. Dhaxalkii aabbeyaasheen innooga tageen, markay inoo kasbeen, ee JAMHUURIYADDA SOOMALIYA, waxaa innaga xayuubisay IGAD iyo kuwa dibindaabyada la maamula. Cid xurriyad-beelku dhibaysana ma jirto.Wuxuu shisheeyuhu innoola dhaqmaa sidii wiil-yar oo kafiil loo yahay, ilaa uu ka qaan- gaaro, kaa soo ma kore ma kuuda ah. 20 sano hababkeenna dowladnimo waa qaan-gaari la’yihiin. Adduunku wuxuu innoola arkaa sidii bahallo aan garaad iyo dareen midna lahayn. Howlwadeenno UN, oo heer hoose ah, ayaa xukuumadaheenna rida, haddana dhisa.Waxaasoo dullinimo ah dadku kama qiiroodo. Waxaa harey keli ah Dalka inuu cadow mar kale qabsado, oo dhulka khayraadka leh xoogo, oo dego, dadka intii hartayna la bara-kiciyo. Haddaan lays-daba-qaban, si deg-deg ah, Ilaah ma idmee, Soomaaliya wax la yiraahdo ma jiri doonaan. Haatanba Dalku xisaabaha dalalka nool kuma jiro, qarna wuu ka laallaadaa! 

2.MARIN-HABOW 

Dad badan ayaa manta u harjadaya inay ka mid noqdaan hay’ad lagu tilmaamo ‘dowlad’ loolana jeedo koox tiraahda habkaa baan dhisaynaa. Hayeeshee, waxay dhisayaan xukuummad ma aha, dowladna ha ba ku sheegin.Waxa la dhisayo waa hab dhalanteed ah, sar-la-kac ah, oo weligii ku meel-gaar ah, laga damacsanyahay in lagu fushado dano shakhsi oo yar-yar, dhul-yaal ah. Markuu habkaa fashilmo cid uur-ku-taallo uu ku reebayo ma jirto, iyo in lagu xisaabtamo sababta loo fashilmay. Hab cusub, oo “ ku meel gaar” ah ayaa haddana mar kale la dhisayaa.  

Kuwa hababka ceenkaa ah dhisa, shacbi kula xisaabtama sababta “kmg”ka looga gudbi la’yahay, ku dhowaad labaatan sano, ma jiro. Mar haddii qolo waliba qaybteeda 4.5 saamigii ay ku lahayd helayso. Habka la saabsaabayna qaybteeda jago ay qaadanayso. Micne ma laha habka wax qabadkiisa, haddii laga fiiriyo xagga aragtida dadwaynaha waqtigan, waxaa muhiim ah ‘in qaybtayadii aan soo dhacsannay’! Habka la dhisay waxaa lagu sheegaa inuu ‘xukuumad’ yahay. Waana is-hafar waxba ka jirin, wax walbana xukuumadda runta ah caksigeeda ayay u shaqeeyaan.

Cayaayir iyo maadays been ah ayaan daawanaynaa, annagoo og xaqiiqada, haddana waxaan ka cabanaynaa dhibaatada innagu abaadday. Hadduu macallinku ummi yahay lagama yaabo in dugsigiisa laga qalin-jebiyo. 

Xukuumaddan hafarka ah beeso ma laha, xafiisyo wasaaradeed ma jiraan, shaqaale lama arko, Dalka ma xukunto, marar badan waxay joogtaa xaafad qur ah, ama dhowr guri oo isu dhow, oo la yiraahdo ‘madaxtooyo’. Wasiirrada hababkan lagu doorto moryaanta ayaa af-duubata, kabaha kala baxda, ama u qaan-sheegata, shilin ay isku furtaanna ma haystaan.Waxaa jiray, mar, wasiir-ku-xigeen intii ‘xukuumaddiisu’ jirtay af-duub loo haystay. Hababkan hadba la dhiso, dhab ahaantii looguma talo-gelin in Soomaaliya dhibaatada, iyo balanbalka dowlad la’aanta, lagaga saaro. Arrintan dambe, oo u baahan juhdi iyo naftii-hurnimo badan, cidna diyaar u ahayn inay u babac-dhigto. Ujeeddadu waxay tahay, oo keli ah, in lagu yaboohsado, nidaamka dhexdiisa la isku baado, markii codayn loo baahdo. Gunnooyin yar-yar lagaga qaraabto, inta safarro dibadda la qalqaalsado, iyo ‘ gacan maris’ jaaliyadeed . Kii xirrib siyaado ah la yimaaddana Beesha Caalamkuu mashruuc “truffa” ah kaga qalqaalsadaa, ama iib-geeyaa shax gumaysigu soo farsameeyay, kana dullaalo, sida kuwa haatan ka socda, caasimadaha innagu dhow.

