Home » Warar »

Warbixin iyo Waraysi: Urur Ujeedadiisu Tahay Dhameynta Colaadaha Wadamada Geeska Afrika

 oo  Maalintii Seddaxaad Ku Shiraya Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee Caasimada Dalka Jabuuti, Wareysi Aynu Idiinkaga Hayno Xubin Ka Tirsan Ururkaas

Urur Ay Ku Mideysan Yihiin Xubno Ka Kala Socda Dalallka Geeska Afrika oo Ujeedadiisu Tahay Dhameynta Colaadaha Geeska Afrika, Ka Shaqeynta Is-dhex gelka Bulshada Todobada Wadan iyo Kor u Qaadida Dhaqaalaha Wadamada Geeska Afrika oo Lagu Aas aasey Novembar 2007-kii Dalka Jabuuti, Islamarkaana Xarun Looga Dhigey Caasimada dalka Jabuuti Ayaa Maalintii Seddaxaad Shir Uga Socdaa Xarunta Urur Goboleedka IGAD ee Caasimada Dalka Jabuuti.

Shirkan oo ay iska kaashadeen Hay’adda UNISCO iyo Ururkan Greater Horn Horizon Forum (GHHF) ayaa 02/05/2010 Prof. Calinuur Maxamed Maxamuud oo ka mid ah xubnaha sare ee Ururkan oo aan kula kulmey hoolka shirarka urur Goboleedka IGAD,wax ka weydiiney ujeedada Ururkan, xiliga la aas aasey, ujeedooyinka kulankooda iyo faa’iidada ay Soomaaliya ugu jirto ka mid noqoshada Ururkan ayaa wuxuu yiri

Halkan ka dhegeyso Waraysiga Cali Nuur

“magaceyga waxaa la yiraahdaa Calinuur Maxamed, ujeedada loo aas aasey ururkan waxaa weeye dhibaatada ka taagan 7-da wadan ee la isku yiraahdo Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Suudaan, Eriteria, Jabuuti, Soomaaliya, Kiiniya iyo Ugandha, wadamadaasoo dano badan oo dhinac walba leh xag bulsho, xag dhaqaale, xag siyaasadeed, xag dadka reer guuraaga ah ee Soomaalida kolba dhinac gelaya, maadaama dano badan isaga xiran yihiin oo dhaqaalihii Soomaaliya oo dhan Kiiniya yaala, marka Kiiniya dan weyn baa nagaga xiran, Itoobiya sidoo kale, marka lama kala maarmo, Goboladan baa la isla degan yahay colaadiina wey badatey, ilaa iyo gumeystihii markii uu tegey colaadii baa socoteyoo waa la is dilayey xoolihii Ummaddaas, waxaa la geliyey Meliteri, iyagoo aan ka haqab la’ayn xaqa Caafimaadka, xaga tacliinta, xaga biyaha, dhismihii dalallka oo aan lahayn jidad, ayaa Militerigii Hub isu aruursadey.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah GUJI

Markaa cidina dan uguma jirto baaba’ , hoog iyo halaag uun baa laga qaadey, markaa Migiste Meliteri xoog leh ayuu dhistey maanta xaguu ku dambeeyaa, Siyaad Barre ciidamo xoog leh ayuu dhistey wadankii xagee ku dambeeyaa, xagee geeyey, markaa waxaan dan uma ahan, danta waxay ku jirto ayaan dooneynaa inaan tusaaleyno, cuqdada weyn ee ay dadku kala qabaan ama qabaa’ilka ama Nationalaty-ga ee ay kala qabaan ayaa waxaan dooneynaa inaan yareyno, dadku inay u arkaan dantu nay ugu jirto Into gereeshin wax la yiraahdo, la sameeyo isku duubnida dhaqaalaha, kama hadlayo tan siyaasadeed in wadan qura laa noqdo, waxaan rabnaa iskuduubni dhaqaale, taas waxaan u aragnaa inay kordhineyso, marka hore in meesha uu ka dhaco Barwaaqo sooran, in qof walba dantiis helayo, hadii dagaalka la iska dhaafo oo nabadgelyadii imaaneyso, waayo qofka Miskiinka ah ee aan waxba haysan, wuxuu dhowranayo ma leh, laakiin ninka wax haysta, kuma deg degayo waayo wax buu haystaa oo ka ba’ayo, ujeedadeenu waa taa” ayuu yiri Calinuur.

