Home » Warar »

Bayaan ku aaddan xasuuqii ka dhacay masjidka Bakaaraha

Qoraal ay soo saareen culimo Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay xasuuqii ka dhacay masjidka Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Bayaankaas ayaa u qornaa sida hoos ku qoran:

بسم الله الرحمن الرحيم
 
الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وأصحابه

1.     waxaan cambaaraynaynaa xasuuqii ka dhacay masjidka Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana caddaynaynaa inuu falkaasi ahaa dambi weyn oo loo gaystay shacabka Soomaaliyeed diintiisa, naftiisa, sumcaddiisa iyo deganaanshihiisa. Waxaa muujinaya weynaanta dambigaas foolxumada falka oo ahayd xasuuq, goobta uu ka dhacay oo ahayd beyt Ilaahay, xilliga lala eegtay oo ahaa waqtigii salaadda iyo cidda lala beegsaday oo ahayd dad cibaadada Ilaahay u yimid.
 
2.     faldambiyeedkaan waa mid ku cusub dalka Soomaaliya, waxaana dhici karta inuu hordhac u yahay falal kale oo la mida ama ka sii xun; sidaa darteed waxaan ku baaqaynaa in laga digtoonaado, si wadajir ahna looga wada hortago. 
 
3.     waxaan u aragnaa in loolanka u dhexeeya soomaalida uu fursad u siinayo cadawgeeda inuu iyaga isu adeegsado, wuxuu doonana ka dhex fushado; sidaa darteed waxaan ugu yeeraynaa dhammaan dhinacyada is haya inay khilaafkooda u celiyaan kitaabka iyo sunnada nabiga (scw), siduu Alle inoo amray:
 
(( فإن تنازعتم في شيء فردوه إلى الله والرسول إن كنتم تؤمنون بالله واليوم الآخر))، (( وما اختلفتم فيه من شيء فحكمه إلى الله)).
 
 
4.     waxaan u tacsiyeynaynaa eheladii iyo asxaabtii dadkii qaraxyadaas ku geeriyooday, iyagana waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu dambigooda dhaafo, jannadiisana ka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna uu sabir iyo caafimaad siiyo, kuwii falkaas foosha xun ka dambeeyeyna uu Rabbi ciqaab lagu waanaqaato oo deg deg ah u keeno.
 
Culimada bayaanka soo saartay:
 
1.     Sh. C/qaadir Nuur Faarax
2.     Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan
3.     Sh. Daahir Aw Cabdi
4.     Sh. C/naasir Xaaji Axmed
5.     Sh. Xasan Xuseen Axmed
6.     Sh. Axmed daahir Xasan
7.     Sh. C/waaxid Xaashi Xasan
8.     Sh. Max’ed Macallin Axmed
9.     Ustaad C/qaadir Siciid Cali
10. Sh. Xasan Max’ed Ibraahim
11. Sh. Max’ud Xaaji Yuusuf
12. Sh. Axmed Siciid Max’ed (Farax)
13. Sh. Aadan Max’ed Cigaal
14. Sh. C/rashiid Sh. Saalax
15. Sh. C/nuur Xirsi
16. Sh. Mahad C/laahi Max’ed
17. Sh. Axmed faarax Garaase
18.  Sh. Max’ed Axmed Faarax
19.  Sh. Faarax Max’ed Cajab
20. Sh. Axmed Yuusuf Daad
21.  Sh. C/raxman Aw Ciise
22.  Sh. Axmed C/samad

la xiriir: alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Bayaan ku aaddan xasuuqii ka dhacay masjidka Bakaaraha "

  1. Bashir says:

    JAwaab Akram. Walaale haddi raga qaarkii diinta wax ku doonayaan oo ay isleeyihiin hogaamiye ku noqda walaal qasaarada waan u jeedaa. Waligeed ayaa la dagaalami jiray laakiin ma jirin cid masjid wax ku gumaada. Laakiin hada waad arkaysaa, taasna waxa keenay waa dadka siyaasada masjidka soo galiyay. Hogaamiye sidiisaba cadow badan ayuu leeyahay. Mid gude iyo mid dibadeedba. Falkaan masjidka ka dhacay waxaa looga hortagi karay iyadoo hogaamiyaasha jago doonka ah aynaan mashjidka ka noqon superstar. Mida kale qalbigayga Alle ayaa warqabo afxumaadana kaagama jawaabayo. Kale duwa diinta iyo siyaasada. Sababta aan Western countries ugu nool nahay halaga tusaalo qaato. Haddii ay diin ku dhaqmi lahaayeen inaga oo dhan la inama arkeen. Waxay noqon laheed diintaada ka bax ama qoorta ha laguu dheereeyo. Waa arki kartaa hadii aad tahay nin wax garad ah.

  2. akram says:

    waxaan doonayaa in aan u jawaabo ninka layirahdo bashiir, walaal waxaad sheeganeysaa in aad tahay nin somaali ah oo hadana ku andacoonaya musilim, waayo Nabi Muxamad SCW waxa uu leyahay ” Dhamaan Mu’miniinta oo idil waa hal jir, xubin ka mid ah hadii ay xanuusato dhamaan waa uu wadda xanuusanayaa” adiga waxaan hadalkaada ka dhuxeynaa in aad ku faraxsantahay oo aad siineyso Wax magaratda xasuusqday umad alahooda hor taagan oo wali aad ku faraxsantahay, ogoow in nin waliba qabri ladhigayo oo xisaab gooni ah uu leeyahay hadii aad qabiil ku taageyrto iyo hadii xisbi aad ku taageyrtabo waa un lakala baxayaa….. ku xisaabtan in uu qof waliba uu leeyahay malakul mowt gooni ah adigana uu ku sugaayo ku farax ama ka nax!!!!

  3. Abdi says:

    Wax alla wax aan ku hadlaan jirin. Alloow cawaanna ha ahaatee yaa nabad kusoo celiya hoygeenii. Allow meel ay hooyada iyo caruurtu ku nasato nasii.

  4. Bashir says:

    Waa in la kala saaraa diinta iyo siyaasada. Dadka hogaamiyaasha waa in ay isaga baxaa diinta oo u soo jeestaan siyaasada. Haddi labadaa lakale saaro cid masaajid weerarayso lama hayo. Laakiin haddii ninku siyaasi yahay hada diinta ku gambanaayo dee qasaaradaas ayaa imaanaysa. Alle ha u naxiisto intii laga gardarnaa.

  5. A.Abanur says:

    ASCWW,

    Soomaaliyey waakaa Masaajiddii dhaxdiisa leydinku keenay Qaraxyadii, waxaan idin leeyahay ilaahayd ka cabsada ee dib iskugu noqda oo dib u tashta kuna midooba waxii dan idin ah, sidaan filayo arrinta meesha ay maanta taagan tahay waa arrin khatar ah haddii ay noqon lahayd dhinac kastaba, waa in uu Caqliga shaqeeyaa, lagana gudbaa waxyaabaha caloolxumada leh ee Ummadda Soomaaliyeed ku sugan tahay, waa in xal la helaa, qof kasta oo dan gaar ah lahaa Tanasul la yimaadaa, waxaan filayaa dantii leydinka lahaa waakaa la gaaray ee Is dababa qabta.

    Wabillaahi Towfiiq