Home » Sports »

naadiga pv10 oo ku guulaystay puntland premier league ee malaysia

Ciyaarihii naadiyada  Puntland  ppl ee ka socday caasimada malaysia ee kuala lumpur ayaa soo dhamaaday galabta 01 may 2010  iyadoo ay wada  ciyaarayeen kooxaha  baangii& pv10 oo  ahaa kuwa awood ba’an soo sheegtay mudadii ay ciyaartu socotay.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

xulalka labadan  naadi ee pv10 iyo baangii ayaa ahaa kuwo ciyaaraha ka reebay naadiyo badan taasoo u saamaxday inay labadan team isugu yimaadaan dhamaadka ciyaaraha ee ppl.

ciyaartani waxa ay ahayd mid culus,waxa ayna ku bilaabantay ciyaaryahano qaba maaliyado kala duwan gacmaha is haysta oo soo wada galay garoonka,markaasna waxa bilowday sacab ay so bandhigeen taageerayaasha labada dhinac.

xulalka ciyaartooyda ayaa kaliftay maanta in looga so daawasho tago daafaha caasimadda kl ee malaysia si ay u daawadaan ciyaartan in badan la wada sugayey iyago kala danaynayey inay kala taageeraan labada naadi ee galabta isku so qalab urursaday si uu midba midka kale uga hanto koobkan wata magaca qaran ee ppl lehna xamaasadiisa gaar ahaaneed ee dhawaanahan loo so daawasho tagayey.

ciyaarta si deg deg ah ayaa loo bilaabay maadaama waqtigu si liicayey ,waxaana ay bilaabatay 5:30 pm ee galabnimo,waxaana markiiba bilowday dagaal ciyaareedka labada kooxood ay wadeen.

taageerayaasha ayaa markiiba koox walba bilowday sawaxan ay ku taageerayaan ciyaaryahanadooda waxayna isla markaas ku dhawaaqayeen habdba laacibka markaas ay kuubaddu lugta ugu jirto.

xulka naadiga pv10 ayaa daqiiqadii shaanaad ee ciyaarta ku hubsaday gool lama filaan ah shabaqa kooxda bangi taasna waxay keentay inay niyad wanaagsan qaadaan taageerayaasha xulka pv10.
 

taageerayaasha baangii ayaa aamus bilaabay,waxayna ka war sugayeen jawaabta ay bixin doonaan ciyaar yahano ay u arkayeen markaas in ay ciyaarta wax ka keeni karaan.

xulka pv10 ayaa sii laba jibaaray dadaalkooda goolal raadiska waxayna daqiiqadu isku xiga ku hubsadeen shabaqa kooxda bangi 3 gool oo talantaali ah ,taa soo ku kaliftay kooxda bangi inay badalaad badan sameeyaan si ay ciyaartooda wax uga badalaan,waxaana u suurtagashay 05:53 pm isla qaybtii hore ciyaarta inay la yimaadaan gool iyago iska fujiyey oof oo ka haystay xaga goolasha,waxaa mar kale laga maqlay garoonka codadka taageerayaasha bangi oo aad moodo inay ka so tuuseen hurdo.

kooxda baangii aya wali halkeedi ka sii wadatay halgankii ay kula jirtay waxaana u suurta gashay afar daqiiqo ka dib inay helaan gool kale oo runtii aad looga so shaqeeyey kicisana dareenka taageerayaashooda,Ciyaartu wey cuslaatay waxaa la bilaabay ciyaar xiiso badan lahayd oo sababtey in taageerayaasha labada dhinac ay ku soo dhawaadaan seeraha kubada barantanku ka socdo, ciidamada Ilaalada amaanka ayaa isku dayey in ay dadkan ka durjiyaan Seeraha ciyaarta, waxaana markale lagu guuleystay in ay fariistaan qaarkoodna waxa ay bilaabeen in ay ka hayaamaan ciyaarta ayagoo aad moodo in ay og yihiin waxa ay ku soo xirmi doonto ciyaarta qeybteeda hore.
Nasashadii ciyaartu Ama wareegii hore waxa ay ku soo dhamaatey 4-2 oo ay kala lahaayeen labada xulba, mid walbana wuxuu markan qabaa rajo wanaagsan oo ku aadan in uu galabta danau kota kala tagayo guul uu ku hanto ppl cup.
nasasho yar ka dib waxa ay ciyaartooydu dib ugu so laabteen garoonka,Xulalku waxa ay sameeyeen in ay gudaha garoonka ama Masraxa kubada soo galiyaan ciyaaryahano keyd ufadhiyey, oo markii dambe noqday wiilal soo baxay, waxa ayna Ciyaaryahanadii la keenay noqdeen kuwa jawigii ciyaarta oo dhan badaley.

