Home » Warar »

Walad Cabdalla oo “niyadjab kamuujiyay muranka ka dhex aloosan Barlamaanka” DFKMG

Xafiiska Qarammada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS)

WARSAXAAFADEED 08/2010

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed inay wax ka qabtaan baahida ummadda Soomaaliyeed

Nairobi, 26 Abriil 2010 – Kulankii 17aad ee Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore lagu qabtay xarunta Jaamacadda Dowladaha Carabta ee Qaahira. Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah, ayaa u riyaaqay ka soo qaybgalka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Md. Amr Musa, wuxuuna ku tilmaamay ka soo qaybgalkiisa inuu ahaa mid miradhal ah. Wuxuu kaloo garwaaqsaday dadaalka midaysan ee bulshada caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ay ku muujiyeen inay si aad ah u danaynayaan inay wax ka qabtaan xaaladda guud ee Soomaaliya. Hase ahaatee, Ergeyga Gaarka ayaa maanta niyadjab kamuujiyay muranka ka dhex aloosan Barlamaanka.

“Sidaa darteed, waxaan si xanuun leh ula socdaa doodda aan waxtarka lahayn ee arrimaha Barlamaanka ee ka socota Muqdisho. Inkastoo, aniga iyo dadka intooda kaleba aan garwaaqsanahay in wax laga qabto arrinta gunnooyinka xildhibaannada Barlamaanka, waxaan ka xumahay cambaaraynayaana waqtiga iyo awoodda la geliyay dood aan waxtar lahayn, taasoo ay ahayd in loo adeegsado arrimaha muhiimka ah ee hadda jira,” ayuu yiri Ahmedou Ould-Abdallah. “Waxaa wax ka qabasho degdeg ah u baahan baahida dadweynaha Soomaaliyeed, sida arrimaha amniga iyo hirgelinta heshiiskii lala galay Ahlu Sunna Wal Jamaa (ASWJ) iyo heshiiskii lala galay Puntland ee ku saabsanaa wax ka qabashada burcad badeedda.”

“Sidoo kale waxaan hubaa in madaxda Dowladda iyo Barlamaanka ay ka gudbi doonaan khilaafka u dhexeeya ayna xoogga saari doonaan wax ka qabashada hawlaha caadiga ah ee Dowladda kuwaasoo taabanaya dadweynaha, ha ahaadeen kuwa jooga dalka gudihiisa ama dibaddiisaba,” ayuu yiri Md. Ould-Abdallah.

“Sidaa darteed waxaan la kulmayaa safiirka Mexico Claude Heller, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Qaramada Middobay u qaabilsan arrimaha cunaqabataynyta saaran Soomaaliya iyo Eritrea, isaga iyo guddigiisa oo booqanaya gobolka lana kulmaya wakiillo ka socda Soomaaliya iyo Kenya, iyo saraakiil kale oo ka socota gobolka iyo Qaramada Midoobay iyagoo xilkooda gudanaya. Wafdigu wuxuu tixraacayaa soona hadalqaadi doonaa arrinta ku saabsan la xisaabtan la’aanta muddada dheer dhibaatada ka jirta Soomaaliya siixumaynaysay. Sidaa darteed waa inay caddaato in cunaqabatayn lagu soo rogo kuwafalalkoodu gacan ka geysanayo xasillooni darrada Soomaaliya.”

“Waqi ma jiro fursadahana waa la lumin doonaa haddii madaxda Soomaaliyeed ay ogolaadaan in khilaafaadka yaryari ay ka leexiyaan inay wax ka qabtaan arrimaha u baahan inay si degdeg ah wax uga qabtan, gaar ahaan hawlgalkooda.”

_____
Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsanisgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi Tel. +254 20 762 7132/7133 ama +254 733902020 ama 737400133Fadlan eeg rugta Internet-ka (website) www.unpos.unmission.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.