Home » Warar »

“Ahlu Sunna Waljamaaca” oo Cambaarayn Kulul dusha uga Tuuray DFKMG

Abu Yuusuf Al-Qaadi “Dadkii lagu laayey suuqa Bakaaraha waxaa mas’uuliyadooda qaadeysa Dowladda Federaalka”
 
 
Iyadoo shalay Bakaaro ay ku dhinteen ilaa iyo dhowr iyo labaatan qofood oo shacab Rayid ah kadib markii madaafiic aad u tiro badan lagu garaacay suuqa bakaaraha iyo agagaarkiisa ayaa waxaa xasuuqaasi aad u cambaareeyey qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxayna cambaareyntii ugu kululeyd ka timid Madaxa Warfaafinta ee Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh Cabdulaahi Shiikh Cabdiraxmaan  (Sheekh Abu-Yuusuf Al-Qaadi,) waxa uuna mas’uuliyada dhibaatada loo gaystay dadka rayidka ah dusha ug a tuuray Dowladda Federaalka.
 
“War waxaasi dagaal ma ahan Madaafic dadka lagu garaaco waxba soo kordhinmaayaan ee waa in qolo meesha u hartaa” ayuu yiri Al-Qaadi oo u tacsiyeeyey dadkii ku waxyeeloobay duqeyntii Bakaaraha kuna tilmaamay mid aan loo dulqaadan Karin, “Waxaan u dagaalameyno waa shacabka sidii aan u xoreyn laheyn ee ma ahan in dadka  la is ka xasuuqo” ayuu yiri Abu Yuusuf Al-Qaadi oo sheegay in  shacabka looga baahan yahay in ay midoobaan oo caddowgooda meel uga soo wada jeestaan
“waxyaabaha ugu horeeya ee aan Dowladda kala hadli dono waa sidii shacabka looga joojin lahaa duqeynta naxariisdaraa isagoo ku tilmaamey in waxa socda aysan ayan dagaal , wuxuu kaloo uu sheegey in  duqeynta ugu badan ay geystaan Ciidamada Amisom oo uu sheegey in ay hoostagaan Dowladda”ayuu yiri Abuu Yuusuf Al- Qaadi .

Sharciga ka yaal Dagaalada ee caalamka ayaa waxaa uu dhigayaa haddii laguu soo tuuro AK-47 waa in isaga ku jawaabtaa balse ma ahaa in aad in aad madaafiic ku jawaabto oo aad adeegsato Quwad xaddhaaf ah  , waxaana xaqiiqo ah in ciidamada Amisom ay adeegsadaan Hub aad u culus welibana waxaa arrintaan Cambaareeyey Beesha Caalamka mar ay ka hadlayeen Dagaalada u dhaxeeya iyaga iyo kooxaha ka soo horjeeda


 
Mar uu ka hadlayey heshiiskii dhex maray Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Waljameeca waxa uu sheegay in heshiisku uu meel wanaagsan haatan marayo, dhawaana ay ka soo bixi doonaan go’aano taariikhi ah oo uu shacabku u aayo, hase yeeshee Guddoomiyaha Ahlu Sunna Waljameeca ee Midowga Yurub Max’ed Xuseen Abukar (Awliyo) ayaa waxa uu sheegay in ay ka walwalsan yihiin ammaanka xubnaha Ahlu Sunna Waljameeca ee ku sugan Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in heshiiskii dhex maray, Ahlu Sunna Waljameeca iyo Dowladda Federaalka uu qarka u saaran yahay in uu gebi ahaanba burburo.
 
Dhanka kale mar uu ka hadlayey dagaalo dhawaanahan ka dhacayay dhanka bari ee Gobolka Galguduud waxa uu sheegay in halkaasi uga baxeen xeelado dagaal ayna dhawaan dib u soo rogaal celin doonaan dib ula wareegi doonaan goobihii aan ka baxnay, “Waxaan sidaasi u sameynay in aan shacabka badbaadino” ayuu yiri Al-Qaadi.
 
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.