Home » Warar »

19 madfac oo Galabnimadii Axadda lagu riday gudaha iyo hareeraha suuqa bakaaraha iyo dhimasho iyo dhawac soo garey dad rayid ah

Inta la hubo 13-qof ayaa ku dhintay in ka badan 30 qof oo dhamaantood rayid ahna way ku dhaawacmeen, duqeyntaas oo ahayd Madaafiic aad u waaweyn oo ka soo dhacaysay xarumaha DFKMG ah iyo kuwa AMISOM ee Muqdisho.

Gabal dhacii Axadda duqeeyn culus iyo dagaalo u dhaxeyey ciidamada DFKMG iyo xoogaga hubeeysan ayaa waxa uu ka dhaceen degmooyinka Ka mid ah magaalada Muqdisho.

madaafiicdaan ayaa lala beegsanayey gobaha dadka rayid ah u badan yihiin xili uu suuqu ahaa mid aad loo soo buuxdhaafiyey isla markaana dadku isu diyarinayeen in ay guryahoodii u hoydaan waxaana tiro madaafiic ah ku soo hoobteen goobihii ganacsiga ,iyo goobo kale ay dad rayid ah ku jireen waxaana ay madaafiicdaani kaga imanayesa dhanka madaxtoodaya iyo agagaarkeeda oo ay joogaan in ka badan 310 xildhibaan iyo madaxweynihii ,raiisal wasaarihii iyo gudoonka barlamanka kuwaas oo aanay jirin wax ka hadlay inta la ogyahay shacabka guryahooda lagu xasuuqay iyo wadooyinka xaafadaha ay dagan yihiin.

Marka laga sootago dagaalka dhaxmaray ciidamada Dowlada FKMG iyo xoogaga hubeeysan ayaa duqeeynta oo ahaayd mid culus oo bartilaameeyd ahaayd ayaa babatay dhimashada ilaa 13 ruux iyo dhaawaca in kabadan 30 ruux.

Madaafiicda ayaa waxa lagu garaacay xaafado ka mid ah degmada Wardhiigleey iyo.howlwadaag ayaa waxaa ay aheyd mid laga argagaxo isla markaana dadkii jiifka uu qaban waayey halka geedaha dushooduna ay shirbirihii ka duuleen .

Madaafiic ku dhacday gallinkii dambe ee Axadda suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac gaartay dad rayid ah oo ku sugnaa suuqa.

Inta la hubo 13-qof ayaa ku dhintay in ka badan 30 qof oo dhamaantood rayid ahna way ku dhaawacmeen duqeyntaas oo ahayd Madaafiic aad u waaweyn oo ka dhacaysay xarumaha DFKMG ah iyo kuwa AMISOM ee Muqdisho.

Madaafiicda ayaa intooda badan waxay ku dhaceen gudaha iyo daafaha suuqa, iyadoo gaadiidka gurmadka degdegga ah ay ka qaadeen goobahaas dhaawacyo kala duwan, iyagoo gaarsiiyay Isbitaallada Muqdisho qaarkood.

“Waxaan arkay dhimashada laba qof oo midi ay ahayd haweeney, sidoo kale sideed qof oo daawacyo kala duwan qaba ayaan arkay” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa suuqa oo xilligaas argagax xooggan uu ka muuqday.

Wiil dhalinyaro ah ayaa meydkiisa waxaa lagu arkay isgoyska howlwadaag oo ay madaxa ka jabisay xabad madfac laga soo riday dhanka madaxtooyada .

Sidoo kale deegaanka siinaai madafiic kuhoobatay ayaa dishay 4 qof iyada oo dhawacuna inta ka badnaa

Xilliga ay duqeymuhu dhacayeen ayaa ahayd xilli ay ganacsatadu ka baxayeen suuqa, waxaana la sheegay in madaafiicdan ay jawaab u ahaayeen kuwo laga tuuray suuqa hareerihiisa, lana beegsaday Madaxtooyada.

Ma aha markii ugu horeysay ee Muqdisho cidamada Midowga Africa ay ka geystaa duqeymo Noocaan kale ah waxayna arintaani ku soo beegmeysaa xili xildhibaanada golaha “sharci dajinta” ay iska indho tirayaan dadka shacabka ah eek u dhamanaya maalin kasta duqeymaha iyo madaaficida aan loo meel deyin eeku habsaneysa hooyo somaliyeed ama wiil somaliyeed kuwaas oo markii horeba la liicliicayey habkii ay u maareyn lahaayeen noloshooda waxaana Duqeymaha ka dhaca Magaalada Muqdisho ay geystaan khasaarooyin isugu jira dhimasho ,dhawan iyo burbur hantiyeed iyada oo khasaaraha ugu badan kasoo gaaro dadka rayidka, waxaana dhinacyadu isku riixriixaan mas’uuliyada eeda khasaaraha nafeed ee ka dhasha dagaalka iyo duqeymaha .

Ma jiro wax heshiis ah oo muuqdo iyo cid isku howshay daminta colaadaha ragaadiyey nolosha in badan oo ka mid ah dadka somaliyeed ee ku nool gudaha iyo kuwa dibadaha oo wehel u noqday xero qaxooti, bad iyo xabsi halka qaarnoodna ay ku nool yihiin nolol adag qurbaha.

Maanta ayey ahayd markii jariidadda Toronto Star ee Canada ay qortay in wiilkii 30-aad oo Soomaali ah lagu diley magaalada Alberta ee galbeedka Canada lag asoo bilaabo 2005… Somali man from Toronto killed in Alberta city

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.