Home » Faallo, SaahidYusuf »

Muqdisho iyo Khadad Cagaaran oo hor leh | Amiin Yuusuf Khasaaro

Iyadoo marba marka ka dambeysa ay sii xumaaneyso Xaaladda Magaalada Muqdisho, kadib markii ay sanooyin ugu dambeeyey hareeyeen dagaalo aan dhamaad laheyn oo xitaa inta badan bulshada Soomaaliyeed ay ka quusteen in uu dhaco wax heshiis ah, balse dadka Soomaaliyeed ayaa inta badan waxay is weydaarsadaaan oo laabtooda ku qaboojiyaan “Naxariista rabi lagama quusto, waxaana rajeyneynaa in isbedel deg deg ah uu yimaado”, dagaalada Muqdisho ka dhaca waxaa dadka ugu darsoomay sicir-babar, Faqri iyo welwel xaqiiqda marka loo hadlo waxayna dadka qaar shitaan ama afka wax geliyaan hal waqti waa haddii la soo helo, waxaana Magaalada Muqdisho ku soo badanaya dadka masaakiinta ah ee tuugsanaya qaarkood inta ay kuu soo dhawaadaan ayaa waxay ku leeyihiin “War nin yahow waan baahanay ee manta qadada iga bixi , markaa ayaa qofkii u nimceeyey wixii uu haya siiyaa’.

Meelaha ay dagaalada ka socdaan ee Magaalada Muqdisho waxaa ku nool dad fara badan awoodi waayey in ay qaxaan, waxaana isugu darsoomaay baahi iyo xabad joogto ah, markaad weydiiso waxa ay meeshaa u joogaan oo ay isaga carari waayeey waxa uu kuugu jawaabayaa “Halkeen u cararaa”, dad ka qaxay Black sea oo gaaray deegaanka Garasbaaley ayaa waxaa halkaasi ugu tagay Madaafiic marka Magaalada Muqdisho meel fayow ma lahan, dadka waxaa dhegahooda ku batay daryanka rasaasta waaweyn, kuwa yar yar iyo qaraxyo iyo isbaarooyin ay mararka qaarkood ku dhacaan. Meesha keliya ee haatan loo soo shaqo tago waa Suuqa Bakaaraha oo isna cabsi iyo walal lagu joogo, subixii marka uu waagu baryo waxaa la dhageystaa idaacadaha oo noqday kuwo haga bulshada waxaana loo sheegaa halka laga geli karo Bakaarah, waxa maalinkaasi jira iyo haddii dagaal meel ka cusub yahay, dadku marka aysan maqlin in uusan wax dagaal ah jirin xaaladduna caadi tahay ayay gawaarida soo raacaan oo suuqa ku yimaadaan, waxaase u sii daran Suuqa Bakaaraha waxay Barakacaasha ku nool deegaanada lagu qaxay ka soo galaan labo wado oo keliya, mid waa MakkA Almukarama waxay ka daadegtaa Dabka sidaas oo Bakaaro lagu tago, midda kale waa mid ka timaada dhanka Warshadaha, iyada oo aan dhamaan ayaa waxaa kaa hor imaanaya dhufeys ay qoteen kooxaha Dowladda ka soo horjeeda waxayna gawaaridu ku leexdaan wadooyin luuqyo oo xaafadaha dhexdooda ah,hadii aan deg deg xal loo helin waxaa dhab in labadaas wado xirmaan oo haatan saansaankeeda uu muuqdo

Xaqiiqdii markay jireen dagaalada ahliga ah waxaa jiray wax la yiraahdo Qad Cagaaran oo kala qaybinayey Waqooyi iyo Koonfur oo markii dambe dadaal ay sameeyeen bulshada ku baa’biyey , maanta qadkii cagaarnaa ayaa dib u soo laabtey runtii wuxuuna ka sameysmey,waxa uuna u soo wareegsaday laga soo bilaabo Hotel Jubba, Tiyaatarka, Sayidka, Dabka, Shaqaalaha, Km4 ilaa laga gaaro Ex. Control Afgooye, waxaana labada dhinac ka kala jooga Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM iyo Xoogagga ka soo horjeeda.