Dadwaynaha Soomaaliyeed waa inay ogaadaan ineeyan jirin cid ugu maqan soo noolaynta DOWLADNIMADII duntay 1991dii. Haddaynu rabno inaan dib-u-dhisanno DOWLADNIMADII innaga suushay, waa inaan dhaqannada maanta madaxa ku socda, majaha u rognaa. Maxaa se innala gudboon? 

3.Maxaan u rabnaa DOWLAD 

Waxaa innaga dumay dhismihii Dowladda, xukuumaddiina way la duntay. Dowladdu waa sidii geed wayn, haddii la dhaqaaleeyo quruun badan jiri kara, xukuumadduna waa laan geedkaa wayn ka baxda, marar badan la jaro, sifo laan cusub, tii hore ka caafimaad iyo waxtar badan u soo fufto. Laantaa howshii geedku hayo ma qaban karto. Dhaqanka dhalanteedka ‘siyaasadeed’ ee manta lagu socdo, waa mid kooxdii soo kacdaba, iyadoo geedkii dumay dib loo tallaalin, ay raadiso in la taago laan aan geed ka soo bixin, oo keligeed ah. Suurta-galna ma aha inay istaagto. Haddaynu xikmad iyo caqli-galnimo cuskanayno, waa in, hor iyo horraan, aynu tallaalnaa geedkii dumay, ka dibna laantii xukuumadda la doortaa, tan ku habboon.

ARAGTIDAYDA Ummad ama Qaran, raba in xadaarad iyo nabad ku noolaado, ama tiigsado, ma jiri karo Dowlad la,aan. Magaalo laguma noolaan karo Dowlad la’aan; iyadaana hab-nololeed ah.Waxaan Dowlad u raadinaynaa inay Dalka inoo nabadayso, dib-u-dhisto, adeegyadii bulshada iyo howlihii kale lagu daryeelayay wada furto, dadwaynuhuna ku naalloodo. Qaybaha tacab-soo-saarka, kuwa gaarka ah iyo kuwa guudba, horumariso. Si loola dagaallamo saboolnimada iyo baahida wejiyada badan leh, si kor loogu qaado heerka nolosha dadwaynaha.Dowlad caddaaladda sugta, eex iyo qabyaalad, gobolaysi baabi’isa , oo muwaaddiniinta oo dhan simaysa, waa in la bartilmaansado. Dowlad xuquuqda muwaaddinka difaacda, oo himiladiisa si hagar la,aan ah ugu halganta, misna gaarsiisa. Waa inaan dhisanno Dowlad dhaqangelisa rabitaanka dadka inay diintooda waxay farayso gutaan, caadooyinkooda suubban iyo qiyamkooda bulshadeed ku dhaqankooda u kafaala-qaadda. Waxaa lagama maarmaan ah inaan helno Dowlad isku filan, gacab-hoorsi dibadeed ka kaaftoonta, muwaaddinka ka bi’isa walwalka maciishadda, waxbarashada ubadkiisa iyo caafimaadka qoyska. Dowlad xushmad iyo haybad leh, Dalkeeda cadow aan soo haddidi karin[Haatan Soomaaliya waa dal baylah ah, Soomaaliduna waa dad la quursado, lagana cawdubillaysto, annagoo ahaan jirnay horyaallada Aafrika, dunidana qaddarin wayn ku lahayn. Maanta, dowladihii aan soo barbaarinnay, ayaa kafiil inay noo noqdaan raba, sida Burundi].Waxaan doonaynaa inaan dhisanno Dowlad[ma aha wax hal iyo laba fac la dherer eg, ee waxaan u jeednaa hab qarniyaal raaga], markay daboosho baahiyaha asaasiga ah ee dadkeeda, oo heerar kala duwan ku jeraanjaraysan, karti iyo awood u yeelata inay Soomaaliya gaarsiiso, ugu dambayn, heerka dowladaha horumaray [developed countries], dhammaadka qarnigan 21aad.  