Mar uu ka hadlayey ujeedada shirka socda ayaa wuxuu yiri “ shirkan aan maanta isugu nimid waxaa lagu marti qaadey, dadka Idaacadaha iyo Wargeysyada Geeska Afrika, waxaan is tusaaleyney ujeedada aanu leenahay oo aah inaan nabad ku soo dabaalno goboladan, dadkuna aan tusno wixii danahooda ah, ayna suuragal ahayn, iyadoo aysan na garab taagneyn Idaacadaha, marka inay naga saacidaan ayaan doon eynaa ma dhicikareyso fidinta dadku, marka ujeedadeenu waa intaas”.

“ gogol xaarkiisa waxaa uu bilwdey 2005-ka, Baareys ayaa shir lagu qabtey, waxaa ka soo qayb galey dadd badan oo ka socda Gobolkan ayaa lagu martiqaadey, qaar dadka dibadaha ku nool iyo qaar daddka halkan deganba ee waxaa la aas aasey bishii Novembar 2007-dii xaruntiisuna waa halkan” ayuu ku jawaabey Mar aan weydiiyey Goormaa la aas aasey Ururkan?

Sidoo kale mar aan weydiiyey ma tilaabadii ugiu horeysey oo aad qaadeen miyaa kulankan hada aad qabaneysaan mise tilaabooyin hore aad u qaadeen ayaa jira? Ayaa wuxuu ku jawaabey “ Maya Tilaabooyin hore ayaa jirey, shirar hore ayaa la qabtey, waxyaabo ayaana lagu falanqeeyey, yacnii maxaa dhisaan gareynaya hadii uu qoxooti yahay ayaa laga Hadley, dadku wey is-dhex joogaan dadd badan baa Soomaaliya ka yimid oo Itoobiya jooga oo laga yaabo reerahooda in ay halkaa joogaan, markaa ninkaa ma Itoobiyaan baa nmise waa Soomaali arimahaas ayaa laga hadlaayey, waxaa la qorey laba buug oo hada la daabicidoono, marka ay soo baxaan labadaa Buug waxaan fileynaa in dadka Siyaasada sameeya loo qaybiyo”.

Cali Nuur Maxamed

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah GUJI

Ugu dambeyn mar aan weydiiyey Prof Calinuur, markaad eegto qaabka ay wax u socdaan Soomaaliya maxay tahay danta ugu jirto faa’iido ahaan, Bulsho ahaan, ka saxaafad ahaan ayaa waxaa uu ku jawaabey “Wadamadan hadii integereeshinkaa dhaco, wadanka ugu horeeya ee ka faa’iideysanaya waa Soomaali, waayo Soomaalida, ayaa kaga fiican xaga beec mushtarka wadamada kale lixda wadan kale oo dhan, hadii la isu furo suuqa ninka Soomaaliga ah ee jooga Baladweyne, wuxuu ka beec mushtarikaraa Itoobiya allaabtiisa oo dhan ayuu geyn karaa, Soomaalida ayaan qabaa dadka ugu faa’iidada badan hadii Intogereeshin dhaco, waa loo fasaxayaa meesha uu doono ayuu marikaraa cid qabaneysa ma leh, Mediyaha danta ugu jirto waxay tahay, ninka wadanka ka shaqeeya waa nin soomaali ah, waa inuu ka shaqeeyaa siduu uga danqan lahaa dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed, marka waxani xalinta dhibaatada weeye, markaa hadii qofku uu leeyahay dalka dan kama lihi, waxa aan sheegeyney waa taa, markaa hadii aad idaacad haysatid maxaa xil kaa saran ninkan gaajoonaya iyo ninkan la dilayo dan kama lihi ma dhihi kartid, markaa taa weeye tan aan dooneyno” ayuu ku soo geba gebeeyey hadalkiisa Calinuur Maxamed.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warbixin iyo Waraysi: Urur Ujeedadiisu Tahay Dhameynta Colaadaha Wadamada Geeska Afrika "

  1. a/c
    marka hore waad ssalamantihiin salaan kadib walaal waa raiyi aad ufican
    waxayna ila tahay hadii wax loo qabanayo mid lilaahi ah ay fican tahay oo aysan dano gaar ah ku jirin waxayna ila tahay in lagu aflaxi dono waxaan idinkulka dar daar mayaa in waxloo qabto si cadaalada waad ku mahadsantihiin howshaas ad isku day deen
    mahadsanid