Home » Alwaqaar, Faallo »

Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka [1] | Sh. Axmed C/samad

 Sheikh Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Jifo walba waxay laamiga ka dhisatay tuulo u gaara; si ay ugu noqoto xarun iyaga loo yaqaan. Tuulooyinkaas la weegaaray maaha deegaan samaysi iyo magaalo dhisasho midna ee waa ficil lagu muujinayo jiritaanka gaar ahaaneed ee jifadaas. Si kale haddii loo dhoho waa ku dhawaaqid dawlad gaara iyo gooni isu-taag ay jifadu isaga soocayso dadka kale ee dhalashada ama deegaanka la wadaaga.

Si arrintaa loo xaqiijiyana jifadu waxay tuuladeeda dhigataa kaantarool ama isbaaro, dadka kalena waxay u diiddaa inay la dagaan, ilaa la wariyey in meelaha qaarkood aan loo oggolayn inuu ninka inan layaalka ah guri ka dhisto; si aanu marna gooni isu-taagga jifada u carqaladayn!. Si kastaba ha ahaatee waxaynu ku jirnaa samankii gooni isu-taagga iyo ictiraaf raadinta oo heer jifo iyo heer tuulo maraysa.

Dagaalada ilaalooyinka xuduudaha

Waxaa arrintaa aad u sii caddaynaya colaadaha waaweyn ee lagu hoobtay ee ka dhacay ama ka socda deegaanada qabaa’ilku iska soo galaan, sida: Qubays iyo Saleebaan, Celi iyo reer Biciidyahan, Cumar Maxamuud iyo Bah ararsame, Habar yoonis iyo Ciidagale, Jibriil Abokor iyo reer Nuur, Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahiil oo intaba colaadohoodu salka ku hayaan dhul la isku haysto ha ahaado barkado ama dhul daaqsina ama dhul beereede. Meelahaas qabaa’ilku iska soo galaan waxay la macne noqdeen xuduud qaybisa labo dal oo kala madax bannaan oo qolo walba ilaalo u joogto, wixii ku soo xadgudbana ay awood ku caabbiso.

Haysiga iyo dagista shisheeye dhib ma leh!

Waxaa yaab leh sida aan looga dhiidhiyayn haysiga iyo ka arriminta shisheeye ee deegaanka beesha iyo sida aan kala harka lahayn ee looga hortagayo barkad ama beer qof ama qoys walaalohood ah ka samaysteen deegaankay sheeganayaan!. Mar mar bay kugu soo dhacaysaa malaha dadkeena meeluu joogaba kumbuyuutarkaa loo eegay![2].

Calaamadaha kale ee gooni isu-taagga jifooyinka

Waxaa jira arrimo kale oo beryahaan jifooyinku ku muujiyaan madax bannaanidooda, waxaana ka mida samaysiga oday dhaqameed iyo qabqable u gaara jifada[3]. Haddii loo baahdana waa in la unko urur siyaasadeed oo kolley magiciisu S S ka bilowda. Waxay kaloo sameeyaan inay tolka ka goostaan magtii ay wada bixin jireen oo ay iyagu si gaara isaga baxshaan, si gaarana u qaataan.

Taas oo ka dhigan waxaan nahay: ummad gaara oo leh jiritaan, deegaan, dhaqan iyo hoggaan u gaara, ha ahaado hoggaan dhaqameed ama hoggaan siyaasadeede, mana jirto cid kale oo arrimahayaga wax laga weydiin karo ama magacayaga ku hadli karta. Sidoo kale waxaan nahay ummad isku filan oo wixii lagu yeesho si gaara isaga bixin karta, wixii ka maqana doonan karta iyadoon cidna la kaashan!.

Awliyada gaar ahaaneed ee jifada

Waxyaabaha beesha ama jifadu ku muujiso Gooni isu-taaggeeda waxaa ka mida inay caleemo-saarato weli u gaara, qabiilkeeda ama deegaankeedana ay uga baxdo awliyadii la wada siyaaran jirey. Qoladii aan awoowe welinimo loo yaqaan horay u lahayna waxay ku khasbanaatay inay odaygii beesha ama jifadu ka soo farcantay sheekh ama xaaji ku magacawdo, dhawr qisoo walinimadiisa caddaynaysana ay u falkiso!; waayo gar maaha inay qolo kale awowgeed la siyaaraan, awliyonimana u daba-fariistaan. Kuma koobna awliyada kaliya ee waxaa la mida soo caan bixinta abwaano iyo halyeyo jifadu ku faanto, haddaysan kuwa caana jirina la buunbuuniyo nin afareyda ka adag iyo mid dhurwaa neef ka ritey!.