4.Maxay u Dhalan la’dahay  Dowlad run ah 

Labaatan sano Dalkan waa dowlad la’yahay, siduu ku socdana kuma gaarayo, sababaha soo socda awgood:

I.Qabyaalad iyo gobolaysi

Dowlad qaran waxaa lagu dhisi karaa aragti qaran iyo waddaniyad, oo ka sare-marta aragtida iyo danaha qabyaaladda. Isku day kasta qabyaaladeed looga gol-leeyahay in lagu sed-bursado ciribtiisu waa fashil. Maxaa wacay ujeeddada sed-bursiga waa caddaalad la’aan, dadkuna way la dagaallamayaan, oo fashilinayaan. Waayo-aragnimadii 30kii sano ee la soo dhaafay waxay ina bartay in qabyaalad cidina ku adkaanaynin, natiijadeeduna tahay hoog iyo khasaare. Haddaan xusuus leennahay, qabyaaladdu waxay ahayd tii dumisay dowladnimadii Soomaliya. Meeshaynu ka takhallusi lahayn haddaan kaba u gelinnay, oo ‘cilmiyaynay’, abtirsiinno bawbawsannay, oo ku jaan-gooynay ‘xikmadda’ la baxday 4.5. Kow, laba seddex iyo affar jeer waan hubsannay ineeyan shaqaynaynin. Haddana waan ka kori la’nahay. Mar hadday qabyaaladdu hor-joogto in qarannimo dhabbaheedii la raadiyo, ma jirto cid is waydiisay sideebaynu uga gudubnaa?. Waxbaa afka laga cambaareeyaa, aan uurka jirin. Dadna waxaa u garaad yar inta meeshay ku kuftay aan ka kici aqoon, ama meshay ku jabtay weli joogta, sidaynu nahay.

II.Siyaasiyiin hafar ah

Siyaasaddu waa cilmi, waana farsamo. Haddu Dalkeenna siyaasiyiin ku filan lahaan lahaa dhibaatada dowlad la’aantu waa hore ayay dhammaan lahayd. Hayeeshee, maanta dad badan oo siyaasiyiin sheegta, ma aha magacay isku hafrayaan. Siyaaso ma aha ‘beenaale weji furan’, af-mishaarnimo sarriig lahayn, iyo dullaal, meel yar inuu wax ka dabbirto, qasdigiisoo dhan yahay. Siyaasi laguma sheegi karo ruuxa ku mintida horumarka beeshiisa, iyo ficilka kuwa kale iyo fiiriddooda. Ruuxa ku hubaysan islawaynida qabiilkiisa, sarraynta heebtiisa iyo hiddaha reer  tolkii, anbaa’iga aragtidiisuna ay heerkaa la simantahay, siyaasi ma noqon karo Siyaasadu waa res pubblica oo danaha dadwaynaha loogu adeego. Ruuxa qabyaaladda ku kooban aqoonyahan ma sheegan karo, iskaba daa inuu siyaasi noqdo iyo hoggaamiye maamul dowladeed.

Nimaan aragti qaran lahayn, oo danaha qaranka ee guud iyo mustaqbalkiisa aan wel-wel ku haynin, markuu hayo jago siyaasadeed, ama beegsanayo arrimaha qaranka, siyaasi ma noqon karo.Aragtida dhalanteedka ah, oo lala yaabo, waxaa ka mid ah in lagu rafaado wax la yiraahdo awood-qaybsi, meel aan waxba oollin, awoodna jirin oo ah ujeeddo tafaraaruq ku wajahan[centrifugal], meshii la rabay in loo hayaamo dowlad-dhis loo howl-galay, si loo gaaro meel bulshadu ay wadaagto, si xaq ah, maamulka danaha qaranka, ama awood-wadaag ku wajahan iskaashi[centripetal]. Ruuxu, meeshay dowladnimo ka jirto, wuxuu u halgamayaa inuu ka qayb-qaato, muwaaddin ahaan, dhismo xukuummad qarameed mustaqbalkiisa iyo kan dalka uu ku aamini karo[ sida doorasho, canshuur-bixin], ee ma raadiyo inuu isku shiddeeyo, iskuna mag-mago masuuliyad uusan aqoon u lahayn, dhibaato iyo luggeeyo  keli ah ku soo kordhinayo.  