Intii aan la keenin ciyaaryahanada badalka ama markaasi keydka ahaa, waxa ayna tabayeen xulka baangii in ay Shabaqa gadaashiisa ufadhiyaan ciyaaryahano ay ku kalsoonaayeen, waxaana laga qabsaday ciyaartii hore oo xoog looga heystay khadka dhexe ee ciyaarta oo aysan ujoogin Ciyaaryahano ubarbar dhiga kara weerarka naadiga  pv10.

Waxaa la keenay ciyaaryahano soo jeediyey indhaha daawadayaasha garoonka fadhiyey oo ka dhigay in aysan meel kale eegin, Labada kooxoodba mid walba waxba markan lama harin ciyaartuna waxa ay mareysaa meel khatar cadiim ah ALLOW SAHAL AMUURAHA.
Daqiiqado badan oo laysku soo laabtey ayna socotey ciyaartu waxa ay ahayd weerar xad dhaaf ah oo marba gool aadayay, laakiin wuxuu ku badnaa Goolku naadiga baangii, baangiina wey dadaashay waqti badan.

Dhamaadkii Ciyaarta ayaa lasoo gaaray waxa ayna labadaba xul qaadayeen weeraro gaadmo ah, oo marba meel aadaysay, sidoo kalena dadka taageerayaasha ah kuma aysan faraxsaneyn jawiga ciyaartu gashey.

Kubad culus ayaa ku timid Goolka kooxda naadiga baangii, waxaana watey ciyaaryahanka isku xira ciyaaryahanada difaaca geesaha & kuwa dhexe, markaasna ka tirsanaa Xulka pv10, , wuxuu ku hubsaday Shabaqa Kooxda bangi gool qurux badan, markaasna uu saxiixay Siiri wadaha ciyaarta, kadibna waxaa dhacay khalkhal ku yimid xaalada garoonka.

  kabtanka naadiga baangii ayaa bilaabay  inu dardargaliyo naadigiisa taasoo kicisay niyada taageerayaasha kooxdiisa, waxaana Kooxda baangii  ay qaaday talaabooyin ay ku bareejeyneyso Kooxda naadiga pv10 oo markaasi leh 5-2, waxaana weeraro badan oo la wadey suurtagali waayey in loo dhawaado goolka Kooxda pv10 oo difaac adag ku jirtay balse nasiib wanaag ayaa si lama filaan ah waxaa usuurta gashay ciyaayahanka khadka dhexe ee bangi inu ku shoot gareeyo gool haya pv10 kuubad kacsan taasoo kaliftay inay ruxdo shabaqa kooxda pv10 oo iyadu halgankeedi ku jirtay daqiiqadihii ugu danbeeyey.

Gabagabadii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatey 5-3 oo ay guushu ku raacday Kooxda pv10, waxaana markiiba si weyn loo sugay amaanka guud ee garoonka danau kota oo ay ciyaartu ka socotey, Jawiga guud ee garoonku wuxuu isku bedelay dabaaldagid ka dib mid caadi ah lehna jawi farxadeed ,nasasho yar ka dib waxaa laguda galay munaasabadii xiritaanka ppl oo isbuucyadan ka socday wadanka malaysia.

waxaana munaasabada furay madaxa sports ardada puntland ee malaysia mudane c/xakiin yusuf cali (kowsarad) wuxuuna so dhaway iyo mahadnaq ka dib ka hadlay faaiidooyinku uu sportsku uleeyahay dhalinyarada,isago tilmaamay inuu sportsku qayb lixaadle ka qaato arimaha bulshada ,sportsku wuxu kobciyaa is dhexgalka dadka iyo isbarashadooda waxayna u noqotaa ciyaartooyda  dhacdo aysan ilaawi karinin,mudane kowsarad isago hadalkisi si wata waxa uu yiri “maanta anagu halkan baanu ku qabanay ppl anago dhalinyaro ah oo iska wax u qabso wax ku so wadnay waa ilaahay mahadiis waxaan ka codsanayaa wasaarada sports puntland in wadanka gudihiisu koob kan oo kale sanadkiiba labo jeer waayo naadiyo wadankii xoog kuma lahan koobka qaranka un baa sanadkiiba mar isugu yimaadaan goboladu,waa in kan naadiyaashana la xoojiyaa lana badiyaa ,qurbajoogtana waxaan ugu baaqi inay iyaguna nagu daydaan anaga iyo rer india oo naga horeeyey sida ay wax u yagleeleen “.

waxaa isna halkaas ka hadlay madaxa isku xirka ardada puntland ee malaysia kana mid ahaa gudiga ppl mudane c/fitaax ciise xaaji cumar (laahoor) wuxuuna ka hadlay muhiimadu u leeyahay koob kan oo kale wuxuuna ka faalooday wixii laga so maray intii uu socday koobku isago xusay in dhamaan la wada sameeyey dhabar adayg iyo in laga dhabeeyo hadafkii lagu unkay koobkan,waa ilaahay fadligiis inaynu ka guul gaarnay fikirkeeni oo ahaa inaynu isku duubni wax u wada qabsan karno waana taas aad maanta u wada jeedaan wixii aynu ku so dadaalaynay inaynu guntiisi gaarnay,wuxuuna ugu qaabay shacabka reer puntland ee daafaha caalamka kala joogaan inay isku duubni iyo wax wada qabsi ay sameeyaan taas ayaa guul lagu gaari karaa ayu ku so gunaanaday hadalakiisa mudane laahoor.