Nin odey ah ayaa waxa uu yiri “labo qad cagaaran ayaan soo marnay waxaa dhiman mid saddexaad, mid afraad ilaa iyo mid Shanaad, ee mar walba isbedel filo”, waxaana weydiiyey waxa uu ku keenay waxa uuna iigu jawaabay “Waagii dagaaladii sokeeye Qad cagaaran ayaa la sameeyey maantana mid kale ayaa sameystay, berina xaggee ku biyo shuban miyaadan fileyn in uu mid kale sameysmo, waxaana u maleynayaa in ay imaan doono in xaafad waliba qad cagaaran yeelato”.

Waagii ay dagaalamayeen Caydiid iyo Cali Mahdi ayaa Nin iyo Haweeney is qaba waxay isaga hor yimaadeen siyaasaddii, waagaasna waxay Jaraa’idyada ka soo baxa Muqdisho soo sawiri jireen Kartoono muujinaya hadba siyaasadda jirta sidaasi darteed waxaa la soo sawiray Ninkii iyo Naagtii is qabay oo Qad Cagaaran looga dhex sameeyey Sariirtooda, sawirka waxa uu muujinayey Silig duuduuban oo la dhex dhigay Sariitii ay wada seexanayeen bartankeeda isla markaana labadooda ay kala aamusan yihiin oo midba Gafuurkiisa dhinac u jeediyey , haddaba mar haddii nin iyo naag iyo isqabay qad cagaaran yeesheen akhristow maxay kula tahay qadadka cagaaran ee ku soo badanaya Magaalada Muqdisho.

Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho waxaad moodaa in ay sii xumaaneyso, markii la is yiraahdo il baa baxday waxay arrintu noqotaa ka dar oo dibi dhal, dagaalkii ugu dambeeyey shalay dhacay waxaa ku naf waayey dad badan in kalana sariiraha ayay saaran yihiin, dhibaatadu ma yara, ummaduna way walaacsan tahay, yaa noo diir naxa ayay xaaladdu mareysaa ila iyo hadda danta ummadda iyo dalka wax wada si dhab ah looma hayo marka laga reebo sheegashada uu dhan walba sheeganayo in uu wado maslaxda diinta, dalka iyo dadka hadda waxayba u sii muuqataa in Muqdisho ku sii hoobaneyso haadaan mugdi ah oo haddii aan Alle faraj u bixin sida looga gudbaa ay adag tahay, waxaan sii badana qadadka cagaaran oo dhibaato badan ku haya shacabka tabaaleysan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Muqdisho iyo Khadad Cagaaran oo hor leh | Amiin Yuusuf Khasaaro "

  1. السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
    salaan kadib aad baan kaaga mahadcelinaa Amiin Yuusuf Khasaaro sida wanaaga badan ee aad noogu soo gudbiso mar walba xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta wadankii hooyo gaar ahaan magaaladii aan jeclaa muqdisho
    Muqdishaay mixnada badan
    Immisaa naf kugu maqan
    Immisaa miskiiniyo
    Waayeel maqaariyo
    Maxasley haweeniyo
    Maatooyin kugu go’ay?

  2. aniga waxaan joogaa dalka yaman gaar ahaan caasimada san ca waxaan codkeyga halkaan ugu soo qorey waa layaab dhibaatada ka taagan dadkaiyo dalkaba waxaan fikrad ahaan leeyhay ha iska dhaafaan dhibka ay wadaan hka ceeshaan dhalinyarada soo baxaya

  3. xasan says:

    waar kuwan hagu daalin waxba maqlayaanee maxaa yeelay waa qoom indho xidhan.waxay isku dilahayaana garan maysid

  4. waar waxan aynu ka baxno horta soomaalidu waxay gashay hurdo lamida tii ay asxaabul kahfi gashay maxaa yeelay waxay soomaalia maanta aynu la soconaa inay irto dhib laakiinse aynu garanayn sidaynu ku xalino waxaan aaminsanahay in dhibtu ay tahay umada soomaaliyeed waayo waxay yihiin kuwo aan wadaniyiin ahayn
    markaasi walaalayaal bal horta wadaniyyiin noqda oo wadankiina u tudha oo toobad laabta ka ogaada waxkastoo dhacayaana waa wax uu qof waliba gacantiisa isku gaystay abwaan hore oo soomaaliyeed ayaa yidhi
    colaadahan soconaaya oogta iyo laylka
    ducadandan ijaabada lahayn oo aynu arkayno
    waa edeb raxmaaniya iyo ula cadaabeedee
    inagaa samaynee cidkale eed hasaarinaay
    hadaad isku arxamaysaan dhibtan kuma abaadeenee
    anaa waxaan leeyahay walaalayaal ilaahay isoo noqda