III. Fahamka gurracan ee maamulka awoodda   

Maamulka awooddu garasho-darraa ku dheehan. Beeshu waxay u suxul-duubaysaa inay awoodda qaybteeda ka qaadato. Ujeeddadeedu waa: yaan hadhow laguu awood-sheegan. Hayeeshee, awood-qaybsigaa, oo loo maamulay sidii hilibaha loogu shirkoobo, waa dowladnimada wedkeed. Waa fowdo bulshooyinku ku baaba’aan. Tartanka beesha gudaheeda ah waxaa ku soo baxaya dad aan u qalmin inay wax ku hoggaamiyaan awood dowladeed, in kastoo ay yihiin horyaallada beeshu. Intii, aqoonta, kartida iyo hufnaantuu u baahnaan lahaa maamul dowladeed, way ku dhacahayaan imtixaanka beeshu. Waana jug-jug mahaada joog, sidaynu nahay 20kii sano ee la soo dhaafay. Haddii aqoontu sidaa loo takoorayo micne ma laha inaan ka walwalno wax-barashada ubadkeenna. Sidaa aawadeed, waxaa la qaatay inaan carruurteenna miyiga u dirno si ay xoolaha innoogu ilaaliyaan, aakhirtu waxtarkooda shaqo sidaan uga faa’idaysanno. Haddii kale, mustaqbalka dhasha waa inaan la hor-joogsan. Ruuxa doonaya inuu Dalka fowdo, iyo danaysi ku abaado, isagoo dantiisa shakhsiga ah, ee dhow, keli ah raadinaya, waa caqli-laawe cagihiisa godin la dhahaya. Waana in si deg-deg ah laysaga qabto. 

Bulshadu waxay u baahantahay masuul dowladeed, oo caddaalad wax ku maamula. Hadduu muwaaddiniinta u kala eexdana lagu ciqaabo, waajibkuu si wanaagsan u gutayna lagu abaal-mariyo [ taariikhdeennu, waxaa la xusuustaa wasiirro iyo howl-wadeenno  musuq-maasuq shaqada looga saaray].

Sidaa aawadeed, mar haddii qofkaad u xulatay  maamulka inuu kuu sed-bursho habkiiba halis ku yahay, oo dumanayo, waxaad adigu ka dheefaysid ma jiraan, weliba fursad wax kuugu hagaagi lahaayeen ayuu kaa lunshay, oo aad ku gaari lahayd caddaalad iyo sinnaan, xeer kasto ha loo cuskadee.

Dunidoo dhan masuulka maamulka dowladeed, heer kastuu joogo, waxaa lagu xushaa aqoonta, kartida iyo hufnaanta, oo xilkiisa ku gudan karo.  Soomaalida xilligan joogta 4.5 iyo miisaan qabyaaladeed ayaa xeer u ah, ma adduunkoo dhan baan ka caqli sarraynaa? Mindhaa waa sida kale! Miyaan lagu quusanaynin tubtaa khaldan inaan nabad iyo xasillooni lagu gaaraynin, iskaba daa dowladnimo? 
 

5.Sidee baynu dayowga iyo    dhalanteedka uga baxnaa? 