Gooni u goosiga iyo ictiraaf raadintu ma jifooyinkay ku gaar tahay?

Mayee waxaa jira muuqaallo kale oo madax bannaaniyeed oo qaybaha bulshada qaarkood ku dhawaaqaan ama si ficila ugu kacaan, waxaana ka mida: a) gooni isu-taagga diimeed ee ururada iyo dariiqooyinka, b) gooni isu-taagga dumarka, gaar ahaan madaxbannaanida ay afadu uga xoroobayso saygeeda, c) gooni isu-taagga ubadku uga xoroobayaan waalidkood.

Waxaa la dhihi karaa ictiraaf iyo madaxbannaani raadintu waxay gashay nolosheena oo dhan. Haddii la dhiso shirkad ganacsi ama mid waxbarasho ama urur jaaliyadeed (community) muddo yar ka dib waxay u sii kala jabayaan intii la doono oo ururo iyo shirkado ah.

Hooseey ka halaawday!

Intii lagu mashquulsanaa dadka iyo dalka yaan qaybo waaweyn loo sii kala jarjarin baa qayb kasta jifo jifo iyo tuulo tuulo loo sii kala qoqobay. Waxaa la yiri: nin macallin ah baa arkay bisin si qaldan loogu qoray mundul dushiis, markaas buu yiri: i qaada aan laaxinka soo sexee, ka dibna raggii qaadayey midkood baa yiri: usbillaahi (bisin qaldan buu ku dhawaaqay). Kolkaas buu yiri macallinkii: war i dhiga! i dhiga!. Maxaa jira markii la yirina, wuxuu ku jawaabay: hooseey ka halaawday[4].

Waa maxay sababaha jifooyinku u goosanayaan?

Haddaynu ogaanay waxyaabah jifadu ku muujiso madax bannaanideeda, sida: tuulo dhisashada, suldaan samaysiga, qabqable magacaabashada, urur samaysiga, mag goosiga iyo awliyo soocashada waxaynu is weydiinaynaa sababaha jifooyinka ku kallifay inay goostaan?. Waxaa ka mida sababahaas:

  1. dhab ahaan waxaa lagu soo uruurin karaa hal sabab oo ah jahli iyo wacyidarro. Haddii aynu soo qaadno sababaha jifada kacdoonka galiyase waxaa ka mida:
  2. inay jifada is qabtaan suldaanka beesha ama qabqableheeda.
  3. inay jifada is qabtaan jifada suldaanku ka dhashay ama tan qabqabluhu ku abtirsado.
  4. waxaa kaloo arrimahaan ka qaybqaata abaabulka uu sameeyo nin oday dhaqameed ama qabqable noqon kara oo meeshii nin kale kaga gudbanyahay. Taa waxaa caddaynaya sida xawliga leh ee jifooyinku ay u samaysmayaan oday dhaqameedyada iyo qabqablayaasha, iyo deegaana hoosaadka jifo walba unkayso.
  5. Waxaa kaloo kala furfurka beelaha qayb ka ah siyaasadaha qalloocan ee dawladaha iyo hay’adaha arrinta Soomaalida faraha kula jira raacayaan. Tusaale ahaan: waxaa la qadinayaa qabiil aan qabqable haysan, waxaana cad libaax la siinayaa beel qabqablayaal haysata, sidii shirkii Imbagaati loo siiyey beesha Daa’uud kaliya labo wasiir, Wacaysle oo dhanna loo qadiyey. Waxaa kaloo dhacday in suldaanadii qabaa’ilka qaarkood waxba laga soo qaadi waayey qabqable la’aan awgeed. Taas waxay keenaysaa qoladii qabqable la’aan ama suldaan la’aan lagu ciilo inay is xorayso oo hoggaamiye cadkooda u soo dhacsha si gaara u magacaabato!.