isku so wada duuboo waxaa xaflada so gabagabeeyey gudoomiye maxamed c/samed wuxuuna ku dheeraaday isku xirnaanta ardada iyo walaltinimadooda isago sheegay inaysan meelna ku kala tagayn ayna dhalin yartu sxbo yiihiin had iyo jeer ilaaliyana midnimadooda,wuxuuna mahad gaar ah u celiyey ashkhaastii ka qayb qaadatay qabsoomida ppl isago ku tilmaamay talaabo horey ay u qaadeen dhalinta reer puntland ee malaysia,wuxuuna sheegay isago ka faaiidaysanaya fursadan in la qaban doono doorashadii ururka isagu xusay in term koodi uu ka dhamaaday si deg deg ahna la guda gali qabsoomida doorashada ururka wuxuuna rajo fiican ka muujiyey inaysan xilligeedi dhaafayn haddii eebe idmo wuxuuna ballan qaaday inu taageerayo cid alaale iyo cidii loo doorto gudoonka ururka ,ayna tahay waajib muqadas in maamulkayagu la shaqeeyo kuwii so baxa taasna waxaa ku jirta masiirka umadda ayu ku so afjaray hadalkiisa.intaas ka dib wuxuu guda galay qaybinta biladaha iyado la siiyay kooxda 1aad,2aad iyo 3aad,laacibka sanadka,difaaca qarabkan,gool haya ugu khatarsan .siiirigiii ugu wanaagsanaa iyo kooxda idaman oo hanatay bilada anshaxa,waxaana la siiyey bilad gaar ah kooxda utama oo gashay kaalinta 3aad iyado laga rebay finalka . 
                                                                                                                                                                                                                             waxayna kala ahaayeen naadiyadii ka qayb galay ppl naadiga utama,idaman,bangi iyo pv10,hadaba gudoomiyhu wuxuu markii danbe u wacay captain axmed masiinge ee naadiga pv10 wuxuna u gacan galiyey koobkii quruxda badnaa ee ppl,captainku wu gudoomay koobka wuxuuna hal mar kor ula kacay isago ruxaya waxana ku so xoomay ciyaartooydii pv10 oo watay taageerayaal xamaasadaysan waxayna dhunkadeen koobkii iyago halkaas ku sameeyey dhoolatus farxadeed,waxaana laga dareemayey wajiyadadooda dareen wanaagsan cadaynayey in ay gaareen guushii ay ku haminayeen intuu socday koobku.

mar aan wax ka waydiiyey ciyaarta  masuulkii watay naadiga pv10 mudane mowliid isbandhays ayuu ii sheegay inu aad ugu faraxsanahay gusha ay gaareen ilaah baana mahad leh taasna waxa ay ku timid dadaal ka ay muujiyeen kooxdaydu iyago  la yimid niyad sami iyo dulqaad rajo fiicanna waanu qabnay,,,walalaha kale ee aanu ka gulaysan waxaan leeyahay ciyaar fiican baad nala so bandhigteen waadna dadaasheen balse ma noqon nasiibkiini kolay qolo un baa la hoyan laha koobkan waxaan idiin rajayn guul xiliyada so socda ayu ku so gunaanaday hadalkiisiisa masuulka pv10.

mar aan arkay masuulkii watay naadigii laga guulaystay maanta ee baangi axmed kayare ayaa ii sheegay inu ku faraxsanyahay halka ay so gaareen kuubaduna ay nasiib tahay, runtii ciyaar wanaagsan baanu  so bandhignay balse isfaham daro xagayaga ah baan u aanayn anigu wixii dhacay ,waxaana rajayn inay no tahay tusaale xilliyada kalena aanu sixi doono khaladaadkii aanu galnay guushuna ay nagu danbayn insha allah,walalaaha kale ee naga guulaystayna waxaan leeyahay ciyaar wanaag baad so bandhigteen guul baana idin rajayn mar haddiii koobkii ppl  guulaystay inago dhan waynu guulaysanay ayu ku af meeray hadalkiisa mudane kayare .
isku so wada xooriiyoo waxaa la so gabagabeeyey munaasabdiii ppl waxaana ka mid ah marti sharafti ka so qayb  gashay chair man ka ururka ardada somaliyed ee malaysia mudane cabdirashiid qalinle,maxamed axmed (madaxweynaha),axmed c/raxman biixi,musharax najiib balala ,musharax maxamud jamuux iyo xubno kale oo halkan aan lagu so koobi karin,waxayna xafladu ku so dhamaatay sidii loogu tala galay iyado ay dhalintu  aad ugu riyaaqeen.

                                                           aniso puntland
                                                danau kota stadium, kl malaysia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.