Labaatan iyo dhowrkii sano xasaraduhu Dalkeenna ka taagnaayeen waxaan yaqiinsannay inaan dagaal laysku maquunin Karin. Markaa, waa lagama maarmaan in dhibaatooyinka jira jidka nabadda lagu furdaamiyo, oo si sinnaani ku jirto bulshada qaybaheeda, kooxaha, gobollada laysugu yimaaddo, si dib loogu dhiso DOWLADDII la dunshay. Ma socondoonto inay qolo, ama kooxi, inta kale ku tiraahdo anigaa lay boqraye qorshahayga ku soo hirta, ama anigay “xaqiiqadu” faraha iigu jirtaaye, aan idin deeqsiiyee, i soo raaca. Mana lagu guulaysan doono gogol-nabadeed dulmi looga dan leeyahay, oo dadka qaar lagu fogaynayo, sidii kuwii ina soo maray. Amar-ku-taaglayn iyo xoolo raadis laguma soo celin karo dowladnimadii la dunshay, ama u-hanqal-taag sedbursi iyo caqliyad qabyaaladeed ku salaysan. Jiilka laga rabo inuu shiddooyinkan u samro, halgankaa tafantoofka  jow ah dhabarka u rito, waa inteenna manta xaaddirka ah. Haddaad dib-u-dhiska Dalka naftaada uga wahansatid, ha ku calaacalin markay wax qabsoomi waayaan: “ tolow maxay wax la soconla’yihiin”. Haddii la guulaysto facaha soo kacahaya ayaa sharaf iyo majarasho innagu xusuusan doona. Haddaan gaabinno oo fashilnana inkaar iyo quursi kuu diiwaan-gelindoona. Sidaa aawadeed, si loogu howl-galo xilkaa waddaniga ah, ee ballaaran, waxaa lagama maarmaan ah in la qaado tallaabooyinkan soo socda:

1. Soomaaliya waa dal buka, dadkeedana la mid. Si bukto loo suuliyo, bukaanna ku fayoobaado, waxaa lagamamaarmaan ah, in hor iyo horraan, cudurka la baaro. Ka dibna daawadii lagula dagaallami lahaa lagula tacaalo. Waa dhabbe aan hore loo tijaabin. Xukuumadaha la sheego, ee hadba la dhiso, bukaankaa daawo sun ah un bay mar walba u qooshaan, uu ku sii jirrado, ilaa ay daawadaa qaldani noloshiisa sababto.

Sidaa aawadeed, bukaankan waa inay u talisaa, daawaduu ku buskoon lahaanna tilmaamaantaa, horin isugu jirta culumo ACADEMICIAN ah, iyo dad waayo-aragnimo ku leh dhaqanka bulshada, ama waayeello xilkas ah, indheer-garad ah, oo shucuur qarameed iyo mid diineed ba leh. Horintan waxay dejinaysaa naqshaddii[blue print] lagu xaqiijin lahaa dib-u-soo-noolaynta dowladdii duntay. Shuruudda lagu xulanayo waxaa ka mid ah: 1- ineeyan awood-raadis ahayn; 2- ineeyan Dalka dembi ka galin, nooc kasta ha ahaadee; 3- waa ineeyan ku caan-bixin eex iyo kooxaysi; 4-waa ineeyan lahayn, kuna caan-bixin, danaysi shakhsiyadeed; 5- waa inay xilka erganimada u dhabar-adeegi karaan [sidii kurtunkii iyo kudkudihii]. Dhammaan sifooyinka wanaagga leh, oo kasto, shakhsiyadda la xulayo ayay mudnaan kordhin u yihiin.

HEERKA LABAAD: Horinta la xusay, oo la sii ballaariyay, waxay u howl-galaysaa, ergo ahaan, sidii MASHRUUCA QARAN looga dhaadhicin lahaa kooxaha kala duwan, gobollada, ururrada iyo ashkhaasta culayska leh, si qorshaha loo ayido, loona howl-galo meel-marintiisa.

HEERKA SEDDEXAAD:Ergadu waxay digaysaa Shirwayne Qaran ee Dalka gudihiisa, meesha ku habboon lagu qabto. Madashaa waxaa laga soo saarayaa qorshihii dib loogu soo noolayn lahaa Dowladdii suushay, oo waqtiga ku jaran-jaraysan. Ujeeddada ugu wayn ee la rabo in laga dhabeeyo waxay tahay: in la dhidbo HAB-DOWLADEED[state structure] saldhig adag leh, oo raaga oo dhowrsan, cidina isku dayi karin inay dumiso, markay gefto danaheeda, sidii dhacday.

WAA IN LAGA DIGTOONAADO: faragelin shisheeye, oo siyaabo badan ku iman karta( maal-gelin – khabiirnimo-nasteexnimo). Dhinac walba dadkeennu waa isku filan yahy, xoolo-dadeedna uma baahna. Wax kale haddii la waayo caano iyo meseggo ayaa innagu filan. Heerka hore waxa dib-u-dhiska u bahan waa DOWLADDA[state], ma aha XUKUUMAD[government, oo maamul ah]. Rukummada la dhidbayo, ee DOWLADDU waa Nabadda, sugidda siyaaddada[sovreignty] Dalka iyo Ummadda, Muqaddasnimada midnimada Ciidda, Shacbiga iyo difaaca danihiisa nololeed [ amnigiisa, dhaqaalaha, bulshada, caddaaladda iyo wmd ah].  