Si kastaba ha ahaatee waxaynu isla aragnay meesha is kala soocu ina la marayo oo qoyskii ka koobnaa aabbe, hooyo, wiil iyo gabar ay u kala bexeen afar jifo maadaama dumarku ragga gooni isaga taagayaan, dhallinyaraduna waalidka gaar uga xoroobayaan, isla markaasna waxaynu hubsanay in aan cidina heer go’an ku celin Karin kala googo’a oo tusbaxay go’ay uu xabbad xabbad u kala firdhanayo. Haddaba waxaa ina la gudboon in aynu si xilkasnimo iyo aragti-dheeri leh uga fakarno sidaynu mushkiladdaan u xakamayn lahayn, ka dibna xal kama dambays ah ugu heli lahayn waqtigay doonto ha inagu qaadatee.

Xalka aynu doonaynana wuxuu ka bilaabanayaa ninka mushkiladda dareensan naftiisa iyo ehelkiisa; waayo nin ilmihiisa iyo jifadiisa dhegta ugu sheegaya: reer hebel xinif baa ina ka dhaxaysee u dhug lahaada, isla markaasna masjidka, idaacadda iyo golayaasha ka oranaya: walaalaa la yahaye yaan la kala tagin cidina wax ka maqli mayso; maxaa yeelay dadku ficilkiisay raacayaane qawl ay caddahay inuusan daacad ka ahayn ninna ka yeeli maayo!.

Qoraaladii hore: http://somalitalk.com/tag/alwaqaar/

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

________________________

[1] ) qormadani waxay ka mid ahayd taxanihii socdaalkaygii Jibbuuti, waxaanse gaar uga dhigay culayska mawduucu leeyahay.

[2] ) waa oraah la macne ah: waa la sixray.

[3] ) waa hubaal inay jiraan beelo salaadiinta baahi u samaystay, waliba dad wanaagsan xushay, waxaanse ka hadlaynaa waxa loo baxshay suldaan bararka.

[4] ) Intaan kor ka fakarayney bay xagga hoose ka xumaatay. Ninna wuxuu yiri: waar waxaa day, suuye: adigu waxaan day.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka [1] | Sh. Axmed C/samad "

  1. Walaalow waa yaabe maad Gooni isu taaga Jihaadka iyo Fatwadana ka qortid.

  2. ABROONE says:

    ASC WAXAAN AAD U SALAAMAYAA SHEQ AXMED WAXAANA LEEYAHAY FADLAN BADI QORAALADA KU SALAYSAN QABYAALAD-BARARKA, SULDAAN-BARARKA, JIFO-BARARKA, DOWLAD-BARARKA ICTIRAAF-BARARKA, GUMAYSIDOON-BARARKA, DAGAALOOGE-BARARKA IYO DHAQAN-BARARKA KU HABSADAY DHAMAAN UMADA SOOMAALIYEED EE XALAASHA AH WAXAAN MARQAATI KA’AHAY INAYSAN DADKU FAYOOBEYN:
    MAREEGTA SOMALITALK.COM IYO SHEEQABA WAYMAHADSANYIHIIN

  3. asc.
    Aad iyo aad baan sheekha uga mahad celinayaa xog ururinta ku dhisan cilmi baarista ee sida dhabta ah uga turjumaysa waaqica dhabta ah ee nolosha bulshada Soomaaliyeed ee maanta.

    Waxaan u fahmay in qoraalkan sheekhu uu ku tirtirsiinayo ummaddiisa in loo baramooso ama loo dallaco habka qaranimada(nation) oo laga gudbo habka qabiilka ama jifooyinka waxa uuna xal u arkaa sheekhu sida ka muuqata geba-gebada qormada in dhismaha qoys wanaagsan oo leh tarbiyadda wadajirku(Solidarity) uu yahay mid ka mida aasaaska bulsho caafimaad qabta sidoo kale waxa uu sheekhu xusay in loo baahan yahay in la yeesho hal weji oo u hiilinaya wanaaga lagana dheeraado wax u eg calaamada nifaaqa oo ah af iyo uur kala duwan.Allaylehe karbaa dhacay.

    Waa gar iyo nus aragtida cilmiyaysan oo huwan xog-ogaalnimada dheer ee sheekhu leeyahay lagana dheegan karo qormadaan iyo kuwii kale ee uu inoo hibeeyey xilli baahida ugu weyn ee ummaddu tahay sidii loo kobcin lahaa maskaxdooda iyo qiyimkooda.

