Home » Sports »

Xaflad Sagootin ah oo Nairobi logu samayay Xulka Dhallinyarada Kubada Cagta ee Somalia.

Xafladaan oo si heer saro ah loo soo agaasimay kana dhacday gudaha Xaafada islii gaar ahaan Hotel Barakat ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuulinyiin kala duwan oo magac ku leh Kubada Cagta Soomaaliya iyo xubno katirsan dowlada FKMG ah ee Somalia.

Halkan ka daawo sawirada

Waxaana kamid ahaa masuuliyiintaas Safiirka Soomaaliyeed ee fadhigiisu uu yahay wadanka Kenya Maxamed Cali Nuur America, Tababarihii Xulka Qaranka Somalia Macalin Geele, Caamir Cabdi Hasan Xoghaya jogtada ah ee Sakaafo u fadhiyo Wadanka Somalia, Axmed Muqtaar Maxamed Xoghayaha Wasaarada Garsoorka ee Dowlada Somalia iyo macalinka hada leyliyo Ciyaartooda Soomaaliyeed ee da’da yar hadana guulaha wanaagsan u soo hoyiyay Wadanka Soomaaliya Macalin Maxamed Cabdi Farayare.

Waxaana halkaas dadkii ka hadlay ay boogaadin iyo amaan u soo jeediyeen Ciyaartooyda Soomaaliyeed ee ka yar 17-ka sano, kuwaaso natiijo wanaagsan ka gaaray kulamadii ugu danbeyay ee dhawaan ay kula yeesheen Wadanka Jabuuti iyo Magaalada Nifaasha ciyaartoda dadooda ah ee dalka Kenya.

Macalin Maxamed Cabdi Farayare Tababaraha Xulka Juyarta Soomaaliyeed oo hadal qimo badan halkaas ka jeediyay ayaa waxa uu ka sheekeyay sida ay guulaha oga gaareen ciyaarihii ugu danbeyey ee ay la yeesheen ciyaartoda Kenya asagoona sheegay iney qaladaad badan lagu sameyay intii ay jogeen Kenya waxuuna yiri, “ intii aan jognay wadankaan kenya waxaan la kulanay dhib faro badan, dowlada Kenyana si looga raayo ciyaartoda Somalia darteed waxey u sameysay wax kasto maxaa yelay waxey nageeyeen meel anan ku wanaagsaneyn in lagu ciyaaro sida Garoonka ku yaalo magaalada Nakuuro oo uu saran yahay ganaax, waxaana aan ku ciyaarnay garoon anan u qalmin in lagu ciyaaro oo sharci daro ah, taasna waxey u sameysay dowlada Kenya in ciyaartooda Soomaaliyeed aynan helin dad taageero madaama ciyaartii ku dhex martay Xulalka Somalia iyo Kenya sanadii 2008 garoonka ku yalo gudaha Nairobi ay Ciyaartoda Somalidu ay ka taageero badnaayeen kuwa dalkooda lagu ciyaaraayo ee Kenya sidaas darteed Kenya waxey go’aan satay in Ciyaartoda Somalia aynan helin tageero sidii oo kale ah sidaas ayeyna u geysay nifaasho oo ciyaartii ay ka dhacday”.

Junyarka Xulka Kubada cagta Somalia oo ay isku group ahaayeen ciyaartoyda dhigooda ah ee Wadanka Kenya, ayaa lugtii horee ciyaarta oo ka dhacday wadanka Jabuuti 09-April-2010 ay ku adkaadeen ciyaartoda Somalia 3-1 ayadoona labo kamid ah goolashaas uu dhaliyay Jabriil Xasan halka Goolka kalena uu dhaliyay Shine, kulankii danbe oo ka dhacay 24-bishaan garoon ku yaalo magaalada Nifaasha ay ku dhamaatay ciyaartii 0-0 ayadoona markii ciyaartu ay socotay kaambiyaadi hore uu garsoorihii ciyaarta uu siyay red card ama Roose ciyaartooy Soomaaliyeed waxeyna ku dhameysteen Ciyaarta Xulka Somalia ayagoo uu ka maqan yahay hal ciyaaryahan.

Balse markii la fiiriyo labadii ciyaaro ee ay wada yeesheen xulalka Kenya iyo Somalia ee ka kala dhacay Jabuuti iyo Kenya ayaa aggregate ama isku dar ahaan ay guusha ku raacday Ciyaartooda Dalka Somalia.

Sidoo kale madaama ayeynan hada dageynin xaalada Dalka Somalia ayaa Xulka Somalia waxey home- ahaan ama Guri ahaan ugu ciyaaraan Wadanka Labaad ee Soomaaliyeed ee Jabuuti halkaaso ah meel ay Soomaali ledahay.

Maalinimada bari ah ayaa lagu wadaa in ay dib ugu laabtaan Ciyaartooyaan Soomaaliyeed Wadanka Somalia ayagoo Guul wanaagsan ka wato Dalka Kenya, waxeyna ka qoreen wargeysyada kasoo baxo wadankaan Kenya in ciyaartii ku dhex martay Magaalada Nifaasha Ciyaartooyda Kenya iyo Somalia ay aad ugu wanaagsanaayeen kuwa Somalia ayagoona ku dhaliilay Masuuliyiinta Ciyaaraha ee Kenya in ay ka gaabiyeen iney si fiican u tababaraan xulka Wadankooda.

Kulanka ugu soo horeyay ee ay ciyaari doonto Somalidu ayaa waxuu dhici doonaa 27-August ee sanadkaan ayadoona lugta hora ay ka dhici doonto wadanka Jabuuti halka kulanka labaadna ay aadi doonaan Ciyaartooyda Soomaaliyeed wadanka Masar ayadona uu rajo wanaagsan ka mujiyay macalin Farayare ciyaarta ay masar la yeelan doonaan.

Dhanka kale waxey aad ugu mahadceliyeen Masuuliyiinta iyo Ciyaartooda Soomaaliyeed Safiirka Somalia ufadhiyo wadankaan Kenya Mohamed Ali America oo gacan wanaagsan ka geystay intii ay ciyaarahan socdeen.

Najah Mohamed Ali.
najah.moha@gmail.com
najax.usa@hotmail.com
Nairobi-Kenya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.