6.Xasaradaha ka dhalan kara haddii si deg-deg ah loo soo celin-waayo dowladnimada  

1. Khariiddada Caalamka  Soomaaliya waa laga waayi doonaa. Qaybo yar-yar, oo magacyo cusub wata ayaa beddeli doona, sidaan haddaba aragno, haddii la dedejin waayo dib-u-dhiska DOWLADDA. Mana habboona in waqti lagu lumiyo hababka KMG aan marna shaqayn doonin.

2. Dalka iyo Dadka cadow, gumaysi arxan-daran ah, ayaa qabsan doona. Dalka waxaa soo degidoona quruun aan soomali ahayn, dhul-beereedka iyo xeebaha la baylahay isku ballaarin-doona.

3. Dadku waxuu isu rogi doonaan kuwo jahli iyo galti-macaruufnimo dillaysteen, oo xaax-gabay, aan toos u kala garanaynin waxay kala yihiin cadow iyo arxan, iimaansashada Dalka iyo dhalanteedka muhaajirnimada, xalaasha iyo xaaraanta, Soomaalinimadu waxay tahay iyo qiyamka diinta. Waxaa imandoona, haddaba ay wax ka joogaan, kuwo Dalka caanatayn ku iibsada.

 4.Haddaan nabad la helin Dalka intii wax u tabci lahayd, ee xoogga ahyd, ayaa ka tegaysa. Lama arki doono, miyi iyo magaalo, muruq-maalkii dadka noolayn lahaa.Waxayna ka dhigantahay ruux dhiig-baxay, ama is-toogtay.

5. Danta Qaranka waa in okobban loo noqdo, lays caawiyo oo laysu tanaasulo. Sida kale Dalkaa ku lumaya, qof walbana waa u khasaare.

6. Waa in laga hortago khatarra badan, lana shiiqiyo hawa badan, oo dhalanteed ah. 

Dr. Shariif Saalax Maxamed 
EMail: shriiff@hotmail.com
 

A summary in English of this article under the heading: [wirwirka dhalanteedka] will follow with the title: the dazzling mirage of illusive power among politicized Somali groups.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Wirwirka dhalanteedka aan Librannin, ee u-hanqal- taag-ga awoodda ee Soomaalida | Dr. Shariif Saalax "

  1. ASCW,Mahadsanid maqaal wax tar leh,waxaanse la yaabanahay sidee wax loo bilabaa? arintaas ayaa aad iila adag waayo Somalia maanta Puntland ayaa ah meel nabad ah oo lagu shiri karo maamulkaasna maaha mid ku shaqeynaya fikradan waa maamul hadafkiisu yahay sedbursi iyo gorgortan,waxaa jiro aqoonyahano badan oo fikiradan lamid ah haya,balse ma jirto booskii lagu gorfeyn lahaa waana habeenkii xalay tegay in guri dadkale leeyahay wax kuugu soo dhismaan.
    waxaan jeclaan lahaa webside xalka somalia lagu gorfeeyo in la helo oo sheeko iyo siyaasad kale ka madaxbanaan,sidoo kale URUR ama XISBI sidii tabliiqii oo kale ah kasoo Madaxdiisa kitaab ka maraan ineysan xil qaban doonin anigana haddii fikradahayga laga helo mid baan ka noqon.
    Mahadsanid
    DR Yusuf issa
    yusufessa@gmail.com

  2. AAWW, jazakalah ya Dr. Sharif Salah, maqalkagan wuxu bilow wanagsan u yahay dhagaxdhiga Dowladnimo, wuxuna iftin u yahay wadadda so helida Qaranimada luntay ee u baahan in dadaal dheeri ah lagu bixiyo. Alle ha garansiiyo inta garaadka leh.
    AAWW

  3. burhaan says:

    Waa Maqaal Macno fog xambaarsan, yaase fahmaayo?!