    Ii ogolow in aan talo kooban u jeediyo sheekh Axmed oo aan iraahdo aqoontu waxay ka mid tahay hantida qaran ee aanu shacab ahaan ku lee nahay sekada ah in bulshada loogu tilmaamo tubta toosan sidoo kalena la rabo in ay noqoto dhaxal waara oo jiilalka soo socda ka dheehdaan khaladaadka taariikheed ee la sameeyey si aan mar labaad loogu naqtiimin si hadafkaasi u rumoobo fadlan ka fakar in mustaqbalka qoraaladaan loo badalo buug ama buugaag noqda kayd waara iyo dhaxal hara.

    Waa hubaa in Sheekh Axmed uu waqti iyo tamar badan ku bixiyey macluumaadka uu inoogu deeqay midbaanse ku doodi lahaa haddii uu sheekhu i weydiin lahaa bal qormooyinka, Adeecow halkii dhaanwade dho’daa ka rido adna oo bal il shimbireed ku cabiroo aragtidaada ku darso, guulayso marka hore, sheekhow balse markaan dhameeyo akhriska qormooyinkaaga waxaan aad uga maqsuudaa sida qeexan oo nuxurka leh ee aad sharaxa uga bixisid hadba nuqdada aad diirada saartid waxaa garowsiiyo badan doodaada siiya daliilada cad ee aad ka soo dheegato dhacdooyinka jira ama la soo maray oo taariikhdu ka marag kacdo, marmarna si kaftan dhable ah aad hoosta noogu galisid murti xambaarsan duluc weyn oo loogu duurxulayo garwaaqsiga qormada waxaase gebo-gebada dooda aan xoogaa saluugnaa sida kooban oo aad xalka mushkiladaha aad diirada saarto oo ah kuwo ijtimaaci ama amuuro kaleba leh oo gun dheer aad ugu soo koobto xalkooda hal ama laba qodob taas oo laga yaabo in aniga iyo akhristayaal badan aan saluugno in dhummucda mushkilada aad ka hadashay oo lagu daro dhinacyada ay taabanayso oo badan aysan ku filnayn in hal qodob la yiraahdo wakaa xalkii mushkiladii(absolute solution of the problem) sidaas awgeed waxaan kaa codsanayaa in marka la soo gaaro tilmaamida xalka mushkilad (in both short and long term solutions)markaas laga hadlayey in aad si qoto dheer oo la mid ah sida aad u qeexdo dabeecada(nature)mushkilada aad u balaariso dhinacyada kala duwan ee lagu daaweyn karo dhibta markaas lagula jiro legdanka qalinka.
    Raalli galin mug leh yaan ka bixinayaa haddii talo soo jeedin taydu weydaarato yoolka saxda ah.

    Faarax Adeec Warsame, Boosaaso.

    MAHADSANID

  4. Asalaamu Caleykum,

    Sheekh Axmed, kheyr fara badan Allaha siiyo, Soomaali hadday dhago wax lagu maqlo leedahay wax badan buu tusaaleeyay, waxaanse ka baqayaa in dhagihii dadkeennu leydha u duleeshameen oo wax galayaahi jirin! balse naxariista rabbi lagama quusto, waxaana waajib ah inaan laga daalin ka hadlidda iyo waxka qabashada masiibadaan Soomaali naafaysay iyo in waliba la unko dadaal la mid ah kii 13kii dhallinyaro ee isku dhaarsaday in ay qabyaaladda la dagaallamaan si ay Soomaali dulliga ku habsaday uga saaraan! Sheekhana waxaan ku dhiirrinayaa inuu dadaalkaas hormuud ka noqdo Allahna la talo saarto!!!!
    Allow towfiiqda nagu duw! aamiin

    Firdows.

  5. abdulaziiz says:

    suldaan bararka ayaan aad ugu qoslay markaan fahmay waxa uu kawado shiikhu. runtii mawduucaan iyo badanaa mawaadiicda kale oo shiikhu mar kasta kahadlo waa wax daruuri ah oo loobaahan yahay in la isku baraarujiyo markasta waxaana leeyahay ninkasta oo arintaa qabiilbararka ah wax kaqaban kara ha u tafa xayto shiikhana khayr allaha siiyo waxaan ku aqaanaa arintaan inuu mudo dheer daba socday oo meel dheer qabyaalada somalia baaritaankeeda uu kagaaray xattaa waxaan xusuustaa dawaladii somalia intaysan burburin muxaadaro uu arinkaan kaga hadli jiray ayadoonba balaayadaan lagu baraarug sanayn. marka khayr allaha siiyo.